SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOCDAALKII DHEERAA EE NAIROBI, MUQDISHO, JABUTI, BER-BERA (QAYBTII 4aad)
Qore: Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike

April 29, 2001

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad

Qaybtii Ugu Danbaysay Socdaalkii Dheeraa: Ber Bera

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu

Bacda Salaan Walaalayaal Qaybta waa Qaybtii ugu Danbaysay ee aan kaga waramayay Sheekadii ahayd Socdaalkii Dheeraa ee Nairobi, Muqdisho, Jabuti, iyo Ber Bera, Qaybtanna Waxan kaga hadlaynaa Ber Bera haddii Rabbi idmo, waxana aan rajaynayaa inaad wax badan oo iidnaan ogayn ka'ogaataan dhulkeena soomaaliya inta aan ka'awoodo haddii Rabbi idmo.

Waxayna Qaybtan ku Bilaabmaysaa sidatan:

Waxaan Madaarka Magalada Ber Bera kasoo dagay saacaddu markay ahayd 5:45 mirir East-Afrika Time Waqtiga Geeska Afrika, waxana an lasocday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradha ee Daalo Airline , oo xaruntedu tahay Ber Bera, Diyaaradda waxa wadayaal ka'ah Niman Ruush ah waxana ka shaqeeya Wilal iyo Gabdho Somaliyeed iyo Hablo Kale oo Ruush ah , Garoonka Magaalada Ber Bera aad iyo aad ayuu oga wayn yahay Garoonka Jabuti haddii ay tahay Baaxadda inta uu ku fadhiyo Garonka ,Haddii ay tahay Dherarka ay diyaaraddu kakacayso, garonka wax diyaarad ah majoogto oo aan ka ahayn Diyaaradaha ay daalo leedahay, garonka waxaa uu u badan yahay Caro Kaawo , waxana ku wareegsan Silig , meelaha qaarkood oo garoonka gudihiisa waxaad ku arkaysaa Caro-Tuur , Gudaha Garoonka Ma dhisna , qaybta qaabilaadda Garoonka marka aad galayso magalada cid wax ku waydiinayso oo ku oranaysa PassaPort-kaga muxuu yahay majirto , Waxaa toos kuu qaadaya Gaari Coaster ah (Mini Bus) ay leedahay Daalo , Garonka Qaybta Lagu eego dadka (Qaybta Socdalka) Ma habaysna waxadna dareemaysaa in maamul jiro hasayeeshee aysan jirin wax Qalab ah (Facilities)waxaa qaybtaas Yaal Kuraas Dhaadheer(forms) dadka waxaa ay fariistaan kuraastaas oo ay ku sugaan duulimadkooda, waxaa garoonka Gudihiisa aad ka helaysaa Cabitaan ay wareejinayaan Niman dhalin yaro ahi sida Fantada,Coca Cola IWM (ETC).

Magaalada markii aad kasoo baxdo Garoonka oo aad soo beegsato magaalada xaggeeda waxaad dhabaha ku arkaysaa Guryo waa wayn oo u dhisan Saf-Dheer oo isku eg , Guryahaas waxa lahaa Ciidamadii dalka somaliya, Guryaha waa ay dunsan yihiin , waxana kaaga muuqanaya muuqaal aad u fool xun , markii aad xoogaa soo dhaafto waxaad arkaysaa Baabur(Tanks)Gawaarida Ciidamada Somaliya Sida Kaaraha ,Bebega oo Guban kuna taxan waddada u dhaxaysa Magalada iyo AirPort-ka , si kastaba xaal ha'ahaadee ilaa aad kasoo galayso magalada Cirifkeda waxa ay indhahadu qabanayaan baaburtaas oo midkastaaba oo mus madaxa kula jiro ,oo Ciid Duugtay oo taayar waddada dhinamceeda yaal oo Beebee haddana guban.

waddada magalada iyo AirPort-ka ma dhisna waa Bur-bur, Dhirtuna ma muuqal fiicna oo xoogaa waxaad dareemaysaa In abaari jirto , Magalda Buuro ayaa ku waregsan , waxad arkaysaa Geel daaqaya Waddada daafaheeda oo Ay ka muuqato Macaluul, Marka aad magalada daafteeda hore soo gasho waxaad arkaysaa Guryo Mudulo yar yar ah oo ay daggan yihiin dad Dan yar ah , magalada Deegaan ahaan ma'aruursana guryaha waxay u dhisan yihiin Teel Teel, si kastaba ha'ahatee waxaan kusoo dagay Hotel layiraahdo Mahir Coast Hotel, Hotelka waxaa uu u shaqaynayaa si wanagsan Receptionka waa Caadi inkastoo uusan ahayn Hotel Caalamiya haddabna mamulkiisa aad iyo aad ayuu u wanagsan yahay , Biyaha waxay soo dhacan 12:25 Mirir habaynkii ,Biyaha Magalada way adag yihiin , Cimilada aad iyo aad ayay u kulu shahay, Magalada waxaa u badan oo kuyaal Guryo dun dunsan oo dadkii lahaa ay ka maqan yihin ,mar aan wax ka waydiiyay nin aan isku baranay halkaas waxaa uu iisheegay Dadkii guryahan dagganaa in ay ka maqan yihin Wadanka oo ay u badnaayeen dad Hindi ah iyo Yamaniyiin iyo Carab Somali, Guryahaas 80% waa Cidlo ,waxad arkaysaa Guri korka ka dhissan oo kakooban 3dex dabaq oo gudahana ka Dunsan ,Albaab majiro ,Darishad habasheegin, Dayactir kalana warkiis daa, dhinac kasta oo magalada ahi guryahaas waad ku'arkaysaa.

Magalada Ber Bera dadku kuma Badna ,arrinkaasna waxa sabab u'ah mamulka Dowladda Somaliland ayaan u badnayn Magalada , waxa ayna xoogga saartay oo Kali ah Magaloyinka Hargeysa iyo Burco oo dadku ku badan yihin, Magalada dadka jooga way iska shaqaystaan ,waxayna u badan yihiin oo ka shaqaystaan Maqaayadaha, dadka qaarkod waxay jogaan oo aad ku arkaysaa xafisyo yar yar oo Dowladda Somaliland ay canshuurta ku qaadato Dhowr qof ayaad ku arkaysaa oo fadhiya xafisyada gudahoda.

Mar aan gaaray Meel layiraahdo Batalaale waxan ku arkay Degaankii oo carro guuray , Gawaan cad oo Ciidii Badda ay soo buuxisay mooyee wax kale majiraan , beerihii ku beernaa inta lagubay oo qaarkood dhuxul laga dhigtay ayaadan garanaynin meeshaas wax ay tahay, haddii aad hadda kahor tagtayna waadba layaabi , Dad yar ayaa ku qayila oo hadda jooga, xeebta ayaad galbihii ku'arki dad ku dabaalanaya , xagga nabaddu Deegaankaas aad iyo aad ayay u saraysaa 100%, wax dhib ahi kama jiro, Baabuurta waxa ku dhaggan Taargo ay ku qoran tahay somaliland iyo 3dex Number kali ah, dakadda habaynkii ayaad arkasyaa Nalal waawayn oo kadaaran hasayeshee wax shaqo ah oo kasocotaa majirto, Police-ka magalada ma'arkaysid ,qof qori sitana ma arkaysid, dadku waxay u badan yihiin oo ay wataan Ulo iyo Tooreey IWM.

Markii aad damacdo inaad quraac raadsato waa inaad isdiyaarisaa marka salaadda subax laga soo baxo intii ka danbaysa sidaad quraac ku heshaa way adag tahay, waqtiga qadada waxa lagaa raba inaad barqa hore maqaayadda tagto oo aad dalbato qado waa saacadda markay tahay 11:30 barqadii, marka waxa laga yaaba inaad is waydiiso sababta keentay in waqtiyadaa aad raadsato Cuntada oo aad dareemayso in ay is qilaafsan yihiin waqtiyada kale ee Somaliya wax laga cuno, jawaabta su'aashaas ayaa ah sidan.

Marka ay tahay Xilliga Saladda Subax waxaad arkaysaa maqayadaha oo wada Buuq miiran ah dadku ku badan yahay ,marka sababta keentay waxa ay tahay magaaladan dadka ku nool habaynkii oo idil waxaa losoo jeedaa (Qaad-Chat) marka salaadda laga soo baxo Subaxii ayaa laga kacayaa Qaadkaas, waa laquraacan, markii barqadii lagaaro ayuu soo kacayaa si aan looga qaadan Qaadka Wanagsan sida ay yirahdaan Markaasuu Qaadkii isagoo wata soo galayaa maqaayaddii (Waar Qado Maxaa Yaal)waa 11:30 Barqonimo, xaaladda wadankaas waa sidaas , Lacagta waxa ay xoogaa yar shabahdaa lacagtii hore ee somaliya xagga Midabka , daqiiqaddii Telefonka ah ee International-ka ahi waa (3000sland Shs), waxaad arkaysaa Baabuurtii waa waynayd ee Looyiqiinay Sabaax yada oo Meel wada gabran wax ay qabtaanna aysan jirin, Sida kale Maqaayadaha ayaad Fiidki odayaal ku arkaysaa fafadhiya oo ku sheekaysanaya, Hablaha intooda badan waxay ka becmushtaraan Qaadka ,oo waxad arkaysaa Markaas xoogaa yar socotaba Qof dumar ah oo kasoo jeedda meel yar oo dhisan oo ay ku iibinayso Qaadka.

Dadka halkaas kunool waxay ku xiran yihiin oo lashaqaystaan Xagga dibadda Wadanka yaman oo aad arkayso alaabta laga keeno oo magalada laga isticmaalo sida Oomada Dharka lagu dhaqo waxaa laga kenaa Yaman ,Oomo layiraahdo magaceeda (Warda) Sabuunta sidoo kale ,Biyaha Muwaasaxada ah, Fantada,Cocacolada IWM(ETC).

walaalayaal Intaas waxa ku dhan Qoraalkii Sheekadeena taxanaha ahayd ee Sodaalkii Dheeraa Nairobi, Muqdisho, Jabuti, Iyo Ber Bera.

Dhammaan Qoraalada waxan u hibeeyay inay ka faa'iidaystaan oo ay ogaadaan deeganka aynu leenahay somali ahaan iyo deeganada nagu xeeran intaba , waxan qoralkan u hibeeyay oo Shabakadda Internet-ka ah ee somalitalk.com

Akhri Qaybta 5aad

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com


Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD