Xaflad si heer sare ah loo
soo agaasimay laguna xusayay maalinta xoriyadda Saxaafadda Soomaaliyeed
21-ka Janaayo ayaa lagu qabtay Hotel Peace, waxaana si wadajir ah u soo
qabanqaabiyay suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Dalladda SOYDEN, waxaana ka
qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xafladaasi shalay si aad
ah looga dooday qodobo ay ka mid ahaayeen Saxaafaddu ma dhistay akhlaaqdii
bulshada, Saxaafaddu kaalin intee la eg ayay kaga jirtaa hurinta colaadaha,
doorka bulshada rayidka ee dhinaca saxaafadda, maxaa u qabsoomay sanadkii
tagay saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay C/llaahi
Max’ed Xasan (Black) oo ah Gudoomiyaha Ururka Wargeysyada Madaxabanaan ee
SOINA, wuxuuna sheegay in Saxaafada ay diyaar u tahay inay qaato wixii
dhaliilo ah oo ku aadan dhinaca bulshada.
Waxaa kalloo ka hadlay
sheikh Axmed Cali Gees oo ka mid ah Culuma’u-diinka Soomaaliyeed, wuxuuna si
aad ah uga hadlay mowduucii la xiriiray saxaafaddu ma dhistay akhlaaqda
bulshada, waxa uuna shiikhu sheegay in Saxaafadda ay burburisay akhlaaqdii
Bulshada Soomaaliyeed.
“Akhlaaq miyaa saxaafad
laga siideynayo gabar la leeyahay marka naaska lagaa taabto maxaad Dareentaa”
ayuu sheikh Axmed Gees si kulul u yiri, wuxuuna sheegay saxaafadda reer
galbeedka xitaa ay ka dheereeyeen marka loo eego dhinaca akhlaaqda , Nabiga
(CSW) waxa uu yiri “Khery ku hadal ama iska aamus”, marka waxaana idin
leeyahay war kheyrka ku hadla ama iska aamusa, waxaa kalloo ka hadlay C/qaadir
Maxamuud Walaayo oo isna sheegay in suxufiga Soomaaliyeed looga baahan yahay
in u ku shaqeeyo wadaninimo isla markaana la socdo xaaladda uu wadanku
markaasi taagan yahay, sidoo kale wuxuu sheegay in looga baahan yahay
saxafiga in uu qiimeeyo wadankiisa iyo waxa ka taagan dunida.
Waxaa kalloo ka hadlay
Maxamuud Cali Ugaas oo isna Saxaafadda ku cannaantay in ay buubuuniso
colaadaha, “mar ay arrinta faraha ka baxisay ayay ku soo wacayaan oo ay ku
leeyiin, maxaad wax uga qaban weydeen colaadaha socda” ayuu yiri Mudane
Maxamuud Cali Ugaas, wuxuuna u soo jeediyay saxaafadda Soomaaliyeed in ay ka
shaqeeyaan nabadda iyo isku keenida shacabka Soomaaliyeed, waxaa kalloo
halkaasi ka hadlay Suldaan Cali Horseed oo isna u soo jeediyay saxaafadda in
ay ka qayb-qaataan nabadda si ay bulshadu u fahanto qiimaha ay nabaddu
leedahay.
Cusmaan Muxiyadiin Shaatax
ayaa waxaa isna halkaasi ka sheegay in Saxaafaddu ay door muhiim ah ku
leedahay nabadda loona baahan yahay in bulshada inteeda kale ay gacan ku
siiyaan taas oo uu sheegay in lagu gaari karo nabad iyo horumar, isla
markaana ay isku aragti ka noqdaan nabadgelyada wadanka, sidoo kalana waxa
uu u soo jeediyay in ay siyaasiyiinta culeys ku saaraan sidii wadanka nabad
loogu soo dabaali lahaa.
Waxaa kalloo halkaasi ka
hadlay Ceyni Abuukar Gacal oo sheegtay in wax walba ay xad leeyihiin
saxaafaddana looga baahan yahay in xadkaasi aysan dhaafin, marka laga
hadlaayo dhinaca nabadda, waxayna Ceyni ay ku ammaantay saxaafadda
Soomaaliyeed sida ay mar kasta bulshada ugu dhiirageliso faa’iidada
nabadgelyada iyo xasiloonida.
C/Nuur Shiikh oo isna
halkaasi ka halday ayaa waxa uu canaan u soo jeediyay Saxaafadda
Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in saxafiga looga baahan yahay in uu dhinto
bulshadiisa, “dad soo barakacay ayaa xoog looga rarayaa goobtii ay
deganaayeen waxaana meesha laga raray dadkaasi la doonayaa in shaqsi uu ka
dhisto Hotel marka waa in ay saxaafaddu arrimahaasi si weyn diiradda u
saarto”.
Waxaa kalloo ka hadlay
Mowliid Xaaji oo isna agaasime ku taala maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxa
uu sheegay in saxaafadda xiligaan jirta ay bulshada wax weyn u qabatay,
balse mararka qaarkood ay caqabado iyo handadaad kala kulanto haddaba halka
ay ku sugan yihiin maamulka ka jira, wuxuuna u soo jeediyay saxaafadda
Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii dalkooda nabad loogu soo dabaali alhaa,
bulshadana ay u horseedi lahaayeen in ay gartaan ka wada shaqeyn nabadda iyo
is gacan qabsi ka dhex dhaca.
Gebagabadii kulankaasi
ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo ah in saxaafaddu ay horseed u
noqoto sidii ay bulshada ugu soo dabaali lahayd nabad, in saxaafaddu ay iska
ilaaiso waxyaabaha burburinaya akhlaaqda bulshada isla markaana ay ku
dhiirato difaacidda dadka masaakiinta ah, waxaana xafladaasi ay ku soo
gebagabooday sidii loogu talagalay.
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
Email:amiinkhasaaro@hotmail.com
Imisa Suxufi ayaa Sanadkii 2005 ladilay?
(Allaha U Naxariisto Weriye Duniyo
Muxiidiin Nuur)
Suxufiyiinta
Caalamku waxay inta badan isku howlaan sidii ay u heli lahaayeen Warar
iyo Maqaallo xiiso badan oo soo jiita Dageystayaashooda,
Akhristayaashooda iyo daawadaay-aashooda intaba, waxayna isku dayaan
sidii ay warbixin uga helilahaayeen meelaha dhibku uu ka jiro sida
wadamadda ay dagaaladdu kasocdaan, waxaana dhacda inay kala kulmaan
dhibaatooyin isku jira Dil, dhac, handadaad iyo dhibaayin xoogle oo loo
geysto.
Hey’adaha warbaahinta ee Caalamku waxay
leeyihiin weriyaal howl kar ah, aqoon leh, wararkana heli og, waxaana
dhacda in hadba meeshu uu warku ka jiro ay u diraan amba uu suxufigu
iskiis u aado, gaar ahaan Suxuiyiinta loo yaqaan Freelances oo iyagu ka
ganacsada warbixinada iyo sawiradda muhiimka ah oo ay helaan, waxaana
dhacda in waxyeelo xoog leh ay soo gaarto xilliga ay howshooda ku dhex
jiraan.
Wadamadda intabadan Suxufiyiintu ay ku
dhibaatoodaan, naftoodana ay ku waayaan waxaa ka mid ah Dalalka Ciraaq
oo uu ka socdo dagaal aad u qaraar oo dadbadani ku hoobteen, waxaana
sanadkii la soo dhaafay lagu dilay suxufiyiin gaaraya 22, kuwaas oo
isugu jira soosaarayaa, weriyaal, sawirqaade iyo Freelance Journalists,
waxaana Suxufiyiintaas ay dhammaantooy ka shaqeynayeen qeybaha kala
duwan ee Warbaahinta Caalamka, haddii ay ahaan laheyd Idaacadaha,
Jaraa’idka, TV-ga, Wakaaladaha Wararka, Majaladaha iyo sidoo kale
weriyaasha madaxa banaan, waxaana dalka Ciraaq ku soo xiga wadanka
Philippines oo 4-weriye lagu dilay.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka sida
ba’an loogu dhibaateeyo Suxufiyiinta, maadama maamul dowladeed uusan ka
shaqeyn, waxaana sanadkii aan Soo dhaafnay lagu dilay laba gabdhood oo
suxufiyiin ahaa oo kala ah Duniyo Muxiidiin Nuur oo ka mid aheyd
suxufiyiinta ka gowl gala Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice iyo
Kate Peyton oo ka mid aheyd soo saaarayaasha BBC-da.
ALLAHA
u naxariistee Duniyo waxaa la dilay 5, June 2005, waxaana dilkeeda
geystay nin Maleeshiyo ah oo xabad si bareer ah ugu soo riday Taxi-gii
ay saarnaayeen iyada iyo saaxiibteed Canab Maxamed yare, waxaana Duniyo
xilligaas isku dayaysay in warbixin dheeraad ah oo ay ka hesho
mudaaharad ay sameeyeen darawaladda Gaadiidka ka shaqeya wadada isku
xirata Mugdisho iyo Afgooye, kaddib markii jidkaas isbaarooyin fara
badan la soo bilqay, waxaanan dilka Duniyo cambaareyn dusha uga tuuray
guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliya, iyadoo isla sanadkii tegay
bishii May kooxo dabley ah ay rasaas ooda uga qaadeed Khabiirka
Idaacadda Horn Afrik Cabdalle Nuuradiin oo hor fadhiyay Goobtiisa
Shaqada, waxaana Nuuradiin soo gaaray dhaawac halis ah oo markii dambe
uu ka booday.
9,
February 2005 ayaa sidoo kale waxaa si ulakac ah dhaawac dhimashu isku
bedelay looge qeystay Hotel-ka Suxufi hortiisa Kate Peyton oo aheyd
Suxufiyad ka ka tirsaneyd Idaacadda BBC-da, iyadoo ku geeroyootay
Isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho, sida uu sheegay qof goobjooge
ahaa waxaa dilaka Kate Peyton geytay laba nin oo dabley ah oo watay
gaari yar, waxaana Kate oo isla maalinkaas la dilay soo gaartay Muqdisho
ay ka mid aheyd soo saarayaasha waaweyn ee BBC, iyadoo muddo 10-sano ah
ka howl galeysay Xafiiska BBC-da ee Johansburg, waxaa jirta in dilalka
nuucaas ah oo loo geysto shaqsiyaadka sumcada ku leh buslshadda
dhexdeeda, sida suxufiyiinta oo kale aney jirin cid isku howsha soo
qabashadooda iyo baaritaankooda intaba. Sanadkii la soo dhaafay ee
2005-ta waxaa la dilay tiro gareysa 48-Suxufi,waxaana ilaa hadda la
la’yahay 17-Suxufi meel ay dhigeen raq iyo raadkood intaba, iyadoo
Suxufiyiinta Caalamka ay u aheyd sanad filanwaa ah, marka laga reebo
sanadkii ka horeeyay ee 2004-ta oo la dilay 57 weriye oo jinsiyado kala
duwa watay.
Qaababka loo dilo Suxufiyiinta waxaa ka
mid ah iyadoo Bam lala beegsado Goobaha ay degan yihiin, Gaadiidka ay
wataan, Hoteladda iyo sidoo kale rasaas lala beegsado Suxufiga marka ay
ku sugan yihiin goobaha daagaladda ayna duubanaya ama sawiranaya iyo
sidoo kale afduub dil loogu bedelo iyo shil baabuur oo lagu dilo.
Marka laga soo tago Ciraaq oo 22-suxufi
qudha looga jaray, waxaa sidoo kale jira wadamo badan oo suxufiyiinta
lagu u gaarsado, waxaana ka mid ah wadanka Philippenes oo 4-weriye lagu
dilay, waxaa sidoo kale jira in wadamada Pakistan, S. Rilanka, Somalia,
Lepbanan, Bangaladhesh iyo Rassia lagu dilay min 2-Suxufi, sidoo kale
waxaa min hal weriye lagu dilay Colombia, Haiti, Al-geria, Ecuador,
Libiya, Maxico, Nepal, Serbia & Montenegaro, iyo Siero Leone, waxaana
intabadan Hey’ada u dooda xaquuqda Suxufiyiinta ay walaac ka muujiyaan
dhibka markasta soo gaara.
Waxaa isku
soo duba riday
Faarax
Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email:-
farahblue_545@hotmail.com