Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim
WQ. Fahad Yaasiin
Xaaji Daahir
SomaliTalk.com/column/fahad
"C/Qaasim wuxuu ku fiicnaan lahaa inuu
Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo xilli ay Dawlad horay u jirtay ee ma’ahan
Ninkii hadda".
Habeen-nimaddii aan Xamar tagay waxaan khadka teleefanka kula
hadlay Saaxiibkey C/llaahi
Maxamed Xasan "Black" Tifaftiraha Wargeyska
Ayaamaha, ugu horeyn waan salaamay kadibna waxaan u sheegay in waxkhtiga aan
haysto uu aad u yaryahay aanna u baahanahay in aan wareysiyo iyo kulamo la
yeesho dadka ugu muhimsan Muqdisho gaar ahaan kuwa Siyaasadda, wuxu iigu balan
qaaday in hawshaa igu ii qabandoono.
Balack maalin kadib wuxuu ii sheegay in uu lahadlay W/warfaafiinta
Porf C/Raxmaan Ibbi uuna ku wargaliyey in wariye kasocda Somalitalk.com uu rabo
lakulanka Madaxweynaha, Porf. Ibbi-na uu ugu balan qaadey in uu balan ka soo
qaban doono Madaxweynaha, ilaahay mahaddii balantii waxay noqotay galabnimada ay
taariikhdu ahayd September
2002 [AKhri waraysigii].
Aniga iyo Saaxiibkaygii aan kor ku soo xusay oo uu na wehliyey
Wariye Maxamed Xaaji Ingiriis iyo Saxafiga Kaamiromaanka ah C/Laahi Anas, waxaan iska raacnay
xarunta Anas ee ku taal isgoyska Baarbakiin, gaari qurux badan oo uu lahaa
Ingiriis ayaannu dhex u fariisanay, intii aan jidka sii haynay su’aalihii aan
isweydiinayney saaxiibadey waxay ahaayeen tolow gaari noocan oo kale ah Xamar
malagu wadan karaa? Ingiriis oo qoslaaya aya igu yiri HAA waa lagu wadan karaa
walow aan mararka qaar baqo, marka ay budhcadu ijoojiyaanna waan u qoslaa
markaasaan ushekeeyaa maraka qaarna waxaan ku boobaa su’aalo suxufi-nimo
sidaas ayuu ilaahay iiga badbaadiyaa.
Jidkii dheera ayaan sii qaadnay wuxuu ahaa jid uusan laamigii
ka muuqaneyn oo ay ciidi qarisay, baabuurta wax kala haga malahayn, maankeyga
waxaan iska lahaa tolow jidka aad hadda hayso sow ma’ahan midka aad ugu
siisocoto lakulanka Madaxweynihii Dalka, sideebuu dareemaa marka C/Qaasim
qudhiisuu uu marayo wadadan aan anigii iska caadiga ahaa aan dhibsaday? Waa su’aalo
aan jawaab loo heleyn.
Waxaan bidix uga leexanahay Tarabuukii oo aan abaarnay
dhinicii Lanbar-Afar xoogaa markaan jiiradaa galnay waxaan ku soconnay wado
inteeda badan ay laami tahay buuqa baabuurtana ku yaryahay wax yar intii aynaan
sii socon ayaan dhinaca midig ka arkay gawaari tikniko ah oo laamiga geesihiisa
safan iyo ciidan Dareys Dowladeed sita, masuginee waxaan markiiba iri “Ciidankan
yaa weeye” waxaa la iigu jawaabay waa ilaaladii Madaxtoodayada, halkaas waxaan
ka gartay in aan ku soo dhawaanay Qasrigii C/Qaasim, isla laamigii annagoo hayna
oo uusan shaagii gaariguba wareegin ayaanba ku leexanay guri laamiga saaran.
Fahad Yaasiin iyo Madaxweynahay K.M.G. ah C/Qaasim oo wada taagan
|
Waa guri laba dabaq ah oo caddaan badan kama qurxana guryaha u
dhawdhaw wuuse ka ilaalo badan yahay, waxaad awood u leedahay inaad hormarto
irridda gurga sidii adigoo xaafadda dhexdood maraya, haddaan lagu oran waatan
Madaxtooyadii C/Qaasim caqligaaga kuma garan kartid inaad joogto meel maamus leh,
Asakarta irrida joogta haddii aadan guriga jihadiisa soo abaarin kula hadli
mayaan, Baabuurta rakaabka ee ka dhex shaqeeya magaalada baa gurga hortiisa ka
rarta iyagoon xishood iyo baqdin midna ku jirin, maalimihii danbe ee aan
magaaladii sii joogay qaarkood waxay ku dhawaaqayeen goorta ay soo gaaraan
Qasriga C/Qaasim ( YAA DAGAYA MEESHA C/QAASIM) qaarkooda xishooda ayaa dhahayey
{ Gurga C/Qaasim yaa dagaya}.
Annagu waxaan ka galnay irridda danbe ee ay gawaridu ka galaan,
barxad weyn oo baabuurtu marto oo laami ah ayaan sii qaadnay, kadib waxaannu
garaacnay ganjeel kale oo isna laga sii galo Madaxtooyada, hoonkii kolkii aan
yeerinay ayaa waxaa noo soo baxay Asakari labisan, wuxuu na weydiiyey waxa aannu
usoconno, wariye Ingiriis ayaa la hadlay oo ku yiri waxaan wadnaa wariye la
balansan Madaxweynaha, wuu naga noqday sidii isago balanta soo hubinayey.
Intii aan hortaagnayen ganjeelka waxaan qooraansanayey
gurayaha ku gadaaman Madaxtooyada, dhabarka danbe waxaa kaga dhagan guri ay ka
muuqatay in aan la dagin muddo sanado ah oo dhamaantii wada siigo ahaa, waxaana
ka dhex sharqamayey shinbiro malaha aanba war u hayn xaalka Soomaalida, wuxuu
ahaa guri ganjeelkiisu aad u dildilaacsanaa, waxaa ku sii dhaganaa guri kale oo
isaga yara qurux dhaamay asii aadan sii damoon karin, kasoo horjeedka gurga
waxaa ka dhisnaa guri kale oo ku soo jiidanaya sidaan ku mala weynahaynna
ladaganaa, markaan kasoo noqday Madaxtoodayada wararkii aan helay waxay ahaayeen
in gurga hada Madaxtooyada u ah C/Qaasim uu ahaa meel banaan oo la dhisay kadib
Doorashadiisii Madaxweyne-nimada.
Hadalkii uu Askarigu nagu soo celiyey wuxuu noqday soo gala oo
gaarigana gudaha lasoo gala, geesa fiiris waxaan ugu dhaqaaqay gudaha
Madaxtooyada, wuxuu ahaa guri aad gudaha uga qurxoon oo inta aad ku dhexjirto
dareemi kartid in aad soo gashay meel uu maamuus ka jiro, buuq lagama yaqaan
marka laga reebo shanqarta Matoorka oo aanba laga maarmin, qofka aad damacdo
inaad lahadasho si hoose oo qadarin leh ayuu kuula hadlayaa, dadku waa wada
qurxoon yahay, labiska askarta ayaa ku soo jiidanaya, hadallada aad dadka ka
maqleyso ayaa ah Taliye, Xildhibaan, Wasiir, I.W.M. oo dhamaantood ku soo wada
xusuusinaya dowladnimo, halka intii aan joogay xarunta
Qanyare
uu ahaa erayadii
aan maqlay “Kaabbe” oo xitaa marka la soo hadal qaadayo Qanyare waxay
oranayeen “Kaabihii” ayaa saa yiri.
Darjiinada aad fariisaneyso iyo dhulkuba waa wada mutuleel
waxaad qireysaa in aad meel quman joogto, baabuurta dhextaalla qudhoodu waa kuwa
wada cuscusub oo maryo lagu dadey si qoraxda looga dhawro, waxaa ku dhexyaala
Masaajid uu Madaxwey-naha iyo martidiisaba ku tukadaan shanta Salaadood, waxaan
u sii gudubnay qolol ku yaalay dhabarka Masaajidka oo aan ugu tagnay Porf. Ibbi,
oo qol gooni ah fadhiya annagoo fadhiga gudaha ku sii salaanay Daahir Dayax W/A/Gudaha
iyo marti kael.
Porf Ibbi ayaan halkii ku sheekeysanay waa Nin aad bashaash u
ah soona dhawayn fiican wuxuu noo sheegay in balantii Madaxweynaha ay sideedii
tahay marka saacadayada lagaarana aan Xafiiska Madaxweynaha u gudbi doonno,
isagoo intaa ku daray in Madaxweynuhu uu yiri Somalitalk.com intii aan joogay K/afrika
ayaan kaligood wareysi siiyey, intaas markaan is dhaafsanay waxaan ku soo
noqonay barxaddii qurxooneyd, waxaan halkii isku salaanay “C/laahi Cali
Caanood” oo ah Askariga sida Baratakoolka ah u daba istaaga Madaxweynaha, “Caanood”
oo ahaa nin aan si shakhsi ah isu naqaanay asii mudo fog iigu danbeysay, waxaan
kula kaftay intaan kala maqneyn ma shaqadaan ayaad haysay, wuxuu ii sheegay in
uu shaqo qiima leh u hayo Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed, Mr.Caanood waxaan
98.kii ugu tagay waraysi isagoo markaa uu Taytalkiisu ahaa Gudoomiye ku xigeenka
ururka S.N.F. Garabkii Maxamud Khaliif Shire.
Inta aad dhexjoogto barxadda Madaxtooyada waxyaabaha kusoo
jiidanaya waxaa ugu muhimsan Masaajidka sida quxan u dhisan ee ku dhextaalla
Madaxtooyada, iyo Bilicda barxadda oo gabi’ahaanba ka sameysan mutulleel,
waxaa isuura gashay in aan Salaad Makhtib ku tukudo Masjidka, aniga iyo
saaxiibadey oo isku sii jeedna baa mar qura nagu soo baxay C/Qaasim oo labisan
Fitishaari, uuna gadaal socdo Askari aan labisneyn hub muuqdana aan sidan, wax’ay
toosu abaareen dhinacaas iyo Masaajidkii, waa maalintii iigu horeysan ee aan
arko C/Qaasim si kafool kafool ah, annaguna dhinacayagii ayaan ka galnay
Masaajidkii waxaan kaga tukaday safka sadaxaad halka C/Qaasimna uuba ahaa
Imaamka tujinaya Jamaacada.
Intii uu lahaa Istawuu iyo hadalada la xukumka ah waxaan
iskula qalbi hadlayey wallee maanta waa maalintii kuugu horeysan ee aad ku daba
tukato Madaxweyne Soomaaliyeed, wey dhacday inaan kolol badan aanu kulamo
yeelanay qaar kamid ah madaxda Soomaalida haseyeeshee kuwaasu awood uma lahayn
in ay Salaad na tujiyaan saa Quraanka ma’aqoonee, Salaadu waxay ahayd Makhrib
sida uu Quraanka u akhrinaya C/Qaasim waxa aan ismoodayey in aan ku tukunaya
Masjidka Sh.Cali Suufi waayo tajwiidkiisu aad ayuu ufiicnaa, waxaadna ka
dareemeysay in uu tajwiidka Quraanka uu bartay, goortii uu Saladda ka baxayna,
dadkii ayuu uduceeyey kadibna Salaado Sunno ah ayuu xirtay, dabadeedna toos ayuu
Xafiiskiisii u galay isagoon cidna lahadlin cidna salaamin, namase uusan wacdin
Salaadii kadib sida Madaxweynaha Suudaan “Cumar Xasan Al-Bashiir” oo la
yiraahdo dadka goorta uu tujiyo Salaada kadib wacdi ayuu isla taaga.
Goortii lagaaray xilligayaga waxaa noo yimid W/Warfaafinta
Porf.Ibbi oo noo horkacay dhankaas iyo Xafiiskii C/Qaasim, kadinka gurga laga
galo ayaa wiil dharcad ahi nagu baaray walow uusan sidan qalabka biraha sheega
ee wax lagu baaro, malaha gacantiisa ayuu aaminayey.
Waxaan usii gudubnay dabaqa kore xoogaa hadaanu hayn luuq
dheer oo roog quruxbadani ku fidsanaa ayaa misana waxaa nagu soo baxay ilaallo
kale halkii ayuu isna nagu baaray. Askarigaas goortii uu nafasaxay wuxuu nagu
yiri gala jiiradan saas markaan ubagalanay jiiradii mise waxaa fadhiya C/Qaasim
Salaad Xasan oo dhoollo cadeynaya aanna ka dareemay in balantii uu nasiiyey si
qadarin leh u sugayey, halkii ayaan ku gacanqaadnay dabadeedna inaannu
fariisanno ayuu noo tilaamaamay, Ibbi ayaa ku yiri martidii Somalitalk.com
waatan waxa uuna kaaga yimid dibada.
C/Qaasiim waxa uu iila muuqday intii aan la fadhiyey Nin leh
Baratakool Hogaamiye hadalkiisu wuu xadidnaa ima uusan weydiin wax ka baxsan
magacayga halka Hogaamiye kooxeedyada qaarkood marka uu Wariyuhu u tago ay
weydiiyaan su’aalo ay kamid yihiin qolomaa tahay, oo waliba qaarkood ayba
awoodaan hadii ayba dhacdo in Wariyuhu uu usheego qolodiisa ay la beegsadaan
hadallo uu ku aflagaadeynayo beesha Wariyuhu isugu sheegay. Intii aan su’aalaha
weydinayey waxa uu su’aal kasta uga jawaabayey sida marka isaga Siyaasad ahaan
la munaasabsan, Wariyuhuse waxa uu wajigiisa ka akhrisan karaa inta uu Su’aasha
weydiinayo inuu ka xun yahay iyo inkale.
Su’aalaha qaar si kooban ayuu jawaabteeda kuu siinaya, kuwa
uu jecelyahayse aad ayuu ugu dheeranayaa, inta uu kaaga jawabayo hadallada uu ku
hadlayo wey miisaam yihiin maxaa yeelay waxaad ka garankartaa inta uusan kaaga
jawaabin su’aasha xoogaa ayuu aamusayaa, kadib ayuu bilaabayaa jawaabta, intii
aan wareysiga wadna marna ma qoslin, marnana nalama kaftamin, kaliya wuxuu ku
koobnaa jawabaha Su’aalaha, wariyuhu inta uu la fadhiyo waxa uu dareemaya in
uu yahay nin la xurmeynayo.
Kolkii uu noo dhamaaday waraysigii ayaa Porf.Ibbi waxa uu u
dhiibay C/Qaasim maqaal aan anigu qoray xilligii Carta loogu soo doortay
Madaxweynaha, waxa uuna Cinwaanka Maqaalkaasi ahaa ( Madaxweyne saad ku
Mehersatay ku maamul) qoraalkaasoo sidii sheeko khiyaali ah loo alifay asii talo
iyo tusaaleyn ku salaysnaa, markii uu Cinwaanka akhriyey ayuu inta aad u qoslay
oo isoo fiiriyey iyiri “Meherku wuxuu dhexmaraa laba qof oo is Obokoon” anna
inta qoslay ayaan ku iri hadalkaasna waan isticmaali doonaa, waxaan damcay inaan
Su’aal uga dhigo C/Qaasinoow hadaadba ogtahay in dadku aysan hadda ku
Obokoneyn maad isaga tagto Xukunka hadana waxaan xusuusnaa in wakhtigeennii uu
dhamaaday.
Faaladii
Xagar Yare :
C/qaasim laftiisu miyaanu kamid ahayn dadka colaada wax ka qaboojin-tiisa
looga fadhiyo, sidaas waxaa iswaydiinaya GUJI |
War iyo dhamaantii C/Qaasim intaan ka arkay waa nin haybad
Dowladeed yeelan kara, walow dadka qaar aay ku sheegaan inuu yahay nin jiljicsan,
waxaa aad uga hormariyey Hogaamiye yaasha kale ee Soomaalida waa la shaqayntii
uu la shaqeeyey Dowladii hore,marka aan leeyahay waa nin haybad Dowladee leh
waxaan maanka ku hayaa 1997. Xilli uu Xuseen Caydiid booqasho rasmi ah ku tagay
Dalka Yaman ayuu u khudbeeyey Jaaliyadda Soomaalida ee halkaas ku nool, isaga oo
raba inuu Jaaliyada usheego in Soomaaliya ay tahay meel cunto wanaagsan ayuu
yiri:
( SHALAY WAXAA I MARTI QAADEY MADAXWEYNE CALI CABDALLA SAALIX
CUNTADII UU IISAMEEYEY WAXAA KA MACAANEYD TAN LAGA CUNO MAKHAAYADA BAKAARAHA).
Arimaha ay Taariikhdu ku dhaliili doonta C/Qaasim waxa kamid
ah, isagii oo loo soo doortay Madaxweynaha K.M.G. ah ee Soomaaliya oo ay
bulshadii Soomaaliyeed usoo dhaweeyeen si aan horay sooyaalka Soomaalida loogu
arag, ayuu hadana fursadda ka faa’iideysan waayey, taas waxaan marag uga dhigi
karnaa maalintii uu Carta ka yimid ee Muqdisho sidii mucjisada ahayd loogu soo
dhaweeyey meeshii ay dadka galabkaa hankaa Madaxweyne u qabeen ayuuba iska dagay
Guriga aan kor kusoo tilmaamay oo ah guri degdeg lagu dhisay.
Shacabka Xamar ku nool waxay ku leeyihiin haddii maalintii C/Qaasim
oran lahaa anigu caawa meel aan Madaxtooyadii Soomaaliya ahayn hoyan maayo kuwa
markaa lahaa annagaa haysanna Madaxtooyada waxaa looga saari lahaa Mudaaharaad
waxaana ku filanaa oo kaliya intii safneyd laga soo bilaabo B/doogle ilaa
Muqdisho, haddiiba taa laga yara baqo waxa u sahlaneyd in uu dago guryihii ay
dowladu lahayd oo ay jiraan qaar aysan cidina ku haysan, laakiin hankii dadka
hayey waxay dib u liqeen goortuu uu yiri annoo Madaxweyne ah ayaan dagayaa guri
uu leeyahay Wiil aan Adeer u ahay.
Siyaasad jileeciisa waxaad ka dareemi kartaa awoodda uusan
ulahayn hadda inuu toos utilmaamo Dawladaha uu u arko iney Dowladdiisa kasoo
horjeedaan, iyadoo waliba lawada xusuusan-yahay waagii loo doortay jagada uu
hadda hayo isagoon wali iman Soomaaliya ayuu bilaabay dhaleecayn toos ah oo uu
labeegsanayo Itoobiya isagoo waliba adeegsanaya faan aan wakhtigiisii la joogin
sida (Maamulka hadda Itoobiya haya waa mid ku yimid Taageeradii Dowladdii
M.S.Barre iyo erayo lamid ah).
Hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho waa kii iska weyneysiiyey inuu
la kulmo, oo xitaa waagaa Idaacadaha ka lahaa “waxay rabaan intey ila
fariistaan iney dhahaan annaga iyo Dowladdii waan is afgan weynay”, Ilaahay
wuxuu qadaray in uu shir la fariisto Mawliid Macaane, Cusmaan Caato, iyo rag
kale oo lamid ah misana uusan guul ka helin, waxaa dhaci lahayd haddii maalintii
hore uu la shiri lahaa kooxaha Muqdisho ineyba ku qanci kareen jagooyin fudfudud.
Isku soo wada duuboo C/Qaasim wuxuu ku fiicnaan lahaa inuu
Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo xilli ay Dawlad horay u jirtay ee ma’ahan
Ninkii hadda.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir (SomaliTalk Editor)
fahadsom@hotmail.com
SOMALITALK.COM
QORAALADII
HORE EE FAHAD YAASIIN
Faafin: Nov 20, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
com
|