SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAADKA
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


 
Qaadka iyo London. 

Britain oo Mamnuucaysa Qaadka la cuno

By: Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London 

Sida dad badani ay la socdaan qaadku waxaa uu kamid yahay Mukhaadaraadka ay sida joogtada ahi u isticmaalaan Kooxaha Muqayiliinta Soomaalida ee jooga dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa intaba iyadoo dhibaatooyinkiisu ay yihiin kuwo saamayn ku yeesha Nolosha qofka iyo Qoyskiisa intaba. 

Britain waxaa ay kamid tahay meelaha ugu badan ee Qaadka ay ku Cunaan Soomaalida ku nool Qaaradda Yurub iyagoo Koox Koox u fariista oo ku qayila ama ku Mirqaama Goobaha loo Yaqaano Mirfishka oo Mudooyinkan danbe kamid ah Goobaha lagu ganacsado maadaama ay dhaqaale badan ku helaan dadka furta qolalkaasi ama Kiraysta. 

Warbixin dhowaan lagu faafiyay Shabakadda Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa lagu sheegay in  inta badan dad laga qaaday codbixin ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Jaadka laga mamnuuco Britain iyagoo muujiyay dhibaatooyinkiisa guud ahaaneed iyo kuwa gaar ahaaneed oo si weyn loo soo dhoweeyay. 

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Qaadka laga helay Mawaad kamid ah Daroogada loo yaqaano Cathine and Cathinone oo labaduba soo galaya Darajada ama Kaalinta C marka laga hadlayo Daruugadda oo mamnuuc ka ah Dalka in lagu kala iibsado. 


»Qaadku waa laba nooc, Miraa iyo Hereri
»Miraa waxa uu ka baxaa Kenya
»Hereri waxa uu ka yimaadaa Itoobiya
»Marduufka qaadka waxa uu dalka Britain ka joogaa £3
» Qaadku waa ka mamnuuc Canada iyo USA, waxana marduufku ka joogaa int au dhexeysa $50 iyo $80
SOURCE: Harmless habit or dangerous drug?
»»Parliamentary debate on khat

»»High Road 'khat' den closed down


»Xiriirka ka dhexeeya Qaadka iyo AIDS..
 

Dadka ay Waraysiga ka qaaday Wasaaradda Arimaha Gudaha  oo kala jooga London, Birmingham, Bristol iyo  Sheffield Waxaa ay sheegeen in ay aaminsanyihiin Jaadku uu sabab u yahay in dad badani aanay shaqaysan xiligan ama aanay Waxba baran iyagoo jooga dal ay ka shaqaysan karaan ama ay wax ka baran karaan maadaama ay ka soo carareen dalkoodii hooyo sababo jira awgood. 

Waxaa kaloo Qaadka ay u arkaan in loo isticmaalo Dhaqaale aad u fara badan isla markaana uu qayb ka yahay dhibaatooyinka haysta qoysaska Soomaaliyeed oo u batay kuwa kala yaaca ama kala taga marka la yimid dalalka qurbaha, waxaana inta badan dhacda in nimanka qayila iyo xaasaskooda ay kala tagaan. 

Qiyaas ahaan 200 gram ilaa 250 gram ee Qaadka (7oz ilaa 8.8oz) waxaa lagu kala iibsadaa Goobaha Mirfishyada £3 oo ah Lacagta Giniga ee Britain. Waana lacag ka qiima saraysa Dollarka Maraykanka. 

Waxaana Caroline Hamilton oo kamid ah Booliska Dalka Britain mar aan Waraysi la yeeshay aan wax ka waydiiyay arinta qaadka waxaa ay sheegtay in wali ay wadaan Baaaritaanka la xiriira dhibaatooyinka qaadka oo Dawladdu ay talaabo ka qaadi doonto marka laga soo saaro sharci cusub si lamid ah kii Gudniinka Fircooniga oo laga dhaqan galiyay dalkan. 

Waxaa kaloo iyana aan arintan kala sheekaystay dad badan oo Soomaaliyeed oo sheegay in Jaadku uu yahay waxyaabaha ugu way nee keena furiinka qoysaska Soomaaliyeed iyo akhlaaq daradda lasoo gudboonaata caruurta marka ay waayaan aabe xanaaneeya iyo hooyo daryeesha. 

Waxaa kaloo iyana jira haween kamid noqday kuwo qayila markii ay soo galeen dalalka qurbaha waase cadad ka yar cadadka Ragga oo noqday kuwo laf dhabar u ah cunitaanka iyo ka ganacsiga qaadka oo horay looga mamnuucay dalalka la dariska ah Britain sida Sweden, Denmark iyo Hollland. 

Maalmihii ugu danbeeyayna waxaa Magaalada ku yaraaday Qaadkii laga keeni jiray Nairobi iyo Addis Ababa inkasta oo aan la ogayn sababta keentay in maalmo dhowr ah aan wax qaad ahi soo gaarin London, taasi oo dad badan ay ku farxeen hadii uu noqdo mid ay Dawladdu bilawday talaabo ay ka qaado.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London 
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2006

AKHRI:::: Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka


KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...  ABC Australia...