SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA
Marxaladdii Puntland Oo Isbadashay
CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey
, waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan

Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike
 faaraxbotan@hotmail.com 

August 6, 2002

Sidanu horayba ugu balanay, waxan manta idin soo gudbinaya xaaladdii ugu danbaysay ee Puntland, Illaa iyo Soddon Iyo Lixdii Saac(36) ee Ugu danbaysay.

Galabnimadii Axadda ayuu Madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed soo Booqday Isbitalka wayn ee Magaalada Bosaso, Booqashada C/laahi aya waxay laxarirtay sida ay u socdan Howlaha cafimad ee daryelka dhawaca Ciidamad Labada dhinac oo si wada jir ahi lookeenay Isbitalka BOSASO.

Dadkii Ka shaqaynayay Isbitalka iyo taqaadiirta ayuu markas dabaded lakulmay C/laahi waxayna ka wada hadlen sidii loowada daryeli laha Dhaawaca yaal isbitalka, isla mar ahantana si siman dhaawaca wax loogu qabto, mar arrimaha daawada laga hadlayay , C/lahi waxaa uu balan qaday in ay dowladda Puntland iska xilsarayso Arrimaha laxariira dawada, dhinaca kalena , waxa uu shaqalaha isbitalka iyo dadka ka shaqeeya daryelka isbitalka uu ku booriyay inay tashiishaan dawada, isagoo taasi ku fasiray in Labadii (2) Sano ee ugu danbaysay ay hay'adaha calamiga ahi aysan wajibadkodii si caadi ah u gudan.

Booqashadii Isbitalka ka dib waxa uu madaxwayne C/laahi cagta sosaaray wadada dheer ee isku xirta Puntland, isagoo soo booqanaya Jiidda Hore ee Ciidamada Darawishta, waxana uu casarkii soogaaray aagaas, kadib boqasha madaxwaynaha waxa socdaalkisa ku wehliyay dhaman Madaxda Dowladda oo uu ka mid yahay Gudomiyaha Xaaladda Deg Degga ah Mudane Xaabsade, waxa kale oo lasocday , Taliyaha qaybta Boosliska Gobolka Bari.
Duulaanka, Dilka, Dulmi jacaylka, Diin Nacayba, Darajaan ku Doon Doonayaa!!!  
Duulaanka, Dilka, Dulmi Jacaylka, Dal La'aanta,Diin Nacaybka iyo Dibin Daabyeynta Sokeeye oo Korneyl Abdullaahi Darajo iyo Dadnimo ku Doon Doonayo Waxay Ku Danbayn Daah nagama saarnoo waa Duli iyo Dadnimo xumo tii ugu darajo liitay. Waxaan facilada iyo faah-faahinta dhaqankiisa inooga filan Qoraalada Saaxiibkay C/waaxid C/laahi Khalaf oo... GUJI... Agoosto 6....

Markii ay soogaren deganki ay ku sugnayen Ciidamada Darawiishta, ayaa qaddar yar dabadeed waxa goobtii ugu yimid waxgarad kasocda degmada QARDHO, waxa garadkas oo kakobnaa 12 Oday waxa ay fadhi layesheen Madaxwayne C/laaghi yusuf, waxayna kawada hadlen arrimo laxariira nabadda , iyo sidii lagu xallin lahaa Mushkiladdan cusub, si kastaba ha'ahaate , waxay waxgaradkii iyo Madaxwaynaha isla garten dhowr qodob ooay kamid yihiin qodobadan hoose.

1- in Ciidamada Darawishta ay Howlgalkoda hakiyan , illaa amar danbe, inta ka horaysana ay ka qayb qatan Badigoobka dhaawaca, Iyo so 'aruurinta maleshiyada la'layahay.

2-In Beelaha daga Qardho ay ka qayb qatan sidii maleshiyoyinka kayimid gobolada kale Puntland kana qayb qaatay dagalka ay u gudbiyan inay ku noqdan degankodii.

3- In shaqsiyadka hogaminaya Coladda Puntland oo hadda qarkod ay ku sugan yihiin Qardho si deg deg ahi oga baxan Degankaas.

4-In si deg deg ah loogu dhawaaqo in wadada ay furan tahay oo gadidka gobolada ay sidoodii caadiga ahayd u shaqaysan karan.

5-in lamagacaabo Guddi isku dhaf ah oo gorfeeya arrimaha nabad galyada, guddigasna uu kakobnado dhaman deganka Puntland dadka ehelka u'ah.

6- In marnaba aysan dhicin , in Xiisaddan ka'aloosan Deganka Puntland uusan dhinacna u fasiran , inay tahay Xiisad laxariirta Arrimo Beeleed ama Qabiil, ee lowada arkaa inay tahay waxa salka ku haya siyasad.

Arrimahan oo aad loogu wada guuxay , waxay ka danbaysay Allaha Ka'abaalmarshee Boqor Maxamuud Boqor Muuse iyo waxa garad badan oo dhaman Reer Puntland ah, oo juhdi badan gashay in lahakiyo gacan kahadalka, iyadoo labadan (2)malmod ee ugu danbaysay uu Xirirka Gudaha Puntland iyo Dibadda Puntland uu aad u batay, qofkastana uu ku dhawaaqayo hadalo iyo waano celin ku wajahan dadka reer puntland.

Shirkii Qardho ka dhacay tarikhdu Markii ay ahayd 06.08.2002 habaynimadii Taladada soogalaysay ayaa Beelaha daga qardho waxay isku raceen in markale aysan dhicin gacan kahadal kale, oo dadku si wada jir ah oga wada qayb qaato sugiddaa Amaanka.

Ciidamada darawishta aya waxa lasiiyay Amiir buuxda oo faraysa in aysan xabad ku ridin cid aan soo weerarin ama aan dagal ugu iman, waxa kale oo ciidamada lafaray inay xaq uleyihin inay is difacan haddii ay lakulman weerar.

xalay fiidnimadii ayuu C/lahi yusuf kusoo noqday BOSASO , waxana dadka lagu wargashay inay wadada furan tahay, oo gadidku safaradiisa uu wadankaro.

si kastaba ha'ahaate waxa lawada dareemi karaa sida uu isbadalku u dhacay jimcihii wixii ka danbeyay , waxa jira warar kutiri kuten ah oo shegaya in wax xirir ah ama dadaal nabaded ahi uusan kajirin Puntland, lakin nasiib wanag waqtiga aya qeexaya runta , macnaha hadduusan dadaal jirin xaladdu sida ay hadda tahay ma'ahaten ee wax kabadalan ayan arki lahayn ama aannu maqli lahayn. 
War Been Abuura "Ruunkinet" Dr Abdullahi Doolow

NB: waxan halkan ku beeninaya in laba Nin oo Maxabista maryo calasta kamid ah latoogtay,o ay toogteen qar katirsan ciidamada darawishta, laguna toogtay qaab ku salaysan Qabiil,haddaba, warkaas waxa soo qoray , wargayska layirahdo RUUNKINET wargayska waxad moodaa inuu baddalay Ayaamaha iyo HORNAFRIK,kuna dhiiran yahay war xumao tashiilnimo, isla markana uusan aqoon fiican u lahayn dhaqanka puntland. lakin waxa xusid mudan in maxabista lasoo qabtay iyo kuwa qabtayba ay yihiin dad walaalo ah ii isku hayb ah,, dadka danaynaya Arrimaha Puntland waxa xusid mudan in dhacdadii dhacday jimcihiilasoo dhaafay ay hadda isu rogtay waji ka qurux badan kii hore, gacantana lagu hayo arrimaha laxariira dhacdadaas.

wixii kasoo kordha Arrimaha Puntland sidannu horays isagu ogayn si isdaba jog ah ayan ola soconaynaa Insha Allahu.

Mahadsanidin

Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike
 faaraxbotan@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk

FAAFIN: August 6, 2002 | SomaliTalk

DOODFURAN: Ra'yigaaga toos u dhiibo 


JAWAAB: Qoraalkii Dhacdadii PL oo Isu Badashay Wadahadal

waxaa hubaal ah in uu dagaal dhacay labada dhinacna qasaare soo wada gaaray sida xaqiiqda ahna uu dhanka c/llahi yuusuf u badnaa dhaawaca,waxa lama huraan ah in cidwaliba isu xilqaanto nabad in ladoono laakiin taasi waxaa diiday c/llahi yuusuf oo ka doorbiday inuu xoog wax ku maquuniyo,.. GUJI.HALKAN.. Agoosto 4

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD