SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


WARARKII JAN 18, 2006

  • Muuse Suudi, Max’ed Qanyare iyo Cismaan Caato oo aad u.doonaya in kulanka .

  • Shariif Xasan “Heshiiskii Cadan cid lagu waxyeeleynayo majirto...

  • Maamulka Max’ed Dheere oo beeniyay in Gawaari. uu leeyeyay u direy Itoobiya si ay .

  • Raashin ay lahayd Hay’adda WFP oo lagu bililiqeystey magaalada..

  • Waxgarad ka tirsan  beesha uu ka soo jeedo Col Cabdi cigaal oo u kala dabqaadayo....

  • Warbixin Xaalada Guud ee Magaalada Kismaayo


Muuse Suudi, Max’ed Qanyare iyo Cismaan Caato oo aad u.doonaya in kulanka

Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax iyo Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato oo iyagu si shaki ku jiro u soo dhaweeyay heshiiskii Cadan ay ku yesheen madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan Shiikh waxaana la sheegay in si aad ah u daneynayaa in kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimaddii Soomaaliya, isla markaana laga heli karo wixii tasiilaad ah ee lagu qaban karo kulankaasi, maanta ayaa la filayaa in saddexda Wasiir ee hubeysan ay kulan la yeeshaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan si uu ugu faahfaahiyo qodobaddii heshiiskii Cadan. Inkastoo Magaalooyin fara badan ay aad u doonayaan in martigeliyaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa waxaa haatan ugu cad cad Magaalada Baydhabo, iyadoo dhawaan xiriir hoose uu dhex maray Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade, mar la wareystay Xaabsadena waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in kulanka ugu horeeya uu ka dhaco Magaalada Baydhabo. Ragga u dhuun daloola Siyiaasadda ayaa waxa ay sheegeen in C/llaahi Yuusuf uu aqbali doono halka uu soo jeediyo Guddoomiyaha Baarlamaanka xitaa Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa hor yaala howl culus iyadoo ay ka harsan tahay sodonkii maalmood ee loo qabatay in kulankaasi lagu qabato 18-maalmood.  

Shariif Xasan “Heshiiskii Cadan cid lagu waxyeeleynayo majirto...

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweyntiisa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubnaha labada Gole ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan hogaamiyaasha hubeysan ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha mar uu la hadlayay Saxaafadda waxa uu sheegay in xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho looga baahan yahay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyaan heshiiskaasi oo uu sheegay in uu yahay mid Ummadda Soomaali-yeed soo celinaya sharafteedii iyo dadnimadeedii.

“Cid lagu dhibaateynayo heshiiskii Cadan ma jirto, waa in aan si wadajir ah u soo dhaweynaa heshiiskaasi” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in ciddii uu mugdi uga jiro heshiiska loo faahfaahin doono, wuxuuna intaasi sii raaciyay “waqtigu aad buu noogu yar yahay ee waa in aan u shaqeynaa ummadda Soomaaliyeed oo u baahan dowlad”.

Guddoomiyaha ayaa intii uu san ka soo amababaxin Magaalada Nairobi waxa uu kulan la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxayna isku afgarteen in si ficil ah loo fuliyo heshiiskaasi.        

Maamulka Max’ed Dheere oo beeniyay in Gawaari. uu leeyeyay u direy Itoobiya si ay .

Maamulka Max’ed Dheere ee ka taliya Magaalada Jowhar ayaa si kulul u beeniyay in Gawaari iyo Tikniko ka tirsan maamulkaasi ay u gudbiyeen dhinaca dalka Itoobiya si ay halkaasi uga soo qaadaan hub iyo rasaas oo la sheegay in Dowladda Itoobiya ugu deeqday maamulkaasi, wuxuuna maamulku warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

            “Wax kasta oo la doonayo in la faahfaahiyo waa in xaqiiqda lagu saleeyaa ee maahan in  wixii la doono la iska sheeko” ayuu yiri Maamulka oo sheegay in iyadoo lagu jiro dib u heshiin guud aysan habooneyn in la yiraahdo hub ayaa laga doonay dal kale.

             Ma ahan markii ugu horeysay oo maamulka Max’ed Dheere uu beeniyo hub laga keenay dalka Itoobiya, bishii Juun ayay ahayd markii Gawaari xamuul ah oo ay saarnaayeen hub iyo rasaas ay soo gaaraan Magaalada Jowhar, waxaana arrintaasi si aad ah uga carooday xubnaha Dowladda ee u sugan Magaalada Muqdisho oo sheegay in Dowladda Itoobiya aysan rabin in Soomaaliya ay nabad kal dhalato.

            12-Gaari oo isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo Tikniko ah ayaa la sheegay in ay ka gudbeen xuduudda Gobalka Hiiraan uu la leeyahay dalka Itoobiya.

Guddoomiya Baarla-maanka  oo maanta.kulan la qaadanayo xubnaha...

Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay waqtigii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan in mudo 30 maalmood gudahood ah ay kulan isugu yimaadaan dhamaan xubnaha Baarlamaanka, ayaa waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasna Shiikh Aadan, waxaana la filayaa in uu maanta warbixin siiyo isla markaana uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo heshiiskii Cadan ay ku wada yeeshee isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Kulankaan oo lagu wado in uu ka dhaco Hotel Saxafi ayaa waxaa la filayaa in ay dhamaan ka soo qaybgalaan xubnaha labada Gole ayna ku jiraan Wasiirada hubeysan ee Dowladda Federaalka oo shalay iyagu si weyn u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay xubnaha labada Gole ee Muqdisho markii uu shalay gaaray in ay ku taageeraan heshiiskaasi oo ah mid shacabka Soomaaliyeed faa’iido weyn ugu fadhiya.

Raashin ay lahayd Hay’adda WFP oo lagu bililiqeystey magaalada..

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in raashin mucaawino ah oo ay lahayd Hay’adda WFP kuna xareysnaa baqaar ku yaala Magaalada Baydhabo ayaa bililiqo xoog leh loogu gaystay, waxaana bililiqadaani gaystay kooxo maleeshiyo ah oo ku sugan Magaalad Baydhabo.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababihii loo bililiqaysay raashinkaasi oo Hay’ada WFP ugu talagashay dadka waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta.

Suuqa Magaalada Baydhabo ayaa shalay si weyn looga dareemayay raashinkaasi oo isagu si aad ah u jebiyay sicirkii raashinkii kale ee suuqaasi.

Mas’uuliyiinta Hay’adda WFP ee ku sunga Magaalada Baydhabo ayaa si aad ah uga xumaaday bililiqadaasi, kuna tilmaamay mid wiiqeysa sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadku abaaruhu dhibaateeyeen, waxayna ka codsadeen maamulka halkaasi ka taliya in uu gacan ka gaysto sidii si nabadgelyo ah raashinka WFP u gaari lahaa dadka abaaruhu ay waxyeeleeyeen.     

Waxgarad ka tirsan  beesha uu ka soo jeedo Col Cabdi cigaal oo u kala dabqaadayo....

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in waxgarad uu ka soo jeedo Col. Cabdi Cigaal ay u kala dabqaadayaan isaga iyo Barre Hiiraale, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaaftay uu dagaal culus ku dhex maray Magaalada Kismaayo, dagaalkaas oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Cabdi Cigaal oo haatan ku sugan Meel duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay u tagay waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beeshiisa, waxa uuna aqbalay in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad.

Maanta ayaa la filayaa in waxgardkaasi iyana ay kulan la yeeshaan Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxaana la filayaa in labadoodub ay aqabalaan heshiiska ay wadaan waxgaradkaasi.

Col. Cabdi Cigaal ayaa isaga looga awood roonaaday dagaalkii Magaalada Kismaayo, hase yeeshe haatan waxa uu ku jiraa is uruursi si uu mar kale uga dhex muuqdo Gobalka J/Hoose.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Kismaayo hoos ka akhri

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Warbixin Xaalada Guud ee Magaalada Kismaayo

Xaalada guud ee magaalada Kismayo ayaa Talaadadii daganeyd waxaana dib u howl galay dhamaan adeegyadii bulshada sida ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa kale sida isku gooshida gawaarida BL-ka ee dadweynaha waxaana haatan wali mashquul ah isbitaalka guud ee magaalada kismayo ayadoo wali lagu guda jiro la tacaalida dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalkii ka dhacay magaalada kismayo inkastoo ay jirto dad Isniintii dhaawac ahaa oo habeenimadii talaadada u geeriyooday dhawacaas.

Isbitaalka guud ee magaalada Kismayo ayaa maanta waxaa uu ahaa mid aad u mashquul ah ayadoo haatan ay muuqato in isbitalku ay aad oga fara bateen dhawacyadii la keenayay waxaan sidoo kale aad u liita marxalada guud ee isbitaalka oo aynan oolin wax daawo ah oo si rasmi ah loogu dabiibo dadka halkaa yaala ee la ildaran dhaawacyada ayadoo aysan jirin wax hey'ad ah oo taakuleysa isbitaalka marka laga reebo dhaqaale yar oo ay maamulka isbahaysigu ku taakuleyaan isbitaalka taasoo aan dabooli karin baahida guud ee isbitaalka .

Inta badan dhawaaca yaala isbtiaalka ayaa daawooyinka waxaa looga keenayaa goobaha caafimad ee gaarka loo leeyahay taasoo ka dhigtay isbitaalka  mid aanan waqitgan la tacaali karin daweytna dadka halkaa la keenay.

Dhanka kale waxaa haatan si toos ah u bilowday isku socodka gaawarida dadweynah ee BL-ka waxaan sidoo kale haatan si rasmi ah Talaadadii ganacsigii uga bilowday suuqa weyn ee magaalada kismayo ee loo yaqaano suuq yare kaasoo markii dagaalku dhacay ahaa goobaha ay bartilmameysanayeen labada maleeshiyo ayna  ku dagaalamyeen gudaha suuqa.

Si kastooy ahaataba waxaa Talaadadii ay  aad  oga duwaneyd jawi ahaan marxaladii Isniintii  ay ku jirta magaalada kismayo taasoo ahayd mid cakiran dhan walba dadka reer kismayana ay laamiyada iyo goobaha shaaha laga cabo ay raxan raxan u taagnayeen si bal ay xog dheeraad ah oga helaan dagaalka ka socday xaafada calanleey ayadoo subaxnimadii talaadada dhamaan ciidanka maamulka isbahaysiga meel gaar ah looga baxshay magaalada halkaasoo sida la sheegay loogu xoolo qalayo kadibna ay bilaabi doonaan howlahoodii ay ku sugayeen amaanka guud ee magaalada. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com

Xiriir dhex maray Shariif Xasan iyo Xaabsade
»Dowladda Federaalka oo taageero caalami ah ka heshay..
»Kenya: Madaxda DFKMG kulan gaar ah la qaatey Kibaki...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.. Guji... Jan 17

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2006