SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA
Qaarada Africa iyo Gumaystayaashii Taabay 
(Qaybta 2)

W/Q, Ahmed Iid Aadan | June 24, 2003
     ahmediid@hotmail.com 
            India
 

KAAH


Sidii aan qaybtii hore ee maqaalkan kusoo sheegay markii warkii afrika loo riyaaqay ayaa ahayd horaantii qarnigii 19aad,laakiin ka hore waxa jiray shirweynihii afrika lagu qaybsanaayay oo uu abaabulay boqorkii xukumi jiray dalka biljam ee la odhan jiray king leopold II ,wuxuuna shirkaas ujeedadiisa ku tilmaamay mid lagaga hadlaayay wax uu ugu yeedhay Qorshaha ilbixinta iyo horumarinta dadwaynaha qaarada africa,waxaana ka qayb galay shirkaas wadamo badan oo reer yurub,shirkana ujeedadiisa say doonaan haw sheegaanee wuxuu ahaa shirkii qaybtinta Afrika.

Mudadii u dhexaysay (1880-1914) in yar uun ka hor dagaalkii koowaad ee ay yidhaahdeen aduunkuu ka dhacay waxa sii liciifaayay  xidhiidhkii u dhexayn jiray wadamo badan oo reer yurub ah,waxaana xiligaas yurub ka aloosnaa sababihii dhaliyay dagaalkii koowaad ee aduunka,kuwaas oo ahaa qaar hore u jiray iyo markii dambe sii huriyay,sababaha horey u jirayna waxaa kamid ahaa

1)Tartan Ganacsi oo ahaa mid uu wadan kasta oo wadamadii yurub ugu waawaynaa ka mid ahi ku doonaayay inuu saylado u helo waxyaabaha ay soo saaraan warshadihiisu.

2)Tartan qoomiyadeed oo ahaa inay xiligaas dadka intii isku af,diin dan ,iyo dhaqan ahi is urursadaan si ay ula tartamaan dhigooda.

3) Tartan ciidan oo ay wadamadu xooga saarayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ciidan tiro iyo tayoba leh,waxaana ugu hormarsanaa wadanka jarmalka oo aad xaga sancada ugu horeeyay waagaas inkastoo markii dagaalkii lagaga guulaystay la xadiday awoodiisii ciidan.

Iyadoo ay jiraan sababahaas sadexda ahi ayaa waxa soo kordhay tartan dhulgumaysi oo xiisadihii awalba horay u oognaa hawada kusii shareeray,tartan dhul gumaysi oo xidhiidh la leh qodobka (1) wuxuu wadan waliba ku doonaayay inuu qaaradii africa ee la qaybsanaayay isagu helo qaybta ugu wayn si alaabta ceedhin (raw materials) ee afriki qaniga ku tahay warshadohooguna la,aantood ayna shaqayn karin ay u helaan,iyo waliba inay saylad wayn oo ganacsi ka dhigtaan hadba dhulka ay qabsadaan.

Muddo markii laga soo wareegay shirkii qaybinta afrika ayuu boqorkii biljam dhulka maantay loo yaqaan koongo ka samaystay saldhig si uu goobtaas maamul uu isagu leeyahay uga sameeyo, inkastoo uu qorshahaas hirgaliyay hadana waxa jiray faransiiska oo qayb dhulkaas kamida ku andacooday markii dambena helay waqooyiga koongo.

Dadkii Afrikaanka ahaa ee kunoolaa dhulkii boqorkaasu qabsaday waxay kala kulmeen xukunkii boqorka oo lagu tilmaamay mid amar ku taaglayn ahaa dhibaatooyin badan oo ay kamid ahaayeen cashuur xad dhaaf ahayd oo lagusoo rogay dadkii tuulooyinka ku noolaa.

Maamulkaas marka laga tago waxa kaloo jiray Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyaguna dhulal badan saldhigyo kulahaa,Ingiriisku wuxuu markii hore qabsaday waadigii nayjar iyo dhulal kale oo ay daganaayeen beeralay dutch ahaa,markii dambena beera falatadaas iyo ingiriiska waxa dhex maray dagaal wayn (sanadkii 1899),waxaana laga guulaystay beera falatadii kadibna dhul uu halkaas ingiriisku ka qabsaday iyo dhulal kale oo ka ag dhowaaba wuxuu ku magacaabay dhulkii midnimada afrikada koonfureed sanadkii 1910 kii.

Sanadkii 1914kii markii uu bilaabmi doono dagaalkii koowaad,ingiriisku wuxuu haystay dhulkii ugu badnaa qaarada afrika waxaana kamid ahaa dhulkaas kanaal suez masar,suudaan,ugaandha,Afrikada barri(kiiniya,somaliland), dhulkii roodhiishiya,iyo siiralyoon.

Dalalkii kale ee reer yurub ee dhulalka africa haystay waxaa kamid ahaa Fransiiska, Isbayn, Jarmalka, Talyaaniga, Boortaqiiska.

Faransiiska wuxuu haystay Tuuniisiya, Aljeeriya, Marooko, Sinigaal, madagaskar, xeebta gunia, Jabuuti, iyo meelo kamid ah badhaha iyo Afrikada galbeed.

Isbayn iyaduna waxay qabsatay qayb marroko kamid ah,jasiiradii kaanary ,talyaaniga oo ayidsanaa sheegashadii Faransiiska ee marooko baa kasoo horjeeday in isbayn ama jarmalku halkaa qabsado hayeeshee dhulka talyaanigu haystay waxaa kamid ahaa Eratariya,Somalia,iyo Itoobiya oo markii dambe uu ku guul daraystay.

Jarmalka oo tartankii dhulgumaysiga soo galay xiliyadii u dambaysay ee dagaalkii koowaad soo dhowaa wuxuu helay meelo kamid ah koonfurta galbeed ee afrikaayna ka mid ahaayeen Kamaroon (qayb), Toogolaand, dhinaca barina taanganiika laakiin gaashaan buurtii kaga guulaystay dagaalkii koowaad baa shuruudo adadag kusoo rogay jarmalka.

Boortaqiiska oo kamid ahaa wadamadii afrika usoo hor galay wuxuu kamid ahaa wadamadii looga badiyay tartankaas xoogiisii sidaas darteed wuxuu ku tuntuunsaday Angoola iyo muusambiig.

Qaaradii afrika waxay noqotay meel si toos ah ay gacanta ugu dhigeen gumaystayaashii reer yurub, waxayna ka dhigteen meel khayraadkana ay ka qaataan saylad na u ah oo ay u iib keeni jireen waxyaabaha warshadohoogu soo saaraan, laba wadanbaa la tilmaamaa inay gumaysigaas ka badbaadeen waa laybeeriya iyo itoobiya oo mudo yar la gumaystay markii dam,bena xor ahayd,laakiin waxay ahayd uun in yar kadib dagaalkii labaad markii ay wadamadaasu tuureen heeryadii gumaysiga.
 

Akhri: Qaybtii 1aad

 W/Q, Ahmed Iid Aadan | June 24, 2003
     ahmediid@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan,  

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]