SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
 
 
Booqashadii SomaliTalk.com ee Kuliyada Waxbarshada Macalimiinta Garoowe iyo Booqashadii Isbitaalka Garoowe.

Booqashadii Kuliyada Waxbarshada Macalimiinta Garoowe.

SomaliTalk.com | Garoowe, Soomaaliya | Jan 19, 2006


Dhismaha Machadka Waxbarashada Macalimiinta ee Kuyaal Garoowe

Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta waxaa laga furay Magaalada Garoowe waxaana loogu tala galay in laga soo saaro Macalimiin wax ka dhigta Iskoolada Puntland. Kulliyada waxaa la furay 13 Nov 2005 sida uu SomaliTalk.com u sheegay Prof: Cabdirisaaq Shoola oo Maamule ka ah Kuliyadaa, sida uu sheegay Maamulaha Kuliyada waxaa la dhisay Labo sano ka hor waxaana dhisay hay'ada Diakonia. Sida uu sheegay Maamulaha waxaa kalifay in hada la furo waxaa loo helay Dhaqaalihii lagu wadi
 lahaa Kuliyada.


Gudaha MachadkaWaxbarashada Macalimiinta Garoowe.

Kulliyada Macalimiinta Garoowe waxaa ay ka koobantaay Toban Lab-ka Sayniska iyo Lab-ka Computar-ka Hool Shirarka, Xafiisyada Maamulaka iyo Maqaayad.


Prof.Cabdirisaaq Shoola oo ah Maamulaha MacadkaWaxbarashada Macalimiinta Garowe

Maamulaha mar aan wax ka waydiinay xiliga looga Qalin jabinayo iyo Ardayda ay Qaadan karaan ayuu waxa uu ii sheegay in xiligu yahay Labo Sano ayna gaarsiin doonaan ilaa Afar sano, ardayda ay qaadan karaana ugu badnaan tahay 100-110 lakiin hada ay qaateen arday gaaraysa 71 arday oo buxisay shuruudihii loogu talagalay.


Prof. kahadlaya Kaalinta Dhalinyarada ay kaga Jirto Waxbarida Ummada

Machadka waxaa kula kulay Macalimiin ka soo baxay Jaamacadaha Dibada oo ay ka md tahay Jaamacada Urdunman ee Suudaan.

Kuliyada ayaa Maamul ahaan hoostagta Gudi laga soo xulay Mamulka Wasaarada Waxbarshada DGPL, Hay'ada Dhistay iyo tan Maalgalisay oo kala ah Diakonia iyo SIDA. Gudigaa ayaa waxaa Madax u ah Wasiirka Waxbarashada DGPL.

Kuliyadaan ayaa dhiirigalin wanaagsan u noqonaysa Maclimiinta iyo Waalidiinta aadka uga Qayliya Macalimiin aan Tababarnany oo wax u dhiga Caruurtooda.


Dhismaha Jaamacada Puntland ahna Macadka Maamulka iyo Maareynta Garoowe

Waxaa isla kuliyada Waxbarshaada laga furay Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso oo hada socota Mudo Afar Bilooda oo ay dhigtaan Arday aad u badan


Aradayda Gabdhaha ee MachadkaWaxbarshada Macaimiinta Garoowe

Macalin kamida Machadka Macalimiinta Garoowe oo Dhiga maadada Xisaabta iyo Computer-ka

 

Aradyda Wiilasha MachadkaWaxbarshada Malimiinta Garoowe

Ardaydii oo Fadhida ComputerLab ee Machadka

Booqashadii Isbitaalka Garoowe.

SomaliTalk.com | Garoowe | Jan 19, 2006


Isbiaalaka Garoowe

Isbitaalka Magaalada Garoowe waxaa uu aad uga Caawiyaa Dadka ku nool magaalada Garoowe Qaybaha Qaliinka, Raajada iyo Shaybaarka waxa kaloo ka faa,idaysta Hooyooyinka Dhalaya, sida uu ii shegay Agaasimaha Isbitaalaka Garoowe Cabdixamiid Yuusuf in ay jirto Dhakhatiir yaraan, waxaa Daawada siisa Isbitaalka Lixdii Biloodba Mar Hay,ada Bisha Cas ee Talyaniga.

Mar ay warbixi naga siiyeen Agaasimaha iyo Ku xigeenka Agaasimaha ayaa waxaa ay sheegeen in isibitaalka uu ka shaqeeyo wixii Gurmad Degdaga oo markaa qofkii xanuunku hayay loogu yeero Dhakhtar lakiin inta badan dhaqaatiirta ayaa waxaa ay ka faa,iidaystaan Meelaha u gaarka ah oo ay ku shaqeystaan.

 


Agaasimaha isbitaalka Garoowe Cabdi Xamiid Yuusuf Awciise

Kuxigeenka Agaasimaha Isbitaalka Garoowe Maxamed Cali Faarax

GudahaI sbitaalka Garoowe Qaybta Dhalmada iyo Caruurta

Shaybaarka Ibitaalka

Dhakhtarka Neerfaha ee Isbitaalka Garoowe Dr.Maxamed Jaamac Cusmaan (Afgooye)

Farmasiyaha Isbitaalaka Garoowe

Qaybta Raajada e isbitaalka

Shaybaarka Isbitaalka Garoowe Qaybta Baarista

Ardaydii ugu Horaysay oo ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Afrika oo la gudoonsiiyay Shahaadadii, Dhisme Cusub oo ay leedahay Jamacada Bariga Afrika oo la Furay iyo u diyaar garaw loogu jiro Soo dhaweynta Madaweynaha DFKG Soomaaliya iyo Raysal Wasaraha DFKG Soomaaliya. AKHRI HALKAN

Daabaco Boggan | Print
Madaxwenaha DGPL oo Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2006