SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Shirka Nabadaynta soomaalida oo loo dib dhigay dhamaadka bishan
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | sabti 7.9.2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

shir ay shalay ku qabteen hotel ku yaala magaalada nairobi dalalka safka hore ee arimaha soomaaliya ay u xil saartay urur goboleedk IGAD oo ka kooban 7 dal ayaa waxaa lagu sheegay in shirkii soomaalida uu dib u dhacay oo horay loogu qorsheeyay 16ka September.

wasiirka arimaha dibada ee dalka kenya ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi uu noqon doono bishan dhamaadkeeda ama marka september ay tahay 30ka iyadoo waqti dheeraad ah loo siinayo gudiga farsamada ee kenya,jabuuti iyo itoobiya in ay sii qaban qaabiyaan shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee ka dhici doona sida lagu wado magaalada eldoret ee dalka kenya.

shirkii hore ee magaalada nakuru lagu dhexdhexaadinayay dawlada kumeel gaarka, SRRC iyo ururadii kale ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu guul daraysat oo natiijom aanay ka soo bixin.

gudiga farsamada ayaa safarkoodii ay ku tageen dalka soomaaliya waxay ahayd mid ay kula soo kulmeen hogaamiya kooxeedyada,dawalada kumeel gaarka iyo maamulada soomaaliya qaarkood.

iqrafm@bidii.com ama ridwanhaji@journalist.com

DOODFURAN:  Sidee u aragtaa Shirkan markasta dib loo dhigayo 

Sept 7, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo
 
AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]