SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


DGPL oo Qarka u Saaray In ay Dalka ka Saarto Shirkadda Range Resources...

SomaliTalk.com | August 3, 2006

SOOMAALIYA: Warar SomaliTalk.com ay ka heshay xubin ka tirsan dowladda oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in uu wadahadal iyo is afgarad dhex maray Dowoladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG) iyo Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) ku saabsan sidii ayadoo lamarayo hab sharci ah dalka looga saari lahaa shirkadda Consort/Range Resources ee hadda joogta Puntland. Waxase uu qiray in arrintani qadaneyso waqti.


Garoowe, Caasimadda DG Puntland | GoogleEarth

LIFAAQ. 1:::

Ragga dadka iska casiley shirkadda Range Resources waxaa ka mid ah: Mr. Matthew Lewis oo ahaa guddoomiyihii shirkaddaas oo is casiley bishii Agoosto 2005. Waxa kale oo bishii May 2006 is casiley Mr. Jim Marinis oo aha agaasimihii guud ee shirkaddaas. Waxaa isaguna hadalkiisa la waayey ninkii asaasay Consort Private ltd oo ah Terry Donnelly.

Waxaa burburay heshiiskii bishii Febraayo 2006 dhex maray Range Resources iyo shirkadda MEPS (Middle East Petroleum Services Limited). Shirkadda MEPS waxaa ku jirey khubaro ay ka mid yihiin Mr. Ramzy El Adl oo reer Masar ah iyo Mr. Asker Ali Hussein Al Thahiri oo reer Yemen.

Waxaa waqtigii loo qabtay ka dib dhacay heshiiskii sida rasmig aah u dhex mari lahaa shirkada Range Resources iyo shirkadda Koonfurta Korea ee KNOC (Korea National Oil Corporation).



Ceelka Conoco ee Garoowe, Sawirka Google Earth


Shaxda ay sawirtay www.africa-energy.com

Qaybaha Puntland ee Range calaamadsatay...

Xubinta ka tirsan dowladda oo weydiistey in aan la magacaabin oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri sidan:

"Wadahadalkaas ayaa DFKMG & DGPL waxa ay isla garteen in markii hore lagu degdegey heshiiskii lala galay Consort/Range Resources, heshiiskaas oo la galay ayadoo aan aqoon badan laga haysan heshiiska iyo shirkaddaba, gaar ahaan in loo saxiixay gebi ahaanba in ay yeelato xuquuqda baarista iyo qodista khayraadka dabiiciga ah ee dhammaan Puntland, arrintaas oo hadda labada dhinac (Federaalka iyo dowlad goboleedku) ay isla garteen in ay ahayd mid lagu degdegey.

"Baaritaan ay sameeyeen dowladda (dhexe & goboleedka) ayey ku ogaadeen in Consort/Range aysan lahayn awood ay ku baari karaan shidaal. Waxaana soo baxday in ilaa markii heshiiska lala galay shirkadaas aysan dalka ka qaban wixii ay ballan qaadeen, isla mar ahaan taasna aysan wax horumarin ah ku soo kordhin gobolada Puntland.

"Arrintaas ayaa keentay in DGPL ay ka laabato heshiiskii hore, kuna bedesho heshiis dhigaya in Puntland loo qaybiyo qaybo (BLOCKS), heshiiskaas oo markaas Consort/Range u ogolaanayey in ay qayb ka noqon karaan shirkadaha ku tartamaya baaritaanka iyo soo saarida khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

"Waxaase hadda usoo baxaya DFKMG iyo DGPL in shirkadda Consort/Range xitaa aysan waxba ka qaban karin qaybta loo qoondeeyey, taas oo markii loo kuur galay shirkadda Consort/Range ay soo baxday in tahay shirkad aan lagu kalsoonaan karin, awoodna u lahayn hawsha shidaal qodista. Waxaa taas daliil u ah sida ay isu casileen madaxdeedii ugu sareysey sida agaasimihii guud, iyo sida uu u burburay heshiiskii ay shirkaddasi la gashay shirkaddii MEPS ee ka caawin lahayd shidaal qodista, iyo sida uu laba-jeer dib ugu dhacay heshiiskii ay la geli lahayd shirkadda KNOC, halkaasna ay ka muuqatay in shirkadaasi aysan lahayn awood shidaal baaris/qodis.

"DGPL waxa ay qabsatay Qareeno u dooda dowladda haddii muran ka yimaado shirkadda Consort/Range marka ay dowladdu ku dhawaaqdo go'aankeeda rasmiga ah ee ku aadan arrintaas. Waxaa la rabaa in arrintan la marsiiyo hab sharciga waafaqsan, si sharciga waafaqsana markaas dalka looga saaro shirkad aan waxba kusoo kordhinayn dalka Soomaaliya ama aan awood u lahayn in ay qabato hawsha ay sheegtay in ay qaban karto.

"Shirkadda Consort/Range intii ay joogtey Puntland, waxaa lagu arkay falal ay ka mid yihiin isku dir, cagajiid, waqti lumis iyo in arrimo shirkaddaas la xiriira awgeed ay sababtay iska hor imaad iyo aaminaad darro dhex martay shacabka iyo dowladda, taas oo ay hadda dowladdu dadaal ugu jirto sidii arrimahaas loo sixi lahaa. Waxaana jira guddi ay dowladdu dhowaan magacawday oo loogu talo galay sixitaanka dowladda iyo talo bixin.

"Markii ay dowladdu qorshahan u bandhigtay aqoonyahanka Soomaaliyeed, aad ayey u soo dhoweeyeen, waxana ay ballan qaadeen in ay taageero la garab taagan yihiin dowladda iyo sidii arrintan dowladda gacan looga siin lahaa xag sharci, talo siin iyo taageero dhinac kasta.

Waxa uu xubinta ka tisan dowladda hadalkiisa ku kusoo gabagabeeyey, kuna adkeeyey: "DFKMG & DGPL waxa ay iska kaashanayaan si sharciga waafaqsan xilliga ku haboon sidii dalka looga saari lahaa Consort/Range Resources maadaama ay shirkaddaasi kasoo bixi waydey hawshii ay ballan qaaday, waxana dhici karta in arrintan hirgelinteedu ay qaadato waqti. Dowladdu (Federaalka & goboleedka) waxay tixgelin siin doontaa heshiisyadii ay gashay dowladdii hore ee Soomaaliya, waxaana lagu dadaali doontaa sidii looga fiirsan lahaa heshiisyada lala gelayo shirkadaha shisheeye, inta aan lala gelina waxaa lagu samayn doonaa baarintaan iyo cilmi baaris. Waxana lala tashan doonaa aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo dadka khibrada u leh, waxaana kalsooni la weydiin doonaa shacabka iyo hay'adaha sharci dejinta ee dalka.

###

Dhanka kale qoraal lagu soo daabacay shabakada Range Resources oo soo xigtey qoraal ay qortay AFRICAN-ENERGY, ayaa Range Resources waxa ay markii u horeysey qirtay in cadaadis ay kala kulantay dad dhaliilaya (Ku dhaliilaya arrimaha shirkadaas ee ku aadan Puntland). Waxa kale oo qoraalkaas ku qoran in Range Resources ay heshiiskii (ahaa 100% xuquuqda baarista khayraadka Puntland) ay shirkaddu iskeed u bedeshey, oo ay dooratay qayb (Blocks) - arrintaas oo ka hor imaneysa xaqiiqadii ahayd in Dowlad Goboleedka Puntland ay qorshahaas gaartey. (Hoos ka akhri Range oo sheegtay in ay tagtay HANTAARA).

LIFAAQ 2:::

Horumarka ay gaartey Boosaaso/Puntland siddeedii sano ee ay dhisnayd::

  • Waxay hor mar ka gaaratay waxaa ka mid ah: Dhanka Huteelda waaweeyn, Goobaha shirarka lagu qabto. Isgaasiinta waxaa ku yaal ilaa lix shirkadood, waxaana daqiiqadii lagu dirsadaa 3,000 sh. Soomaali ($2.5). Warbaahinta waxaa ku yaal Sadex Idaacdood iyo laba TV. Wershado yaryar oo gaaraya ilaa lix kuwaas waxyaalaha ay sameeyaan ay ka mid yihiin:  Doonyaha Balaastig ah, Nac-Naca, Saabuunta, Biyaha-Caafimaadka. Waxaa ku yaal Sadex Cusbataal oo ah kuwo gaar loo leyahay (private) iyo cisbitaalkii hore dawaldii iyo ilaa 10 Xarumo Caafimaad. Waxbarashada waxaa ku yaal 4 dugsi sare iyo 20 dugsi hoose/dhexe, Macahady ilaa lix machad iyo hal Jaamac. Xarun dabdamis oo ay ka hawl galaan ilaa 30 shaqaale u carbisan iyo gadiidka dabka damiya oo casri ah. Goobo shidaalka lagu kaydiyo oo kaddibna loo qaybiyo gobolada dalka. Gawaari basas ah ka dhex shaqaysa magaalada. Saldhigyo xaafadaha magaalada ka hawal gala oo gaaray ilaa 4 halka markii hore hal saldhig magaalada ku yaalay.

Range Resources oo Shegay inay Tegeen Hantaara..

  • SomaliTalk.com | Australia: Augsut 2, 2006

Shirkadda Range Resources ayaa qoraal ay Isniin July 31, 2006 u dirtay suuqa Ganacsiga Australia (ASX) waxa ay ku caddaysay in dad (baarayaal) shirkadaas ka socda ay tageen bariga magaalada Boosaaso.

Waxaa warbixinta Range ay shaaca ka qaaday in ay tageen meesha la yiraahdo HANTAARA oo dhanka qorrax kasoo bax ka xigta magaalada xeebta ah ee Boosaaso.

Inkasta oo aysan caddayn xilliga ay tageen, haddana qoraalka warkaas lagu caddeeyey ayaa ahaa mid ay Range Resources suuqa Ganacsiga Australia ugu sheegeysey warbixintii ay ka qoreen Puntland ee saddex bilood-laha ahayd taas oo ku ekayd July 31, 2006.

Qoraalkaas waxa kale oo Range Resources ku sheegtay in saamiga dhulka ay hadda ka heleen Puntland (ee ay wax ka baari karaan) in ay tahay 100,000km2 , dhulkaas oo ay ka mid yihiin dooxada NUGAAL iyo dooxada DHAROOR. [Intii aan Puntland wax ka bedelin heshiiskii hore waxa uu Range/Cosort siinayey xuquuda baarista khayradka dabiicaga ee dhul baaxadiisu dhantahay 212,000km2].

Qoraalka cusub ee Range oo aad ku arki doontid linkiga hoose, waxa kale oo ay kaga hadleen macdanta Majayahan iyo in magaalada Boosaaso uu si rasmi ah ugu fadhiyi doono nin joolajiiste ah.

Range Resources waxa kale oo ay sheegtay in ay weli sii wadaan la kulanka shirkadaha ay rabto inay lagasho heshiisyada loo yaqaan fa'iido wadaaga (Joint Venture). Warbixintaasi waxa ay cadaysay in uu markale dib u dhacay heshiiskii ay Range Resources la geli lahayd shirkadda reer Kuuriya ee KNOC (Korea National Oil Corporation), heshiiskaas oo la filayey in uu qabsoomo July 31, 2006. Waxana dib u dhacan cusub ay Range ku macnaysay in shaqaalaheedu ay dib u eegid ku samaynayaan xog taal Puntland toddobaad-yada soo socda.

April 20, 2006 ayey ahayd markii uu magaalada Dubai heshiis qarsoodi ahaa ku dhex maray Range Resources iyo shirkadda KNOC. Laakiin heshiiskaasi si rasmi ah weli uma dhicin, waxaana dib loogu dhigay ilaa July 31, 2006. Dib u dhacaas waxaa xilligaas Range Resources ku macnaysay in ay sugayaan xog iyo macluumaad laga helayo Soomaaliya iyo in la falanqaaynayo xogtii iyo macluumaadkii ay heleen markii ay tageen xarunta shirkadda Conoco ay baaritaanka ka wadey ee Dooxada Nugaal, warkaas oo Range ku cadaysay warqad ay u dirtay suuqa ASX markey taariikhdu ahayd 12/7/2006, waxaana hadda ay markale cadaysay in taas dib loo dhigay.


M.E.P.S.

Heshiiskaas waxaa ka horeeyey in dabayaaqadii bishii Febraayo 2006 uu heshiis Dubai ku dhex maray Range iyo MEPS (Middle East Petroleum Services Limited) oo ah shirkad  sida la sheegay laga leeyahay Bariga Dhexe. Laakiin qoraal ay Range soo saartay July 12, 2006 ayey ku sheegtay in heshiiskaas la baabi'iyey, lagana baxay heshiiskaas kaddib markii ay Range Resources sidaas ka ogolaatay shirkaddii MEPS.


Ali Abdullahi
Isha sawirka: Amsas Consulting

Waxaana arrimahaas garab socda in madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmad uu dhowaan mar uu booqday magaalada garoowe uusan saxiixin heshiis ay rabtey in shirkadaasi in loo saxiixo.

Qoraal uu qoray AFRICAN-ENERGY oo ay soo xigatey Range Resources ayaa sheegay qoray in nin markii hore aad uga soo horjeedi jirey Range Resources, waa sida ay warka u dhigeen'e, uu hadda fikradiisii bedeley ninkaas oo ay magaciisa ku sheegeen Cali Cabdullaah M Barkhadle oo sida qoraalku sheegay deggan Australia. Waxaana qoraalku intaas ku daray in ninkaas iyo Madaxweyne Cadde Muuse ay yeesheen shir albaabadu u xirnaayeen oo ay yiraahdeen heshiiskaas waqtigiisa lama la cayimin. Waxaase jira warar ku dhowdhow madaxtooyada DGPL oo sheegay in aan kulankasi dhicin. [Akhri AFRICAN-ENERGY ama HALKAN] - http://www.africa-energy.com/

  • Cali Cabdullaah M Barkhadle (Amsas Consulting) ayaa websitekiisa waxa uu ku qoray in uu Madaxweyne Cadde Muuse la yeeshay shir albaabadu u xirnaayeen, waxa kale oo uu sheegay in DFKMG iyo Somaliland ay xiriir la soo samaynayaan "Amsas": AKHRI: http://www.amsasconsulting.com/oil.html.

Consort waxaa asalkii laga diiwaan geliyey dalka Maldives. Si aad wax uga ogaatid waxaad la xiriiri kartaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha ee Maldives [Ministry of Trade and Industries] www.trademin.gov.mv

Faafin: SomaliTalk.com | August 2, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD