|  Baaq
ka soo Baxay Dadka u dhashay degaanka G/J/HOOSE, Degmadiisa Kismaayo. 
| Qaadka oo kusoo Qulqulaya Maraykanka  GUJI... |    
  Ku : dhamaan Jaaliyadaha
 Ummadda Somaliyeed ee North America, Europe, Australia, New Zealand iyo Carabta. Ku: Ururka Horumarinta G/J/HOOSE. Ku: Dhamaan waxgaradka
 Somaliyeed ee Ku Sugan Daafaha Aduunka. UJEEDO : BAAQ AY SI WADA JIR
 AH U SOO SAAREEN WAX GARADKA U dhashay degaanka Waamo. Waxaa ayaan daro ah in
 dadyowga u dhashay degaanada G/J/HOOSE (WAAMO) xaquuqdooda mar walba ay ku xad
 gudbaan dadyow aanan degaankaasi u dhalanin ilaa iyo intii dagaalada sokeeye
 bilowdeen. Haddaba Anagoo ah dadyowga u
 dhashay degaanka Waamo ogeysiinaynaa ummadda Somaliyeed in ayan jirin/jirina
 inay wada hadal nabadeed ka galaan dadyow aanan u dhalan degaanka Waamo. Haddaba waxaan si gaar ah ugu
 digaynaa dadyowga sida Kablalaxa aanan u dhalan degaanka, inay isku magacaabaan
 inay iyagu yihiin nabadoonada degaanka. Hadaan nahay dadyowga degaanka
 u dhashay waxaan falalka noocaas oo kale ah u aragnaa inay yihiin ku xadgudub
 iyo gacan dhaaf ay u gaysanayaan dadyowga walalahood ah oo degaankaas ku
 abtirsada. Taasoo anan wax nabadeen iyo heshiis horumar leh lagu gaari karin. Haddaba hadaanu nahay dadka
 reer Waamo waxaan talo u soo jeedinaynaa dadka walaalahayga ah iyo ummadda
 Soomaliyeedba meel kasta ay joogaan inay faraha kala baxaan arimaha degaanka
 Waamo oo ayan wax shaqo ah ku lahayn, ku xadgudub mooyee. Waxii talo iyo tashi ahna
 fadlan la soo xariira dadka udhashay degaanka Waamo.   Qoraalkaan waxaa ku saxiixnaa
 17 qof oo isugu jira Eng., Dr., Prof., saraakiil, nabadoono, waxaana lagala
 xiriiri karaa Eng. Abdirashid Artan Musse Artan21@yahoo.com 
 iyo
 yasinyusuf2@hotmail.com    AFEEF: Aragtida qoraalkaan
 waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk 27 agoosto, 2002 
 
WARARKA KALE 
 AGOOSTO  | WARARKii 
July» GUJI
»
 June |  MAY
APRIL | 
 MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
.
 |