| Gobolka Waqooyi Bari-Oo Ka Biyadiiday Dastuurka Qabyada iyo Moi oo ka hadlay
 dastuurka.  Ridwan Haji Abdiwal  
 29.9.2002 
Mudanayaasha Gobolka Waqooyi Bari Kenya, Ayaa Maanta Ku Dhawaaqay Inay Si Adag U
Diidan Yihiin Qoraalka Qabyada Ah Ee Dastuurka Kooxda Uu Prof. Ghai Hogaamiyo,
Iyagoo Sheegay Inuusan Xambaarsanayn Aragtidii Iyo Rabitaankii Dadweynaha
Waqooyi Bari Iyo Madaxdoodu Ay Hore Uga Barandegeen.
 
4 Wasiir Ku Xigeen, Oo Ay Ku Jiraan 2  Hogaamiye Sar-Sare Oo Xisbiga KANU Ee
Heer Qaran Iyo Xubno Barlamaani Ah Oo Gobolka Laga Soo Doorto Ayaa Yiri: Waa In
Mar Kale Dib Loo Loogu Noqda, Lana Wafajiyaa Aragtidii Dadweynaha Gobolka
Waqooyi Bari Ay Soo Jeediyeen.
 
Mas'uuliyiintan Uu Hogaminayey Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Iyo Warshadaha Dalka
Keya Mr. Maxamed Cabi Maxamuud, Ayey wasiiradu Waxaay Ku Eedeeyeen  Guddoomiyaha
Golaha Dastuurka Dib U Eegiddiisa Prof. Yash Pal Ghai  Inuu Mudnaan Gaar Ah
Siiyey Wax Ay Dalbanayaan Mucaaradku, Iyo Hay’adaha Dawliga Ahayn.
 
Toddobaadkan Waxa Dastuurka Qabyada Ah Soo dhoweeyey Golaha Muslimiintu Ay
Leeyihiin Ee SUPKEM Isla markaana Taagero U Muujiyey Qaabka Loo Agasimay.
  
Waxa  Uu Mr. Maxamuud  Oo Ah Xoghaya Kanu Ee Arrimaha Dhaqalaha raaciyay in
Kooxaha Mucaradku Qorshaynayaan In Mudaharadyada Cotu Iyo Macalimiintu Ay
Doonayaan Inay Dawaladda Ku Af-Gambiyaan Isagoo Ku Baaqay In Xoog Lagaga
Hortago.
 
dhanka kale Moi Ayaa markii U Horreysay Ka Hadlay Qoraalka qabyada Ah Ee
Dastuurka Ee Uu Soo Saaray Golaha Uu Hoggaamiyo Prof. Yash Pal Ghai, Kaasoo Uu
Tilmaamay Inuu Dhaqanka Afrikaanka Ka Digayo Mid Aan Macne Ku Fadhiyin, Isla
markaana Karaamada iyo sharaftu ay tahay madaxwaynaha ummaddu Soodooratay , Dhab
Ahaantii Weli Madaxweynuhu Waa Meesha Ay Taldu Ku Xiran Tahay Maadama Uu
Shacbigu Soo Doortay.
 
Madaxweynaha Oo Ka Hadlayey Deegaanaka Kajiado, Isgoo Mashruuca Taageerada
Uhururu Ku Hawalan Waxaana Uu Moi Cadeeyey Inuusan U Soo Qaadin Uhuru Inuu Yahay
Kikuyu Ama Uudhalay Madaweynhii Hore Ee Aan Saaxiibka Ahayn, Balse Wuxuu
Taageero Buuxda Ka Helay Goboollada Rift Valley, Bartamaha , Waqooyi Bari Iyo
Gobolka Xeebaha Kenya.
 
Madaxweynuhu Wuxuu Hadalkiisa Dadweynaha Ku Waydiiyey Ma Waxaan Soo Qabtaa Ruux
Hal Gobol  Oo Qura Kalsdooni Ku Leh Oo kadibna laga Guulaysto
 
Mr. Uhuru Kenyatta, Oo Isna Munaasabaddasi Ka Hadalay Ayaa Ugu Baaqay Xisbiga
Kanu Iyo Dadaweynhu Inay Midnimo Yeeshaan Isagoo Ku Ballan Qaaday Inuu Qaadi
Doono Wadadadii Madaxweyne Moi  Iyo Toobiyihii Aabihiisii Geeriyooday Jomo
Kenyatta.   
 ridwanhaji@journalist.com
 
 SOMALITALK | 29.9.2002
 WARARKII
AGOOSTO 
 
 
 
| WARARKii 
July» GUJI
 
 
 
»
 June |  MAY
APRIL | 
 MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001 
em@spam.com
 |