SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Soomaalida Maraykanka iyo Xuskii Hogaamiyihii Dadka Madow ee USA.

Maalinta 01/15/1929 Martin Luther King, Jr. (January_15, 1929  – April_4, 1968) ayay ku beegnayd maalintii uu dhashay King oo ahaa nin u dhaqdhaaqa Xuquuqada dadka madow ee maraykanka. Waa maalin aad looga qadiriyo luguna sharafo dhalashadii Martin Luther King, Jr. oo naftiisa ugu godgalay fakirkii uu aaminsanaa ee ahaa in uu arko dadka oo aan lugu takoorin mibadkooda.Waxaa maantoo kale xidhan xarumaha dawalada sida Iskoolada, iyo goobaha kala duwan ee adeega bulshada.

Dadka maraykanka guud ahaan ayaa maantoo kale, laga jeediyaa khudbado laga hadlayo taariikhdii  iyo halgankii geesinimada lahaa ee uu horkaca u ahaa  MLK  ee lugu xoreeynayay dadka madow.Maaha mid si kooban looga sheekayn karo taariikhada uu lahaa Dr.King ,balse waxaa la oran karaa waxa u ahaa halayay himaladiisii iyo hamigiisii ay ku nool yihiin malaayiin madaw ah oo ku nool qaraada Maraykanka iyo daafaha dunida. Sahashayna in dadka maraykanka u wada noolaadaan si siman, oo aan la takoorin dadka madaw.

Hadaba Soomaalida oo ku mida ah dadka yimi Maraykanka isla markaana ah Qoomiyad Madow.Ayaa maanta oo kale aan lugu arag dad badan goobaha lagaga hadalayo luguna xusayo hogaamiyihii waynaa ee dadka madow ee Maraykanka.Siyaad Gelle oo ku dhashay Soomaaliya, ahna xubin ka tirsan gudida xuquuqada aadana ah ee Minnesota ayaa maanta ka soo jeediyay qudbad dheer xarunta shirarka ee Owotana , Minnesota kuna amaanay hogoomiyiihii xoreeyay dadka madow Dr. MKL ,waxa uuna yidhi "Dr.King waxa uu ahaa hogaamiye  aragti dheer, una hadala dadka aan codkooda la maqal" Mudane Gelle waxa uu ku daray hadalkii uu yiri King lixdamaadkii ee ahaa " Cadaalad darada meel uun ka jirtaa waa cadaalad darada meelkasta."Sidoo kale Siyaad gelle ayaa khudbadiisa ku xusay in cadaalad darada meel kasta oo ay ka dhacado in ay  saamaynso qofkasta meeshuu doono ha joogee maadama aduunku maanta yahay xaafad isku xidhan(global villege). 

mlk iyo wardheere
Bidix: Martin Luther King III
, Maxamuud Nuur Wardheere: Photo WQ: Maxamed Cali / SomaliTalk.com | GUJI...

Shirkan oo ay ka soo qayb geleen dad badan oo isugu jira dadweyne iyo madaxada ay ka mid yihiin haweenay ku jirta golaha wakiilada ee gobolka Minnesata lagana soo doorto Steele County of Owatana Representative Connie Ruth,duqa magaalada Otowana Mayor Thomas Kuntz, The Steele County Commissioners Tom Shea iyo madax kale oo badan.

Waxaa xusid mudan in Mudane Siyaad Gelle uu qudabadiisa ku soo qaaday abaaraha ba'an ee ka jira Geeska Afrika wax uuna  sheegay in ay maanta  20 malayan oo inaga mid ahi ay qarka u saaran yihiin gaajo ay sababtay abaaro ku dhuftay dalka Soomaaliya iyo Kenya.Waxa uuna  yidhi, "Hada aan idin la hadalayo waxaa dhimashadu ay dhaaftay 100 qof in ka badan una badan caruur iyo haween."Una baahan caawin bini-aadamino.

Waxaa iyadana xiiso lahaa in dadka goobtan soo xaadiray ay u badanaayeen dad cadaan ah maadama ay magaaladu aysan ku badanayn dadka madow.

Soomaalida iyo dhamaan umadaha kale ee madow ayaa nasiib u yeeshay in ay inay ku noolaadaan dalkan Maryanka iyadoo aysan ka jirin takoor umadeed noocuu doono ah ahaadee lana xaaraatimeeyey in la istakooro sida ku qoran axdiga qaranka ee Maryanka.

Martin Luther King ayaa noqoday hogaamiye aad looga qadarayo dunida waxaana maantoo kale laga akhriyaa qudbidihiisii dhamaan dalka oo dhan, waxaana si toos ah dadka maraykanka ugula socodaan Tilifishanada iyo warbaahinta kale ee dalka.MLK ayaa jeediyay lixdaamkii  khubadii caanka noqotay ee ahayd"I have a dream" kuna yidhi qudbadaas "Waxaan ku riyoonayaa in aan arko maalin dadkoo dhan ay siman yihiin, maalin aan afartayda caruur ah aan lugu takoorin midabkooda , diintooda, ama meesha ay ka soo jeedeen, laakiin lugu qiimeeye dadnimadooda." 

Isku soo duuboo Mudane Siyaad Gelle oo ah  xubin ka tirsan dadka  u dooda xuquuqada aadanaha(Human Right Commissioner)  ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, mudana in aan xusuno geesi u dagaalamayay xuquuqada aadanaha. Lana ixitirmaamo kala duwaansha umadaheena wada nool anagoo wada ah umad kali ah. http://www.owatonna.com/main.asp?SectionID=21&subsectionID=44&articleID=18872

http://www.owatonna.com/main.asp?SectionID=21&subsectionID=44&articleID=18905

Zakaria Jama
zakihaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2006