SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Shacab dhul ka sheegtay dawladdoodii !


Heshiiskii Hilton Hotel

Sideedaba Puntand, waxaa ka jirta dawlad goboleed la soo doortay oo ay isku af garteen kana raali noqdeen, kuna wada jiraan dhammaan beelaha wadda dega deegaannada Puntland, haddaba beryahan waxaa layaab noqotay oo soo baxaysey in dhaqan badownimo ah ay dadka qaarkood ku shaqaynayeen taas oo ah in dhul Puntland ka tirsan maamulkii la isku raacay ee la doortay laga sheegto.

Maamul ahaan iyo sida nidaamku ku jiro dhulka iyo shacabka Puntland-ba waxaa u hadli kara horumarna u horseedi kara arrimahaasna wakiil uga ah dawladdii ay doorteen.

Shacabka dega Deegaanka Majayahan iyo Dhalan waa wax laga yaqyaqsoodo in ay yiraahdaan annaga buurahayga aan weliba si dhaba ah loo ogeyn dheefta ku hoos jirta ma iman karto dawladdii allaylehe cawaanimo iyo wax aan nidaamka iyo ilbaxnimada waafaqsanayn dheh.

Haddii, beelaha dega Majayahan iyo Dhalan ay dawladdooda ka sheegtaan dhul markaasi waxay noqoneysaa in iyagana Boosaaso laga sheegto, waayo waa la yaqaan taariikhda Boosaaso iyo dadka deegaanka asalka ah ku ah.

Ogaadoy, dadka u ololaynaya in dhul la kala sheegto Somaliland wax tixgelin ah kuma haystaan ee iyagaa yaqaan meeshay aadi lahaayeen.

Teeda kale, dhimashada la sheegay in ay ka dhacday Majayahan qolo keli ah kuma dhiman ee halala socdo, rabshadana hala joojiyo, sidaas waxaan u sheegayaa cidda ay khusayso arrintani ee danayneysa in dhul la kala sheegto.

Axmed Abuukar, Boosaaso - Puntland - Somalia.
Email:
abuukar40@hotmail.com

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2006

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD