SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND



Wararkii Puntland ee July 18, 2006

Ceelka Conoco ee Garoowe oo Lagu iibsadey $250,000 doolar oo Keliya!!!

  • DFKMG oo u muuqata mid ku kala qaysan shirkadaha imanaya dalka iyo xilliga dalka loo samaynayo sharciga shidaalka....

(Garoowe: July 18, 2006):- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa tibaaxay in Isniin July 17, 2006 in shirkadda Range Resources ay "siisay" Dowlad Goboleedka Puntland lacag lagu sheegay in ay dhan tahay $250,000 (Laba-boqol iyo konton kun oo doolar oo keliya), lacagtaas oo la sheegay in ay shirkaddaasi u bixisay "Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe". Waxaana la sheegay in lacagtaas lagu wareejiyey "isimada Puntland", goobta lacagtaas lagu wareejiyena waxaa la sheegay in ay joogeen madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed & Waftigiisii Baydhabo ka tegey iyo madaxda ugu sareysa maamulka DGPL.

Waxaa reer Garoowe arrin ka yaabisay ku noqotay sababta kalliftay in lacagtaas lagu wareejiyey 'isimada' si ay u 'maamulaan' ayadoo ay joogto xukuumaddii dadka oo dhan u dhexeysay oo lahayd hay'adaha kla duwan. Waxaana lagu tilmaamay arrin majara habaabin ah.

Waxaa durbadiiba soo baxay in aysan isimada Puntland u dhamayn arrintaas, ayna ka dhacday arrin lagu tilmaamay 'fadeexad' cusub oo soo wajahdey xukuumada Puntland oo qarineysa xaqiiqada dhabta ah ee ka dambeysa ficilladeeda.

Nin mas'uul ah oo weydiistey in aan la magacaabin ayaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey qoraal u qornaa sidan: "Khayraadka Puntland waxaa laga siistey reer Puntland labo boqol iyo konton kun oo doolar, fadeexad ayaa ka dhacdey, arrintaas reer Nugaaleed waa ku kala qaybsanyihiin. Isimada reer Nugaaleed arrintaas uma dhamayn. Waxaana (Qaar Reer Nugaaleed ah) looga gatey sidii isticmaarkii odayaasha reer baadiyaha u siin jirey xogaaga lacagta ah. Waa khayraadka Puntland oo la siistey 250,000 oo la siiyey qaar kamid ah odayaasha reer Nugaaleed sidii loo isticmaali lahaa ceelka Conoco." ayuu yiri.

Waxaa kale oo reer Puntland is weydiiyeen sababta kalliftey in la yiraahdo reer Nugaal ayaa lacagtaas yar la siinayaa ayadoo arrimo la xiriira shirkaddan ay ku dhinteen dad reer Puntland ah, gaar ahaan iska hor imaad ka dhacay aagga Majayahan oo aan weli la xallin.

Dadka siyaasadda Puntland u kuur gala waxa ay arrintaan ku macneeyey in ay jiraan afar arrimood oo is dhican socda oo ah:

  1. Dowlad Goboleedka Puntland oo aan rabin inay caddeyso meesha ay martay lacatii hore shirkadda "Range Resources" looga qaatay oo ahayd ugu yaraan $3 million oo doolar. Haddii taas la isku soo qaadona ay dadka xusuusiyaan in ay isimada Puntland u dhiibeen rubuc malyan. Sidoo kale in ay DGPL la weydiin saamiyada shirkaddii "Consort ltd" maadaama ay hadda saamiyadii ay "Consort" ku lahayd xuquuqda macdan iyo shiraal baarista Puntland lagu wareejiyey shirkadda "Range Resources" oo ah mid saamiyadedada lagaga ganacsado suuqa Australia ASX [www.asx.com.au], ganacsigaasna ay qayb ka noqoneyso magaca shacabka Puntland, waxaana qorshaha dowladu yahay "Reer Nugaaleedood Af wax cunay xishoo", umana socono Majayahan.
     
  2. Dowlad Goboleedka Puntland oo si xooggan u rabta in ay hesho saxiixa Madaxweynaha DFKMG - saxiixaas oo la rabo in C/Laahi Yuusuf uu ansixiyo heshiiskii sagaalka qodob ka koobnaa ee madaxweynaha DGPL uu sida degdeg ah uga ansixiyey Golaga Baarlamaanak Puntland July 12, 2006. Madaxweynaha DFKMG ahna la tusa sida ay shirkaddani ug aqayb qaadaneyso 'dhismaha dalka' madaam alacagtaas hirtiisa lagu bixiyo, la oranayo indhahaagaa kuu macallin ah ee madaxweynoow shirkaddan u saxiix heshiiska. Waase arrin aan sahlanayn in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu heshiiskaas markiiba anisixiyo, waayo haddii uu anxisiyo waxaa halkaas ka dhalan kara arrin xagga sharciga ku soo laaban doonta xukuumadda Federaalka Soomaaliya (Sida: Shirkaddii Conoco oo heshiiska dowladii hore ee Soomaaliya la gashay oo ay hadda xogteedii la wareegeyso 'Range Resources' iyo ayadoo aan weli baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo aysan ka doodin ansixinta xeerka lagu maamulayo macdanta iyo shidaalka dalka - sababtana aan ku arki doono qodobka 4aad ee hoose.)
     
  3. DFKMG oo u janjeerta shirkadda cusub ee kusoo biirtay tartanka shidaalka, taas oo ah CNOOC oo ah shirkad ay leedahay dowladda shiinaha, shirkaddan oo ah mid ka weyn tan ay DGPuntland wadato ama saamiyada ku leedahay ee "Range Resources". Haddaba maadaama marka la is barbar dhigo "CNOOC" iyo "Range", ay ka soo baxayso CNOOC in ay tahay shirkad wadata dowlad xoog leh oo dan weyn ka leh Afrika, waa shiinaha'e, ayna dhici karto in ay weydiisato in ay ayaduna rabto in ay baarto ceelka "CONOCO" ayaa waxaa halkaas ka soo baxaya waxa luqadda qalaad loogu yeero "Conflict of Interest" - [oo la macne ah: qof meel lug kula jira dhex-dhexaad kama noqon karo u gar niqidda meeshaas uu lugta kula jiro iyo meel taas ka soo hor jeeda] - maadaama odayaashii reer Nugaleedna lacag beec xir iyo af gobaadsi ah la siiyey, dowalduna ay saami ku leedahay "Range". (Shirkadda CNOOC ayaa ah tan saddexaad ee ugu weyn shirkada ay leedahay dowlada Shiinaha ee shidaalka u baara, waxaana ka weyn CNPC "China National Petroleum Corporation" iyo Sinopec "China Petroleum & Chemical Corporation". oo dhammaantood ay leedahay xukuumada shiinaha.) - [Isbar-bar dhig qiimaha saamiyada ee Range Resources ee suuqa ganacsiga ee Australia: ASX (RRS = AU$0.033 : 17/7/2006) iyo saamiyada CNOOC ee suuqa ganacsiga ee New York: NYSE (CEO = US$79.45 : 17/7/2006)].
     
  4. DFKMG oo u muuqata mid ku kala qaysan shirkadaha la keenayo dalka. Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa u muuqda mid u janjeeraa dhanka shirkadda reer Shiine ee CNOOC, halka Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo rag ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi, Kenya ay u janjeeraan laba shirkadood oo mid laga leeyahay dalka Kuwait oo la yiraahdo "Kuwait Energy" [www.kuwaitenergy.com.kw], tan kalena laga leeyahay dalka Indonesia oo magaceeda la yiraahdo MEDCO [www.medcoenergi.com]  - Arrintaas weeye tan loo malaynayo in ay tahay sababta keentay in dib u dhac ku yimaado in baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo la hor geeyo sharcigii macdanta/shidaalka ee DFKMG loogu soo agaasimey magaalada dalxiiska ee Malindi, Kenya ee loo dhiibey ra'iisul wasaare Geeddi.

Halkaas waxaa ka soo baxaya in arrintu aysan ahayn sida ay korka sare uga muuqato iyo $250,000 ay tahay mid wax weyn ku hoos qarsoon yihiin, aana loo cadayn shacabka.

Hadal dhex maray laba qof oo maqlay in $250,000 loo dhiibey isimada Puntland ayaa ahaa:

  • Mid ayaa yiri: War nin yohow arrintan si aysan reer Nugaaleed ugu fadeexadoobin madaama lacagta $250,000 loo dhiibey isimada oo aysan ahayn lacag dawladeed aan ku talino in lacagtaas loo geeyo reer Majayhan iyagaa ku haboonaan lahaa in lagu maslixi lahaaye?
  • Kii kale ayaa la soo boodey: War heedhe reer Majayahay soor quureed ma qataan!.

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2006 | Updated..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD