SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Dowlad Soomaaliyeed sidee loo dhisaa?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

June 24, 2003

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Ilaah baa mahad oo dhan leh. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Juun 26-keeda, 1-da Luuliyo, 21 Oktoobar, iyo 8-da May oo SNM ka dambayso, in kastaa oo ay taariikhdaas ugu dambaysa markii Boosaaso la joogo micno kale samayso. Carta iyo Salbalaar taariikhdeedii sumcad saas ah ma leh.

Waxaa dhici karta in Mbagathi ay kasoo baxdo taariikh kale oo tiraahda “wixii hore quba/daadiya” oo ay dhici karto in sida taariikhahaas farxad ama nacayb lagu qaabilo mar dambe.

Horta taariikhaha noocaas ah ee saas loo wayneeyo waa shirki. Waxaa dhici karta in qof is yiraahdo maxay tahay fatwada ninkaasi bixiyey. Walaalayaal anigu fatwo ma bixin karo laakiin waxaan ka hadlayo waa arrin la rabo qof kasto oo muslim ah inuu yaqaan. Ma lihi dadku waa musrikiin laakiin waa arrin loo baahanyahay in laga dheeraado. Oktoobarta oo kale dad badan oo aan rabin baa lagu khasbi jiray laakiin Juun iyo July dadku iyagaa xamaasadi iska qaaday. Cibaadada la sheegayaba waa waynaynta noocaas ah.

Waa maxay kursi iyo dowladi? Qofba dhan u badey!

Sida aan loo kala saari karin qofka iyo naftiisa ayaan loo kala saari karin dadka iyo dowladda saxda ah. Oo labadaba Ilaah baa leh. Waad arkaysaa dad diidan in Ilaah abuuray sidoo kale waad arkaysaa dowlado dhisan oo aan sharicigii Ilaahay raacin.

Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku sheegay inuu khalqiga, Amarka, iyo xukunka leeyahay. Muslimiinta oo ay Soomalidu ku jirto waa la isku raacay in abuurka Ilaah leeyahay laakiin amarka iyo xukunka waa loo diidanyahay Ilaah, waana sida muuqata. “Mayd waxaa udambeeyey kaas la sii wado”. Ma umalaynaysaan in xukun Ilaahay Kiplagat, Itoobiya, Afrikaan kale, Yurub iyo Maraykan laga qaybgalinlahaa?

Ilaah wuxuu sidoo kale Qur’aanka ku sheegay in diinta (nolol maalmeedka) Ilaah agtiis sax ka ah uu yahay Islaamka oo kaliya.

Maqaalkii ugu dambeeyey waxaan sheegay in Michael Hart uu xusay 100-kii qof ee adduunka saamaysnta wayn ku yeeshay siday isaga la tahay, wuxuu koow ka dhigay Nabi Muxamed (SCW).


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Maaddaama ay hogaamiyayaashu (qabqablayaasha) ka dambeeyaan dadka aan muslimka ahayn, annaguna aan qab-qablayaasha ka danbaysno, aan fiirino qaabkii uu Nabi Muxamed dowladiisa udhisay, ilayn nin aan muslim ahayn baa sheegay in Muxamed (SCW) uu ahaa hogaamiyihii dowladiisu ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay caalamka.

Nabigu (SCW) markuu Madiina tagay muxuu u horbilaabay? Muhaajiriin waxay ka soo tageen guryahoodii, maalkoodii, qaraabadood, waalidkood, iyo waliba qaarkood carruurtoodii iyo xaasaskoodii, ee ma waxaa loo hor dhisay xarun dadka lagu quudiyo, ma guryo ay degaan?

Maya, Nabiga iyo muhaajiriin badankood oo dulsaar/marti ku ah Ansaar ayey bilaabeen dhismaha masaajidka. Soomaalidu hadda Mbagathi ayey bilowday/dooratay. Meeshaan masaajid iyo diin ku bilaabi lahayn haddaan ku biloowno baarlamaan, dad dajiya sharci ama meel sharci lagu dajiyo waxaan noqonaynaa dad shirki wax ku bilaabay. Waana sheekada dimuqraadiyadda. Marka dad shirki ku bilaabay xal u helid waa arrin aan caqli gali karin.

Bal aan fiirino Suurat Abraahiim marka Nabi Ibraahim (CS) uu leeyahay marka Allaah nooga waramayo: Afsoomali ahaan. Rabbiyoow waxaan duriyadadii (wiilkiisii iyo hooyadiss) dajiyey waadi aan beero lahayn oo udhow Xaramka, Rabbiyoow si ay salaada u oogaan ee ka yeel/jeclaysii qayb dadka ka mid ah inay jeclaadaan/soo aadaan xaggooda (Xaramka) oo ku irsaaq miro waxay muddanyihiin inay shukriyaan. U fiirso Ibraahim (CS) maadaama uu xusay dhul aan beero lahayn waxaa la is dhihi lahaa muxuu irsaaqada ugu xijin waayey laakiin wuxuu ku xijiyey salaadda iyo inay dadku soo xajiyaan. Waana arrintaas waxa Nabi Muxamed (SCW) masaajidka ugu bilaabay. “Bacdhuhum min bacdhi”. Soow midkooba kan kale kama ahaan. Soow Ibraahim (SC) aabe/fog uma ahan Muxamed (SCW). Waa isku u jeedo. Dib ka fiiri waxa Mbagathi lagu bilaabay.

U fiirso waxa Nabigu (SCW) sameeyey iyo waxa aan annagu Soomaali ahaan aan hadda samaynayno.

Nabi Muxamed (SCW) iyo Asxaabtii waxay ka soo tageen Makkah oo ahayd magaalo mushrikiin xukuntay oo waxay yimaadeen magaalo laga soo dhoweeyey oo noqotay magaalo Islaam waa Madiinee. Soomaalidu waxay sameeyeen caksigeeda, dhul muslimiin bay ka soo tageen (Soomaaliya) waxay yimaadeen dhul gaalo xukunto (Kenya). Muslimiin badan baa Kenya degen laakiin waxa hor booda waddanka waa kiristaan.

MINNESOTA: Somali Students Speaks Out!... LETTER TO KIPLAGAT!

Muslimiinta waxay raaceen oo Nabi u doorteen Nabi Muxamed (SCW) oo ugu khayr badnaa. Yaa Soomaalida hadda horbooda? Ma kuwooda ugu khayrka badan? Waa qab-qablayaal.

Nabi Muxamed (SCW) wuxuu xukunka ka soo qaatay Ilaahii adduunka sameeyey. Soomaalidu way ka leexdeen manhajkii Nabi Muxamed (SCW) isagoo horyaal oo waxay ka haysaa dimuqraadiyad iyo wax kale oo ay soo amaahdaan.

Nabiga (SCW) waxaa lagu hagi jiray Waxyi Samada ka yimaada laakiin shirka Kenya waxaa hagga Kiplagat, Amxaaro iyo reer Galbeed.

Nabi Muxamed wuxuu isku keenay Ansaar oo labo qabiil isu hayey halka shirka Kenya lasii kala fogaanayo oo qaab qabiil wax lagu qaybsanayo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri ka taga qabyaalada waa qurune halka Kenya qaab qabiil yaalo oo waliba haddeer loo yeeranayo kaabo-qabiiladii. Annagu hadda qabyaaladii baan u yeeranaynaa.

Ansaartii waa iska fogeeyeen munaafiqiintii kaabo-qabiilaba ha ahaadeene sidii C/hi Binu Salool laakiin Soomaalidu waxay soo dhawaysteen shar-wadayaashii iyo odayaal kaabo-qabiilo ah oo qaarkood diinta la dagaalayo.

Muslimiintii waxaa qaybta ugu fiican qaatay dhalinyaradii sidii Ansaar oo kale oo odayaashii badankoodii dagaaladii sokeeye ayey ku dhinteen laakiin Soomaalidu dhalinyarada badankoodu waxay taageeraan qab-qablahooda iyo kaabo-qabiilkooda.

Ansaar waxay nasiib ku lahayd markii ay gaalada ahaayeenba waxay doorteen kaabo-qabiilo waxgarad ah marka laga reebo aabihii munaafiqiinta. Waxay ku badbaadeen labadii Sacad, Usayd Binu Xudhayr iyo kuwo kale. Ka warran qab-qablayaasha iyo kaabo-qabiilo badan?

Soomaalidu waxay ubaahantahay wax qabiil ka daweeya sidii Nabi Muxamed (SCW) iyo Islaamku Ansaar u daweeyeen laakiin annagu haddaaba loo sii tartamayaa. Waan aragnaa waxa qab-qablayaasha ka yeeraya in middi leeyahay waa inaan xukumo oo aan cadow usoo wato, mid kalana leeyahay kabo ka wayn buu isku dayayaa inuu gashado. Kuwo kale waxay leeyihiin annagu qabiil ahaan baan isu taagayna oo qabiilo dambe wax la qaybsanmayno.

Khiyaamada caddowga ma garankaraan waxa shirka jooga. Shalay 4.5 baa wax lagu qaybsaday oo waxaa la yiri qolo kasta tiro ha keensato waana saxiixeen, maantana sheeko kale.

Go’aanka kama dambaysta ah waxaa leh dadka shirka maamulaya, Soomaalida waxba gacan uguma jiraan.

Inkastoo culimada iyo ducaada Soomaalidu ayna sidii la rabay howshoodii uga soo bixin laakiin inta yar oo runta sheegta dhagax baa loo haystaa oo markay yiraahdaan war meeshaas oo kale faa’iido iyo mustaqbal kama soo socda laakiin way dhici kartaa in wax la dhoob-dhoobo. Laakiin haddii qaar xeeladaysiga ku dheereeya ay usheegaan wax labo dhinac loo jiidan karo sidii qiso ka dhacday nin khadiib ah oo ay Sunni iyo Shiico waydiiyeen keebaa Abuu Bakar iyo Cali kheyr badan? Khadiibkii wuxuu yiri: key gabadhiisu hoos joogto baa kheyr badan! Sunniyiintii waxay dhaheen gabadhiisu waa Caa’isho oo Nabiga (SCW) ayey hoos joogtaa iyagoo raali ah eyey tageen. Shiicadiina waxay dhaheen gabadhiisu (yacnii Nabiga SCW gabadhiisa) waa Faadumo oo Cali bay hoos joogtaa, iyaguna iyagoo faraxsan oo u qaba inay guulaysteen bay tageen. Ama ducadii ay madaxdu akhrin jireen marka jago loo dhaarinayo oo ay dhihi jireen: waxaan dhaar ku maraynaa inaan dantayada gaarka ah ka hor marinayno tan dadweynaha. Ama in aan danta dadweynaha ka hormarinayno taayda. Si kastoo loo dhaho waxay noqon kartaa siduu isagu niyeysanyahay.

Marka haddii daaciga Soomaliyeed dhaho haddii shirka Ilaahay garab galo waxbaa ka soo baxaya. Qof kasta oo muslim ah waa ogyahay in Ilaah wuxuu doono sameeyo laakiin addiga waxa Ilaahay ku baray sheeg. Xaqa waddo loo maro ayuu leeyahay ee sheekadu ma ahan “luuq-luuq maroow laasim laamigaas tagaa” iyo erayo la mid ah. Sidda Soomaalidu u tiraahdo meel gawaan ah ama bacaad ah naq kama soo baxo. Ama hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho. Qof kasta waa ogyahay in Ilaahay wax ka soo saari karo gawaan ama bacaad ee su’aashu waa in laga hadlo waaqica oo ah meel gawaan ah ama bacaad ah ama shamiito ah wax kama soo baxaan.

Marka qab-qable oo jirri iyo mooryaan u qunto oo dhowr qaryo haysta ama qaar ka mid ah qabiilkiisa yaan khaati ka istaagnee ka warran isagoo la yiri qaran xukun?

Iska daa inaan qof kasta madaxweyne u dooranee lama rabo in qof walba wax la waydiiyo haddii kale waxaa dhacaysa sidii sheekadii ahayd.

Nin acraabi ah ayaa niman culumo ah dhex fadhiyey. Marka mid baa culamadii saf kala raacay inuu waydiiyo waxa habaynkii saqda dhexe ay qabtaan? Kuwo waxay dhaheen salaatulayl iyo istiqfaar, kuwo waxay sheegeen inay kutubo iyo culuun ah aliffaan. Waxay soo gaareen acraabigii, fiicnaan lahaydaa inaysan waxba waydiinin. Waxay dhaheen oday maxaad habaynkii qabataa? Wuxuu yiri waan soo toosaa dabadeedna waan soo kaadshaa markaasaan hurdadayda ku noqdaa!

Haddaan hadda “CV”-goodii soo bandhigino maxaan ka filaynaa? Ma waxay sheeki karaan inta ay wax dhaceen, biliqaysteen, kufsadeen, furfurteen, dileen, khiyaamo qaran, isku dir qabiilo, diin nacab, xabashi/cadow u shaqyn, IWM.

Kuwo ku faanaya inay dhibka Soomaaliya bilaabeen oo ay dhibaatada aabbo u yihiina aragnay.

WABBILLAAHI TOWFIIQ

»Michael H. Hart: Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa u mudan (No. 1) [A/Waxid]  

» Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]