SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
16, August 2002

Warka Madaxdiisii

· Madaxweynaha Jwxo, oo Shacbiga Ogaadeenya oogu hambalyeeyey Munaasibada 18aad ee ka soo wareegtay Sanad Guuraddii 18aad,Jwxo.
· Itoobiya oo Olole Bahalinio ah ka wada Ogaadeenya
· Biyo Xidheenkii ugu Weynaa Dunida oo laga bilaabay Wabiga Nile ee Itoobiya
· Jaaliyaadka Tigreega oo ka soo hor jeedsaday Males Zinaawi


Warkii oo faah faahsan

Madaxweynaha Jwxo, Adm.Mohamed Omer Osman isagoo ku hadlaya Magaca Shacbiga Ogaadeenya, Ka Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya, Ka Golaha Dhexe ee Jwxo, ka Gudiga Fulinta Jwxo, wuxuu Hambalyo ku aadan Sanad Guurada 18aad ee ka soo wareegtay Aas-Aaskii Jabahada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya u dirayaa Dhamaan Shacbiga Ogaadeenya, Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya, Xubnaha Jwxo.Wuxuuna u rajeeyey Halgan,Xoriyad iyo Guul ay ku gaadhaan Halganka ay oogu jiraan in ay kaga hoos baxaan Gumeysiga Itoobiya.
1977-78 Ogaden War

Waxaa sidoo kale Hambalyo ku aadan Munaasibadan u diray Dhamaan Qaybaha Sare ku xusan Xoghayaha Guud ee Jwxo, Mudane Mohamed Osmail Omer iyo Sh.Ibrahin Abdalla oo ahaa Gudoomyihii Hore oo Jwxo.

Waxaa Xus ku aadan Sanad Guurada 18aad ee ka soo wareegtay Aas-Aaskii Jwxo, laga sameeyey inta Badan Caalamka iyo Ogaadeenya Gudaheedaba.Sida uu noo soo sheegay Ahmed Yare Calasoow oo ah Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya waxaa qaybo badan oo magaalad Muqdisho ka mida laga sameeyey Xaflado lagu xusayo Munaasibadan iyada ah.

Sidoo kale waxay Saxaafada Soomaaliyeed soo qaadatay oo ka muuqday Bogagooda hore Warar iyo Sawiro Laga soo qaaday Xafladaha lagu maamuusayey Munaasibadahaas.Sidoo kale Wariyayaasha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Canada iyo Maraykanka ayaa soo sheegay Faflado Balaadhan oo laga dhigay Wadamadaas oo lagu maamuusayo Munaaibada 18aad ee ka soo wareegtay Aas-Aasankii Jwxo.

--------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo soo dirtay Dhambaal Xambaarsan Olole Dhan ka ah Shacbiga Ogaadeenya ooy fulinayaan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kaas oo ka socda Meelo badan, waxaana Bahalnimadii ay ku kaceen ugu danbeeyey


30 Julya 2002 Waxaa Magaalada Fiiq laga qab qabtay dabadeedna Xabsiga loo taxaabay dadkan

1. Deeq Carte
2. Mohamed Moalin Muuse
3. Aaden Yuusuf Abdi
4. Muhumed Sh.Hussein Hassan
5. Abdiwali Ow Abdi Waaxid
6. Iyo Xuseen Kaahin iyo Xaaskiisii

01 August 2002 Waxaa isla Magaalada Fiiq laga qab qabtay dabadeedna xabisga lagu silic dilayaa dad badan ooy ka mid ahaayeen ilaa iyo 15 Gabdhood oon magacyadoodii dib ka soo sheegi doono.Fiiq ayaad moodaa in si gaar ah uu Ciidanka Cabudhsika Gumeysiga Itoobiya bilahan dambe Olole Cabudhis ah ugu qaaday.

04 August 2002 Daáha oo ku taala Galbeedka Galaalshe waxay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ka fuliyeen falal Ciqaab iyo Dhac isugu jira kaas ooy ku xidh xidheen dad Shacab ah isla markaana ay kula wareegeen hanti Mood iyo Noolba leh waxaana ka mid ahaa Hantidaas 2500 Birr 2 Qori oo nooca AK-47 loo yaqaano iyo Rasaastoodii oo lagu qiyaasay ilaa iyo 400 Birr oo lacagta Itoobiya ah.Dadka Hantidaas lagaga Wareegayna waxaa ka mid ahaa

1. Abdulahi Faarah Ahmed
2. Abdirashiid Abdulahi Faarah
3. Muhyadiin Abdulahi Faarah
4. Mohamadeey Faarah Ahmed
5. Yuusuf Faarah Ahmed
6. Abdulahi Abdi Ow Muhumed
7. Hassan Hussein Ali
8. Iyo kuwo kale iyadoo dadkaas hada lagu hayo Aw Shariif oo 20 KM Koonfur ka xigta Baabili.

Guud ahaan waxaa Ogaadeenya ka socda Ololayaal Dhan ka ah Shacbiga Ogaadeenya kuwaas oo daka laga Dhacayo wixii hanti faraha ay ku haysteen,waxaana kuwii la doono loogu taxaabayaa Xabsiga iyadoo Ciqaab Jidh ahna loogu gaysto inta Gacanta lagu hayo haddii aanba la dilin.

Ololhaas ayaa ah mid labo ujeedo leh

1. Mid lagu nuglaynayo Shacbiga si looga fogeeyo Taageerada ay u ahaan Halgankooda
2. Iyo midka kale oo ah sidii Saadka Ciidanka Gumeysiga Itoobiya looga soo saari lahaa Shacbiga Awalba Dulmanaa.

Kufisga iyo Fara Xumeysta Dumarka ayaa iyaduna aad moodaa in ay Shaqo ka dhigteen Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya kuwaas oo iyagoon cidna ka baqaynin si dhiiranaan ah ugu xad gudba Dumarka Ogaadeenya taas ood moodo in ay tiro Beeshay.

Bur Burkii Nidaamka Ciidan ee Gumeysiga Itoobiya oo Bilawday

Iyadoo intii mudo ahba ay dadka u dhuun duleela arimaha Itoobiya tibaaxayeen Burburka Ciidanka Itoobiya oo fool yeeshay ayey taasi hada si cad ooga bilaabatay Ogaadeenya, kadib markii ay Silsiladdii kala Gday.

Laga bilaabaabo Bishii May, 2002

1. Waxaa joogsaday Mushaarooyinkii la siin jiray bil walba
2. Waxaa iyaduna Gudhay Daafidii saad ahaanba bil walba loogu keeni jiray
3. Waxaa yaraatay Amar qaadashadii askarta
4. Waxaa la uruuriyey Raadyayaashii ay Ciidanku dhagaysan jireen oo idil
5. Waxaa Goobo kooban lagu reebay War Isgaadhsiintii Ciidamada
6. Waxaa soo baxday Amar Diido tiro dhaaftay ooy oogu danbeeyeen kuwan

04 August 2002 Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee Degen Degmada Sheygoosh ayaa lagu amray in ay Wiji Waaji u guuraan,dabadeedna Ciidankii Sheygoosh way diideen in ay amarkaas qaataan.Waxaa Ciidan Taakuleyn ah laga soo diray Qabri-dahare oo ah Taliska Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Ogaadeenya iyo Saldhiga Dhagaxbuur.Degaal halkaas ka dhacayna waxaa lagu dilay tiro badan oo aanaan hubin intay la ekayd.Waxaana aakhirkii la qab qabtay askar kor u dhaaftay ilaa iyo 80 Askari.

Waxaana Wiji Waaji la geeyey Ciidamo kale oo laga keenay Guna Gado kuwaas oo amar diido kaga guuray Wiji Waaji, kuna laabteey Sheygoosh.

01-07 August 2002 Waxay Dhex dhexaadin u kala dab qaadaysay labo Ciidan ka dhex socotay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Saldhiga Birqod oo ka tirsan Gobalka Dhagaxbuur
taas oon wali dhamaanin.Ergadiina ay wali ku maqan tahay sidii ay uga soo fulin lahaayeen Shuruudihii ay Ciidanku dalbadeen Taliska Milatariga Itoobiya ee Dhagaxbuur.

07-09 August 2002 waxaa Magaalada Qabri-dahare lagu uruuriyey Ciidamo badan oo ah nooca loo yaqaano Fatnoo Dhiraash, Bulshaduna u taqaano Fadare.Waxaana loo qaaday dhanka Soomaaliya si loogu sii jeediyo Niyada Ciidanka Jaho Cusub, waxaanay warar rasmi ah oo arintan la xidhiidha ay sheegayaan in Ciidankaasi ayna Saad ku filan wadanin ayna u eg tahay in loo fasaxay in ay Bililiqo kula kacaan Shacbiga Soomaaliyeed ee awalba ku dabaalaysnaa Dhibaatooyinka uga yimid Degaaladii sokeeye.Waxay Ciidankaasi ka gubeen Xuduuda Soomaaliya iyo Ogaadeenya Magaalad Ceel Barde iyagoo ku sii jeeday Gobalka Bay.

Maryama Ruun Liibaan Radio Xoriyo
Qabri-Dahare, Qoraxey
Ogaadeenya

-------------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray warar isku dhafan

BIYO XIREENKI UGU WEYNA AFRIKA OO DHISMAHIISA LAGA BILAABAY ITOOBIYA


Dowladda Itoobiya oo kaashaneeysa Shirkad Shiineys ah ayey si rasmi ah todobaadkan u bilowday dhismaha biyo xireenkii ugu weyn Qaarada Afrika oo dhan. Biyo xireenkan oo ujeedadiisu tahay in dhulal ku yaalo Gobolka tigree beero wax soo saar leh laga abuuro iyo in laga soo saaro korontada uu soo saari doono ayaa lagu qiyaasay Q in uu noqon doono dhowr boqol oo milyan oo Doolarka Maraykanka ah..
Mashuurcan oo saameyn ku leh dalalka Waqooyiga ka xiga Itoobiya siiba dalka Masar ayaa dadka siyaasada indha indheeya u arkaan in uu mugdi galin doono xiriirka Itoobiya iyo masar ka dib marka uu biyo xireenkani leexiyo wabi ka mid ah kuwa ku soo biyo shubo wabiga weynka ee loo yaqaan NILE.
Munaasabadii dhismaha biyo xireenkan ayaa waxaa magaalada Addis Ababa yimid Wasiirka dhismaha ee dalka Shiinaha.


JAALIYADAHA TIGREEGA EE ITOOBIYA DIBADIISA OO WELI WADA ABAABUL AY KAGA SOO HOR JEEDAAN MELEZ ZENAAWI IYO XUKUMADIISA


Jaaliyadaha dadka u dhashay Qomiyadda Tigreega ee ku nool dalka Itoobiya dibadiisa ayaa weli wada abaabul ay kaga soo hor Jeedaan Melez Zenaawi iyo xukuumadiisa.

Waxaa 11 August 2002 ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingariiska shir ay isugu yimaadeen Qowmiyada Tigreega ee dhulkaasi oo isugu yimaadeen in uu khudbad u soo jeediyo Madaxweynihii hore ee Gobolka Tigree Gebru Asrat:.
Gebru Asrat oo ahaa xubin Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee ururka TPLF intii uusan dhicin kala jabkii TPLF ayaa si kulul u cambareeyay Melez Zenaawi isaga oo u sheegay Jaaliyada Tigreega in Zenaawi uu yahay cadowga ugu weyn ee Qomiyadda Tigreega isla markaasna uu sabab u yahay khilaafka ka dhex taagan ururka TPLF.
Gebru Asrat waxuu cadeeyay in xubno badan oo ka tirsan TPLFdu ay ka soo tageen Addis Ababa haatana isugu soo urureen Gobolka Tigree iyaga oo raba in ay qaab Siyaasadeed iyo Qaab Military ku abaabulaan si ay u soo afjaraan Xukumada Zenawi.

Gebru Asrat wuxuu sheegay in ay Shacabka Tigreega sameeysteen garab military oo isku magacaaba WOYANE SELLASE oo ujeedadiisu tahay in Melez Zenaawi, Sebxaat Neega, Seyoum Mesfin, Abay Tsehaye iyo raga la midka ah ka nadiifiyaan Ururka TPLFta oo ay gacanta oogu soo celiyaan Shacabka Tigreega.
Dhinaca kale waxaa 5 August ee sanadkaan 2002 shir balaaraan ku qabtay magaalada SEATTLE ee dalka Mareykanka Alemseged Gebre-Amlak oo isaguna ahaa xubin Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta intii uusan kala jabin ururka TPLF
Alemseged Gebre Amlak oo bil ku dhowaad ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa isaguna wada abaabul balaaran oouu ku abaabulayo Jaaliyadaha tigreega ee dalka Mareykanka. Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Alemseged Gebre Amlak uu abaabulka ka sokow wada, lacag aruurin ayey ujeedadiisu tahay in lagu helo tageero Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed si loo daboole Baahida WOYANE SELLASE oo weeraro military ku qaado ciidamada dowladda itoobiya ee ku sugan Gobalka tigray.
Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa

Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 16 August 2002



 radioxoriyo@aol.com  

Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


WARARKA OGADEENYA:
August.16.2002 August.13.2002August.9.2002 | August.6.2002 | July.30.2002 | July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
CASHARKA TODDOBAADKAN | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXII SL 2002» 
Barnaamijkii C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»  

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
 For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
 Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
Sawirka Boosaaso: Waa magaalada oo kor lagasawiray  Guji...
SUNTA KU AASAN SOOMAALIYA



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD