SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY
September 10, 2002
ETHIOPIA AYAA KULMISAY MAANTA:

 

WQ. Xagar Yare

kadib markii ay dawladda ethiopia xiriirka saaxiibtinimo layeelatay maamulka baydhabo waxaa ka siraadmay colaad salka ku haysa kursi kalariixsasho oo dhexmartay hoggaankii gobolka ee isu ahaa taliyaha iyo kuxigeenka kuwaasoo lagu tilmaamijiray saraakiil aad isku jeclaa.

madaxwaynaha koonfur galbeed soomaaliya Gaashaanle sare Xassan Maxamed Nuur (shaati Guduud) ahna gudoomiyaha illaa haatan xisbiga layiraa (RRA) RAHANWAYN RESISTANCE ARMY ayaa maanta oo ay september ahayd 10.9.2002 kula kulmay dalka ethiopia sarkaal kamida kuwa ay aadka isaga soo horjeedaan.

malinimadii axaddii 07.09.02 ayaa col.shatiguduud loo dhaqaajiyay dhankaas iyo magaalada dooloow ee gobolka nagaylle dalka ethiopia si loo horfadhiisiyo ku xigeenkiisii hore oo ay haatan sida weyn isaga soo horjeedaan, bal si ay u dhimaan dhiigga walaalaha ee waayadanbaba qulqulaayay.

warar xogogaala oo aanu ka soo xiganay xarunta xisbiga ee RRA magaalada baydhabo ayaa xaqiijinaya in mr shaati guduud uu kulan layeeshay wafdi balaaran oo kasocda dhanka ETHIOPIA,

 Adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 sida kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta buluug.  Calanka
Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.

Taariikhda Calanka Soomaalida

dhinaca ethiopia warka kasoo baxayana wuxuu kulankan ku tilmaaymayaa iskudaygii labaad ee lagunabadaynaayo xoogagga ku hardamaaya kursiga baydhabo waxyar uun ka hor inta aanu qabsoomin kulan waynaha loo qabanaayo soomaaliwayn ee dalka keenya lagu wado inuu dhowaan ka qabsoomo.baydhabo oo adduunku u yaqaanno ( the place of walking death)GOOBTII SOCODKA DHIMASHADA;magacaasoo baxay xiligii GENERAL CAYDIID iyaddo ay markaas dadku iyagoo socda ay naftu ka baxaysay gaajo daraadeed kii casheeyana ay isagoo socda xabad aan cinwaan lahayni nafta kala baxaysay. 

mr aaden maddobe oo ah ninka ay is hayaan shaati guduud ayaa dhankaas iyo dooloow kasoo aaday magaalada uu fadhiisinka kuleeyahay ee diinsoor isagoo ay weheliyaan afar nin oo raggiisa ah.

waxaa wararku sheegayaan in kulankan maanta oo talaada ah dhacay la isku dayayo inay ku heshiiyaan inaanay wax colaada soo cusboonaysiinin dhimaanna dhaqdhaqaaqa ciidamada. 

mr maxamed ibraahin xaabsade iyo aaden madoobe oo ahaa kuxigeenadii shaatiguduud waxay taliyahooda shaati guduud dagaal kaga saareen magaalada baydhabo 31 bishii july ee sanadkan dhiig badan oo sokeeye oo ay ku daadiyeen kadib.

warar hoos hoosana waxay farta ku fiiqayaan in labadanin ee xaabsade iyo madoobe ay doonayaan kadib iyadoo uu shaatiguduud sooceshaday baydhabadii ay horay uga saareen in ay dagaal kale ku sooceshadaan magala madaxda.

waxaa dadka u dhuundaloola xiriirka ethiopia iyo baydhabo carabka ku dhufanayaan inaanay kun jeer hadii ay ragani kulmaan wax heshiisa dhexmaraynin colaadana sidaa urimanaanayaan islamarkaana aysan marnaba isu samaynaynin wax isu tanaasulada.

ethiopia ayaa dhawrjeer ku celcelisay inay labada dhinacba saaxiib fiican latahay oo ay ka rajo qabto inay si dhaqso ah u dhamaynayso colaadda walaalaha dhextaalla.

Xagar yare
xagar91@hotmail.com 
Germany

SOMALITALK.COM | SEPTEMBER 10, 2002


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

QORAALADII HORE EE XAGARYARE


XAGARYARE: Booliiska Jarmalka oo Heegan Galay 

"Sool iyo Sanaag waa qayb kamida Puntland"
Sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo katirsan DGPL oo u waramayey saxaafadda GUJI... 2/9


KOONFUR SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO

DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan GUJI  16/8

Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida ee Jarmalka oo. GUJI..   Agosto 12

Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi GUJI.HALKAN  

Maqaaladii Hore ee Xagar Yare 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SomaliStar SomaliStar waa wargeys Soomaaliyeed oo kasoo baxa magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis, St. Paul ee gobolka Minnesota, USA, waa bille ee hamoogaan

 Kala xiriir halkan

MACLUUMAADKA INTERNETKA


Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD