SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOCDAALKII DHEERAA EE NAIROBI, MUQDISHO, JABUTI, BER-BERA
Qore: Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
Maxamed Cabdi Farax - Shiike
March 12, 2001

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu:

Bacda salan , qoraalkan waxaa uu daba socdaa Qoralkii Ka horeeyay oo looga hadlay Sheekadii ahayd Socdaalkii Dheeraa ee Nairobi ,haddaba qaybtan waxaa an kaga hadlayaa Magalada Muqdisho.

Waxaan Gigidda dayuuradaha ee magalada Nairobi Ee caalamiga ah loona yaqaan JKIA oo ah Jommo Kenyatta International AirPort kasoo Duulay 8:00 am aroortii waxaana aan soo beegsannay Dhinaca Jihada Somaliya ,waxaa garoonka Diyaradaha ee Kenya Naga sooqaaday Diyarad ay leeyihiin dad somaliyeed oo looyaqaan Daalo Airline, Diyaaraddan Daalo xafiis ayay ku leedahay Magalada Nairobi , Waxayna Tagtaa Kenya Laba maalmood oo ah Talaado iyo Axad, inta kahoraysa dadka ayaa looodiyaarshaa , haddaba waxaa garoonka naga soo raacay dad somaliyeed oo Runtii aad ubadnaa , waxayna u kala socdeen dhammaan gobolada Somaliya oo idil laga bilabo Muqdisho, Ber-Bera, Bosaso, Togdheer(Burco) Lascanod, Cerigaabo, Hargaysa, Gaalkacyo IWM. qaabka looga Soobaxay Dalka kenya waa Sidee Mar haddii uusan Shaqaynaynin BaasaBorka Somaliya (Somali PassPort), waa Su'aal aad Isawaydiin karto markaad sheekadan Dhuuxdo,waxaan wada Ogsoonnahay in dadka Somaliyeed aysan awoodin inay safraan oo galaan safar xagga hawada ah , maxa yeekay majiro Dikuminti Caalami ah oo Adduunka laga aqoonsan yahay , haddaba Sidee ayay ku soodhaafeen dadkaas sitay baasaborkii hore ee Somaliya garoonka caalamiga ah ee Kenya .

Walalayaal Qaabka loosoo dhaafay ayaa ah sidatan.

waxaad soo qaadan Basaborka Somaliya oo maran ,macnaha sawirkaaga kali ah ayaa ka dhexmuuqda,horayna kenya ayaad ujoogtay,marka lagu yiraahdo keen Basaborkaaga waxaad dhexda ka galin lacag dhan (KSH200)waa qiimo Go'an lacagtaas aad iyo aad ayay u yartahay, waaxda Socdaalka Kenya Gobtaas aad basaborka ku dhiibatay waxaa jooga Laba nin midba Boqolkiisa ayuu qadan , Lacagta meeshas laga helayo marka loo'eego Tirada dadka meesha maraya,lacagtu way anfici nimankan Howsha kushaqada leh,waxay kaloo og yihiin inay dadkaan u socdaan Somaliya ,mar haddii aad somaliya u socoto lacagtaas ayaa lagaa qaadi,qaabla lagu soo dhaafo AirPort-ka waa sidaas, aan kaftamee yaan lagaga hormarin inaad kasoo baxdo kenya inta qaabkan Furan yahay.

waa laga soo wada duulay Kenya ,waxan mar ay kasoo wareegatay 6saac soo gaarnay garoonka Diyaaradaha ee Looyqaan Lambar 50 ee Somaliya Kuyaal, Garoonkan Muxuu yahay Ayaad iswaydiin.

Garonkan yaa Maamula , Maxaa Loo Isticmaalaa, Waxa Laga helo Xaggee Maraan, Yaa Gacanta Ku haya oo wax laga waydiin, Intaas oo Su'aal ayaa kuusoobaxaysa marka aad u dhabbo gasho Arrimahan oo Idil.

Garoonkan waxaa la dhisay oo laxaaqay xilligii uu Burburka haleelay Dalka Somaliya , waxana laga dhisay Aagga Shalaanbood , waxana Dhisay Niman ganacsato ah oo Somaliyeed ,oo Ubadan Beesha Sacad-ka ah ,waxana Dhisay oo xaaqay Ninka Layiraahdo Cismaan Xasna Cali (Caato) Iyo Niman kale oo ganacsato ah, Garoonkan xagga Dhererka dayuuradda marka ay dhaqaaqayso waa uu ku filan yahay ,marka laga soo dagayo Diyuuradda waxaa loo dhigaa Jaran Jar ay leedahay Daalo iyo Mid ay ku qoran tahay Somali Airline, Abniga garoonka xaqiqadii waa caadi oo wax dhib ahi kalama aanan kulmin, Inta garonka aad kujirto Cid wax ku waydiinaysaa majirto lakin haddii aad maqayad bananka kutaal istiraahdo Shaah udoono waa laga digi ,waxana lagu Oran,hadhaafin meeshan ,Maqaayadda waxay garoonka u jirtaa illaa 100-tilaabo ,marka waa isla Agga Garoonka ee Lasoco hadalkan si dagganna u dhuux,mar uu nooyimid Aniga iyo Laba Wiil Nin garonka kamid aha dadka ka shaqaysta oo watay Lacagta Xuseen Caydiid uu soo daabacay iyo Midda jabuutiyanka iyo Midda Somaliland , isagoo rabay in laga sarifto ayaan waxaan waydiiyay Nin yahow garoonka Kawaran xaaladdiisa nabad galyo, yaase Maamula, Ciddeese Gacanta Kuhaysa waxaa uu igu jawaabay isagoo aad ii qancinaya Sidan.

walaal garonkan waxaa maamula Beesha sacadka ah,waxana gacanta kuhaya Ninka layiraahdo (Xaaf)oo hadda kamid ah Xildhibanada Carte,garonkan Nimanka Xamaaliga ah ee aad argto ayaa ah Ciidankiisa oo garoonka Amnigiisa haya, Baaburta Hubaysan kuuma muuqanayso lakin Qoriga AK-47 looyaqaan waad arki ,Bastooladaha ,Toorida, Bakooradda IWM intaba indhaadu way qaban inta ad joogto garoonka,banaka sababta laguugu diidayo waxay tahay waa lagu kaxaysan ,haddii wax lagaa wayo Ilaa baad ledahay, waa sida uu noosheegay Ninkii aan waraystay, waxa u yiri Inta garonka aad kujirto waa caadi Nabadgalyadada, lakin maqaayaddaas intaas kuu jirta haddii aad gaaro horayna aan laguu aqoon waxkasta ayaad lakulmi kartaa ,Ninki ayaa nakaxeeyay Maqaayaddii ayaan wax ka cun cunay deeganka ,Muuqaalka dadka ,Dhirta Dhamaan waxad dareemaysaa in somaliya aad joogto lakise aadan xor ahayn,dadku waa caato,muuqaalku ma wanagsana , siabad waxaad mooddaa in wax u kala daadsan yihiin, hal habayn ayaan barinay Meeshii waxaad maqlaysaa xabado goos goos ah ,waxaad arkaysaa Tareesooyin (Waa Nooc kamid ah rasata oo if bixisa)o hawada loo ridayo meel aan wax aan sidaas ufogayn ah ayaad waxad ka maqlaysaa rasas waa wayn oo dhacaysa ,Sheekada dadka marka loo'eeggo xagga siyaasadda Kuma qanacsana Magacaabiddii C/Qasin Salad Xasan Booy waxana ay ubixiyeen Magac aan markii meesha ka qabtay ninbaa waxaa uu yiri meel aan joognay oo ay iswaraysanayeen ninkale wallaahi Shalay waxaan ladagaalnay Afwayne maantan waa nasugaya Afleershe,Magacan danbe ee Aflershe waxa loola jeedaa C/qaasin Salad Xassan.

marki waagu baryay oo aan nimid garoonka waxaan garoonka ugu nimid baabuur Tikniko ah oo kasoo baxaysa garoonka ,baaburtu waa wada Buufsan yihiin oo Tuute Rinji ah ayaa ku buufsan iyagoo idil,xalay ayay geesaha garoonka Difaacayeen oowaardiye ka ahaayeen,waxana laga baqayaa in lasoo weeraro,yaasoo weeraraya waxa layiri mar marbaa waxaa soogaara meelaha u dhow dhow Ururka RRA-da looyaqaan ee Raxanwaynta ah.

Markii diyaaraddii aanu nimid waxaan ugu baabuurkale oo sidda Qudaar sida Muuska ,Qaraha ,Liinta Bambeelmada, Canbaha,Yaanyada iyo Babaayga Qudaaratan waxaa ku dahaarnaa Waraqo ay ku qoran yihiin Magacyadan SomaliFruit, Sombana,Somalita,SomaliGreen, IWM. Qudartan waxaa laga soo qaadaa aagga Baraawe,Jilib,Marka , Jubadda Hoose IWM,Qudaarta waxaa losoo dhoofiyaa Jabuuti waxana soo dhoofsada ninka layiraahdo Xaaf,wax yar oo kamid ah ayaa waxa laga yaabaa in shaqsiyaad kale leeyihiin, si kastaba ha'ahaatee waxad dareemaysaa in Somaliya qudarteedii lasoo dhoofsho oo qaab ay dalka wax ugu soo gasho aysan jirin, Cidda garonka Gacanta kuhaysaa mooye cidkale kama manaafacaaddo, Shaqsiyadka halkaas joogay waxa ay ku qanacsanaayeen in Dowlad la'aan umaddu noolankarto oo wax ay Dowladnimo kala maqan tahay aysan jirin, Xagga sigaarka ,Qaadka ,Muqadaradka kale waad dareemaysaa in aaggaas uu kajiro maandooriye nooc kasta oo uu yahay,dadka Noloshooda laguma Xisaabtami karo oo waxkasta ayay u dhaxeeyaan,Muuqalku ma quruxbadna,Horumarna warkiiba daa, waxa aad daremaysaa Dawlad la'aan qab daran ,Xoriyad darro,Amni la'aan, xasilooni darro,IWM.

waxaa ku qabanaysa alloow yaa kuusoo cesha Dowladnimadii Hore,Dowlad xumi Dowlad darro ayay dhaantaa ayaa kuusoo baxaysa,garoonkan waxa kasoo duula Qab qablayaasha dagaalka kuwa mucaaradka ah ee Muqdisho jooga, waxana isticmaala Nimanka kala ah
1-Xuseen Maxamed Caydiid
2-Cismaan Cali Xassan Caato
3-Maxamed Qanyare Afrax
4-Xuseen Xaaji Bood
5-Mowliid Macaani

Shantaan Nin waxa wehliya Ganacsatada aan soo sheegnay oo ka ganacsata qudaartaas ,iyo dad kale oo shacab ah oo Nairobi ama jabuti usocdaal ah oo canshuur Laga qado (AirPort fee).

Waxaa intaan kusoo gabagabeeyay warbixintii Aagga Muqdisho iyo Nawaaxigeda,

Mahadsanidin

Akhri Qaybta 3aad oo kusaabsan Jabuuti

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD