SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
REJADA SHIRKA ELDORET OO SII XUMAANAYSA

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 13, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
Xalay fiidkii waxaa todoba saac oo xiriir ah gorodda iskula jirey hogaamiyayaasha soomalida ee Eldoret shirku uga socdo iyagoo uu midba kan kale weerar ku qaadayo ayeey si qayaxan uga doodayeen Hab qaybta ergooyinka shirka ka qayb qaadanaya oo uu gudoomiyaha gudiga farsamada Igad soo dhex dhigay kana codsaday inay qaybsadaan, Mr.Mwangle oo aysan wejigiisa wax farxad ahi ka muuqan waxaa hadaladiisii xalay ka mid ahaa: “Cawa waxaan idiinku yeedhay inaan dhibaato kala kulanay ergooyinkii aan idiin qaybinay sidaa darteed caawa waxaa miiska idiin saran 262 ergay oo kooxaha loogu talo galay iyo 100 bulshada rayidka ah loo qoondeeyey ee ama qabiil ku qaybsada ama koox koox u qaybsada, wax dambe oo xurmo ahna idiinma hayno”.

I  I  D  H  E  H

Markii ay gudiga farsamadu soomaalidii u kala tagtayna waxaa bilaabmay is xag xagasho, weerar iyo weerar celis ah oo ka dhex oogmay madaxda kooxaha siyaasadda Soomaalida oo uu mid kastaaba wanaaga siyaasadda ururkiisa iyo aragtida uu arinta dhex taalay ka qabo ku wanaajinayey kuwa ka soo hor jeedana dhulka la dhacayey, dadkii xalay goobta shirka ka hadlayna waxay kala tageen iyagoon wax natiijo ah ka gaadhin kulankii lagu doonayey inay ergooyinka dib ugu qaybsadaan, waxaa loo kala ololaynayey laba aragtiyood oo kala ah: “Cabdillaahi Yuusuf, Gen. Morgan iyo Maxamed Dheere oo soo jeediyey in qaybinta ergooyinka Igad loo dhaafo iyo inta kale oo soo jeedisay inay arrinta iyagu Soomaali ahaan maamushaan, dadkii hadlayna waxaa ka mid ahaa Raysal wasaaraha DKG Xasan Abshir oo sidan u hadlay: “Ma ahayn inaan annagoo dawlad ah idinla fadhiisano laakiin danta ummadda soomaaliyeed baan idiin soo hor fadhiisanay, walaalayaalow fursad kalaan idin siinaynaaye nala heshiiya, weliba gaar ahaan Cabdillaahi Yuusufoow waynu heshiin karaaye aynu inagu heshiino”.

Zekeriya xaji Cabdi oo ka tirsan TNG ayaa isagu hadal hanjabaad laga dhadhansan karo xalay la gole yimid wuxuu yidhi: “Haddii aan shirkan lagu heshiin dawladdu go’aan go’amadii hore ka duwan ayeey qaadanaysaa”.

Aadan Madoobe oo ah ninka iminka Baydhaba gacanta ku haya ayaa isna hadal duur xul ah xalay soo bandhigay wuxuu yidhi: “ Rag halkan fadhiya ayaa dacwad ah inay Baydhaba Al-qacida joogto gudbiyey, kuwaa waxaan u sheegaynaa inaysan halkaa Al-qaacida joogin waxaan kaloo leeyahay annagu muslinimadayada cidna kalama gabanayno, waxayba gaadheen heer ay isku dayaan inay shaki naga geliyaan inaanu muslim sheegano”.

“Run baan sheegayaaye ninkii diidanoow caawa dhimo”, sidaa waxaa yidhi Maxamed Qanyare Afrax oo eedda khilaafka hadda taagan dusha ka saaray Igad oo uu sheegay inay xitaa kala laabatay ergooyinkii ay dadka ku casuumeen, waxaa kale oo uu yidhi: “Waxaan u sheegayaa walaalkay Cabdillaahi Yuusuf oo been loo sheegay walaalow haddaad madaxweyne rabtid Soomaali ka dhex raadso, wixii aysan intayadani ku siin cid ku siin kartaa ma jirto”, Mr. Qanyare wuxuu xusay inay Igad arintan ku fashilantay oo uu ka codsanayo inay midawga Yurub oo dhaqaalaha shirka bixiyaa loo gudbiyo arinta Soomaalida.

Cabdillaahi Yuusuf ayaa isna ka mid ahaa ragii xalay ka qayb qaatay doodii guuldarada ku dhamaatay wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay isagoo sheegay inay u soo baxday inuu isbahaysi cusub oo TNg iyo G8 (kooxaha hab qaybta Igad diidey) ay u soo heshiiyeen waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Tashi baa ii muuqda waxaadna abaabulaysaan inaad dagaalo cusub qaaddaan, waxaana ii muuqata inaynaan arrintan ku heshiin Karin sidaa awgeed arinta Igad aynu u celino iyadaa ina casuuntaye”.

Waxaa isna xalay kulankii ka hadlay Cismaan Caato oo isagu Cabdillaahi Yuusuf si toos ah ula hadlay waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: “Sool iyo Sanaag adigu kama talisid ee Somaliland dhulkeedaad sheegataa, Galkacyana haysan maysid, dad waaweeyn baan nahaye waxba Igad ku celin maynee aan si daacada wax u qaybsano”.

Waraysigii Gen. Moorgan
Ibraahim Maxameddeeq ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo jooga Eldoret, Akhri waraysiga oo dhan 

Waraysigii Col. Barre Hiiraale
Ibraahim Maxamedeeq wuxuu waraysi ku saabsan shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret ka socda iyo arimo la xidhiidha deegaanka Kismaanyo kula yeeshay raarta dambe ee Hotel Sirikwa guddoomiyaha isbahaysiga dooxada...  GUJI.Halkan

Hadalkii xalay waxaa ugu dhex dhexaadsanaa Xuseen Caydiid oo sheegay inay TNG iyo SRRC ay khalad leeyihiin waayo buu yidhi SRRC iyadaa is hor taagatay in G8 wax loo kordhiyo, wuxuu madaxda soomaalida ka codsaday inay meel dhexe isugu yimaadaan oo guddi xaajada loo saaro. Waxaa isna xalay hadal kooban jeediyey Gen. Moragan oo aan hadalkiisii intan ka soo qaadi karo wuxuu yidhi: “Aniga seedigay baa dhulkaygii iga haysta oo Caabud waaq ka yimid, saddex ergaa la i siiyey dacwana ma qabo, Barre’na isgoo 13 ergey haysta ayuu leeyahay waa caddaalad-darro oo ma qaadanayo, guddi lama qabanayo waayo wax aynu ku heshiinaynaan jirin, marka aynu Igad u celino”.

Gen.Morgan waxaa u jawaabay Col. Barre Hiiraale oo sheegay inuu Morgan dhawr goor ku soo cel-celiyey inuu dhul ka haysto isla markaana uu Caabud waaq ka yimid, wuxuuna yidhi: “ Waa runtii oo Caabud-waaq waan ku dhashay, isaguna Qardho ayuu ka yimid, cidna dhulkan kama haysto ee dhulku waa dhul Soomaaliyeed, masuuliyadeedana waxaa ii dhiibtey dadka Jubada hoose iyo Jubada dhexe degan ilaa iyo inta dawlad dhexe imanaysana waxaan ka ilaalinaynaa Morgan oo kale”.

“Halkan waxaa nooga caddaatay inay kooxda TNG iyo G 8 shirka bur-burinayaan waxaanna leeyahay waxba Igad ha ku eedayninee idinku qirta inaad shirka fashilinaysaan, magaca TNG baad ku heshiiseen inaad xalaalaysaan, mana yeeli doonno, waxaadna u heshiiseen oo kale inaad annaga na weerartaan”, ayuu yidhi Maxamed Dheere oo isna soo jeediyey in arrinta Igad loo celiyo.

Cumar Finish ayaa isaguna soo ban dhigay hadal hanjabaad ah wuxuuna sheegay inay shirka joogaan dad sacabka loo buuxiyey iyo dad eber la baday wuxuuna yidhi: “Hadduu shirku bur-buro waxaan dhaar ku marayaa inay rag badan oo SRRC ahi Nairobi u soo fakan doonaan”., shirkii xalay oo furmay fiidkii 8:30 ayaa markii wax xal ah lagu gaadhi waayey la soo gebagebeeyey xalay 2: 00.

Maanta subaxnimadiina markii golihii shirka la soo wada xaadiray waxaa soo fadhiistay Jaamac Cali Jaamac kaas oo markuu Cabdillaahi arkay uu shirka dibedda uga baxay lana socodsiiyey xubnaha hab maamuuska shirka inuusan hab fadhiga shirku saxnayn sidaa darteedna uusan foodda gelinayn ilaa Jaamac laga soo saaro, waxaa arintan Cabdillaahi ku weheliyey badiba xubnaha SRRC, laakiin wuxuu qaraxii ugu weeynaa dhacay markii ay xubnaha baratakoolku isku dayeen inay Jaamac dibedda u saaraan oo ay kooxda G 8’na shaaca ka qaadeen inysan iyaguna aqbalayn inay shirka joogaan haddii Jaamac dibedda loo saaro, shuruudahaas is khilaafsan kaddibna shirkii waa lagu kala dareertay.

Si kastaba murankani ha ku dambeeyee wufuud ka tirsan midowga Yurub iyo Igad ayaa ku hawlan dadaal ay ku baadi goobayaan sidii ay is mari waagan marba wejiga cusub la soo baxaya u maarayn lahaayeen. Arintuna hadda waxay taagan tahay awel qaybta ergadaa la isku haystaye haddana waxaa lagu hardamayaa Jaamac Cali Jaamac shirka wuu ka qayb gelayaa iyo ka qayb gelimaayo.

 

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Go'aan Kasoobaxay Gudiga farsmada IGAD ee Shirka Eldoret
 
go’aankaas oo ergooyinka shirka ka dhigay 362 iyo qaybintii xubnahii lixda gudina 93 xubnood GUJI 07/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD