SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKA MAANTA: JAN 17, 2006

  • Xiriir dhex maray Shariif Xasan iyo Xildhibaan Xaabsade

  • Dowladda Federaalka oo taageero caalami ah ka heshay..

  • C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi oo kulan gaar ah la qaatey Kibaki ..

  • Xubnaha labada Gole ee ka soo kala jeeda Sacad iyo Saleymaan oo soo jeediyey Xabad joojin..


Xiriir dhex maray Shariif Xasan iyo Xildhibaan Xaabsade

Warar aanu ka helnay Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu xiriir la sameeyay xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.

Guddoomiyaha Baarla-maanka iyo Xaabsade ayaa ka wada hadlay arrimo fara badan oo al xiriira sidii uu qabsoomi lahaa kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka, iyadoo Max’ed Ibraahim Xaabsade la sheegay in uu aad u daneyno in kulankaasi ka dhacayo Magaalada Baydhabo.

Mudane Xaabsade waxa uu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Baydhabo ay tahay mid aad u wanaagsan magaaladuna ay martigelin karto kulankaasi.

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh ayay ku xiran tahay halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Golaha, iyadoo magaalooyin fara badan soo dalbadeen martigelinta kulankaasi. 

Dowladda Federaalka oo taageero caalami ah ka heshay..

Iyadoo dhawaan la soo af jaray khilaafkii u dhexeeyay xubnaha Dowladda, gaar ahaan khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa haatan dowladda soo gaaraya taageero dhaqaale iyo mid dib u dhis, iyadoo taageeradii ugu dambeeysay ay Dowalddu ka heshay ururka Midowga Yurub, kaddib markii uu daboolka ka qaaday in Dowladda uu tageeri doono dib soo celinta hay’adihii Dowliga ahaa, sidoo kale Ururka Jaamacadda Caraba ayaa isna waxa uu balanqaaday in uu bixin doono wixii dhaqaale ah oo ay Dowladdu u baahan tahay, sidoo kale Dowladaha deeqda bixiya ayaa waxa ay iyana sheegeen in heshiiskii dhex maray Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid faa’iido ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in Dowladdu ay heli doonto dhaqaalihii u xayirnaa khilaafka C/llaahi iyo Shariif Xasan. Sidoo kale Hay’adda UNDP oo iyadu horey u balanqaaday in ay bixineyso mushaarka Xidhibaanada Baarlamaanka balse joojisay mushaarkaasi khilaafka aawadii ayaa haatan waxay caddeysay in ay si dhaqsi leh ugu bixn doonto mushaarkaasi. Waxaa isna si aad ah u soo dhaweeyay heshiiska dhex  maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Ururka Midowga Afrika oo isna sheegay in taageero hiil iyo hooba siin doono Dowladda Federaalka.  

C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi oo kulan gaar ah la qaatey Kibaki ..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi ayaa shalay kulan la yeeshay madaxweynaha Wadanka Kenya Kipaki, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii ay Dowladda Federaalak mar qura u wada shaqeyn lahayd kaddib markii uu in mudo ah uu khilaaf ka dhexeeyay.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay si aad ah u soo dhawaneyso heshiiskii ka dhacay Dalka Yemen oo uu ka shaqeeyay Cali Cabdalla Saalax, waxa uuna u soo jeediyay mas’uuliyiinta Dowladda in ay heshiiskaasi is ficil ah u hirgeliyaan maadaama shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay Dowlad iy kala dambeyn.

Saddexda mas’uul ayaa waxay u sheegeen in Dowladda Kenya in ay si daacadnimo ah ay u fulin doonaan heshiiskaasi dibna ugu laaban doonaan dalka, iyadoo markuu dhamaaday kulankaasi Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminay ay u ambabaxeen wadanka Kuweyt halkaas oo ay kaga qaybgalayaan tacsida Amiirkii Kuweyt Shiikh Jaabir.

Markuu Madaxweynuhu soo dhameysto tacsida waxa uu ka qaybgali doonaan shirka hogaamiyaasha ururka Midowga Afrika ee 22-ka bishan ka furmi doona dalka Suudaan.

Xubnaha labada Gole ee ka soo kala jeeda Sacad iyo Saleymaan oo soo jeediyey Xabad joojin..

Maalintii shalay ahayd ayaa kulan isugu yimaadeen xubnaha labadaa Gole ee ka soo kala jeeda Beelaha Sacad iyo Suleymaan ee dirirtu ku dhex mareyso deegaano ka tirsan Gobalada Dhexe, dagaalkaas oo galaaftay dad aad u fara badan isla markaana barakaciyay dad boqolaal qoys gaaraya, ayaa waxaa kulankaasi looga hadlay sidii soo afjari lahaa dagaalkaasi.

Xubnaha labada Gole ee beelaha Sacad iyo Suleymaan ayaa waxay isku afgarteen in ay magacaabaan guddi ka soo baaraandega sidii loo abaabuli lahaa kulan guud oo dhex mara labada beelood, kaasoo la filayo in uu ka dhaco gobalada dhexe.

Cismaan Xasan Cali Caato ayaa kulankaasi markii uu dhamaaday la hadlay saxaafadda waxa uuna sheegay in labada beeloodba, waxgarad-kooda iyo siyaasiyiintoodaba ay aad ugu danqadeen dagaaladaasi oo uu ku tilmaamay kuwo naxdin leh. sidoo kale Max’ed Jaamac Furux oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in labada beelood looga baahan yahay in si ficil ah ay u soo gebagabeeyan colaadaasi, wuxuuna isna ku tilmaamay dagaaladaasi kuwo micnadaro ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2006

Dagaalkii Kismaayo oo Istaagey
Wararka Kismaayo ka imanaya ayaa sheegay in Col. Cabdi Cigaal uu isu dhiibey ciidamada Barre Hiiraale, in kastoo ay jiraan warar kale oo taas khilaafsan, waxaana dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan 14 qof... Warka oo dhan... Guji.

Dagaal Xoogan oo Ka Dhacay kismaayo
»Prof. Dhalxa “waxaa khasab ah in lala shaqeeyo M/weynaha
»Bosaso: Warbixin Xafladii Xilwareejinta Gudoomiyaha G/Bari
»DFKMG-ka oo Kuwait uga tacsiyeeysay Geerida Amirkoodii
»Kulan saacado qaatay oo ay ka dhacay Nairobi...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... | Jan 16