SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Masjid ku yaal Magaalada Buruc

Masjid ku yaal  Buruc

Range Resources oo si Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc, Shacabkuna ay Arrintaas ka digeen...

(SomaliTalk.com, Boosaaso: July 30, 2006):- Warar ka imanaya degaanka Buruc ayaa sheegay in dad ay dirsatay shirkadda Range Resources ay si qarsoodi ah ku tageen inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qandala, gaar ahaan waxaa warku sheegay in ay tageen agagaarka magaalada Buruc xagga xeebta oo dhanka Bari ka xigta Boosaaso, magaaladaas oo shacabka deggani ay hore ugu digeen una sheegeen in shirkadaasi aysan imaan degaankaas.

Waxaa warku intaas ku daray in shirkadda Range Resources looga digay in ay timaado aagga magaalada Buruc iyo degaannada ay ka mid yihiin: Baxaya, Qurac, Warmadow, Ribbad, Karingubad, Cayra, Dhacadiid, Cinjirka, Raabka Salamaco, Jiica, Nirga-Laaye, Duqayga, Qolab, Cambarka, Fargaraar, Ragar Barre, Ragar Boqor, Misig, Ceelxaar, iyo Qorayo. Waxaa warku aad ugu adkeeyey in shirkaddaasi (Range) aysan iman karin degaanadaas ayadoo aan lagala tashan shacabka degaanka, haddiise ay timaado degaannadaas in cawaaqibka ka dhasha ay qaadi doonaan cidda mas'uulka ka ah.

Toddobaadkan ayey ahayd markii shacabka ku dhaqan degaannada Majayahan/Dhalan & Buruc ay shirkada Range Resources uga digeen in ay tagto degaanadaas oo ahaa kuwo ay hore uga dhaceen iska hor imaadyo la xiriiray shirkadda Range.

Shacabka degaanada Majayahan, Dhalan iyo Buruc ayaa tibaaxay in shirkadda Range Resources ay Puntland ka wado kala geyn iyo iska hor-keen, waxana ay dowladda ugu baaqeen in ay arrintaas si degdeg ah wax uga qabato.

Majayahan/Dhalan & Buruc ayaa sida shacabka degaanadaasi ay sheegeen aan dowladdu haba yaraatee ka hir gelin wax adeeg dadweyne ah oo loogu danaynayo shacabka (Sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, iyo guud ahaan adeegyada kale ee bulshada).

Qoraalkii Cadde Muuse u diray Baarlamaanka DGPL....

Eeg sawirka oo weyn....

Degaannada Majayahan/Dhalan iyo Buruc ayaa lagu tilmaamaa in ay ku jiraan macdano ay ka mid yihiin: Dahabka, Tiinka, Gypsum-ka, iyo macdano kale oo qaali ah, iyo sidoo kale shidaal (Batrool).

Dhanka kale waxaa toddobaadkii hadda tegey Puntland ka socdey in Dowladdu ay dadaal ugu jirtey sidii golaha Garsoorka loo hoos geeyn lahaa Wasaarada Caddaalada, arrintaas oo uu si xoog leh uga hor yimid Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Ramaas Political Party, Daahir Ciiro, warqadna waxa uu u diray golaha wakiilada in aysan ansixin qorshahaas Dowladda. Baarlamaanka Puntland cod uu July 29, 2006 u qaaday ayuu ku diidey qorshahaas dowladda ee ahaa in garsoorka la hoos geeyo dowladda.

Qorshahaas dowladdu wadatey ayaa shacabka Puntland waxa ay u arkeen dowladda oo qorshayneysa in muuquuniso shacabka haddii uu u hir geli lahaa qorsheheedii ahaa in dowladda la hoos keeno garsoorka oo hadda ka madax bannaan wasaaradda caddaalada. [AKhri: Golaha Wakiilada DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu Ceshay Xeer Oranayay in Garsoorku uu hoos-yimaado Wasaarada Caddaalada]

Faafin: SomaliTalk.com | Boosaaso | July 30, 2006

Wararkii hore ee warkaan la xiriira hoos ka akhri:::


Shacabka Majayahan, Buruc iyo Garoowe oo Ka soo Horjeestey Shirkadda Range Resources...

  • Range oo looga digey in ay soo caga dhigato Majahan/Dhalan & Buruc
  • Shacabka Garoowe oo aad uga caroodey Suuq Geynta Sawirka Issimada Puntland
  • Reer Puntland oo Digniin Kulul u Jeediyey Shirkadda 'Range Resources'...

"Range Resources Cagaha Masoo Dhigi Karto Majayahan/Dhalan & Buruc..."

(Boosaaso July 28, 2006 | Upadetd: July 29):- Wararka ka imanaya Gobolada Sanaag iyo Woqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa sheegay in waxgaradka magaalooyinka Majayahan/Dhalan iyo Buruc ay DGPL ugu baaqayaan in ay faraha kala baxdo shirkadda Range Resources oo sida ay sheegeen ah shirkadda uu madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cadde Muuse, ku tilmaamay in ay tahay shirkad "JIRRI" ah, sidaas darteedna aysan deegaanadaas ka baari karin ama ka qodi karin wax macdan ah - waxana shirkadaas looga digay in ay soo caga dhigato gebi ahaanba aagga degaannadaas.

Waxana ay intaas ku dareen: in sababo la xiriira shirkadda Range Resources awgeed ay dad shacab ah ugu dhinteen magaalooyinka Majayahan iyo Buruc, sidaas awgeedna shirkad ayada darteed dhibaatada intaas le'eg loogu geystey shacabka inaysan ka hawl geli karin degaanaddaas. Waxana ay sheegeen in haddii shirkaddaasi ay degaanadaas soo caga dhigato, iskuna daydo in ay macdan ka baarto ayadoo aan lagala tashan shacabka, in wixii dhibaato ah ee ka yimaada ay qaadi doonaan cidda mas'uulka ka ah keenitaanka shirkadaas.

DGPL haddii ay la macaamisho shirkad aan wax tixgelin ah u hayn shacabka Puntland, ahna shirkad ku hawlan kala qaybinta shacabka, ayey yiraahdeen waxgaradka Majayahan/Dhalan & Buruc, in ay ka dhalan karto shacabka oo gebi ahaanba ka aamin baxa Dowladda, isuna abaabula sidii ay degaannadooda uga difaaci lahaayeen shirkad aan tixgelin u hayn shacabka horena dhibaato uga geystey deegaanada Puntland.


[:: XABSIGA THAILAND oo lagu ilaawey saddex ka tirsan askarta daraawiishta DGPL:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 ]


Waxa kale oo ay arrin aan laga fiirsan ku tilmaameen in Baarlamaanka Puntland uu July 12, 2006 si degdeg ah u ansixiyey heshiiskii shirkadda Range/Consort, taas oo la ansixyey ayadoo aan baarlamaanku si xeel dheer uga fiirsan dhammaan arrimaha la xiriira shirkadaas, waxana ay taas ku tilmaam mid meel kadhac ku ah arrimihii shacabku u xilsaartay ama ka sugayey baarlamaanka DGPL oo ahayd in uu ilaaliyo danta guud ee shacabka.

Waxaa dowlad GPL looga digey in ay mar dambe xoog ku muuquuniso shacabka deggan degaanada Puntland ayadoo u qoor qabaneysa shirkad aan la aqoon qorsheeda. Sidoo kale Range Resources waxaa looga digey in ay timaado degaannada Majayahan, Dhalan iyo Buruc iyadoo aan ogolaansho ka haysan dadka degaanka sababtoo ah, ayey yiraahdeen, xilligan dalka Soomaaliya kama jirto dowlad dhexe oo awood u leh in ay heshiisyo la gasho shirkado shisheeye, baarlamaanka Puntland-na ma ahan mid DGPL kula xisaabtami kara heshiisyada ay soo geleyso shirkadaha shisheeye.

  • Majayahan iyo Dhalan: Waa laba magaalo oo ku yaal galbeedka magaalada Boosaaso, waana meelihii ay macdanta ka qodi jirtey shirkaddii reer Bulgaria sanadihii sideetamaadkii. Waxaa lagu tilmaamaa in macdanta ugu badan ee sida fudud loo soo saari karo ee halkaas ku jirta ay tahay macdanta loo yaqaan tiinka ee laga sameey biraraha. Deegaanka Majahayan/Dhalan waxaa lagu tilmaamaa aaga ay hagratay DGPL, aan ka ahayn in markii ay keentay shirkada Consort/Range in ay garwaaqsatay in ay yihiin degaan muhiim ah, laakiin ay markaas dowladu isku dayday in ay xoog ku muquuniso daweynaha degaanka taas oo dhimasho keentay. [Marka laga rebo macdanka korka saaran ee Tiinka, waxa kale oo Majayahan/Dhalan lagu sheegay macdanaha ay ka mid yihiin Dahabka iyo macdano kale, iyo Batrool]. (AKhri waraysigii 2000 ay SomaliTalk.com la yeelatay  Dr. Cusmaan Salaad Xersi: www.somalitalk.com/drosman).
     
  • Buruc: Waa magaalo dhanka Bari ka xigta Boosaaso - waxana ay u dhexaysaa Boosaaso iyo Qandala. Aagga magaalada Buruc iyo buurta Baxaya oo ah buurta labaad* ee ugu dheer Soomaaliya oo u dhow Buruc waxaa lagu tilmaamaa inay ku jirto macdanta ay ka mid tahay Gypsum oo laga sameeyo quraaradaha. Buruc waxa ay ka mid tahay magaalooyinka aan wax taageero horumarineed ka helin dowladda Puntland, haba yaraatee, dhinac kasta oo kamid ah adeegyada bulshadana aysan dowlad goboleedka Puntland waxba ka qaban. Markii ay shirkadda Consort/Range timid Puntland waxaa ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho. [Marka laga reebo macdanta korka saaran ee Gypsum-ka, waxa kale oo aagga Buruc iyo Baxaya lagu tilmaamay inay ku jiraan macdano ay ka mid yihiin Dahab iyo macdano kale, sidoo kale waxaa lagu tilmaamay in ay ku jiro batrool).

DGPL ilaa hadda wax wada hadal ah lama yeelan shacabka dega deegaanadaas oo ku saabsan dhacdooyinkii ka dhashay iska hor imaadyadii ku xiriirsanaa shirkadda Consort/Range.

Isha warka: waxgaradka Majayahan/Dhalan & Buruc

Sawirka Issimada Puntland oo loo Suuq Geeyey Australia...

  • Shacabka Garoowe waxa ay DGPL ka dalbanayaan in ay arrintaas si degdeg ah jawaab uga bixiyaan....

(Garoowe, July 28, 2006):- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe oo ah caasimada Dowlad Goboleedka Puntland iyo jaaliyadaha qurba-jooga ee Garoowe ayaa sheegay in shacabku ay aad uga xumaadeen markii ay ogaadeen/maqleen in shirkadda Range Resources kolkii ay weydey saxiixii Madaxweynaha Soomaaliya in qoraal ay u dirtay suuqa Ganacsiga Australia ay ku lifaaqday sawirka issimada Puntland oo jeeg dacallada hasta, arrintaas ayey sheegeen in ay sharaf dhac ku tahay issimada sida weyn looga xushmeeyo Puntland, oo magacooda loo adeegsaday qaab aan ku haboonayn sumacadda Puntland, maadaama aan arrinta ay shirkaddani watado loo cadayn shacabka.

Warku waxa uu intas ku daray, sababta shacabka ka caraysiisay in ay tahay qaabka loo adeegsadey magaca issimada Puntland iyo sida sawiradooda loogu daabacay saylad ama suuqa lagu soo bandhigay saamiyada lacagta ee shirkada Range Resources gaarka u ah, arrintaas oo meel ka dhac ku ah issimada Puntland ee u khidmeeya shacabka oo dhan iyo in issimadu aysan shaqo ku lahayn shirkad shisheeye oo saamiyo u gaar ah ku raadsaneysa sawirkooda.


Eeg Sawirka oo weyn
| Sawirka: ASX

Saamiyada Range Resources ee ASX
Date Last  % Change
27 Jul 2006 0.031 -3.13%
26 Jul 2006 0.032 -3.03%
25 Jul 2006 0.033 0%
24 Jul 2006 0.033 -2.94%
21 Jul 2006 0.034 0%

Dhaqanka Soomaalida ayaa ah in issimada, suldaanada, malaaqyada iyo ugaagsadu ay yihiin dad u dhexeeye, kuwaas oo meesha magacooda loo adeegsanayo ay tahay meel u cuntanta gebi ahaan shacabka ay metelaan oo shacabku raali ka yihiin, arrintaas oo muuqata in shirkadda Range Resources aysan wax tix gelin ah siin, ayey yiraahdeen waxgaradka Garoowe, ayagoo markaas dawlad Goboleedka Puntland ka dalbanaya inay arrintaas jawaab cad ka bixiso maadaama ay DGPL shirkadaas keentay Puntland.

Sawirka qaar ka mid ah issimada Puntland waxaa July 25, 2006 lagu daabacay shabakada suuqa Ganacsiga Austria (ASX) kaddib markii ay shirkadda Range Resources qoraal ay sawiradu la socdaan u dirtay suuqa ASX, taas oo ka dambeysey markii xubno ka socdey Range Resources ay booqdeen Garoowe oo ay sawir ka qaadeen qaar kamid ah issimada Puntland oo sida wararku sheegeen lagu wareejinayey jeeg ay ku qornayd $250,000. Xubnaha Range Resources waxa markii hore qorshahoodu ahaa in ay helaan saxiixa Madaxweynaha Dowaladda Dhexe ee Soomaaliya, markaasna ay saxiixaas iyo ogolaanshaha madaxweynaha u diraan suuqa ganacsiga si saamigoodu kor ugu kaco [Habkaas oo Australia looga yaqaan "Market Manipulation"], laakiin markii uu Cabdullaahi Yuusuf la kulmay wakiilada shirkaddaas oo uu su'aalo weydiiyey ayuu u sheegay in uusan waxba u saxiixayn, arrintaas oo sababtay in Madaweynaha DGPL uu fadhiga uga kacay madaxweynaha Soomaaliya ilaa markii dambe loo kala dabqaaday oo la is hor fariisiyey, laakiin Madaxweynaha DFKMG uu ku adkaystay in uusan xilligan waxba u saxiixayn Range Resources, markaas ayey Range sawirka ka qaaday issimada Puntland.

Warqadda ay Range Resources u dirtay suuqa ASX waxaa ka horeeyey warqad ay halkaas u direen July 14, 2006, taas oo ay ku qornayd in la hakiyey ganacsiga saamiyada shirkadda Range ee suuqa ASX ilaa laga gaarayo July 18, 2006, xilligaas oo ay qiyaasayeen in ay heli doonaan saxiixa madaxweynaha Soomaaliya, markii taasi hir geli weydey ayey warqadan (July 25, 2006) ee ay la socdaan sawirada issimadu u direen suuqa Ganacsiga Australia, arrintaas oo ah tan hadda muranka cusub ka taagan yahay.

Waxa kale oo isla qoraalkaas ay Range Resources u dirtay ASX ku sawirnaa daar ku taal magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga ee G/Bari oo ay ku sheegtay in ay tahay xafiiska Range. G/Bari waxa uu ka mid yahay degaannada sida xoogga leh uga soo hor jeeda joogitaanka shirkadda Range Resources.


Eeg Sawirka oo weyn
| Sawirka: ASX

Lacagtii $250,000 Dowlad GPL miyaa loo dhiibey mise issimada Puntland

"Range also met with local tribal leaders and government and presented a cheque for US$250,000 to the Government as a contribution to the upgrade of the Garowe Airport.".... (PDF)

Waxaa markey taariikhdu ahayd July 17, 2006 saxaafadda Soomaalida loo sheegay in shirkadda Range Resources ay $250,000 oo loogu talo galay dhismaha garoonka Garoowe lagu wareejiyey issimada Puntland. Laakiin Range waxa ay warfaafinta Australia u sheegtay in lacagtaas loo dhiibey dowladda, taasna waxa ay ku cadaysay qoraal Shirkadda Range Resources ay July 25, 2006 u dirtay suuqa ganacsiga Australia (ASX) oo ay ku qortay erayadan: ..... Range sidoo kale waxa ay la kulantay hoggaamiyayaasha qabiilka iyo dowladda, waxana ay dowladda u dhiibtey jeeg ah $250,000 oo doolarka Maraykanka oo loogu talo galay in lagu dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe. [Qoraalkii Range (PDF)]. Arrintaasi waxa ay mugdi gelisey cidda lacagtaas maamuleysa iyo cidda loo dhiibey.

Isha Warka: Waxgaradka Garoowe iyo jaaliyadaha Garoowe ee qurba-joogga.


Reer Puntland oo Digniin Kulul u Jeediyey Shirkadda 'Range Resources'...

  • 'Range Resources' oo looga digey in ay tagto aagga Majayahan/Dhalan.....

(SomaliTalk.com - Boosaaso, July 26, 2006):- Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso oo ah Caasimadda Ganacsiga Gobolka Bari ayaa tibaaxay in dadweynaha degaannada Boosaaso, Majayahan, Dhalan iyo Galgala ay si kulul uga soo hor jeedaan dhaqdhaqaaqyada ay shirkadda 'Range Resources' ka waddo degaanka Gobolka Bari, waxana ay uga digeen in shirkaddaasi ay tagto aagga Majayahan/Dhalan.

Waxaa warku intaas ku daray: in aan weli la xallin dhibaatadii ay aagga Majayahan ka geystey shirkadda 'Range Resources', waa sida warku u dhigay'e, halkaas oo horraantii sannadkan 2006 ay ka dhaceen iska hor imaadyo sababay in dad ku dhintaan, arrintaas oo dowlad Goboleedka Puntland aysan weli ka gaarin xal ku saabsan arrimihii markii hore sababay iska hor imaadkaas, oo ahaa in aan lala tashan shacabka deggaankaas.

Waxgarad ku sugan Puntland oo weydiistey in aan la magacaabin ayaa yiri: shirkadda 'Range Resources' sababaha aan uga soo horjeedno dhaqdhaqaaqyada ay shirkadaasi ka wado G/Bari waa in shirkaddaas aan qorsheheedu cadayn, isla mar ahaantaasna aysan wax tixgelin ah u hayn shacabka ku dhaqan G/Bari, gaar ahaan: Majayahan iyo Dhalan oo ah aagga ay rabto in si xoog iyo jajuub ah ay uga baarto Macdan ayadoo aan lagala tashan shacabka degaankaas iyo guud ahaan shacabka Puntland. Waxaa taas dheer, ayey yiraahdeen, qodobadan:

  1. Soomaaliya oo aan weli Dowladdii Dhexe si rasmi ah uga hir gelin, waayo Dowladda dhexe ayaa ah tii dejin lahayd xeerka beekhaaminta, maaraynta, soo-saaridda, suuq-geynta iyo si caddaalad ah u qaybinta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dalka, gaar ahaan Puntland. Sida uu qabo Axdiga DFKMG, "Kheyraadka Dabiiciga ee Dalka sida Macdanta, Biyaha, Dhirta iyo Xayawaanka waa hanti Qaran", hantida Qarankana maaraynteeda waxaa leh Dowladda Dhexe,
     
  2. Shacabka Puntland oo aan wax sharraxaad ah ka helin Dowlad Goboleedka Puntland taas oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xubnaha sare ee dowladda iyo shirkadda 'Consort ltd', taas oo hadda 100% saamigeedii xuquuqda soo-saarida khayraadka Puntland lagu wareejiyey 'Range Resources',
     
  3. Waxgaradkii Puntland oo aan haba yaraatee lagala tashan qorshayaasha dhow iyo kuwa dheer ee ay shirkadda 'Range Resources' ka leedahay gobolada Puntland,
     
  4. Shirkad uu Madaxweyniha Dowlad Goboleedku qiray in ay tahay "Jirri" ma noqon karto mid dhaqdhaqaaqeeda la aamini karo, waayo shacabka reer Puntland waxa ay si weyn ugu baraarugsan yihiin macnaha ay xambaarsan tahay kelmedda 'Jirri',
     
  5. Ayadoo aan weli wax xal ah laga gaarin dhacdadii Majayahan oo haddana ay DGPL u muuqato mid ciidan hor leh isku dubarideysa, taas oo gobolka ka dhalin karta isku dhac kale, arrintaas oo aan loo baahnayn.

Waxgaradka reer Puntland waxa ay sheegeen dhaqdhaqaaqa ay shirkadda 'Range Resources' ka waddo Puntland, ayadoo aan lagala tashan shacabka degaanka iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in wixii cawaaqib ah ee ka yimaada ay dusha u ridan doonaan cidda mas'uulka ka ah arrimahaas, waa sida warku u dhigay'e.

Reer Puntland waa shacab jecel nabadda, ayey yiraahdeen, laakiin aan marna qaadan doonin in lagu soo xadgubdo degaankooda ayagoo aan lagala tashan, maadaama xilligan la joogo Soomaaliya ay weli tahay degaano mid kasta ay beesha degtaa mas'uul ka tahay inta laga helayo dowlad dhexe oo si caddalad ah dalka u maamusha.

Isha: Waxgarad ku sugan Puntland oo weydiistey in aan la magacaabin.

Slideshow imageSeptember 9, 2005: Madaxweynaha Dawlada Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya (DFKMG), Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa yiri: "... Puntland waxay ku khaldan tahay anigu ku raaci mayo, Puntland waxa laga doonayaa, oo qolo kasta oo kale oo Soomaali ah laga doonayaa, oo dawlad goboleedii dhisantaba laga doonayaa waxaa loo baahan yahay in ay ogadaan in Wixii Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe." [Akhri].

May 29, 2006: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) ayaa markii ugu horeysey qiray in shirkadaha ay dowladiisu heshiiska la gashay ay yihiin jirri, isla mar ahaan taasna ay hubaysan yihiin ayagoo garabka ku sita qoryo. Hadalkaas oo ka yaabiyey shacabka ku dhaqan Puntland guud ahaan dalka Soomaaliya. Madaxweyne Cadde Muuse oo arrinta Range Resources ka hadlaya waxa uu yiri: "Waa run weeye, JIRRI* weeye, annagaana dooranay, shariikad weyn waxba noo qaban meyso, boqol sano ayey waxna noo qaban waayeen." [Halkan ka dhegeyso ]


April 5, 2006: Deegaanka Majiyahan ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamo ka socday Maamul Gobaleedka Puntland uuna dagaalkaasi ka dhashay kaddib markii shirkad sheegata Australian halkaas ka bilwoday in ay ka baarto shidaal iyo macaadin, taasoo ay si aad ah uga caroodeen dadka deegaanka oo sheegay in aan waxba lagala socodsiin. Dadka deegaanka ayaa waxay codsadeen in marka hore halkaasi laga saaro dhamaan ciidamada Puntland dibna loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen, hase  yeeshee maamul gobaleedka Puntland waxa uu sheegay in halkaasi ciidamada loogu diray si ay u ilaaliyaan shaqaalaha shirkadda.. [Akhri]

Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland, sidaas waxaa ku adkaystay Shirkadda Range Resources...
April 19, 2006 | www.smh.com.au : Haddii ay tahay in la rumaysto ilaha laga helayo Soomaaliya, qiyaastii 10 qof ayaa ku dhintay iska hor imaadka u dhexeeya askarta daacada u ah madaxweynaha Puntland iyo qabiilka kasoo hor jeeda shirkada Australianka ah mashruuceeda baaritaanka. Askartaas ayaa ah kuwo waardiye ahaa ula socda Joolajiistayaasha Range Resources iyo shaqaalohooda una raacaya meelaha la qodaya. Laakiin guddoomiyaha Range Resources oo magaciisa la yiraahdo Mike Povey, waxa uu sheegay in aan hal qofna ku dhiman sabab ka dhalatay baaritaanka shirkaddu ay ka wado gobolka. [Akhri]

Maarso 23, 2006: Sharci ahaan dowladda Gobolku sharci ma u leedahay in ay gasho qaranka howshiisa oo ku saabsan wax soo saarista macdanta, doonistiisa iyo soo saaristiisa? Waa marka hore qaanuuniyan uma leh ayadu heshiis in ay la gasho shirkad ajnabi ah, dowladda dhexe baa iska leh hawshaas in ay soo bilowdo oo markaas iyaga lagala tashado nabad gelyada iyo waxa ay ka helayaan waxa la soo saaro, in qaanuun loo sameeyo ayaa loo baahan yahay arrintaas. Waxaad moodaa in ay ku tagri faleen arrintaas la sheegay, maxaa yeelay dowladdii hore oo dhacday shariikado badan ayey heshiis la gashay oo ay ka mid tahay shariikado Bulgaariyaan ah oo meeshaas maanta ay tegayaan qodi jirey, shariikaddaas ayaa xaq u leh haddii cidi wax ka qodeyso in ay soo noqoto oo sameeyso. Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa (Australia SBS) Halkan dhegeyso

April 5, 3006: Faysal Axmed oo ka mid ah odayaasha gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xaalada Majayahan halkaas oo DGPL ay keentay shirkad sheegatay in ay Australian tahay si ay uga baarto "macdan".  Faysal Axmed oo jooga magaalada Dubai oo u waramayey Idaacada Australia (SBS) ka dhegeyso halkan...


May 3, 2006: Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (C/Raxmaan Faroole), ayaa sheegay in heshiiska la xiriira shidaalka Puntland uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga. Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday lacago kor u dhaafay 3 million oo la qaatay shirkadda lakiin aan ku dhicin khasnadda dowladda, taas oo ay tahay in dowlada Cadde Muuse la weydiiyo meesha ay lacagtaasi ka baxday ama ay geysey. Warysigaas  ka dhegeyso halkan


Boosaaso oo ah magaalada dekedda ah ee ah caasimada Ganacsiga ee Goblada Woqooyi Bari ayaad arkeysaa carruur aad u da'yar oo qashinka cunto ka radsanaya ama ka guranaya, arrintaas oo ah mid aad looga tiiraanyoodo, halkaas oo dawladdu aysan u samayn wax barnaamijyo ah oo arrintaas wax looga qabanayo. Waxa ay u muuqataa in DGPL ay fikirkeedii oo dhan isugu geysey sidii wax ugu hir geli lahaayeen shirkadda 'Consort ltd' ayadoo ilowdey arrimihii ijtimaaciga ah ee ay u bahnayd bulshada deggan Puntland. Wasiirka maaliyada DGPL oo baarlamaanka Puntland u sharxayey meesha ay ku baxdo miisaaniyadda Puntland ayaa hadaladiisi waxaa kamid ahaa.... baabuur tira-badan oo loo gaday dawlada iyo masuuliyiinta dawlada.... Malaha hal-gaari qiimaha uu joogo ayaa boqol carruur ah u goyn lahaa cunto ay cunaan hal-sano .. [Eeg halkan].


Wararkii Puntland - July 25, 2006: Cadde Muuse ayaa tan iyo intii uu xilka hayay ku mashquulsanaa sidii uu dalka ukeeni lahaa shirkado shisheeye oo dalka ka baara macdanta kujirta balse shirkadahaas uu cade muuse wakhtiga badan ku lumiyay ayaa hada u muuqda kuwo aan waxba ka soo naasacadaan kagadaal markii uu madaxwaynaha DFKS C/laahi yuusuf uu heshiis lagalay shirkad kale oo laga leeyahay dalka china taasi oo u muuqata in ay baakadaha galisay shirkadihii Gen: cade muuse wakhtiga badan iyo hantidaba ay kaga baxday. [Akhri]


Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD