SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...

  • GAROOWE : $95,000 oo qayb ka ah dhismaha Garoonka Garoowe oo wasiirka maaliyadu gudoonsiiyay issimada Garoowe maxayse ka tari kartaa Garoonka, Ballan qaadkii Cadde Muuse halkee ku danbeeyay, maxaa la gudboon shacabka Garoowe, $250,000 range resource Halkee ku Danbaysey...

Faalladii: Cabdirizaaq Aadan Koronto | Garoowe

Wasiirka maaliyada DGPL ayaa Sabtidii (Sept 9, 2006) xafiiskisa ku guddoonsiiyaya masuuliyiinta gacanta ku ahysa dhismaha garoonka Garoowe lacag cadadkeeda lagu sheegay $95,000 dollar oo qayb ka ah lacagtii ay range resource ugu talagashay dhismaha garoonka Garoowe oo cadadkeedu ahaa $250,000 dolar taasi oo sida la rumaysan yahay ku jirta gacanta dawlada isla markaasna aysan jirin cid u gudbisay guddiga dhismaha garoonka Garoowe.

$250,000 ay range resource ugu talagashay dhismaha Garoowe iyo ballan qaadkii Cadde Muuse uu ku sheegay in uu wax wayn inta tabartiisa ah ka qaban doono dhismaha garoonka Garoowe ayaa ah wali kuwo laalan oo aan golaba la isu waydiin walina laga sugayo xukuumada uu cade muuse madaxda ka yahay.


Akhri Halkan.....

Renge resource ayaa  ku balan qaaday in ay $250,000 ugu deeqayso dhismaha garoonka Garoowe taasi oo gashay mid ka mid ah suuqyada caalamka laguna soo daabacay qaar ka mid ah sawirada isimada Garoowe iyaga oo jeegii gacanta haysta taasi oo ceeb  iyo waji gabax ku ah isimada Garoowe.

Madaxwaynaha puntland Cadde Muuse ayaa isna dhankiisa balan qaaday $250,000 in uu ku kordhinayo xukuumada ahaan dhismaha garoonka Garoowe taasi oo aan wali Cadde Muuse gacanta u galin guddiga dhismaha garoonka Garoowe, hadaba  maxaa la gudboon shacabka Garoowe oo marna isimadoodii lagu fadeexeeyay suuqyada caalamka marna lagu hungeeyay ballan qaadyadii Cadde Muuse, mase qabataa iyaga oo sugayay in xukuumadu ay dusha  u ridato dhismaha garonka Garoowe in  maanta la gudoonsiiyo $95,000 oo aan qabsinba qoyn karin marka loo eego hawsha  baaxada wayn leh ee ka socota garoonka Garoowe iyo dhismaha horyaala gudiga gacanta kuhay.

Maxayse isku dhaamaan garoonka Boossaaso oo ay ku baxday lacag ka badan 1 Bilyan (hal bilyan) oo xukuumada puntland ay gacanta ku ahayso dhismihiisa oo aanayn la kaashan haayad, dawlad, iyo cid kale toona  iyo kan Garoowe oo aan wali xukuumadu aysanba galin 1000 sh,so, waa su'aal.?

Sikastaba xukuumada Cadde Muuse ma mid maqaarsaarabaa mise waa mid dan u haysa gobal iyo cid gaar ah baa mise waa mid u adeegta bulshada puntland.

Maxaa la gudboon shacbka reer puntland gaar ahaana shacabka Garoowe oo iyagu marti galiyay xukuumada bilow ilaa maantana aan waxba ku qabin oo ay wali ka joogaan banaankii wax dan ahna aysan xukuumadu u hayn lugooyo maahane dhibta ugu abdana ay iyaga ka soo gaarto.

Ma is waydiiseen waxa ay ku salaysan tahay xukuumada Cadde Muuse, mase is waydiiseen mansabka ay ku fadhido sida uu ku yimid Cadde Muuse, waa su'aal jawaab u baahan.

Haddii aan wax yar ka iftiinsho sida uu Cadde Muuse ku yimid waa lala wada socdaa dagaal in uu ku yimid isaga oo gacan siinaya beel kaddib markii ay isku dheceen C/laahi iyo Jaamac Cali Jaamac, Cadde Muuse oo Canada ka  yimid ayaa  gacan siinayay si qaab beelee mar uun hogaanka u qabato, hadana tii ayuu wadaa oo wax dan ah umada reer puntland uma hayo beel gaar ah iyo gobal gaar ah maahane.


Cadde Muuse
abdullahi yusuf ahmed
C/Lahi Yuusuf

Jaamac Cali

Heshiiskii dhexmaray Cadde Muuse iyo C/laahi yuusuf waxa uu ahaa mid dano gaar ah laga leeyahay kaasi oo ku salaysnaa maxaynu labadeena reer isku dagaalaynaa maan heshiino oo wadanka wada xukuno cid kale ma jirtee kaasi oo ay ku heshiiyeen in ay wadanka wada xukumaan dhaqaalahana ay hab beeleed ay kala tuurtaan, dadka inta kalena aysan xaqba lahayn, sidaasna ay xukuna ku haystaan waligood waa sida ay ku heshiiyeen.

Heshiiskaasi oo dheeraa hadaan intaa ka soo qaadano arintu waxay tahay maxaa la gudboon shacabka reer Garoowe maxaase looga baahanayahay in ay tallaabada tan xiga in ay ku dhaqaaqaan,  HALKII CIR LAGA SUGAYAY AYAA CEERYAAMO KA TIMID.

Haddaba balanqaadayadii iyo hantidii loogu talagalay dhismaha garoonka Garoowe yaa loo tirinayaa yaa xayndaab ku haysta ma  Maxamed cali yuusuf (Gaagab) mise  Caydaruus Cismaan Boqor oo labaduba ah laba nin oo cade iyo c/laahi ay isku dhawyihiin.

Dhaqaalihii wadanka yaa haleeyay ayaa dadkii xaqoodii lumiyay yaa amnigii  baa'bi'iyay dadyahow yaa wax la waydiiyaa, yaase talo la waydaarsadaa yaase islaam ah.

waa su'aal da waynee dalka yaa iska leh.

intaasoo oo gaf ah baanu xukuumada Cade  Muuse ku haynaaye  maxaa  la gudboon shacbka reer Garoowe gar xeero waa loo islaam'e.

Waa qalinii dhiidhiyay
A/rizak aadan koronto
Garoowe,

Sept 9, 2006

###

Lacagtii $250,000 Dowlad GPL miyaa loo dhiibey mise issimada Puntland

Waxaa markey taariikhdu ahayd July 17, 2006 saxaafadda Soomaalida loo sheegay in shirkadda Range Resources ay $250,000 oo loogu talo galay dhismaha garoonka Garoowe lagu wareejiyey issimada Puntland. Laakiin Range waxa ay warfaafinta Australia u sheegtay in lacagtaas loo dhiibey dowladda, taasna waxa ay ku cadaysay qoraal Shirkadda Range Resources ay July 25, 2006 u dirtay suuqa ganacsiga Australia (ASX) oo ay ku qortay erayadan: ..... Akhri Halkan.....


Akhri Halkan.....

Aan danaysanee, maxaan inoo jidaynaa?

Warsaxaafadeed uu Sabtidii Sept 9, 2006 soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee ka jira puntland oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano RPP ayaa lagu canaantay sida ay u dhaqmayaan Baarlamaanka puntland oo ay u gadaal marsan yihiin dastuurka DGPL, kaasi oo uu xisbigu siwayn warsaxaafadeedkiisan ugu iftiiminaya shaqada looga baahan yahya baarlamaanka puntland iyo sida ay isugu dhigayaan iyaga oo aad moodo in aanay shaqaba ku lahayn hawlaha adag ee horyaala.
warsaxaafadeedka xisbiga oo u qornaa sidatan .

dowlad goboleedka puntland
ramaas political party
Rpp/49/06 garoe/ 9/9/06

ku: dhamaan saxafada somalia
og: shacab waynaha puntland
ujeedo:aan danaysanee, maxaan inoo jidaynaa?
dhamaan kasoo qayb galayaasha waxaan kusalamayaa salaanta islaamka salaan kadib waxaan idiin soo gudbinayaa warsaxaafadeedka oo ku saabsan hadalka u jeedada kor ku qoran.

Golaha wakiilada DGPL oo hawshoodu tahay dajinta iyo ilaalinta qawaaniinta maamulka sida baarlamaanada caalamka oo kale.
Ayaa maalin walba ka leexda waajibaadkoda shaqo iyag oo aysan ka ahayn aqoon la'aan iyo khibrad la'aan toona ee ay ka tahay dan shaqsi oo kaliya.
1- waxaa nasiib daro ah in ay sanadkasta ansixiyaan miisaaniyadii hore iyaga oo aan loo keenin xisaabcelin tii hore ah oo muujinaysay sidii ay ku baxday taas oo sharaf dhac ku ah golaha wakiilada DGPl.
2- waxaa kale oo fajiciso ah ansixinta shirkadaha baarista macdanta iyaga oo aan arag lifaaqyada ka kooban 60 Bog oo ay ku cadahay dhamaan heshiisyada qaybahooda kala duwan arintaas oo ceeb ku ah isla golaha.
3- waxay baasgareeyeen xeerkii shaqaalaha guud iyada oo aan la dhisin xiriirkii guud ee ururada shaqaalaha.
4- waxay ansixiyeen jiriifka Badda iyaga oo aan ka fakarin waydiina xukuumada dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha DGPL.

A- Dhanka kale waxay ka baaqsadeen inay dawlada wax ka waydiiyaan gabood falka dawladu ka gaysatay adeegyada soo socda.
1- Arimaha nabadgalyada oo faraha ka baxay
2- Mushahaar la'aanta ciidan iyo shaqaalahaba
3- Dhamaan wasaaradaha dawlada ee fadhiidka noqday
4- Faragalinta arimaha garsoorka
5- Sawaxanka kayeeraya ardayda dugsiyada sare gaar ahaan form 4da sida gambool secondary school oo kale
6- Lunsashada hantida umada
7- Dhamaan wax qabad la'aanta adeegyada bulshada.

Hadaba isku soo wada xooriyoo golaha wakiilada ma waxay kaga uruurtay maxaan inoo jideeynaa taasina waxay muujinaysaa khiyaamo shacab iyo in ay qayb ka yihiin gabood falka ay xukuumadu shacabka ka gashay.

Hadaba golaha wakiiladu DGPL ma xildhibaanaa mise waa xildhabeelo.?

Waxaan warsaxaafadeeda ku soo gaba gabaynaynaa shacab waynoow miyaysan dan inoo ahayn in aan ka tashano kooxaha isku bahaystay danaysiyada gaar ahaaneed oo aysan haboonayn inaan uga gudubno sida ugu dhakhsaha badan sidii aynu wax uga qaban lahayn.
Xisbiga Ramaas wuxuu diyaar u yahay sixida iyo wax ka qabashada dhamaan dhibaatooyinka ka jira puntland wuxuuna soo dhawaynayaa figradihiina.


Gudoomiyaha xisbiga Ramaas
mudane Daahir ciiro
email: daahirciiro@hotmail.com  mobile: 747090

Waxaa soo tebiyey: Koronto

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2006

Marunbaa mise waa Rati ku kacsi Khudbadii Madaxwayne Cade

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD