|
Puntland iyo SRRC oo ka Baaqday Shirkii Saaka
Iyadoo maalintii 3aad uu guda galay shirka dib
u heshiisiinta soomaalida ayaa ergooyinka ka socday maamulka Puntland oo uu
hogaaminayo Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed aysan maanta soo xaadirin hoolkii uu
shirka dib u heshiisiinta soomaalidu ka socday.
Ergooyinkaas waxay sheegeen inn ay uga
maqnaayeen Kordhinta tiradii Ergooyinka Shirka Eldoret iyo ka qaybgalayaasha aan
la casuumin , waxayna arintaani ka danbaysay markii shalay ay ku hanjabeen in
aysan kasoo qayb galeenin ilaa laga xaliyo tirada sii kordhaysa ee ka
qaybgalayaasha.
Wariyaha IQRA Kadija Mayoow iyo Qoraaga lagu
magacaabo Maxameed Deeq oo nala soo xiriiray waxay kaloo sheegeen in iyana aan
golaha wada hadalka cag soo dhigin Wufuudii ka kala socday SSRC, Waxaa kaloo aan
ka soo qayb gelin shirkii saaka hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere, Dhinaca kale
Muuse Suudi iyo Shaati Guduud oo ku sugan Eldoret.
Dhanka kale IGAD ayaa khatyaan ka taagan dad
iskood isku Casuumay ama ay ugacan haadiyeen kuwo markii hore ismaqiiqay oo
casuumad aysan hubsanin ugu yeeray ,kuwaasoo la sheegay inay hoganayaan duleedka
goobta shirka uu ka dhacayo waxaana ay ubadantahay in goobohoodii lagu soo
celiyo.
Ergayga Kenya u qaabilsan Soomaaliya Mwangale
oo saaka ka hadlayay shirka ayaa yiri:
Somaliland waan ku casuunay shirka isla
markaana ay sugayaan wali waxaana wanaagsan hadii ay doonayaan in ay go’aan in
ay sheegtaan oo ay yimaadaan.
ridwanhaji@journalist.com
iqrafm@bidii.com
Oct 16, 2002
FAAFIN: SOMALITALK.COM
KAYDKA WARARKA
EE IQRA - News Archive -
GUJI/CLICK
|