SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND



Somalitalk xaggee nagu waddaa !


Ceelka Conoco ee Garoowe oo Lagu iibsadey $250,000 doolar oo Keliya!!! AKHRI...


Mar baan is iraahdaa Somalitalk, waxay u shaqayneysaa dano Puntand ka soo hor jeeda sida aragtida Somaliland ee ku wajahan macdan baarista marna ragga afka soo duubtay ee shaatiga diimeed inoo soo gashaday, marna waxaan iraahdaa waxay ka tahay 'shaqo sidii basaaskii ah qabo, beenna ha noqotee, si lagaaga sheego'.

Intaas oo dhan waxaan uga gol leeyahay, waxaan garan waayey waxa ay Somalitalk u gol leedahay?

Mar bay isu ekaysiisaa mid u shaqayneysa dahana shacabka, xaqiiqaduse waa dhaliilo iyo mucaaradnimo qaawan oo ah wax kasta ha burbureen oo meeshooda ha looga tago.

Waxaan la yaabbanahan faa'iidada ay Somalitalk heli doono haddii ay fashilmaan shaqooyinka macdan baarista ah yaase u xil saartay in ay mugdi iyo dhaliilo geliso tallaabo kasta, xaggeese nagu waddaa Somalitalk, marka hore waxaan jeclaan lahaas inaan ogaado waxa ay u dan leedahay Somalitalk?.

Marka aan sidaas u hadlayo ma ahi shakhsi xil ka haya xukuumadaha Yuusuf iyo Cadde ama arrimo kale oo qabiil u doodaya, waxase hubaal ah in Somalitalk ay ka muuqato in ay danayneyso in lagu kala tago dalkan oo aan cidina wax qabsan lana isu iman.

Somalitalk xaggee jirtey berigii Cabdullaahi Yuusuf Madaxweynaha dalka ka ahaa? Cabdullaahi weligiis baarlaman wax ma weydiiyey mase la xisaabtameen? bal iska daa xisaabtan e xubnaha ka soo hor jeeda ayuu ka saari jirey golaha oo ku beddelan jirey kuwo isaga taabacsan, dawladda Caddena waxaa lagu tilmaamay oo markhaanti laga wada yahay in ay tahay tii baarlamankeedu ugu awoodda badnaa.

Laakiin, Somalitalk saxaafadda gacanta ugu jirta dawladda ma waxay u taqaan midda ay Cadde isku beesha yihiin, oo waxaan ku weydiiyey beesha Cadde ma sacab muggiis baa, ma yeelan karto mucaarad iyo mu'ayid miyaa? Somalitalk baa ka jawaabi doonta.

Waa la daabici karaa qoraalkan.

Axmed Abuukar, Boosaaso - Puntland
Email:
abuukar40@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2006

Ceelka Conoco ee Garoowe oo Lagu iibsadey $250,000 doolar oo Keliya!!!

PUNTLAND PHILOSOPHY NINKA DIL DAHABKA IYO SHIDALKANA QAADO

Maxaa kalahasyta Godka Majayahan iyo Maafiyada Caalamiga ah!!...

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...


::Muqus-maasuqa Baahey ee Puntland::
Cilmibaaris ay dhallinayada Gobolka Bari sameeyeen bishii Oktoober 2005 ayey ku sheegeen musuqmaasuq baahey ee ka jira Gobolka Bari intii ay jirtey xukuumada hadda ka talisa Puntland. Waxaa xilligaas la diiwaan geliyey jagooyinka lagu tilmaamay in lagu bixiyey hab aan miisaanayn marka la eego u sinnaanta maamulka Gobolka Bari... (Arrinta daraasadda lagu sameeyey waa Gobolka Bari oo quran).

Jagooyinkasi waa kuwan:::::(Waxaa arrintan la baahiyey 01/10/2005)

  1. Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. 
  2.  Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Wershadaha.
  3. La taliyaha Madaxwaynaha Arrimaha  Amniga iyo Siyaasada
  4. Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maamul goboleedka Puntland 
  5. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
  6. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Xog. Golaha wasiirada
  7. Ag. Guud ee wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyaynta 
  8. Ag. Guud ee wasaarada Dekedaha iyo Kalluumaysiga
  9. Ag. Guud ee wasaarada Shaqada Shaqaalaha iyo Isboortiga
  10. Ag. Guud  Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta , Dhaq. Iyo Dalxiiska
  11. Ag. Guud Madaxbannaan Tacliinta Sare
  12. Ag. Guud Madaxbannaan La dagaalanka Argagixisada 
  13. Ag. Guud Madaxbannaan Hay’ada Baasawayn
  14.  Ag. Guud Maamulka Booliska Puntland 
  15. Ag, waaxeed Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga                            
  16. Ag. Waaxeed maamulka Hay’ada Baasawayn  
  17. Ag. Waaxeed Nadaafada Wasaarada Dekedaha iyo Kal. 
  18. Ag. Waaxeed Wax dhoofinta Wasaarada Dekedaha iyo Kal.
  19. Ag. Waaxeed Wasaarada Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada 
  20. Ag. Waaxeed Horumarinta Wershadaha, Wasaarada Ganacsiga iyo War.
  21. Ag. Waaxeed Deeqaha Wasaarada Dowladaha Hoose
  22. Ag. Waaxeed maamulka Wasaarada Dowladah Hoose
  23. Ag. Waaxeed Dhulka, Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyaynta 
  24. Ag. Waaxeed Qorshaynta Wasaarada Howlaha Guud iyo Gur.
  25. Ag. Waaxeed Waaxda laanta Duulista.  
  26. Ag. Waaxeed Maamulka Wasaarada Maaliyada  
  27. Maamulaha Xafiiska Fiisha Baraa    
  28. Maamulaha Canshuuraha Gobolka Bari 
  29. Maamulaha Kastamka Bosaso                                                             
  30. Maamulaha Isbitaalka Guud ee Boosaaso  
  31. Maamulaha Wershada Xooga Korontada Bosaso
  32. Maamulaha Dalada Xabkaha,  Faleenka iyo Fooxa
  33. Isuduwaha G. Bari Wasaarada Ganacsiga iyo Wershadaha. 
  34. Isuduwaha G. Bari Wasaarada  Xannaanada  Xoolaha  
  35. Isuduwaha G. Bari Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyaynta 
  36. Gudoomiyaha Maxkamada Derajada 1-aad Gobolka Bari 
  37. Xeer Ilaaliyaha Gobolka Bari   
  38. Taliyaha Saldhiga Garoonka Boosaaso 
  39. Taliyaha Saldhiga Dhexe Bosaso 
  40. Taliyaha Ciidanka Taraafikada Puntland  
  41. Taliyaha Hay’ada sirdoonka Puntland “CID”                                                    
  42. Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Turubataariyo  
  43. Taliyaha Ciidanka  Madaxtooyada Puntland    
  44. Taliyaha Canshuuraha Gobolka Bari
  45. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
  46. Taliyaha Ciidanka Degmada B. Bayla
  47. Taliyaha Ciidanka Degmada Xaafuun
  48. Taliyaha Ciidanka Degmada Iskushuban
  49. Talilyaha Ciidanka Maxkamadaha G. Bari   
  50. Taliye Xigeenka Ciidanka Daraawiishta untland 
  51. Xisaabiyaha Dowlada Hoose Bosaso 
  52. Ku Xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Puntland 
  53. Xisaabiyaha Guud ee Xafiiska Fiisha Baraa                                                      
  54. Xisaabiyaha Hay’ada Nesha
  55. Xisaabiyaha Rugta Ganacsiga                                                                           
  56. Xisaabiyaha Garoonka Bosaaso
  57. Xisaabiyaha Guud ee Gobolka Karkaar
  58. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar
  59. Gudoomiyaha Degmada Bosaso 
  60. Gudoomiyaha Degmada Qardho 
  61. Gudoomiyaha Degmada Iskushuban
  62. Gudoomiyaha Degmada Bender Baayla 
  63. Gudoomiyaha Degmada Xaafuun

Qoraalkaas waxaan ka soo xiganey qormo ay qoreen "Dhalinyarada Gobolka Bari" markey tariikhdu ahayd 01/10/2005. Xilli markaas ku dhowna waxa ay soo saareen baaqa hoose:

Uj: Baaq ay soo saareen dhanilyarada Gobolka Bari oo ku wajahan Shirkad la sheegay inay Macdan baarayso oo heshiis la gashay mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Puntland. 05 Oct 2005 

Waxaa Maamulkii hore ee Puntland, Cabdullaahi Yuusuf heshiis la galay shirkad lagu magacaabi jiray Hart Group oo fadhigeedu ahaa  Jasiirada Bermuda taasoo aan marna la horgayn Golaha Shacbka, xeer qeexana looga samayn maamulkii jiray berigaa, waxayna shirkadaasi gaysatay dhibatooyin fara badan oo aan la soo koobi karin iyadoo xaalufisay Badihii islamarkaana jariiftay ugxantii kalluumaysatada yaryarna dhaawac mood iyo noolba leh u gaysatay, waxayna kaloo ku aastay dalka xeebihiisa haraaga sunta ah ee wershadaha dalalka hormaray iyadoo lacago fara badan oo aan xadidnayn laga qaatay shirkadaas kuwaasoo lagu gaaray hadaf jiray xilligaa.

Hadaba waxaa ayaamahan Puntland ka socday xiisad ku saabsan shirkad aan taa kor ku xusan ka ood fogayn, iyadoon Golaha shacabka la horgayn, ayay dowladu heshiis la gashay shirkad magaceeda lagu sheegay “Consort” oo la yiri waxay ka diiwaan gashan tahay  Jasiirad yar oo la yiraahdo Maldives.

Shirkadan waxaa la sheegay inay baarayso macdanta noocyadeeda kala duwan islamarkaana bixinayso 25Milyan oo Dollar sannadkii iyadoo amaankeedana lagu sugayo aduun gaaraya 200,000Us Dollar bil walba.

Hadaba markaan u kuurgalnay shirkadan hantideeda, sharciga caalamiga ah ay haysato, degaankeeda dhabta ah waxa ay doonayso inay Puntland ka qabato iyo qaabka ay u howlgalayso waxaa noo soo baxday arrimahan soo socda. 

  • 1.         Marka hore Shirkadu waxay ku soo gashay dalka oo keenay xiriir uu sameeyay nin samafal u yimid Puntland xilligii Tsunami-ga oo la yiraahdo Terry.
  • 2.         Shirkadu ma laha hanti ay ku howlgasho iyo waayo aragnimo hore sida shirkadaha saliida qoda ee dunida, waxayna mushtaraysaa Digaag.
  • 3.         Shirkadani waxay la mid tahay tii Hart-group ee qarsoodiga ahayd, mana laha damaanad sharci.
  • 4.         Shirkadani lama horgayn Golaha Shacabka, aftina looma qaadin.
  • 5.         Sharci iyo xeer qeexayana lagama soo saarin waxyaalaha ay qabanayso, faa’iidada ay helayso, hantida ay galinayso iyo inta ay le’eg tahay miisaniyadeedu.
  • 6.         Iyadoo ah suuq madoow oo aan sidan aqoonsi caalamai ah.
  • 7.         Iyadoo ay keeni karto qalaaase iyo iska horimaad  Beelaha wada degga Puntland oo hantida ay ballan qaaday shirkadu bulshadu isku layn karto.
  • 8.         Iyadoo ay dowlada Fedaraalku ku kala qaybsami karaan, isla markaana keeni kara dagaal sokeeye oo dalka ka soo cusboonaada.
  • 9.         Iyadoo Shirkadihii hore ee saliida ka baaray Soomaaliya cadaadis dowli ah ku saari karaan Dowlada Federaalka KMG ah iyo Maamul goboleedka Puntland sidii loo hakin lahaa geedi socodka nabada iyo soo cellinta qaranimada Soomaaliyeed.
  • 10.     Iyadoo dhaawici karta Bay’ada nadiifka ah ee deegaanka taasoo hakin karta horumarinta iyo xannaanada xoolaha, daaqa iyo reer miyiga si dadbana u wiiqi karta dhaqaalaha dalka.

Hadaba annagoo ah dhalinyarada u dhalatay Gobolka Bari oo ay shirkadu xoogeedu ku soo wajahan tahay waxaan go’aan naga ah in shirkadani  maadaama ay ku sifaysan tahay qodobada kor ku xusan ayan dalka ka shaqayn karin, waan diidan nahay waana  ka soo horjeednaa mana aqbalayno in dalka la keeno wax aan dan u ahayn dadka. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland ee heshiiskan galay inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga laabtaan heshiiska  haddii kale wixii ka yimaada arrintaa waxaa mas’uul ka ah cidda ku xad gudubta qawaaniinta iyo sharafta shacabka Puntland. 

W/Q,  Dhalinyarada Gobolka Bari.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraayaasha ku saxiixan

Si aad arrintan wax uga ogaatid waxaad toos email ugu diri kartaa xafiiska Madaxweynaha DGPL, Email: plspresidency@hotmail.com


Carruurta Puntland, oo qashinka cunto ka dhex raadsanaya.

Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan, Booasaaso, Soomaaliya

....Xeebtii ayaa u muuqata, haddii malaha loo samayn lahaa laash ama huuri ama sixiimad loogu kalluumeeyo!!!!!!

 

Dhismihii Jaamacada EAU::: 2001
Degarday
Asaaskii Jaamacada Boosaaso... GUJI

 
SOMALITALK:: XORRRIYADII ZAMZAM
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |
WERSHEDAHA BOOSAASO:::


Wershedo yaryar oo Laga Furay Boosaaso
 


BOSASO: Wararkii Boosaaso: Guji


caruurgabdho2001::: Iyo Mucaawino u Raadintii Carruurta Puntland::: Qoraaladii Sannadkii 2001...

 


QORAALADII HORE EE SOMALITALK.COM EE JAAMACADA BOOSAASO:::

Jaamacada Bariga Afrika waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001.

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas.
Halkan ka akhri warbixintii hore ee waftiga... GUJI

 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD