SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKII MAANTA:: JAN 19, 2006
  • Madaxwenaha DGPL oo Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.

  • Shariif Xasan oo fara marnaan kala soo laabtay kulankii Wasiirada hubeysan.

  • Gawaari rasaas ka soo qaaday Itoobiya oo la kulmey Dagaal…

  • Gaari ku socday Cabudwaaq oo dadkii saarnaa lagu xasuuqey mar ay ay marayeen …

  • Wasaarada Caafimaadka oo soo dhaweysya dhismaha ururka Sheybaariistayaasha…


Madaxwenaha DGPL oo Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.

SomaliTalk.com | Soomaaliya

Madaxweyaha DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade) ayaa intii uu Garoowe ku labtay kormel ku sameyey sida ay u Shaqeeyaan Wasaaradaha DGPL iyo Ciidamada waxaa ka mid ahaa Meelahuu Kormeerka ku tagay Xerada Tababarada Ciidanka Daraawiishta ee 54aad, Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Qorshaynta iyo Hay,da Wadooyinka Nesha.

Waxaa uu Madaxweynaha DGPL ka dhageystay Warbixin Madaxdii halkaa Joogtay.

Waxaa kalo madaxweynaha DGPL uu Booqosho ugu tagay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo mudo aad u dheer ay shir wada galeen ayadoo loo diiday Saxaafada oo aan la shaacin waxa ay ka wada hadlayeen ayaa hadana waxaa uu madaxweynuhu waday wada Tashi Waxgaradka iyo Isimada si uu u helo Talo midaysan oo lagu soo xulo Wasiiro Waxqabad leh.

Sawiro la xiriira booqashadii Cadde Muuse ee Garoowe hoos ka eeg.

 

 


Madaxweynaha DGPL Gen Cade Muuse iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed

WajigaHoreeeWasaaradaCaafimaadka.

Madaxweynaha DGPL oo Warbixinka dhagaysanaya Wasiirka Caafimaadka Xafiiska Wasaarada Caafimaadka

Madaxweyaha oo Booqanaya Wasaarada Caafiaadka oo Warbixin ka dhagaysanaya Wasiirka Caafimaadka DGPL

Madaxweynaha DGPL oo Warbixinka dhagaysanaya Taliyaha Ciidanka DGPL Col.Carays
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

Shariif Xasan oo fara marnaan kala soo laabtay kulankii Wasiirada hubeysan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo wada kulamo uu la leeyahay Wasiirada hubeysan eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shalay deegaana Deyniile kulan kula yeeshay wasiirada kala ah Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow iyo Cismaan Caato, iyadoo kulankaani uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa Guddoomiyuhu uga warbixiyay heshiiskii ay Cadan ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in kulankaasi uu ahaa mid lagu soo afjarayay khilaafka u dhexeeyay Dowladda, wuxuuna u soo jeediyay Wasiiradaasi in ay gacan ku siiyaan heshiiskaasi. Inkastoo loo diiday kulankaasi Saxaafadda haddana warar ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay sheegeen in Guddoomiyuhu u faro marnaan kala soo laabtay Kulankaasi. Warar ayaa waxay sheegayaan in Wasiiradaasi ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen in uusan wax wargelin ah soo siin markii uu u ambabaxay Cadan oo heshiiska kula soo galayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna sheegeen in heshiiskaasi uu ahaa mid uu keligii ku ahaa Guddoomiyuhu. Maanta ayaa la filayaa in mar kale ay isugu yimaadaan kulan kale Guddoomiyaha iyo saddexda Wasiir, iyadoo Guddoomiyaha lagu waramay in ay ku adkaan doonto in uu Wasiirada ka dhaadhiciyo natiijadii ka soo baxday heshiiskii Cadan oo ay si weyn u soo dhaweeyeen xubanah labada Gole ee iyana u sugna Magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha mar la wareystay waxa uu sheegay in uu dadaal dheer u geli doono sidii uu Wasiirada uga dhaadhicin lahaa heshiiskaasi uu sheegay in aan cid gaar ah lagu xumeyneyn. Maanta ahaddii uu Guddoomiyuhu waji gabax kala soo kulmo Kulanka Wasiirada hubeysan waxaa imaan kara in heshiiskii Cadan uu fashil ku yimaado.

Gawaari rasaas ka soo qaaday Itoobiya oo la kulmey Dagaal…

Gawaari tiradoodu gaareyso 12 oo 7-ba ka mid ah ay tahay Xamul inta kalena ay ahaayeen Tikniko hub ka soo qaaday dalka Itoobiya gaar ahaan xuduuda Gobalka Hiiraan uu la leeyahay dalkaasi, ayaa mar ay marayaan meel ku dhow Magaalada Baladweyne waxa ay la kulmeen iska hor imaad kaddib markii ay jidka u galeen kooxo maleeshiyo ah.

Isku hor imaadkaan oo socday mudo dhowr daqiiqo ah ayaa waxaa ku dhintay labo qof, saddex kalena way ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah, iyadoo markii uu dhacay iska hor imaadkaasi ay kooxdii waday hubka ay qaylo-dhaan u dirsadeen dhinaca Jowhar waxaana soo gaaray dhowr tikniko ah oo kale kuwaas oo si tartiib ah u soo gudbiyay hubkaasi.

Hubkaas oo haatan la soo gaarsiiyay Magaalada Jowar ayaa waxaa shalay si aad ah uga xumaaday imaanshihiisa xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo iyagu sheegay in uu wiiqayo heshiiskii Cadan ay ku wada yeesheen Guddoomiyaha Baar-lamaanka iyo Madaxweynaha, ma ahan markii ugu horeysay ee hub laga keenay dalka Itoobiya uu soo gaaro kooxaha Soomaaliyeed, bishii juun ee sanadkii hore ayay ahayd markii hub laga keenay dalka Itoobiya uu soo gaaray Hogaamiyaasha kooxaha Soomaaliyeed.

Gaari ku socday Cabudwaaq oo dadkii saarnaa lagu xasuuqey mar ay ay marayeen …

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in afar qof ay dhimatay kaddib markii gaari ay saarnaayeen kuna sii jeeday degmada CAbudwaaq lagu rasaaseeyay gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Gaarigaan waxaa rasaaseeyay kooxo maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Maamulka Puntland, ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii loo rasaaseeyay gaarigaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan aano qabiil oo maalmahan u dhexeeyay beelo wada dega dhinaca deegaanka Cabudwaaq gaar ahaan dalka Itobiya.

Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in aad uga xumaaday falkaasi, waxaa kalloo uu sheegay in lagu raadjoogo kooxihii ka dambeeyay falkaasi xasuuqa ah.

Wasaarada Caafimaadka oo soo dhaweysya dhismaha ururka Sheybaariistayaasha…

            Waxaa maalintii shalay ahayd Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad aad u sareysa oo lagu caleema saarayay Guddiga ururka Cusub ee Somalia Labortry technition Assocition waxaana xafladaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamuud Dufle oo isagoo sheegay in wasaaradiisu ay si aad ah u soo dhaweyneyso dhismaha ururka Farsamayaqaanada Sheybaarka Caafimaadka Soomaaliyeed isago qeexay in ay lama huraan tahay in Urukan oo kale la sameeyo maadaama baaritaanku uu ayahy midka ugu muhiimsan qaybaha kala gadisan ee Caafimaadka.

            Waxaa kalloo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee ururka SOLTA Max’ed Cusmaan Axmed (Bakistaan), waxana uu sheegay in sababaha ururkaan loo aasaasay ay ka mid yihiin, in la tiro goobo sheybaariistayaasha in la futo tababaro aqooneed oo kor loogu qaadayo isticmaalka shaybaarka, in la furo sheybaar dhexe oo lagu baaro cudurada faafa, in la furo xarun lagu baaro cudurka HIV/ AIDS-ka iyo dib loo furo Machadyadii lagu tababri jiray shaybaariistayaasha, Waxaana ururkaan guddoomiye ku xigeen ka ah Xasan Suleymaan Max’ed, Cali Baashi Shiikh Xuseen Xoghaye, Nadiifo  Max’ed Xasan hanti dhowr guud, Maxamuud Xiirey Aadan Agaasimaha lacagta, Nuur Maxamuud Maalin gaasimaha Gobalada iyo xubnaha kala ah sheikh Doon Diini Maalin, Ibraahim Negeeye Cali, Shariif Aadan Macali, Yuusuf Cabdule Joodax iyo Dr. Waceys.    

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2006


Yalaxow, Qanyare iyo Caato oo Danaynaya in Kulanka Baarlamaanka DFKMG Lagu Qabto Muqdisho
»Shariif Xasan “Heshiiskii Cadan cidna lagu waxyeeleymayo
»Baydhabo: Raashin Hay’adda WFP oo la bililiqeystey
»Hiiraale iyo Cigaal oo waxgarad u kala dab qaadayaan
»Warbixin Xaalada Guud ee Magaalada Kismaayo...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Jan 18

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu naafeeyay.

Soomaalida Maraykanka iyo Xuskii Hogaamiyihii Dadka Madow ee USA