w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- VIRUS
|
Janaayo 22, 2004VIRUS-KA BAGle
VIRUS CUSUB:
Maalmahan waxaa e-mailada adduunka ku faafayey virus cusub oo lagu
magcaabo 'Bagle', virus kaas oo markii hore kasoo faafay dhanka Aasiya, kaddib Yurub
ilaa Woqooyiga Ameerika.
Viruskan waxaa la ogaadey 18kii
bishan Janaayo, waxana uu lifaaq ahaan u soo raacaa emailka, waxana cinwaanaka
(subject) ahaan ugu qoran "Hi", dhexda emailkana waxaa la socda fayl
ah nooca .EXE.
Halista Viruska Bagle
Marka la furo faylka lifaaq ah ee emailka uu viruska la socda, waxaa
computerka soo dhex gelaya ama ku xafidmaya faylka magaciisu yahay "'bbeagle.exe'
kaas oo dhex fariisanaya barnaamijka loo yaqaan 'Windows' ee computerka ka
shaqaysiiya. Waxana uu viruskaasi hawshiisa bilaaban doonaa marka ugu horeysa ee
la daaro 'windows'-ka, taas oo virusku uu markiiba isku dhex qarinayo qaybta
computerka u qaabilsan xisaabta ee loo yaqaan calculator (calc.exe),.
Kaddib viruskan Bagle waxa uu bilaabayaa in uu comuterka uu aafeeyey uu
ka dhex baaro emailada kujira, waxana uu baraayaa qaybta windowska ee loo yaqaan
address book (WAB) iy faylasha nooca text iyo html, sidaas ayuu viruskii
emailada kasoo ururusanayaa dhammaan faylasha computerka kujira ee noocoodu
yahay :
.WAB
.TXT
.HTM
.HTML.
Waxaa la caddeeyey in qaabka loo dhisay Viruskan ay tahay in uu weerarkiisa
wado ilaa 28ka bishan Janaayo. Kaddib waxa uu viuskaasi email u dirayaa
dhammaan emailadii uu halkaas kasoo urursaday, emailkaas uu iskiid u dirayo
oo aan cidina u dirsan waxa uu raacinayaa viruskii, emailka viruska wadata
waxay u qorantahay sidan:
Cinwaanka emailka (Subject):
Hi Dhexda emailkana waxaa ku qoran sidan:
Test =)
<xarfo kala duwan>
[Tusaale ahaan: btjxkhdrs]
--
Test, yep.Faylka lifaaqa ah (Attachment):
<xarfo kala duwan>.exe
[tusaale ahaan: btjxkhd.exe]NB: Xarfo kala duwan meesha ay ku qoran
tahay waxay noqon kartaa sida :btjxkhdrssh... iwm
Hadaba talo ahaan ha furin email wata lifaaqa .EXE, hafurin lifaaq aadan
garanayn waxa uu yahay, masax inta aadan furin.
Haddii Viruskaasi computerkaaga soo dhexgalo, waxaad booqan kartaa websiteka
hoose oo laga heli karo dawada viruskaas.
http://www.f-secure.com/tools/f-bagle.zip
http://www.f-secure.com/tools/f-bagle.exe
Ama akhri: http://www.f-secure.com/v-descs/bagle.shtml
-dhammaad-
SHEEKADA INTERNETKA EE MAALMAHAN
Microsoft.com vs mikerowesoft.com
Sheeko aad u xiiso badan oo maalmahan Internetka ka socota ayaa waxay
tahay in wiil 17-jir ah oo hadda dhigta dugsi sare, una dhashay dalka Canada, in
uu samaystay website uu u bixiyey
www.mikerowesoft.com , ufiirso wiilka
magaciisa waxaa la yiraahdaa Mike Rowe waxana uu gadaal magaciisa kaga daray
"soft" maadaama uu naqshadeeyo websiteyada.
Laakiin arintaas magaca websieka waxaa ka dhiidhiyey shirkada caanka ah ee
Microsoft,
waayo websiteka
www.mikerowesoft.com wuxuu aad ugu
dhawaaq dhow yahay kan Microsoft ee
www.microsoft.com.Waxaa la soo weriyey in shirkada Microsoft ay la xiriirtay wiilkan
yar ayna ku yiraahdeen waxaan ku siineynaa $10 ee websitekaas nagu soo wareeji, laakiin
wiilkii wuxuu weydiistey lacag dhan $10,000. Markaas ayaa Microsoft wuxuu ugu
jawabey in uu wiilkii u diro qoraal ka kooban 25 bog oo ay soo direen
qareenada Microsoft kuwaas oo sharaxaya in uu wiilkaasi rabey oo keliya in uu
lacag baadan uun weydiisto, wiilkiina wuxuu yiri arintu sidaas ma ahan ee magaca
webka waa magacayga, sidaas ayaana u hindisey, hadana kharash ayaa iga galay.
Arinta wiilkan 17-jir ah waxaa aad loogaga faalooday qaybaha cilmiga
casriga ah, warbaahintuna aad ayey uga hadashay:
Eeg wararka ugu dambeeyey...
Shirka Microsoft oo kamid ah kuwa ugu caansan dunida, waxaa Asaasay Bill
Gates.
William (Bill) H. Gates oo ah madaxa sare ee shirkada
Microsoft Corporation, dakhliga soo galay xisaabxirkii June 2002 waxa uu
gaarayey US$28.37 billion , waxaana u shaqeeya in kabadan 50,000 qof oo ku
kala nool 78 wadan.
Bill Gates waxa uu dhashay Oct. 28, 1955, waxana uu
kusoo koray magaalada Seattle isaga iyo walaalihiis oo ah laba gabdhood.
Aabihiis William H. Gates II, waa qareen reer Seattle ah. Hooyadiis, Mary
Gates, intii aysan dhiman ka hor waxay ahayd macalimad.
Gates waxa uu leeyahay xaas, Melinda French Gates,
iyo saddex carruur ah. Waana nin aad wax u akhriya.
Shabakada Microsoft:
www.microsoft.com
Shabakada 17-jirka reer Canada:
www.mikerowesoft.com
Akhri
blog.seattlepi.nwsource.com
HALIS WEYN OO LASOO DERISTEY DADKA ADEEGSADA
EMAILADA iyo WEBSITEYADA
Waxaa dhowaan la ogaadey halis weyn oo la
xiriirta barnaamij kamid ah kuwa lagu daalacdo internetka, kaas oo ah "Internet
Explorer", halistaas oo ah in "shuftada Internetku" ay dadka si fudud ugu
hagi karaan website ay tuugadu leeyihiin ayagoo websitekaas cinwankiisa sare u
ekaysiinaya sidii website layaqaan, kaddibna qofkii oo u malaynaya in uu ku dhex
jiro websitekii uu yaqaan ay dhici karto in uu halkaas wax ka iibsado, kaddibna
ay sidaas tuugadii ku helaan lambarkii kaarka ee qofkaasi wax ku iibsadey...
Akhri Halkan...
EEG Virusyadii Hore.....
Waxaa soo ururiyey
Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2004
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|