SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 January 2006
 
Shir ay madaxda JWXO gudaha ku yeesheen.
 
Dagaallo cadowga Itoobiya lagu naafeeyay.
 
 Shirar Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Kenya iyo Jarmalka.
 
Aragtida Halgamaaga(Khayaanada Wayaanaha & Kaalinta Odayaasha).
 
Gabay Cusub & Roda Afjano(Dhalinyaro) Maqal.
 
======================
 
Intii u dhaxayasay 1 - 8  Janwari 2006 waxaa gudaha Ogaadeenya shir ku yeeshay madaxda qaybaha kala duwan ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo masuuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Jabhadda. Shirkaas waxaa lagaga hadlayay arrimaha ay ka midka yihiin "Qiimaynta halganka gobonimadoonka Ogaadeenya sannadkii tagay; Iyo qorshaynta sidii loo hirgalin lahaa istiraatijiyada Jabhadda ee mustaqbalka dhow". Wuxuu Shirkaasi ku dhamaaday guul iyo iyadoo ujeedadii laga lahaa si fiican looga gaadhay.
 
Markii la qiimeeyay halganka sannadkii la soo dhaafay waxaa la isla qiray in guulo badan laga gaadhay dhinaca dagaalka hubaysan, dhinaca abaabulka dadwaynaha iyo dhinaca siyaasaddaba. Waxaa la qiray in shacabkii Ogaadeenya uu si aan kala hadh lahayn hiil iyo hooba isula garab istaagay JWXO.
 
Waxaa guulaha la gaadhay ka mid ah in dabaqoodhigii hubaysnaa ee gidaarka u ahaa askarta cadowgu gabi ahaanba burburay oo maanta aanuu Ogaadeenya ka jirin ciidan hubaysan oon ka ahayn midka gumeysatada Itoobiya, taasoo keentay in ciidankii cadowga Itoobiya jahawareer ku dhaco oo ay la soo darseen xaaladaha ay ka midka yihiin goosasho, amar-diido iyo inuu is-laayo. Shirku wuxuu sidoo kale aad u soo dhoweeyay dadaalka faraha badan ee geesinimadu ku dheehan tahay ee Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalka dibaddiisa ka wadaan.
 
Ciidanka gumaysiga Itoobiya markii lagaga guulaystay goobaha dagaalka wuxuu ku gaydhaday dadweynaha Ogaadeenya ee rayadka ah, wuxuuna billaabay inuu magaalooyinka gubo, dadka iyo maxaabiistana laayo.
 
Waxaa kaloo la isla tilmaamay sida uu cadowgu isugu dayay inuu dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada qasab ku taxaabo, si uu ugu adeegsado dagaalka gar-darraysiga ah ee uu doonayo inuu ku qaado dalka Eriteriya, hase yeeshee waxaa arrin lagu farxo ah in dadwaynuhu ay si toos ah uga soo horjeedsadaan isku dayga cadowga, isla markaana ay fashilyaan siyaasaddiisii xasuuqa la xidhiidhay.
 
Waxaa kaloo qiimayntii la qiray inuusan jirin maamul wax lagu tilmaami karo oo Ogaadeenya ka jira oo aan ka ahayn koox yar oo la qawlaysata madaxda Wayaanaha, kuwaasoo magaalada Jigjiga Wayaanaha kula qaybsada waxay ku tilmaamaan baajadkii Kililka.
 
Dagaallo cadowga Itoobiya lagu naafeeyay.
 
Dagaallo badan oo dhexmaray ciidanka gumeysiga Itoobiya iyo cidanka waddaniga xoreynta Ogaadeenya CWXO waxaa si wayn loogu naafeeyay ciidammada kar-karka ah ee gumaysiga Itoobiya, waxaana dagaalladaas ka mid ah:
 
-25/12/05 La-helow oo ka tirsan gobolka Doollo dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 6 waa lagaga dhaawacay.
 
-26/12/05 dagaal ka dhacay Carrabley oo iyana gobolka Doollo ka tirsan waxaa ciidanka Wayaanaha lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
-24/12/05 Awsharif oo magaalada Baabilli u dhow dagaal ka dhacay waxaa cadowga Wayaanaha lagaga dilay 15 askari, 20 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
-01/01/06 Dameer-Jiif oo Garbo u dhow dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 8n kalaa waa lagaga dhaawacay.
 
-06/01/06 Karin Bilcile oo 15 km u jira magaalada Qabridaharre waxaa cadowga lagaga gubay Baabuur wayn, waxaana kaga dhintay 25 askari.
 
- 06/01/06 Yoocaale oo Garbo u dhow dagaal ka dhacay waxaa cadowga Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 5 waa lagaga dhaawacay.
 
-07/01/06 meesha lagu magacaabo Maygaaga, oo Waylo-lagu-xidh 5 km u jirta, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 7 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama gobollada dhexe ee Ogaadeenya ayaa sheegaya inay jiraan dagaallo kale oo dhxe-maray ciidanka waddaniga xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga Itoobiya, kuwaasoo meelo kala duwan oo Ogaadeenya ak mid ah ka dhacay, hase yeeshee aan faahfaahintooda wali al helin. Wariyuhu wuxuu kaloo sheegay inay jiraan dadwayne rayad ah oo dhawr degmo oo kala duwan lagu xidhxidhay.
 
Shirar Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Kenya iyo Jarmalka.
 
Maalintii axadda ahayd ee taarikhdu ku aaddanayd 15/01/2006 waxaa lagu qabtay magalada Nairobi ee dalka Kenya shir ballaadhan oo lagaga arrinsanayay sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidiyo halganka hubaysan ee JWXO horseedka ka tahay ee ka socda dalka Ogaadeenya.
 
Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay gabdhaha reer Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada Nairobi, waxaa lagu go’aamiyay in la labanlaabo taageeradii loo fidin jiray halganka, isla markaana hiil iyo booba lala garab istaago ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee naftooda u huray ciiddooda qaaliga ah iyo siyaasada gumaysi diidka ah ee JWXO qaadatay.
 
Sidoo kale markii ay taariikhdu ahayd 14/01/06 waxaan magaalada Offenbach oo ku taalla duleedka magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka lagu qabtay xaflad wayn oo lagu maamuusayay Ciidda Carrafo, taasoo ay soo diyaarisay Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Jarmalka. Xafladdaa waxaa loogu talagalay in carruurta reer Ogaadeenya ay isku bartaan, isla markaana wax looga sheego taariikhda dalkooda iyo dadkooda. 
 
Goobta Xafladda, oo ay isugu yimaadeen dad ay tiradoodu ka badan 200 oo Qof, oo isugu jiray dad waawayn iyo carruur, waxaa lagu daawaday cajalad cusub oo DVD ah oo laga soo duubay gudaha Ogaadeenya iyo qaar ka mid ah dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya eek u sugan dalalka Ogaadeenya deriska la ah.
 
Xafladdaas waxaa hadallo warbixin iyo wacyi-galin isugu jira ka soo jeediyay madaxda hooggaanka dhaqaalaha ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, oo ka warbixiyay meesha uu marayo halganka Ogaadeenya iyo guulaha waawayn ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay ka soo dheelmeen goobaha dagaalka. Wuxuu sidoo kale ka warbixiyay xaaladda Itoobiya iyo burburka ku soo food-leh xukuumadda gumaysiga Itoobiya.
 
Waxaa sidoo kale xafladdaas warbixin dheer ka soo jeediyay xubin ka mid ah Jaaliyadda Ogaadeenya oo dhawaan ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika iyo waddanka Yeman, kaasoo si wayn uga warramay dhibaatada haysata qoxootiga soomaaliyeed, gaar ahaan qoxootiga Soomaalida Ogaadeenya, ee ku suga xeryaha qoxootiga ee dalalka Jabuuti iyo Yeman.
 
 Radio Xoriyo
17 January 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2006