SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
IS-MAAN-DHAAF KA DHACAY SHIRKII ELDORET

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

November 4, 2002

 

ka biloow bidix: Xuseen Caydiid, Muuse Suudi, Xasan Abshir iyo Deerow oo shir ka qayb qaadanaya 
Gacal Classic Tea: SHAAH HEER SARE AH ...GACAL CLASSIC TEA

Middi-middi ku taag iyo is mariwaa laysku maan dhaafay ayaa maanta dhex maray madaxda kooxaha siyaasadda ee soomaalida oo shir ay isugu yimaadeen looguna talo galay inay ku soo bandhigaan qorshahooda ku wajahan sida ay u doonayaan in guddiga loo qaybsado.

gudiga farsamada Igad oo xaadir ku ahaa golihii maanta ayuu Mr. Mwangale oo u hadlayey soomaalida u sheegay inay doonayaan in maanta loo soo gudbiyo qorshahaas, si hawsha inta ka hadhsan loo guda galo laakiin markii uu hadalkii ka baxay ayeey Qanyare iyo Col. Barre Hiiraale fagaarihii keeneen arin fajaciso noqotay oo ku saabsan habkii ergooyinkii hore loo qaybiyey oo ay saluugsan yihiin, waxayna qaybintii hore ku tilmaameen mid caddaalad darro u dhacday, Col. Barre oo arintaa ka hadlayey ayaa isagoo Mwangale la hadlaya yidhi: "Guddoomiye caddaalad ma ahayn sida aad 350ka u qaybiseen, sidaa darteed waxaannu doonaynaa in 350ka ergey hadda dib loo qaybiyo".

"Guddoomiye ma waxaad wax ku qaybiseen gobolaysi mise qabiil, afar hogaamiye oo isku qabiil ah ayaa halkan ila fadhida, aniga keligeeyna hal qabiil baan ka socdaa, sidaasi caddaalad maaha" sidaa waxaa shirkii maanta ka yidhi Maxamed Qanyare Afrax oo ah gudoomiyaha ururka USC oo ka mid siyaasiyiinta soomaaliyeed ee halkan lagu marti qaaday,markay xaaladdu halkaa caga cagaynaysey ayuu Mwangale ku andacooday inay arintani tahay sababta ay u doonayaan inay madaxda soomaalidu maanta u wada hadasho, wuxuuna ka codsaday inay si gaara iyagu u wada hadlaan oo ka heshiiyaan waxa ay isku hayaan.

Gudiga farsamada igad markay baxeen hogaamiyayaasha soomaalidu waxay isku dayeen inay wada hadalkii sii wataan...wada hadal iyo dood ka sokoow waxaa qaybinta ergooyinka in lagu noqdao isku raacay Cumar Finish, Barre hiiraale, Cismaan Caato, Qanyare, TNG, Caasha Xaaji Cilmi, Cabdisalaan SRRC iyo Cabdirisaaq Biixii iyo kuwa kale.

Waxaana in sida ay Igad wax u qaybisay in la raaco isku raacsanayd: Aadan Gabyow, Maxamed Seyid, Morgan iyo Cabdillaahi Yuusuf oo sheegay in sida ay Igad wax u qaybisay ay caddaalad ahayd, waxaana u jawaabay Cismaan caato oo yidhi: "waa gartaa inaad tiraahdo caddalad baa wax laynoogu qaybiyey maadaama aad ergadaydii gaalkacyo qaadatay". dooddan oo markii ay madaxda kooxuhu ku daaleen mar kale loo balamay in fiidkii la isugu soo noqdo ayaa kolkii la isku soo noqday ka dartay kaddib markii ay gudiga farsamada Igad madaxda soomaalida soo hor dhigeen warqad ay ku soo qaybiyeen sida loo kala helayo gudiyada lixda ah iyo ergooyinka shirka oo ay ka dhigeen 400 oo ergey.

Taas oo ay madaxda siyaasadda soomalidu si aan kala hadh lahayn ganafka ugu dhufteen, kicisayna uugaan iyo bulaan laga dareemay hareeraha Hotel Sirikwa ee shirka dibu heshiisiinta madasha u ah.

Doodda qaybta ergooyinka ka aloosan oo aan ka hadalkeeda hadda loo fadhiyin ayaa dhakafaar ku riddey dadka inuu shirku najaxo jecel iyo guddiga farsamada oo ay hadda u taal hawl weyn oo ku saabsan sida ay murankan u maarayn lahaayeen, dad badan ayaana qaba soo hadal qaadka iminka ah ee qaybta ergooyinku inuu ku sifoobayo raad arooryo oo gadaal loo raacay.
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen, ra,iisul wasaare 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967

Dhinaca kale waxaa galabta garoonka diyaaradaha ee Eldoret international ka soo degey raysal wasaarihii hore ee soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ay garoonka ku soo dhoweeyeen duqayti caan ka ah soomaaliya oo ay cabdirisaaq isku ayni yihiin ayna ka mid yihiin Axmed Raage, Cali Shiddo iyo kuwo kale, Raysal wasaare Cabdirisaaq oo la dejiyey Hotel Sirikwa waxaa si is daba joog ah u booqanayey Mwangale, safiirka Jabuuti Mr. Ismaaciil iyo dad kale oo heer sare ah.

 WARAYSI::  SHEEKH AADAN MADOOBE WARAYSI, SOMALITALK/ELDORET

Ibraahim Maxmeddeeq

Somalitalk

Eldoret, Kenya

E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Dhismaha Gudiyadii Shirka Eldoret oo la Guda Galay
 
waxaa shir ay yeesheen gudiga farsamada IGAD iyo madaxda kooxaha soomaalida lagusoo bandhigay lix guddi oomidkiiba ka koobyahay 15 xubnood taas oo...
Akhri warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]