CAALAMIYAYNTA HANTIGOOSIGA (GLOBALISATION)
Qore: Cabdi Raxmaan Maxamuud
madheedh4@hotmail.com
Janaayo 31, 2004
Waxaynu qalabka warbaahinta si isdaba joog
ah uga maqalnaa ereyga Caalamiyaynta ee lagu yidhaa afka Ingiriisiga (Globalisation)
oo macnihiisu yahay in dunida oo dhan lagu soo dabaalo ama laga hirgaliyo
habka dhaqan dhaqaale ee hanaanka reer galbeedku ku dhisanyahay ee (Hantigoosiga
). Sidaas awgeed ayaanu erayga Caalamiyaynta ugu lifaaqnay erayga
hantigoosiga si uu akhristaha Soomaaliga ah ugu cadaado nuxurka caalamiyaynta,
iyo waxa la caalamiyaynayo, oo ah falsafada iyo hanaanka raasamaaliyada,
waxaana xusid mudan in himilada caalamiyayntu aanay ahayn mid cusub,
waxaanaynu odhan karnaa mashruucii guumaysiga qayaxani waxa uu xambaarsanaa
isla ujeedada caalamiyayntu huwantahay, ( inkastoo ay ku kala duwanyihiin
xeeladaha mid walaba adeegsadayey iyo casriga uu la kulmay) maadaama
hadafkiisu ahaa “waa guumaysigee” in dunada inteeda kale laga dhigo mid ku
milanta una adeegta danaha istaraatiijiyadeed, siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo
dhaqameed ee reer galbeedka.
Hadaba hadaynu u soo noqono soo shaacbaxa
isticmaalka eraygan Caalamiyaynta waxa uu warbaahinta ku fiday horaantii
sagaashaneeyadii ka dib markii hanaankii hantiwadaagu burburay (ee uu sida
barafka u dhalaalay) isla waqtigaas oo hanaanka raasamaamliyada ee mareykanku
hormuudka u ahaa ku kaliyaystay qorshaynta siyaasada caalamka, waxaanay
noqotay caalamiyayntu falsafada haananka caalamiga ah ee cusub kana dhashay
isbadaladii ku dhacay qaab dhismeedka awooda caalamka , taas oo hanaanka
awooda caalamka ku kaliyaystay, damcayna in qaab dhaqan dhaqaaleedkiisu noqdo
halbeega mudan ku dayashada iyo astaanta ku abtirsashada xadaarada iyo
horumarka ( waa sida reergalbeedku u arkaane), hadaba maadama caalamiyayntu
tahay hanaan iyo nidaam balaadhan, waxay leedahay qaabab iyo muuqaallo kala
duwan, kawaas oo aynu midaba gaar isha u marindoono.
CAALAMIYAYNTA DHAQAALAHA:
Arar ahaan tan intii kacaankii warshadaha ka
hanaqaaday qaaradda yurub qanigii 17naad waxa soo foodsaartay reer yurub
mushkilad dhaqaale oo xalkeedu kalifay halaaga iyo silica umado dhan,
mushkiladaas waxay ahayd tiknoolajiyadii warshdaha reer galbeedka, waxay
sababtay in waxsoosaarkii warshadahoodu ka badnaado mugga iyo baahida
suuqyadooda, taas oo keentay inay raadiyaan suuqyo kale oo lagu iibiyo
badeecadhooda xad-dhaafka ah ee meel loo waayay . ( waa sabab ka mid kuwii
guumaysiga dhaliyay). Hadaba maadaama dookha wax iibsineed ee umaduhu kala
duwanyihiin, sida noloshoodu dhaqaamdoodu u kala duwanyihiin, waxay reer
galbeedku khasaare u arkeen in umad walba ay rabaan inay waxa ka iibiyaan, ay
ka gadaan badeecad ku salaysan ama ku haboon dhaqankooda iyo dookhooda,
sidaas awageed waxay go’aansadeen inay khasab iyo farsamo lagu badalo dookha
waxiibsineed ee umaddaha kale, laguna saleeyo dookha reer galbeedka iyo
alaabada warshadahooda lagu sameeyo, si suuq caalami ah loogu sameeyo
badeecadahooda meel loo waayay. Arintaas oo u gaysatay dhaawac iyo nabar wayn
hannankii nololeed iyo dhaqamaeed ee umadaha kale ( gaar ahaan dunida
sadexaad) hadaba laga bilaabo waqtigaas, waxay noqdeen danaha reer galbeedku
kuwa xadida ama uu ku salaysan yahay qaab dhismeedka iyo hanaanka dawliga ah
ee jira isla markaasna ay noqotay dunida sadexaad, hadba mid loo jeediyo ama
loo qaabeeyo sida u adeegaysa dawladaha waawayn, iyo baahida raasamaaliyada
caalamiga ah, hadaba hadaynu arartaas gaaban kaga baxno guudmarka taariikhda
nidaamka dhaqaale ee dawliga ah waxa xusid mudan in hanaanka caalmiyayntu
guntin ka mid ah qaab dhismeedyadii dhaqaale ee taxanaha ahaa isla markaasna
yahay qaabkii ugu danbeeyay ee casrigan iyo duruufaha guud ee jira la
saanqaadayay isla markaasna ka turjumaya iyo hormuudnimada awoodaha
qorshahani u ololeynaya ,
Hadaba waxa iswediin leh, talabooyinka ay
awodahaas qaadeen ee lagu damacsan yahay in qorshahan laga dunida sadaxaad
laga hirgaliyo, oo ah qaar lagu khasbayo dowladaha soo koraya inkastoo ay ka
soo horjeedaan danahooda iyo qaranimadooda, waxaa ugu mudan.
1. in dhamaan suuqyada caalamka la isu furo,
lana qaado dhamaan caqabadaha xayiraha qulqulka badeecadaha reer galbeedka,
halka ay dowladaha reer galbeedku iyo dhamaan kuwa warshadaha ku horeeya ku
gudbaan alaabada dunida sadaxaad in suuqyadooda loo soo dhoofiyo boqolaal
carqalood oo curyaaminaya,
2. in la joojiyo siyaasada kobcinta iyo
ilaalinta wax soo saarka wadaniga ah ee soo koraya gaar ahaan dunida sadaxaad,
si suuq loogu helo alaaboyinkooda ee ka tayo iyo farsamoba badan kana qiima
jaban kuwa dunida sadaxaad ee u baahan xanaaneynta ilaa inta ay lugaha isku
taagayaan, arintaas oo ay ujeedadeedu tahay inaan dunida saxaad isku filaan
waligeed, waxa waliba intaa sii dheer xasilooni darada iyo colaadaha laga
oogay si loogu diido jawi daganaasho iyo horumareed dunada sadaxaad.
3. waxa dowadlahan dunida sadaxaad lagu
sanduleeyey dabaqida qorshaha loo yaqaan ( Privatization) oo macnihiisu yahay
in mashaariicda qaranka iyo hantida dowlada laga iibiyo hantiilayaasha gaarka
ah siiba kuwa reer galbeedka iyo shirkadahooda caalimiga ah ( Multi national
Corporation) waxaa intaa sii dheer iyadoo dowladahaas dunida sadexaad lagu
armay iney dowladu gacmaha ka laabato qorsheynta iyo maaraynta siyaasadaha
dhaqaale iyo bulsho ee qaramadooda, kuna koobnaato wax qabadkeedu ilaalinta
nabadgalyada oo kaliya, sidaasna ku noqdaan adegyadii guud ee dowladu u fidin
jirtay shacabkeeda sida wax barashada, caafimaadka, abuurista fursado shaqo
iyo I.w.m. adeegyadaas oo gacanta u galaya hantilayaal gaar ah oo lacag kaga
iibinaya adeegyadii ay dowladooda xaq ugu lahaayeen, arintaas oo ku ah
danyarta dunida sadaxaad oo aan sinaba uga maarmin adeegyo guud oo la kabay,
arintan oo markaas dharbaaxo weyn u geysatay nuxurka qaranimada, iyo
madaxbananaida umahada soo koraya, si toos ahna u khilaafsan axdigii qaramada
bidobay oo qodobkiisa labaad sugaya muqadasnimada qarannimada umahada (
Sovereignty) waxaana faragalintana u qiima tirtay macnaha dowladnimada,
maaadamaa casrigan cusub ee caalamiyeytu ka dhigay mid aan u adeegeyn danaha
qarankeeda, balse laga dhigay mid ku hawlan meel marinta iyo ilaalinta danaha
raasamaaliyada caalamiga ah, iyo hantiilayaasheeda gaarka ah ee ku mamay
boqol jibaarka faa’iidooyinkooda ka aradan damiirka bina’aadnimo, waxana
hirgalinta qorshahan ku guntaday Hay’adaha kala ah ( I.M.F. International
Money iyo I.B.R.D. International for reconstruction iyo W.T.O. world trade
organization).
Waxaana kuwaas ku weheliya hirgalinta
caalamiyeynta shirkadhaa caalamiga ah, ee ganacsigoodu qaaradaha u kala
goosho, ( ) shirkadahaas oo gacanta ku dhigay qaybta ugu weyn gacansiga iyo
hantida caalamka heer ay ka hanti iyo raasamaal bataan qaramo iyo umado dhan,
tusaale ahaan sanadkii 93, kii laba boqol oo shirkadood oo ah kuwa caalamka
ugu hantida badan, waxay ka dakhli bateen 182 dowladood, marka laga reebo
9.dal ee caalamka dhaqaalaha ugu horeeya.
Taasoo oo dhaqaalaha dowladaas noqday, 6.9.
trillion. ( 6.kunoo bilyan iyo 9.boqol oo milyan, ) halka dhaqaalaha 200.
shirkadood ka noqday 7.1 trillion( 7.kun oo bilyan iyo 100. bilyan,) waxaa
sidoo kale xusid mudan in shirkada Mitsubishi ee dalka Jabaan ay ka dakhli
badatay Induuniiya oo dhan, oo ah dalka afraad ee tirada caalamka ugu dad
badan, hadaba waxaa jirta in hantidan mugdhaafka ah ay qayb weyn ka tahay isu
dheeli tirnaan la’aanta qaab dhismeedka dhaqaalaha iyo qaybsanaanta hantida
iyo hodannimada caalamka, oo aad moodo iney weel kaliya isugu soo aruurtay,
sida shaxdan hoos ku qoran ka muuqata,
1. dowladaha hormaray oo 20% ka ah dadka
aduunka ayaa kahela 86%. Dakhliga caalimiga ah, iyo 80% lacagta caalamka,
sidoo kale 85% ganacsiga caalamka.
2. 358. Bilyaneer ayaa leh hanti kabadan
inta ay leeyihiin dad dhan 2.5.Bilyan ( 2500. Milyan oo qof) oo dunida ku
nool.
Cadaalada darada noocan ah ee lafdhabarka u
ah nidaamka caalamiyeynta waxay ku kaliftay Mikhail Gorbatjof, oo ah
madaxweynihii ugu danbeeyey midawgii soofiyeeti, inuu yiraahdo erayadan (
dunidu ma waxay ku danbeyn Baraziil weyn, waxaan u jeedaa dowlado cadaalad
darro iyo sinaan la’aan curyaamisay oo u qaybsan xaafado xiran, oo janno
lamoodo, oo inta hantida leh isku ilaaliso, iyo dadka inta kale oo fakhri la
liita oo ku nool xaafado xabaala lamoodo oo ku agtaalla janadaan dhufayska
lagu wareejiyey, )
CAALAMIYEYTA DHAQANKA: ( DUULAAN
MASKAXEED).
Maadama caalamiyeyntu tahay qorshe dhaqan
dhaqale iyo siyaasadeed oo halbeegiisu yahay in dunida oo dhan lagu baahiyo
aragtidiisa, waxaa lagama maarmaan noqotay sida ay is tuseen garwadeenada
qorshahan in hab dhaqan nololeedka reer galbeedka noqdo tusaalaha suuban ee
ay tahay iney ku daydaan kuna hirtaan umahada kale, maadama reer galbeedku
isu arko macalinkii iyo hormuudkii xilku ka saaran yahay iney umadaha kale u
yeeriyaan sidii ay u noolaan lahaayeen, una dhaqmi lahaayeen, in xaalku sidaa
yahay waxaa ka marqaati kacaya madaxweynihii hore maraykanka ( Kilinton) oo
yiri hadaladan ( hadaanu nahay Maraykanka oo ah horseedka dunida reer
galbeedka iyo caalamkaba waxaanu dareensanahay in hab dhaqan nololeedkayagu
yahay mid ku haboon dhamaan dadyowga aduunka, waxaanu dareensanahay in xil
iyo masuuliyada naga saaran tahay in caalamka oo dhan aan u ekeysiinno sida
aan u nool nahay.)
( waa fikrad la mid ah tii xiligii
isticmaarka nalaka dhaadhicin jiray ee ahayd in ninka cad xil ka saaran yahay
ilbixinta caalmaka oo dhan.)
Waxaana duulaan dhaqameedkan u hub qaad
aqoonyahanada iyo qalabka warbaahinta reer galbeedka, tusaale ahaan horaantii
90.yadii waxaa soo baxay buug uu qoray nin Maraykan ah oo asalkiisu Jabaan
yahay oo la yiraahdo, Faransiis voka yaama, oo la yiraahdo ( dhamaadkii
Taariikhda) isagoo ka duulaya burburkii hantiwadaagga wuxuuna sheegay in qaab
nololeedka reer galbeedka iyo hanti goosigu yahay halkii ugu danbeesay ee
horumarku bani’aadamku gaari lahaa, oo aanay jirin qaab nololeed kale oo
xaadaari ah oo loo dhaafaa, arintaasi oo ka horjeeda sunanka rabaani ah ee ku
salaysan kala duwanaan shaha umadaha iyo qaab nololeedkooda, sida ay aayadan
quraanka ah tilaameyso.
Waxaa ka mid ah
Aayaadka ku tusin (Qudrada) Eebe samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo
kala duwanaanta Afkiina (Luquqada) iyo midabkinaba, taasina calaamad yaa
ugu sugan kuwa Cilmiga leh:
Suurada Ar-Ruum,
Aayada 22aad Guji.. |
Ilaahay aayada ku jirta Suuratul Ruum No 22.
wuxuu ku sheegay ( In Aayada ilaahay ka mid tahay kala duwanaan shaha
midabadiinna iyo luqadihiinna taasoo aayad u ah caalamka).
Waxaana khatarta afduub dhaqameedka reer
galbeedka ku hayaan umadaha kale sii balaariyey qalabka warbaahinta reer
galbeedka iyo Tiknoolajiyadooda, macluumaadka ee casriga ah, oo intuba u
qalab qaatay hirgalinta duulaan dhaqameed iyo duqaynta maskaxda umadaha kale
iyo dhaawicida shakhsiyadooda qaran, iyo quursiga wax yaalaha ay aamisan
yihiin, iyo xayeysiinta qiyamka reer galbeedka ee maadiga ah, waxaana xusid
mudan in 85% macluumaadka iyo sawirada qulqula qalabka warbaahinta caalamiga
ah ay yihiin kuwa ka yimid dalalka reer galbeedka, macluumaadkaas oo
xanbaarsan qiyamkooda, qaab nololeedkooda, falsafadooda, iyo danahooda,
arintaasi dadyowga dunida sadaxaad oo ay muslimiintu ugu horeeyaan waxay ku
tahay khatar weyn, maadama ay soo bandhigeyso caalamiyeynta qaab nololeed ka
horjeeda aragtida islaamka nolosha ka qabo, waxaana khatarta ugu weyni
saameysaa dhalinyarada.
Tusaale ahaan hadey u fiirsanno qaab
dhaqameed dhaliyarada soomalaiyeed ee haatan jira, waxaad arkeysaa iyagoo
jecel iney u labistaan u dhaqmaan sida dhalinyarada maraykan ama galbeedka,
dhagaystaan heesahooda, xayeysiiyaan filmadooda iyo nolosha shakhsiga ah ee
jilayaasha caanka ah, waxaad arkeysaa dhalinyaro soomaaliyeed oo afka ka
xunbeynaya siday ugu murmayeen tan fiican laba kooxood oo ciyaartoy ah oo
reer galbeed ah, halkii ay iney ku mashquulaan sidii ay qarankoodan burburay
dib ugu soo dhisi lahaayeen, Soomaaliyana uga soo saari lahayeen xaabaasha ay
ku jirto, maadama ay yihiin ciidankii u gargaari lahaa ee u maqnaa, taasina
waxay marag ka tahay sida maskaxada looga xaday ee loo jahwareeriyey
wacyigoodii, taasoo kamid ah jariimadaha duulaan dhaqameedka.1
CAALAMIYEYNTA SIYAASADO GAAR AH (LA
JIIFIYAANA BANAAN)
Waa dastuurka la isku
raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono
Jamhuuriyada
dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya
Guji...
22/1/2004: Nairobi |
Hadaynu ka eegno caalmiyaynta dhinaca
siyaasada waxa hanaankani la shiryimid halku dhegyo iyo cinwaano siyaasadeed
oo sheegtay inuu astaan u yahay casrigiisa siyaasasdaha lagu dhaqmayo ee
caalamiyan u baahinayo , waxaa ka mid ah halkudhegyadaas ku dhaqanka hanaanka
dimoqoraadiyada ama tala wadaaga xisbiyyada badani ku tartamaan , ixtiraamka
iyo dhawrida xuquuqul iinsaanka , hufanaanta maamulada (transparency) iyo la
dagaalanka musuqmaasuqa , qiimaynta iyo qadarinta kaalinta sharciga dawliga
ah iyo in lagu dhamaynayo dhamaan ismaandhaafyada iyo colaadaha wada hadal
iyo is afgarad ,BALSE marka hoos loo sii eego habdhaqan siyaasadeedka
caalamiga ee runta ah ee casrigan caalamiyaynta dunida ka jira gaar ahaan kan
lagula dhaqmo dunida sadexaad waxa inoo soo baxaysa xaqiiqo argagax lex taas
oo ah: maaha dimoqoraadiyad waxa la dhawraa ee waa danaha dawladaha waawayn ,
hadii maamulada ka jira dunida sadexaad u dhego nugul yiin fulinta danaha
guracan ee dawlada waaweyn maqli maysid wax canaan ah oo ku saabsan
dimoqradiyad xumo inkastoo maamuladaasi xasuuqaan oo dhegta dhiiga u daraan
kumanaan shicinkooada ka mid ah war baahinta reer galbeedku indhahay kala
xishootaa faaqidaada falalka aadaminimada ka dhanka ah ee dawladaha dhegaha
nugul, hadiise maamul ka mid ah dunida sadexaad ku dhego adkaato dawlaha
waaweyn gaar ahaan galbeedka waxaad maqalaysa durbadiiba dacaayado ah oo
gidaar kasta loola taagan yahay maamulkaas laga waayay. Tusaale ahaan waxa
hada haysta robert mogabi madaxwaeynaha simbaabwi , sidoo kale cadaadiska
lagu hayo madaxwayne saafeeshka dalka Venzuela ka dib markuu ku dhego
adkaaday shirkadaha batroolka ee mareykanka , haday noqoto xaga ku xadgudubka
xuquuqul iisaanka waynu wada ogsoonahay waxa maanta aduunka ka jira iyo
dawladaha waawan iyo asxaabtoodu yihiin kuwa ugu daran ee ku tunta, waxaana
xusid mudan mudan xadgudubyada foosha xun ee ay israa’iil ku hayso shacabka
reer falastiin ee isagoo faro madhan lagu garaacayo diyaaradaha f16 iyo
aaladaha dagaal ee ugu casrisan , hadana cidi dheg jalaqa u siin , haday
noqoto xaga ixtiraamkas qaanuunka dawliga ah iyo ku xalinta khilaafaadka qaab
nabadeed waxa inagu filaan inaan magac mooyee macno ahaan aanuun jirin wax
sharci dawli ah oo dunida lagu dhaqmo , dagaalkii qayaxna ee ciraaq
mareykanku ku qabsaday , waxaana xusid in sanadkii 1991 dagaalkii laga saaray
ciraaq lagu qaaday qodob ka mid axdiga qaramada midoobay ee sheegaya in
dalkii wadan kale ku duula dawladaha caalamku dhan ka wada maraan oo xoog
laga xoreeyo dalkaas oo uu qabsaday , hadaba maanta mareekanka waxa haysta
isla qodobkaase su’aashu waa yaa ku fulin kara oo ciraaq ka saari kara,
halkaas waxa ku cad in maanta dunida xoog mooyee xeer jirin. Sharciga kaliya
ee jiraana yahay hadba ay ku hirgalayaan danaha dawladaha waawayn oo xaalkuba
yahay la jiifiyaana abanaan la joojiyaana
banaan, waana kaas habdhaqanka siyaasiga ah ee caalamiyayntu oo ah
inuu yahay qaanuunkii kaynta iyo kii roonaw reerka u hadh.
Qore: Cabdi Raxmaan Maxamuud
madheedh4@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog
Macquul ah
Guji..
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|