SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  | Whitehouse.News 
 MID EAST:
Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai News 
VIDEO: Reuters.TV ABU-DHABI.TV | CANADA.TV |  AljazeeraTV | SaudiTV | BBC.TV
MAP: Khariidada Ciraaq |
TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 5aad  | 4aad3aad | 2aad & 1aad

 Ka Daawo Sawirda CBC DAAWO: Reuters.TV  | Sawirda JAPAN.News | Sawirada CHINA.News | NewsWeek  

Gaari Ciidanka Maraykanka oo kusii jeeda magaalada marsada ah ee Az-Zubayr, oo koonfur ka xigta Basra, wadadana waxaa goynaya laba geel ah March 24, 2003. Sawirka  AP

DAGAALKA CIRAAQ:  MARCH 25, 2003

  • Kofi Annan oo Gargaar Degdeg ah ugu Baaqay Basra
  • Putin iyo Bush oo Telefoon kuwada hadlay
  • Dagaalka Basra iyo Umm Qasr
  • 5 qof oo Shacab ah oo Kudhintay Baqdaad
  • Bush oo raba $75 billion oo uu ku bixiyo dagaalka Bisha koowaad
  • Wasiirada Arimaha Dibada carabta oo Kadoodaya Dagaalka Ciraaq
  • Al Jazeera oo Laga Mamnuucay Suuqa ganacsiga New York
  • Duufaan Ciid ah oo Haraysay Ciraaq

CBC TV: Dagaalka Dhulka ee Baqdaad ku jeeda... Daawo

ABU-DHABI.TV: VIDEO.1 | AVIDEO.2 | AVIDEO.3  | ARABIC TEXT: ABU-DHABI TV 

Duufaan Ciid ah oo Haraysay Ciraaq

Wararka maanta ka imanaya Ciraaq ayaa tibaaxaya in duufaan ciid ah oo halkaas ka socota ay hakisay dagaalka maanta, taas oo lagu soo waramay in aan la arki karayn meel inyar kuu jirta maadaama ay ciid hawada haraysay. Diyaaradaha dagaalka ayaa halis gelaya haddii ay kacaan, dadkuna meel dheer ma arki karayaan ayaa wararku ku dareen. Daawo TV-ga Canada.

Duqayntii Baqdaad oo Sii socotey Xalay

Sida uu weriyey TV-ga canada, 16 shacab oo reer Ciraaq ah ayaa Isniintii ku dhintay magaalada Baqdaad, waa sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahaf, waxaana la dhaawacay 95 qof. Sida ay werisey warbaahinta Australia, waxaa Baqdaad laga malayey qaraxyo waaweyn oo ka dhacay magaalada gudeheeda. ISHA .  [WARARKA UGU DAMBEEYA KA EEG ABU-DHABI TV]

Dagaalka Basra iyo Umm Qasr

Wararka ka imanaya Ciraaq waxa ay tilmaamayaan in weli uu dagaal kasocdey magaalooinka Basra iyo Umm Qasr. Sida ay werisey ha'adda wararka ee AP waxaa Isniintii magaalada Basra  duleedkeeda lagu diley askari ka tirsan ciidanka Britishka kadib markii hubka darandooriga u dhaca lagu soo weeraray.  [ISHA: AP] . Dhanka kale way faafisay IOL ayaa sheegay in  ciidanka Ingiriisku ay dib uga gurteen magaalada Basra kaddib marki ay halkaas kala kulmeen difaac xoog badan. [ISHA.IOL].

Wen Jiabao & Zafarullah Khan

Shiinaha oo Kubaaqay in dagaalka Ciraad Degdeg Loo Joojiyo

Ra'iisul wasaaraha shiinaha, Wen Jiabao, ayaa Isniintii  ku baaqay in la joojiyo dagaalka Ciraaq. Sidaas waxaa weriyey warbaahinta Shiinaha.

Wen Jiabao waxa uu hadalkaas yiri mar uu kulan la yeeshay Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Zafarullah Khan Jamali, kulankaas oo ka dhacay magaalada Beijing. [ISHA].

... Hindiya oo aygilgileen Mudaharaadyo kasoo horjeeda dagaalak Ciraaq... Daawo Reuters.TV

VIDEO1:ABU-DHABI.TV
VIDIO2: ABU-DHABI.TV 
VIDEO3:ABU-DHABI.TV
 

.... Beeraleyda Australia ayaa ka cabanaya in aan lasiin lacagta sareenka ee ay ku leeyihiin Ciraaq, taas oo lagu qiyaasay $200 million, Sareenkaas oo sida la sheegay Ciraaq loo dhoofiyey ka hor dagaalkii Gulf-War.  ISHA.

... Dagaalkii labaad ee adduunka waxaa lagu tilmaamay "dagaalkii Raadiyaha". Dagaalkii Vietnam-na waxaa lagu tilmaamay dagaalkii TV-ga. Dagaalkan Ciraaqna waxaa lagu tilmaamay dagaalkii Internet-ka. Sidaas waxaa laga soo xigtey Dean Wright, oo ah qoraaga sare ee msnbc.

5 qof oo Shacab ah oo Kudhintay Baqdaad

Shan shacab ah ayaa ku dhintay Baqdaad maalintii Isniinta kadib markii diyaarad katirsan ciidanka uu Maraykanku hogaaminyo ay madfac ku ridey guri ku yaal xaafad dadku aad u rito badanyihiin, sidaas waxaa faafisay shabakada IOL. [daawo sawirada]. Warar ayaa tibaaxayaa in la rumaysan yahay in magaalada Baqdaad ay difaacayaan ilaa 70,000 askarta Ciraaq ah. [Halista Dagaalka Baqdaad ]

Kofi Annan oo Gargaar Degdeg ah ugu Baaqay Basra
Daawo halkan.....

Vladimir Putin
Kofi Annan: Daawo halkan.....

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan, waxa uu Isniintii sheegay in qaybo Koonfurta Ciraaq ah ay qarka u saarantahay masiibo bini-aadanimo. Annan oo warfidiiyeenada kula hadlayey xarunta qaramada Midoobey waxa uu sheegay in uu hay'adda Red Corss ka maqlay in magaalada Basra aysan lahayn biyo iyo koronto toono. Waxana uu yiri magaalo intaas le'eg muddo dheer ma la'aankarto biyo iyo Koronto. Daawo hadalkii Kofi Annan

Madaxweynaha Ruushka oo Taxadar kamuujiyey Masiibo Bini-aadamino

Madaxweyanah Ruushka, Vladimir Putin, waxa uu Isniintii Telefoon ugu sheegay madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, in Ruushku uu ku adkaysanayo kasoo horjeedkiisii dagaalka Ciraaq. Waana  in  laga hortagaa masiibo bini-aadanimo oo ka dhacda aagaas, ayuu yiri sida ay werisey hay'adda Ruushka wararka u faafisa ee lagu magcaabo interfax.

Dhanka kale isla hay'adda Interfax waxa ay werisey in wasiirka difaaca Ruusha oo lagu magcaabo Sergei Ivanov uu isniintii sheegay in uu hayo akhbaar muujineysa in Ciidanka Turkigu ay laba maalmood ka hor galeen gudaha ciraaq, taas oo keenikarta arimo isku daba xiriirsan oo aan waxba laga qabankarin. 

  • Gen. Tommy Franks oo Isniintii ka hadlay dagaalka Daawo halkan
  • Saddam Xuseen oo Ciraaqiyiinta uballaan qaaday guul degdeg ah Daawo Halkan

Bush oo raba $75 billion oo uu ku bixiyo dagaalka Bisha koowaad
Dhegeyso halkan.....

bush  VIDEO: George W. Bush
TV-ga Canada ee CBC oo ka warbixinayey dagaalka Ciraa waxa uu sheegay in aqalka cad ee Maraykanku uu bedelayo rajadii laga qabey dagaal sahlan isla mar ahaantaana si degdeg ah ku dhamaado. Dad badan oo Maraykan ah ay u malaynayeen in dagaalka Ciraaq ku dhamaan doono qaddar maalmo ah, laakiin uu dagaalku hadda sii xoogeysey ayuu warku ku daray. Madaxwynaha Maraykanka, George W. Bush, waxaa laga filayaa in uu Congress-ka weydiisto $75 billion, waxaana laga yaabaa in taasi tahay bilowga ayaa warka intaas ku daray. Dagaalkii koowaad ee 12 kahor waxaa lacagtii ku baxday badankeeda bixiyey dalalka Germany, Japan iyo Saudi Arabia, laakiin dagaalkaan khalshkiisa waxaa bixinaya cashuur-bixiyayaasha Maraykanka.  [ISHA]

Al Jazeera oo Laga Mamnuucay Suuqa Ganacsiga New York

Suuqa ganacsiga ee ugu weyn Maraykanka ee loo yaqaan NYSE [New York Stock Exchange] ayaa Isniintii laga mamnuucay weriye TV-ga AlJazeera uga soo warami jirey suuqaas. Sidaas waxaa weriyey ABC Australia. ISHA.

TV-ga Ciraaq oo Tusay laba duuliyayaashii diyaarad ay soo rideen [Daawo Halkan....]

TV-ga Ciraaq ayaa maalintii Isniinta tusay laba duuliyayaashii diyaarad Maraykanku leeyahay oo lagu so ridey Ciraaq. [Daawo Reuters  TV.... ][ Akhri] . Wasiirada 22 dal ee ku shiray Qaahira ayaa cambaareeyey dagaalka Ciraaq kuna baaqay in degdeg loo joojiyo... Go'aankii Wasiirada Carabta......GUJI halkan 

Wasiirada Arimaha Dibada carabta oo Kadoodaya Dagaalka Ciraaq
Wasiirada doodaya ka daawo Halkan...

 Saddam Xuseen oo Ka Hadlaya TV-ga Ciraaq ka Daawo Abu-Dhabi.TV

WIXII KUSOO KORDHA DAGAALKA KA AKHRI:
IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS 
CIRAAQ MAALINTII: 5aad | 4aad3aad | 2aad & 1aad

<><><>TAARIIKHDA CIRAAQ... GUJI<><><>

CIRAAQ: WARARKII MARCH 24 
»» Saddam  Xuseen oo Maanta ka Hadlay dagaalka
»» Diyaarad laga soo ridey Maraykanka
»» Baqdaad oo la duqeeyey Habeenkii shanaad
»» BUSH: Dagaalku hadda ayuu Bilowday
»» TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Maxaabiis Askar Maraykan ah
»» TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Maxaabiis Askar Maraykan ah
»» Muwaadin Ruush ah oo Lagu diley duleedka Basra 
Dhammaan ka akhri halkan 24/3 

WARARKII CIRAAQ EE MARCH 23 
»»Dagaalka oo kasocda meel Baqdaad u jirta 150km 
»»Gantaal habaw ah oo Kudhacay Dhulka Iran 
»»14 Maraykan ah oo lagu dhaawacay Kuwait 
»»Mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq 

»»
TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Saddam oo la shiraya Madax Katirsan Dawladiisa

Dhammaan ka akhri halkan 23/3

Wararkii Ciraaq ee March 22
»» Ruushka oo hawada u diray  diyaaradihiisa dagaalka, kaddib...
»» Afar Askari oo ku dhintay dagaalkii Sabtida
»» Shacab ku dhintay Magaalada Basra
»» Caawa oo Baqdaad laga maqlayey Qarax
»»
Baqdaad iyo Qaraxyadii Jimcada
»» Turkiga oo Ciidamo u Diray Woqooyiga Ciraaq:
»» Saddam Xuseen oo Ballan Qaaday Abaalmarin
»» Laba Diyaaradood oo UK leedahay oo Isku Dhacay
 Dhammaan ka akhri halkan 22/3

QARAXYADII BAQDAAQ - VIDEO: CBC.TV | ABU-DHABI.TV   |  AL-JAZEERA.TV

Wararkii Dagaalka Ciraaq: March 21
»» Dagaalkii Dhulka oo Bilowday 
»» Xaaladda Saddam Xuseen... 
»»
Ciidamada uu hoggaaminayo Maraykanku uu gudaha u gala Koonfurta Ciraaq... 
»» 12 Maraykan iyo Briton ah oo ku dhintay diyaarad militari oo ku qaraxday Kuwait. 
GUJI...
21/3

Dagaalka Ciraaq
»»VIDEO: Ciraaq oo Gantaalo Ku Gantay Kuwait
»»VIDEO: Bush oo  bixiyey amarkii weerarka ciraaq 
»»VIDEO: Jawaabtii Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <> 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD