SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


SOCDAALKII DHEERAA [Qaybtii 9aad]
BOSASO, QARDHO, GAROOWE, LAASCAANOOD, BURTINLE, BACAADWEYN, iyo GALKACYO

Maxamed Cabdi Farax - Shiike
June 24, 2001
 

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad | Qaybta 7aad | Qaybta 8aad | Qaybta 9aad | Qaybta 10aad

GAROOWE

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu

Kuxiriirsan qaybtii hore ee Garoowe

Bacda Salaan , walaalayaal qaybtan waxan kusoo qaadanaynaa Qaybtii ugu danbaysay ee Magaalada Garoowe Sheekadii Socdaalkii Dheera Ee PuntLand.

Waxan soo Galay Magalda Garoowe Goor ay Tahay 7:34 Daqiiqo Waqtiga PuntLand ee Fiidkii, Xaqiiqatan Markii aan ku Dagay Hotel uu igeeyay Saaxiibkeey oo hadda aanan magaciisa hubin , Qadar yar dabadeed waxa iisuurta gashay in aan Magalada Soomaro Intii aan ka karo.

Magaalada Garoowe oo hadda ka hor ahayd halka laga xukumo Gobolka Nugaal ayaa hadda ah Caasimadda Dowlad Goboledka Ee PuntLand (PSS). Magalada sidii ay hayd hadda ka hor ma'ahan hadda, Magaladii Ugu Horayntii Ninkii horay u yaqiinay waa layaabayaa mid ku cusubna sidaydoo kale waa kasii darayaa , Magalada gabigeedaba waa wada NAL, meelkastaa oo aad tagtana waxad ku arkaysaa Goobo Ganacsi ,Habaynkii oo idil waxaa furan Maqaayada Cuntada (Restaurants) waxayna u furan yihiin Baabuurta isaga gooshta Gobolada , Haddii ay tahay kuwa usocdaa Galkacyo oo Kayimid Bosaso,ama Lascanod, Kuwa usocda Lascanod, qaarkale Bosaso, Hargaysa, Cabudwaaq IWM(ETC).

waxay magaalada noqotay halbowlaha isku xira Gobolada Somaliya oo idil waxayna ku taal Bartamaha Waddada Wayn ee isku Xirta Somaliya, sikastaba ha'ahaatee waxan arkay dhow xafiis oo ay leeyhiin hay'ado Madax banaan oo dowli ah iyo Kuwa aan Dowli ahayn sida Hay'adda Qaramada Midoobay ee looyaqaan (UNICEF) waxan kale oo aan arkay Hay'ad laga leeyahay SWEDEN oo layiraahdo (DIAKONIA Garowe)hay'adaha kale waxaa kamid ah oo kahoowlgaa aaggaas (UNDP, OXFAM, UNDOS,) iyo NGO's kale oo Dowli ah kuwa aan dowliba aan ahayn (Governmental and Non-Governmental Organizations), Magalada Waa camiran tahay waxadna dareemaysaa in si xoog ahi loo dagay oo tan iyo intii uu bilaabmay Dagalka sokeeye ayay magaladan ka mid noqotay magaloyinka Nasiibka u yeshay inay koraan.

maalinkii waxad arkaysaa dad aroortii maqaayadaha ka buuxa oo qofkastaa uu wato warqado iyo Faylal , xafiisyada maamul goboleedka Puntland oo idil ayaa maalinkii oo dhan Buuq miiran ah oo dadkii ay hor fadhiyaan qaar saf ku jiraan qaar gudihii mashquuliyeen, mar aan tagay xafiiska wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Mudane Xaabsade waxan arkay nin dhallin yaro ah oo wata warqado aad u badan midkastaana Boshqaday-santahay , waxaana ii suurtagashay in aan la hadlo wiilkaas oo isagu kay shegay in layiraahdo C/Raxmaan Aden Barre , waxa uu iyiri C/raxmaan walaal waxan kasoo guuray dalka Maraykanka muddo hadda laga joogo Laba(2)sanadood, xaqiiqatan wadanka somaliya qalad ayaan ka fahan sanaa markii uu dhacay dagalka sokeeye , maxaa yeelay waxan islahaa meelkasta oo somaliya kamid ahi waa La'isku furanayaa , dabadeed waxan go'an ku gaaray inaan sahan u'imaado goboladan oo aan doorbidayay waqtigaas inaan ka shaqaysto, Imaansho ka dib waxaan gartay in nolol meeshaan laga aas-aasi Karo.

waxan waydiiyay waxa uu hadda qabtay mar hadii uu kasoo guuray America, C/Raxmaan waxuu ii sheegay in uu hadda la shaqeeyo Wasaaradda Xanaanada xoolaha ee Maamul goboledka PuntLand , waxan qabtaa ayuu yiri Inagoo lakaashanayna Hay'adaha caalamiga ah ee Jooga Gobolada PuntLand sidii xoolaha PuntLand ay u heli lahaayen Wax yaabaha daruuriga u'ah Noloshooda oo ay ka midka yihiin (Ceelasha, Caafimadka, Daawooyinka Nooc kastaba leh ee Xoolaha, sida Geela , Ariga Loda ,) Dhiraynta, IWM.

mar aan waydiiyay waxa ay ka qabteen xagga Ganacsiga xoolaha PuntLand ee Wadamada Carabta waxa uu ii shegay C/Raxmaan in arrinkaas ay wasaradda xoog badani saartay sidii loo furi lahaa Xoolaha laga dhoofsho Dakadda Bosaso iyo garomada diyaaradaha ,waxa uu yiri waxan lakaashanay Arrinkaan UN-ta , Ururka Islamka Aduunka, Jamacadda Carabra , hay'adaha ganacsiga Adduunka, iyo Bank Addunka (IMF) sidii ay arrinkaas nooga caawin lahaayeen madama uu wadankii somaliya hadda aysan jirin bangiyo ay dadka lacago ka dayntaa , Sicirka oo xad dhaaf ah ,ugu danbaytii waxaa noosuurta gashay ayuu yiri in aan dib u habayn ku samayno marka hore warshad lagu qalo xoolaha oo Kutaal Galkacyo, dabadena warshaddaan ayaa noo noqotay mid aan ku bilowno in Hilib qalan oo Tiro cayiman gacanta lagu hayo aan dhoofino ,taasina waxa noo saamaxay ayuu yiri C/raxmaan Taqaatiir Emirates (khaliijka) ah oo soo booqday wadanka dabadeedna qashuuc ka muujiyay sida howsha wasaraddu ay tahay.

Magalada garoowe nabad galyada waa heer sare, qofkastaa waa mashquul waxa uu ku mashquul san yahayna magaran kartid , ma arkaysid nin wata Qori ama gaari qori saaran yahay, waxad magalada ku'arkaysaa gawaarida ugu qaalisan waddamada carab sida (Toyota LandGruiser,Marcedes-Benz, Land Rover, Carooloyinka), waxad kale oo aad arkaysaa baaburta xoolaha lagu qaado oo (12)Shaag layaal ah, xaqiiqadii dhaq dhaqdhaqaaqeeda lama soo koobi karo, magaladan.

Xagga siyaasadda Lagaama maqli karo (Carte iyo DKM)ah, wax is waydiinaya majiraan xattaa haddii layiraahdo Ninkaasi waa kooxda carte ama waxa uu taageeraa DMK ah inta lagu'eego ayaa lagugu qoslaya , waxan layaabay markii aan waydiiyay wiil dhalin yaro ah oo hotelkii aan daganaa goor ay casar tahay soo galay ayaan waxa la'iisheegay in uu kamid yahay Ciidanka Amniga ee Garoowe Qaybta loo yaqaa Darawiishta, wiilkii xaqiiqadii waan is baranay oo waxa ii samaxay ninka Hotelka markaas qaybta soo dhawaynya joogay , barasho ka dib waxan waydiiyay waxa uu kaqabo arrimaha somaliya, waxa uu iigu jawaabay sidan.

Walaal marka aan kahadlayno arrimaha somaliya waa xasaasi , maxaa yelay waxa loo bahan yahay in si cilmiyasan oo Siyaasadi ku jirto looga munaaqashoodo , waxa uu yiri somaliya waxaa ka dhacay Wax aan horay loo maqal loona Arag marka somali laga hadlayo, Wiil ayaa Abtigiis Gowracay, Seedigiis Dilay, Umad meel ku cawaynaysa Habayn barkii kaga salaliyay, marka hadda xaal waxa uu marayaa in Somali inta hoos loogudagalo ay ku haboon tahay in Degan kastaa horta inta u dhow iyo Dariskiisaba uu lasoo yagleelo wax u'eg nidaam wax lagu bilabi karo, Tusaale ahaan waxa uu yiri PuntLand hadda waxay ka kooban tahay (5)gobol oo kala ah (Bari,Nugaal,Sool, Sanaag iyo Mudug).

 
FOGAANTA U DHEXAYSA:
Garoowe ...... Qardho ===== 222 km
Garoowe ...... Galkacyo ==== 260 km
Garoowe ...... Laascaanood = 132 km
Garoowe ...... EYL ======== 219 km
SOURCE: Khariidada uu qoray
Maxamed Abshir Cali
Akhri Socdaalkii dheeraa ee Shiike kutegey magaalooyinka: | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Boosaaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe
Socdaalkii dheeraa ee SheriffOsman kutegey Bariga W/Ameerika:
Guji halkan
Soobooqo Mac'hadka ASAL ee kuyaal magaalada Muqdisho:
Asal Institute
Soobooqo Mac'hadka BEDER ee kuyaal magaalada Boosaaso:
Beder Institute
Guulihii ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota, USA
Guji halkan
MaOgtahay in qalabkii hidaha iyo dhaqanka aad ka helikartid Suuqweynaha soomaalida Minnesota
Mall-ka Karmel
Shantaan(5)gobol ayuu yiri dadku waxay u haystaan in labilaabay sanadku markuu ahaa (1998)bishii August, taasi ma jirto maxa yelay Midaynta, Isu keenidaa, Hadafka gaar ahaaneed ee Goboladan waxa laga munashaqooday sanadku markuu ahaa (1994)oo lagu shiray muddo (20)Casho ahi Garoowe taas oo lagu mataanaynayay Goboladan Dadka Daga, Haddaba arrinta hadda taagan waxa weeye ayuu yiri Carte Puntland way Tageertay, Wayna abaabushay waxan la'oran karaa Waxayba ahayd meeshii kaliya ee wax ka qabatay Bilowgii Shirkii Dib u heshiisiinta Qaranka Somaliyeed , hasayeshee markii lasoo gaaray in waxii la'isku ogaa shirka laga hirgaliyo ayaa waxa labadalay - Nidamkii uu Adduunku Tageeray oo ahaa in Qaab Degaan wax lagu Unko marka hore dabadeedna meshaas laga sii amba qaadaa waxa harsan , madhicin ayuu yiri waxayna somali u heshiin ladahay ayuu yiri Ninkaas dhalin yarda ahi arrintan waa sheeko uu ku matalay Shirkii Carte.

wuxuu hadalkiisii ku bilaabay sidan:

Waxaa haasaawe iyo shukaansi dhexmaray, Abeeso iyo Dabagaalle. Muddo markii ay isla gorfeeyeen sidii ay aqal u wada yagleeli lahaayeen, ayaa Abeesadii tiri; "War bal orodoo qaalli isukeen meheriya inoo raadi." Dabagaalle hadal kama soocelin. Wuxuu bilaabay in uu hadba cidduu arko inta is ag dhakooliyo, ku yiraahdo: "Kanow fiqi ma tahay?" Wuxuu hadba meel jilbo joogsado, goor uu Seylac sii weydaaranayo, ayuu wuxuu ku soo beegmay jees meel cidla ah oo gole colaadeed ah deggen, xoolana xayn ari ah iyo awr duq ah ka haysta. Nin oday ah ayaa qaabilay oo meel geed duggiis ah gogol u dhigay. Dabagaalihii wuxuu uga sheekeeyey odayga, arrinta uu u soo safray, iyo in laga soo bilaabo Raas-kambooni ilaa Raas-caseyr uu cid dhexdhexaad ah oo uu walaayadda u dhiibo ka waayey. Fiqi-ilkaqor si niyadsami ah ayuu ku qaabilay, arrintii oo isla markiiba martiqaad buu sameeyey, si labada cidood ee Abeeso iyo dabagaallaba goobjoog u ahaadaan. Waxaa la guda galay howshii meherka iyadoo loo kala afti qaadayo.

Fiqi-ilkaqor: "Ma aqbashay in aan adiga iyo Abeeso isu kiin mehersho?"

Dabagaalle: "Haa, haddii ay daacad ka tahay, axdigana ay ilaalinayso."

Fiqi-ilkaqor: "Abeeso, raalli ma ka tahay arrintaas?"

Abeeso: "Waxba kama qabo, haddii uu isla weynida iska deynayo."

Fiqi-ilkaqor: "Waa immisa meherkaagu?"

Abeeso: "Waa afkeyga muggiis."

Fiqi-ilkaqor: "Maxaad ka leedahay qiimaha meherka, Dabagaallow?"

Dabagaalle: "Maa caleesh, waxba kuma jabna." Show wuxuu is yiri, labo xabboo quulle ah ayaa ku filan, ha yeeshee Abeesadu waxay isu qiyaastay cantuugadeeda iyo dabagaallaha itaalkiisa. Dabagaallihii oo hadalka sii wata ayaa yiri: " Fiqi, bal faataxada noogu mar, in reerku noo barakoobo, howshana Rabbi noo fududeeyo."

Fiqi-ilkaqor: "Waadh diinta UN-ta baan isugu kiin meherinayaa maaha?

Dabagaalle: "Oo meeday teennii? Sow tii ballantu ahayd in axdiga meherka lagu saleeyo shareecada? Maxaa is beddelay?"

Fiqi-ilkaqor: Idinkuba is weydiiya. Ma annagaa soodaanta keennay! Meelkasta cadaadis baa naga haysta annaguna tabar iyo dhaqaale uma hayno arrintan murugsan."

Abeeso: "Ar iskaa daa wuxuu doono ha akhriyee, inaan aqalgalno lee waaye ujeeddaduye."

Qabbiltu iyo galab-carraaba ayaa lagu soo kala dhaqaaqay. Guri alool iyo ilxidh lagu awday, meelkastana laga gufeeyey, feynuuskuna ka bakhtiisan yahay oon deriskiisu dabka kala qaadan, dhaankuna seddex subaxle yahay, ayaa arooskii loo gangaamay. Abeeso jarriidkay ka qosleeysaa. Waxay isleedahay cid kaa nasiib badani ma jirto, mar haddii Rabbi calaf kuugu daray nin gob ah oo reer magac leh ka dhashay, ragannimadiisuna iska caddahay, haba iska itaal yaraadee. Dabagaalle talaa ku caddaatay, meel uu ka noqdana ma joogo.

Doobnimo iyo dibadaa wareeg horuu uga soo daalay, Abeesana wax la dugsado maaha, meelkastana cadow shisheeye ah oo aan gabargabadheed reebayn baa soo miciyo lisanaysa.

Abeeso waa is goleeysay. Marna waa is galaashay. Cillaan bay isku dhoobtay. Dharkii jiifka la boodday. Gogoshay is dul taagtay,dabadeed is golxaysay. Waxaa bilaabatay dood iyo in la is wareeysto, waxayna u dhacday sidan:

Abeeso: "Gacaliye, gaaf wareegga iska daa oo geyraha iyo gabadanada dhaxanta ka soo gal."

Dabagaalle: "Horta qaalliga iyo adiga ma waxbaa isu kiin galay?"

Abeeso: "Maxaad ku keentay hadalkaas?"

Dabagaalle: "Foolashiisa sarriigan iyo ilkahaaga sariiran baan isku soo sinji soocay."

Abeeso: "Arrimahaani waa wax guyaal kaa weyne, aynu danteenna ka hadalno."

Dabagaallihii isagoo iska wareersan oo labalaboodinaya, ayuu goor subaxnimo ah, abeesoo hurdo ka kacday oo afkii labo taako ka kala dhigeysa arkay. Wadnihii baa istaagi gaaray. Go'aan degdeg ah ayuu wuxuu ku gaaray in uusan waligiis Abeeso agteeda tegin.

Abeeso: "Maxaa geedka dushiisa ku saaray? Maad halkaan isku soo kala bixisid?"

Dabagaalle: "Abeeso,hadda wixii ka dambeeya dushaas uun baan iska -qabaynaa."

Abeeso: "Oo maxaa ku beddelay? Sow inaan aqal wada galno iskuma aynaan ogeyn?"

Dabagaalle: "Abeeso, ciiddii Ilaahay baa ku deeqi weyday, anna habarteed bay ka tahay in aanan naftayda kugu aaminayn, ee haddaba sidaas ku calool fayooboow, inaan dushaas reer dhaqan ka ahaanno oo qofkeenna qofka kale u soo dhawaan."

Abeeso: "Oomaxaad iiga dideysaa? Ma kufkaa baanan ahayn?"

Dabagaalle: "Afkaaga iyo abuuristaada ayaan ka diday ee sidaas raalli ku ahow."

Waxaa lagu soo afjaray taladii, in reerka la wada dhaqdo, si aan cadow kale uga faa'iideysan god daloolladooda, aanse marnaba dab lawada kulaalin, golana lagu wada caweyn, inta Abeeso iyo dirkeeda waxka dhaqan yihiin, talada reerkana ay hor boodayaan.

Waxa Ninkii dhalin yarada ahaa hadalkii iigu gaba gabeeyay Walaal lakaasho caqligaaga sheekadan, xaaladda siyaasadeed ee Garowena waa saas.

Sida Kale magaalada ayaad dareemaysaa in maamul ka jiro mar haddii shaqadii dadwaynaha ay socoto, Boliskii ayaa shaqaynaya, Aroortii waxad maqlaysaa Firimbi aad ay qayladiisu u dheertahay oo lagu Gaardi-siinayo Ciidamada Nabad sugidda, Waxaad is leedahay markii aad si dhab ahi u fiiriso Dhaq dhaqaaqa Magalada Haddii ay tahay Xagga Maamulka Dowliga ahi iyo Kala danbaynta, Shaqada Dadwaynaha , Mashaariicda iyo Horumarka uu gobolka ku tilaab sanayo wad cajabaysaa 100%, waxad arkaysaa oo aanan ka been sheegi karin sida uu'u kala socdo dhaq dhaqaqa Guud .

Insha allahu intaan waxaa inoogu eg Garoowe Qaybtii 2aad ee Socdaalkii Dheeraa Ee PuntLand (PSS).

waxan qoralkan u hibeeyay shabakadda Inter-Netka ee Somalitalk.com waxana soo raaca Shacabka somaliyeed ee Jira Qurbaha Fog oo aan wadanka muddo imaan ama kawarhaynin.

Akhri Qaybta 10aad: oo Kusaabsan Laascaanood

Burtinle
Baccadwayn iyo Galkacyo
Mahdsanidin

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com


FOGAANTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA ISUJIRAAN:
Ka Akhri Halkan  

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad | Qaybta 7aad | Qaybta 8aad | Qaybta 9aad | Qaybta 10aad

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD