SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dagaal shalay galab ka qarxay agagaarka isgoyska Black-sii ee magaalada muqdisho

6 Qof oo uu kujiro ilmo yar ayaa ku dhintay, dhawr iyo taboba kalena waa ku dhaawacmeen
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji | SomaliTalk | Dec 27, 2002 

ADEEGSO XAWAALADA KAAH
KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

maal mihii ugu danbeeyay ayaa nabad galyada magaalada muqdisho ey kasii dareysay waxaana jiray dilal fara badan oo ka dhacay meelo kala duwan oo magaalada muqdisho kamid ah ayadoo meela kalana eey kajireen dhibab kale oo ey kamid tahay meelaha qaar eey joog-sadeen baaburtii BL ka aheyd sababo amaan xumo iyo isbaarooyin kusoo batay awgeed.

Waxaase shalay salaadii duhur kadib uu dagaal culusi ka qarxay agagaarka isgoyska Black Sii ee jidka sodonka, dagaalkaas oo geeystay khasare laxaadle oo naf iyo maalbana leh ayaa laga cabsi qabay in rasaasta la isku ridaayo ey dab qabadsiiso haamaha shidaalka ee meeshaas yaallo oo sida la ogyahay ah suuq shidaalka lagu kala iibsado, nasiib wanaagse taasi ma eysan dhicin, waxaase sida lasheegaayo ku geeriyooday tiro ku dhaw ilaa 6 qofood oo uu ku jiro ilmo yar, dhowr iyo toban kalana waa eey ku dhaawacmeen, waxaana uu sababay barakac eey ka bara kaceen dadbadan oo daganaa meesha uu dagaalka ka dhacay guryahoodii.

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan wuxuu salka ku haayaa aargoosi qabiil oo maal mahanba u dhaxeeyay laba beelood oo wada dagan muqdisho ayadoo labadaasi belood eey iska dileen maal mihii ugu danbeeyay dad ku dhaw ilaa 8 ruux, dagaalkii shalay ayaa waxaa la sheegay in eey qaboojiyeen waxgarad ka kala tirsan labada beelood oo iyagu sida lasheegay ku jiray wada hadal kusaabsan sidii loo joojin lahaa dilalka iyo dhibaatada ey isku hayaan labada qabiil iyadoo eey odayaashu ku guuleystaan in eey xabada joojiyaan, isla markaana kala sikiyaan labadii maleeshiyo, waxaana lasii wadaa dadaalkii eey wadeen odayaasha ee lagu nabadeey nayay labada beelood ayadoo lagu rajo weyn yahay in uu guuleysto dadaalkaas.

Maalhaan danbe ayaa waxaa si isdaba joog aha ooga dhacay magaalada muqdisho is qab qasasho iyo is raad raadsasho ku saleysan aanooyin qabiil ayadoo eey muqdishana caan ku tahay in si sahlan uu dagaal u biloowdo isla markaana uu isugu badalo dagaal qabiil, waxaana aad u yaraaday awoodii eey lahaayeen odayaasha dhaqan iyadoo sidoo kalana eey adagtahay in hogaamiye kooxeed yada muqdisho ey xakameeyaan maleeshiyooyinka kuwa ayaga ka amar qaata iyo kuwo kalaba midna.

Dadka reer muqdishana waxaa eey indhaha u taagayaan shirka Eldoret oo marna layiraahdo waa uu soo dhawaaday oo waxbaa lagayaabaa iney kasoo baxaan, marna la yiraahdo waa lagasoo galbanayaa oo waxaa la qancin waayay hebel oo aan ku qancin tiradii lasiiyay amaba reer hebal ayaan qancin. 

I  I  D  H  E  H

 

W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji 
abuukarsom@hotmail.com
 

Muqdisho, Soomaaliya

Dec 27, 2002

... Qoraaladii hore  ee Abuukar Yaasiin -- GUJI

Wararkii Muqdisho ee Dec 26
Dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca muqdisho oo dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.. GUJI...  26/12

Xasuuqii ardayda loo gaysatay iyo dadwaynaha muqdisho oo ka xumaaday: Maalintii shaley aheyd ayaa waxaa magaalada muqdisho ka dhacay Xasuuq loo geystey ardey dhigata dugsiga sare fasalka koowaad ee AXMED GUREY ee.. IQRA...  25/12

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD