SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


SOCDAALKII DHEERAA [Qaybtii 8aad]
BOSASO, QARDHO, GAROOWE, LAASCAANOOD, BURTINLE, BACAADWEYN, iyo GALKACYO
Qore: Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
June 14, 2001

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad | Qaybta 7aad | Qaybta 8aad | Qaybta 9aad

GAROOWE

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu

Bacda Salaan :

Walaalayaal wali waxan ku jirnaa Socdalkii Dheeraa Ee PuntLand, - Insha Allahu Qaybtan waxan kusoo qaadanaynaa Magalada Caasimadda u'ah Maamul Goboledka PuntLand ee PuntLand State Of Somalia (PSS)oo ah Garowe.

Inta aanan u gudagalin Faalada Magalada Garoowe, waxan ka cudur-daaranayaa in Qoraalka Magaaloyinka ay kala badan karaan ,oo taasina ay keento in Aqristuhu uu ku caajiso Qoraalka dhererkiisa iyadoo laga yabo inuusan dhamaystiran Aqriskiisa, haddaba waxan halakan idinku Caddayn lahaa in Magaloyinku ay kala waa wayn yihiin , Marka isku si looma soo qaadan karo Tusaale ahaan Bosaso iyo Qardho oo Kale , ama Garowe iyo Lascanod iyo Burtinle, ama Bacadwayn iyo Galkacyo.

Marka walaalayaal waxan idinka cudur daranayaa markale in magaloyinka ay kamid ka yihiin Bosaso, Garowe, Iyo galkacyo ay wax badan ka waawayn yihiin magaloyinkan kale sidaas ayaa looga yaabaa in Magaloyinka qoraalkoodu Dheerado, Haddana waxan bilabaynaa kahadalka Garoowe.

Waxa aan kasoo baxay Hotelkii aan Ka dagay Magalada Qardho Abaartu markii ay ahayd 4:43daqiiqo, Xilliga Bariga Somaliya Ee Galabnimo, Markii aan magalada Qardho kasii baxayay waxay indhahaygu marba marka ka danbaysa qabanayeen Deegaan ay kamuuqato Cabbiro iyo Dhul xayndaab ah oo lacabirtay qaarkodna ayba ku wareegsan yihiin Gidaaro Waawayn.

walalayaal markii aan In yar oo aan ku qiyaasay inay dhamayd Saacad ahaan (45)Daqiiqo ayaa waxaa Illaahay korkeena dulkeenay Hawo aad iyo aad umacaan oo saxansaxo ah , markii aan inyar kudhex jirnay saxan saxadaas macaan iyo hawadaa qaboow ayaa raxmaanku Korkeena Hogo Roob ahi ka bilaabay, Waddada sida aan horayba idinku shegay waxa ay ahayd mid aad iyo aad isu haysata oo aadan meel jaban ku'arkaynin , marka loo'eego qaybaha kale ee somaliya gaar ahaan Konfurta somaliya oo ay ku jirto casimaddeenii Somaliya ee Muqdisho, ayaa waxa la'oran karaa waddooyinka PuntLand waxa ay ka badbadeen Bur-Burka waddooyinka kale saameeyay, waxa kale ee aan layaabay waxa weeye , Gawaarida isaga gooshaysa wadooyinkas sida ay darawaladu u'ilaalinayaan Sharciga caalamiga ah ee Marka gaariga uu hakayo uu Darawalku ugu baaqayo gaariga kadanbeeya, waxa dhacday markii Illaahay Roob aad ubadani oo wadadii qarshay ay hal mar gawaridii shiteen calamadda Qatarta ah ee Labada dhinac ee danbe si gaariga socdaa markaa uu u'eegto gaariga ka horeeya inta uu ujiro, waxa dhacday Walaahi in roobkaas uu soo dhaafay -Taayaradii Gawarida iyo Dhibicda uu wato Xooggeeda sida ay tahay.

Kanaladii ayaa wadooyinka ku taxan ,Biyihii Illahay Cirka kakeenay ayaa soo dhaafay kanaladii markasaad ka baqaysaa in Biyahas gaariga waddada kasaraan, markii in muddo ahi oo aan ku qiyaasay (3)saac uu roobkaas nahayay ayaa waxa uu roobkii u wareegay dhinaca Waqooyi Bariga Waddada isagoo wali aan si fiican ukala qaadin ayaan kusoo dhawaaday magalada - Dangorayo , Degankaas markii aad dhex mushaaxayso waxad arkaysaa Dhismo yaal waawayn oo gambis ah oo haddana isu eg'eg, si kastaba ha ahatee waxan kusoo beegannay Kontarolka Dangorayo ,waxa meeshaas joogay Laba Nin oo Police-ka PuntLand ah kana tirsan Police-ka Dangorayo, Darawalkii ayaa waxaa lawaydiiyay Laysinkiisa iyo Buuga shatiga , intaas aan taagan nahay wali waxa da'aya Roob TIIX ah, Askariguna waxa uu wattaa Koor bac kasamaysan oo gacmihiisa iyo Wajigiisaba ay furan yihiin.

geel Caddaawe: Sawirkaan waxaa qaaday Muhammad Dhubat mar uubooqasho kutegy Muqdisho.
Warbintii caddawe akhri
Markii aannu kasoo baxnay Kontarolkii ayaan waddadeenii Afka siisaarnay socod yar ka dib , waxa waddadii Xiray GEEL-ROOBAYSTAY oo waddada dhinaca kale u goynayay, waxa geelaas ka muuqday muuqaal aad iyo aad u quruxbadan oo kusoo jiidanaya ,markii aan inyar ka tagnayn Geela ayaa waxa indhahaygu qabteen Wiil dhalin yaro ah oo Geela Raacayay, xaqiiqadii Ninkaas Geel jiraha ahi sida uu u xaragoonayo markii aad aragto waad fajacaysaa , Laamiga si tartiib ahi ayuu usoo gooyay marka aad isaga si fiican u'eegto, waxa ninkasi uu wataa Alaboyinka ay kamidka yihiin TOOSH, UL-DHEER, Iyo KIISHE(DHAKAL) waa midka Geela lagu maalo oo caanaha looga Listo ,gaar ahan Weelkan Geel jiraha ayaa u'isticmaala in ay geela kumalan, si kastaba ha'ahaatee waxad soo xasuusa-naysaa marka aad isla eegto Geelaas iyo Kurayga wata sida ay uwada socdaan Erayadii Waddaniga ahaa ee ay kamidka ahaayeen -
Wiil Geel Jiroo- Gaajadu karayn
Waa waxa Dalkeena Ugaar ahe Laynagu gartaa
Manta ayay Galladu Noosoo gashee- Gobonimadayada Guul Noo Horseeday.
 FOGAANTA U DHEXAYSA:
Garoowe ...... Qardho ===== 222 km
Garoowe ...... Galkacyo ==== 260 km
Garoowe ...... Laascaanood = 132 km
Garoowe ...... EYL ======== 219 km
SOURCE: Khariidada uu qoray
Maxamed Abshir Cali

waxan ka cudur daranayaa in aanan si fiican u dhamaystirin Erayada, iyadoo haddana Gabdhaha ay is yirahdaan Meeday Qaybteenii Ka hadlaysay gabdhii Timaha Tidcanayd ee Ka dhexmuuqanaysay Murtidan Markeeda oo halkaasi Eedi iiga timaddo, Marka hala'iga raali Noqdo.

waxan soo gaaray Aakhirkii Togga Wayn ee Tuulada Simojiif, Toggaas oo kuhoos yaal Buundo aad u wayn ayaa waxa tubnaa dad aad u fara badan oo markaas eegaya Togga Biyaha uu wado oo si Xowli ahi ku socday, meeshaas ayaan kasoo galay Magalada Garoowe ee casimadda u'ah PuntLand.

Qaybta 9aad": Magaalada Garoowe iyo Dhaq Dhaqaaqedaba | ka akhri halkan

mahadsanidiin.

Qoralkan waxan u hibeyay Shabakadda Inter-Netka ee somalitalk.com iyo dadka somaliyeed ee Jooga Dibadda Wadanka.

NB: wali waxa inoo soo-socda Magaloyinka kala ah
Lascanod
Burtinle
Bacadwayn ... iyo
Galkacyo.

Qaybta 9aad  halkan ka akhri

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com


FOGAANTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA ISUJIRAAN:
Ka Akhri Halkan  

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad | Qaybta 7aad | Qaybta 8aad | Qaybta 9aad

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD