|
Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
June 15, 2003
Asalaamu calaykum.
|
I I D H
E H
|
|
"Seeing Somali warlords as wolfhounds, and
Somali pupils (in Columbus) as guinea-pigs for converting them to christians"
Qab-qablayaasha oo loo arkay eeyda lagu
ugaarto iyo arday Soomaaliyeed oo USA joogta oo loo arkay sida xayawaanka
daawada iyo cilmi-baarista lagu tijaabiyo si loo gaalaysiiyo.
[eeg The
NewYork Times]
Ilaah baa mahadleh, Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ilaahay baa noo yeeraya oo leh war Islaamka
soo gala. Waxaad tihiin ummadda ugu khayr badan. Xariga Ilaahay qabsada.
Nabi Muxamed (SCW) wuxuu yiri waddo kasta
oo khayrka loo maro waa idiin sheegay, waddo kasta oo sharka idiin gaysana
waa idiin ka digay. Nabigu (NNK) wuu runsheegay.
Qaacidadan waan wada naqaan: qofkii Ilaahay
ka baqa cid kale kama baqo bal qofkaas ayaa makhluuqaadka kale ka
haybaystaan laakiin qofkii aan Ilaahay ka baqin wax kasta oo kale ayuu ka
baqaa.
Caawa qabqablayaashii Kiplagat bay marti
Mbagathi ugu yihiin! Taloow haddii malaa’igtii Eebe soo diray ay qaarkood
nafta ka diirtaan maxay dareemayaan? Soow mar hore niman walaalaheen ah oo
shirka soo aaday oo midi Madaxweynanimo u sharraxnaa aakhiro ma aadin? Waa
Aadan Gabyow iyo Dr Raajis. Ilaahay ha u naxariisto.
Waxaan wada ognahay in dadka uu Ilaahay
sharfay. Soomaaliya carruur, dumar iyo cirroole ayaa maalinkasta xabbad lala
dhacaa. Oohintooda iyo dhogar xumida ka muuqata, qabqablayaashu maalin kasta
way arki jireen. Waxa saa yeelaya waa kuwo qab-qablayaasha u shaqeeya. Heer
waxay gaareen ayna cidna u aabbo-yeelin.
Ilaah baan ku dhaartee waan ku faraxsanahay
in qabqablayaashu ay Kiplagat hoos joogaan iyagoo dullaysan. Wuxuu u diro ma
diidikaraan. Halkan saxiix. Saxiixan! Markay banaanka usoo baxaan oo ay
wariyaasha horyimaadaan ayey ooyaan. Ma garankaro waxa soconaya, ninkaasi,
Kiplagat wax nagala tashan ma hayo, siduu rabo ayuu yeelaa.
Adigu qab-qable wax makala tashan lahayd?
Soomaaliya markay tagaan waa baarqabbo
laakiin Mbagathi waa bisado.
Ilaahay idin dullee! Waddankii iyo dadkiiba
dubte, daroogo iyo mukhaadaraad ayaad dalag nooga dhigteen, dowlado
shisheeyana waad u adeegtaan markaasaad hadda inta wadankii go’ kusoo
duubteen aad miis dushii dhigteen oo aad arrintiisa dadyoow kale oo aan ilaa
hadda la garanayn uga dambayseen!
Dadweynaheena inaan u rahmanahay iyaga waan
ku fiicanahay maxaa yeelay qof walba qabiil buu ku taageeray niman waalan.
Ganacsade kasta inta iyaga ka hub batay buu ku faraxsanyahay waxa dadka kale
haysta si uu bagaashkiisa ugato oo ayna dowlad u dhalan. Kufsiga, dilka, qof
sidii baabuurtii xubnaha laga baxayo iyo afduub.
Waxaan aaminsanahay in ay qab-qablayaashu
noo hogaaminayaan waxaan xaqqa u lahayn. In ciidamo shisheeye la keeno oo
aan la garnayn waxay samayndoonaan waa abaal marrin nagu fiican mar kasta oo
akhrisid ama aad maqashid waxa Muqdisho ka dhacaya waad dhako-faaraysaa.
Dadkii danyarta ahaa meeye?
Ogaada dadka danyar ah waxay doorbidayaan
in waddanka belaayo kale qabsado maxaa yeelay markaas ma jirto cid iyaga
gooni u aadaysa bal waxa dhibta wayn ku dhacaysaa raggii xoolaha waddanka
afka udhigtay, kuwa dadka baada, dadka masaajida caanka ka ah IWM. Sideen ku
fekernay in inta Xamar iyo meelo kale waxaas aan la maqal ka dhacaan aan
belaayo nugu dhicin?
Qoraayaasha: qabqable kaliya dambi ma leh.
Waxaa kugu filan inaad maqaalka cinwaankiisa akhrisid, isla markiiba waad
arkin qabqablaha uu taageero iyo waliba qabiilkiisa marka laga reebo dad yar
oo Ilaahay u naxariistay. Tusaale ahaan:
Haddaad aragto maqaal ah Rayaale oo faqash
ah ama nabad-sugidii hore waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya mucaaradka “Somaliland”
ama qolyaha ay dariska yihiin oo ay siyaasada isku hayaan “Puntland”.
Kornaylku waa halyeey soo halgamay oo waa aabihii mucaaradka, waa
taageerayaasha C/hi. Dhiig-yacab iyo dabo-dhilif waa hadalada kuwa
mucaaradka ku ah. Al-Xaaji Muuse Suudi waxa dhaha waa qolyaha taageera.
Carte/Madaxweyne Soomaali, Dooxada Jubba/khasabka Kismaayo ku haysta, iyo
Baydhabo oo labada dhan lala kala jiro.
Marka qof qoraa sheegtay oo qalinka
qab-qablihiisa u haya ka warran? Qab-qablahaa dhaama.
Qaybtii labaad
Carruurta Soomaaliyeed
Anigoo internet-ka fiirfiirinaya oo wax ka
baaraya ayuu wuxuu “search engine”-ka Google ii soo saaray cinwaan ah:
“Seeing Islam as “Evil” Faith,
Evangelicals Seek Converts”
Flip to any page of
the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for
you.
DETROIT
FREE PRESS
December 9, 1999. |
Afsoomali ahaan Islaamkii oo diin (Iiman)
xun loo arkay iyo kiristaanka oo raba inay wax gaaleeyaan. Kalmada ah “evil”
waxay Bush iyo kiristaanka taageera ka tahay halka “xukunku” ka joogo
qab-qablayaasha Soomaaliyeed iyo waxa taageera.
Markii aan akhrinayey maqaalka oo ahaa
siminaar ay qabteen firqada kiristana ah ee la yiraahdo “Evangelicals”
ayey ku sheeggeen in loo baahanyahay in muslimka si naxariis leh loo soo
jiito oo la tuso jacayl, taageero iyo soo dhowayn. Waxay intaas ku dareen in
“bible”, waa buugooda, Axdiga Cusub loo qaybiyo muslimiinta.
Soomaalidu waxay tiraahdaa riyuhu iyagaa
shabeelka lugahooda ku raadsada. Qofkii wax ka yaqaan bay’olajiga iyo
Kimistariga wuxuu yaqaan waxa loo yaqaan “guinea-pig” ama kalmada
lafteeda. Waxaa laga wadaa waxaa jira xayawaano sida kaas aan kor ku
sheegnay, dooliga/jiirka, doofaarada kale, iyo daanyeerada oo tijaabada iyo
daawooyinka lagu sameeyo inta aan dadka loo gudbin.
Bal aan fiirino waxay tiri haweenay
kiristaan ah oo xog’haye ka ah iskuul ku yaal Columbus, Ohio oo waliba
iskuulkaas ay arday badan oo Soomaaliya dhigtaan.
"Pat McEvoy, a secretary at a high
school in Columbus, said she had known very little about Islam before the
seminar. Her school has an influx of students from Somalia, and as she
walked through the hallways she regarded these immigrants as "a virtual
mission field."
She said she felt an obligation to save
them from an eternity in Hell.
"If I had the answer for cancer, what
sort of a human would I be not to share it?" Ms. McEvoy said.
Waxay tiri siminaarkan ka hor wax badan ka
ma aqoon Islaamka. Waxaa iskuulkeeda dhigta arday badan oo Soomaaliya ka
timid. Markay sii dhexmaraysay iskuulka dhexdiisa waxay maanka ku haysay in
qaxootigaan (ardada Soomaaliyeed) ay noqon karaan kuwa shaqada gaalaysiinta
ah lagu fulin karo.
Waxay sheegtay in waajib ka saaranyahay in
ay ardaydaas ka badbaadiso cadaab daa’in ah!
Waxay sii raacisay, haddaan xal u hayo
kansarka, ma waxaa jira dad aanan ka qaybgaliyeen xalkaas?
Waxay ka wadaa kama labo-labaynayo
badbaadinta ardaydaas.
Waxaa iga yaabisay Pat hadalkeedii waxay
tiri Islaamka si fiican uma aqoon ilaa aan siminaarkan arkay. Ma hal mar bay
Islaamkii ku fahantay? Waligiin ma aragteen sheeko noocaas ah?! Waa halka ay
Soomaalidu ka tiraahdo “Ilaahoow yey mar u bururuf tiraahdaa” waa ninkii
dameertu ka luntay. Pat waxaa ka yaabiyey siminaarada la agaasimay oo si
xishood la’aan ah Islaamka loogu caayey iyadoon cidna dabada laga dadanayn.
Waxay ku ciil-kaambiday in ay ka gaabisay waajibaadkii saarnaa ee ahaa
faafinta diinta kiristaanka. Mar haddii maamulka Maraykanku ay usoo jeesteen
qabsasho waddamo muslim, madaxdii, iyo horjoogayaashii kaniisaduna ayna
aflagaadada Islaamka la gabban, maxaa u diidaya in ay Pat ardaydaas
Soomaaliyeed ay waxay goosan karto goosato.
Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy baan dhexjoognaa?
Hogaamiyayaashii hadda oo noqday “wolfhounds”
waa eyda lagu ugaarto iyo ardaydii qurbaha oo ah hogaamiyayaashii beri oo
looga baqayo inay laga dhigto “guinea-pigs” oo ah wax kiristaamiyeyna
muslimiinta iyagu lagu bilaabo maxaa yeelay iyagaa dayacan.
Dhalinyarada iyo hooyooyinka arrintaasi
micno ma usamaynaysaa? Waxaan kula talinlahaa qofkasta oo dhalinyaro ah inuu
xiriirka u gooyo qab-qablayaasha oo xal cusub la raadsho.
Qoraalka tixraaca ah wuxuu asalkii kusoo
baxay The
NewYork Times (internet-ka).
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 15,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|