SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
MA HADDEER IYO SOOMAALIYEEY HA GAALOOBINA.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

May 18, 2004

Muddo dheer baa wax laga qoray, sidii wax looga badali lahaa maskax Siyaasa-deedka Soomaalida, waxaa xoog weyn lagaliyey in la soo celiyo fakarkii saxda ahayd ee ay umadi u baahneyd. 14.Sano oo dowlad la’aan ah, waxaa qalin iyo waanoba la galayey sidii magacii ba’ay dib loogu unki lahaa.

Intaan ku dhex jiray qoraalka ima soo marin inaan Soomaali ku dhaho iska ilaaliya kiristanka, sababtoo ah Soomaali iney taas ka weyn tahay baan u qabay. Waxaan islahaa dadkaad ka dhalatay iyo gaal-nimo is heli mayaan Insha’alaah, saa Soomaali waa dad aan diintooda laga soo agmari karine, waa dad ilaashanaya Islaam-nimadooda, waa dad gaalo neceb dhaqan ahaan iyo diin ahaanba. Waxaase nasiib darro noqotay in malahaas uu sidaas noqon waayo. Isma oran abaabulka intaa le’g oo olole kiristaameyn ah bey Soomaalidu qaayibi doonaan. Hadiiba ay dhacday iney Soomaalidu qabiil dartii isu laayeen, oo ay misana u dhintaan. Maxaa loo waayey in la arko iyagoo dintooda difaacanaya? Maxay ku dhacday in hortooda lagu faafiyo ololaha Kiristaa-meynta?

Culimada Soomaaliyeed waxay ahayd iney hawshoodu ku koobnaato sidii ay habaaska uga tiri lahaayeen anshax xumida ay dadka qaar ku dhaqmaan, is dilka caadada loo arkay, dhaca ay dad badani ku nool yihiin, dhiig cabayaasha magaca qabiil ku nool, ganacsatada ka macaasha dacdarada dadkooda. I.w.m. laakiin waxaan nasiib darro labaad ah, in Culimadeennii Soomaaliya ee aan hawlahaas oo dhan ku mashquulinay ay hadana ka soo bilaabaan iney na dhahaan SOOMAALIYEY HA GAALOOBINA. Sow naxdin iyo filan waa, kuma’ahan Culimadeenna?

Hay’adihii Islaamiga ahaa markii wadanka laga saaray, dad badan baa moodayey inaan Soomaali loo dan lahayn ee ay dulucdu tahay, Maraykan oo kudaba jooga dhaq-dhaqaaqa waxa uu yaqaan Argagixisada. Sow hadeer lama ogaan in dhulka loo faaruqinayey ururr leh magac samafal, laakiin u socda iney naga saaraan diinta islaamka, si loogaaro maalin ay ku faani karaan, in dalka Soomaaliya ay ku dhool yihiin dad laga tiro badan yahay oo aan haysan diinta islaamka.

Ninkii sii joogow maxaa aragti kuu laaban. Marna makugu soo dhacday iney Soomaali gaari doonto, mar aan aragno Xisbiyo Siyaasadeed oo leh waxaan nahay dad matala Kiristanka, hadaadan wali maqal Eldoret intii ay Soomaali fadhiday baa la arkay urur warqad soo qortay oo leh xaqeennii hanala siiyo. Yaa yiri Soomaali waa wada Islaam? Intaasi waa warqad kaliyee, ma dheero inaan goor dhaw maqalno ama aragno xaafad kamid ah magaalooyinka Soomaalida oo la leeyahay xaafadan waxaa u badan dadka Kiristanka ah ee Soomaaliyeed.

Maxaa noo tala ah? 14.Sano hadaan isleynay, oon waliba qabiil dartii dalkayagii iyo dowladyadii u weynay, ma inaan ogolaanno gaaleysiin baa noo danbeysay? Aaway sharafkii iyo qabkii qofka Soomaaliga ah lagu amaani jiray? Wax kastaba waan soo marnay, dhawr milyan oo qoxooti ah ayaa dibada u dhoofay oo aan lagaran karin wax ay la soo noqon doonaan, boqolaal kun ayaa dhimatay iyagoo laga gar darnaa, sideen ugu sabri karnaa inaan aragno diinteennii oo dib nalooga tirtirayo, muuqaal Hay’adeed ayaa nalagu khaldayaa, iyadoo ay u qarsoon tahay sidii aan u qaadan lahayn diin cusub oo nalooga badali lahaa magacyada qurxoon ee hada naloo yaqaan.

Mudarahaad waxaa dhiga nin tabar kale waayey, waxaa qayliya nin aan wax ficil ah samayn karin, waxaa fatwo doonto qofkaan hubin talaabada uu qaadayo, ilaalinta diinta culimo iyo caamo sow looma sinna? Maxaa ka dhigay arintan mid u taal dalada Culimada Soomaaliyeed? Maxaa loo waayey dowrkii Aqoon-yahanka Soomaaliyeed? hadduu dowladii soo celin waayey, sow inaan diinta ilaalinno ma’ahan. Maxay u hadli waayeen Ganacsatadeenni? Hadey qaarkood dhaqaale ku bixiyeen burburintii dalka, hadda mey dhaqaale ku bixiyaan sidii Islaam-nimada loo xajisan lahaa. Aaway dowrkii Suxufiga Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay wareerinta maanka Soomaalida, mey hadda u qalin qaataan dib u soo nooleytii diintii dadkan.

Qoraageenna magaca weyn leh ( Maxamed Cali Daahir) ayaa dhamaadkii 8.tanaadkii inta u qaadan waayey Soomaali baa hadda gaaloobeysa, oo Kaniisad galaysa, waliba ay dawladi jirto, ayuu wuxuu qoray buug aad magaciisa ka garaneyso sida uu u fajacsan yahay qoraha Buugga, wuxuu ahaa cinwaanka Buuggaas ( Sub-xaana-laahiyee mahaddaan kirishtaamoobi karaa?) hadaba qofkii la yaabanaa in qof Soomaali ah uu gaaloobo xili ayba dowladi jirtay, hadda oo aysan dawladi jirin, hadaan damco inaan buug qoro cinwaankee u samayn lahaa, adoo eegaya sida ay hadda Soomaali utaal, iyo waxay Hay’adaha gaaladu ka damacsan yihiin.

Waxaan u mahadcalinayaa dadkii qiireysnaa ee soo ogaaday in Soomaali diintoodii loo gol leeyahay, misana jiif iyo joogba uga tagay iney ehelkooda ku dhahaan war hooy gaal-nimo iska jira.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

. SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!!

. XAFLADII UGU FOOSHA XUMAYD EE GEESKA AFRIKA LAGU QABTO

.MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa  


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim GUJI...


SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE GUJI...   




HTML CD