WARARKA SOOMAALIYA
Mogadishu Weekly Reporter A. D |
weekly@somalitalk.com
WEBIGA JUBBA OO QASAARE U GAYSTAY
DHULBEEREEDYO
Iyadoo lagu jiro xiligii Dayrta ayaa waxaa soo
baxaya Warar sheegaya in uu webiga jubba oo mara gobalada labada Jubba uu soo
fatahay isagoo waxyeello gaarsiiyay dhul dhererkiisu gaarayo 90 Km oo u
dhaxeeya min Kamsuuma ilaa Kismayo, waxay fatahaadaasi ay xayirtay waddooyinka
isku xira dhulka webigu maro ee Magaalooyika halkaas ku yaala oo ganacsi
xooggan kala dhaxeeyo Magaalada Muqdisho iyo Goballada kale ee dalka ee u
dhowdhow.
Waxaa kale oo lagu soo waramayaa in ay
dadka halkaasi ku nool ay la il darran yihiin gaajo iyo cudurro iyadoo aysan
jirin wax Hay'addo Safamal oo kaalmo bani'aadanimo u fidiyay dadka halkaasi ku
tabaalaysan oo u badan beeralay iyo xoolo dhaqato, iyadoo ay jirto in Hay'adda
caalamiga ee ICRC ay wax xoogaa kaalmo ah ay bixiso mararka qaarkood.
Nin u hadlay dadka degaanka oo qadka
isgaarsiinta lagu xiriiray ayaa sheegay in ay jiraan hoy la'aan iyo barakac uu
sababay fatahaadaasi wuxuuna beesha caalamka gaar ahaan Hay'adaha gargaarka ka
codsaday inay kaalmo bini'aadanimo ay u soo fidiyaan dadweyanaha gobalada
Jubbooyinka oo la il daran dhibaatoyin fara badan ayna fatahaadani ay u eg
tahay tii dhacday sanadkii 1997-kii oo dad fara badani iyo duunyo kale ay ku
waxyeeloobeen markaa oo ay fatahaadaani oo kala ay dhacday.
<><><>
DIBLOMAASI TALYAANI AH OO FIISO LA'AAN
HARGEYSA DIB LOOGA CELIYAY.
Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Jamhuuriyadda
isku magacowday Somaliland oo lagu magacaabo Cabdi Idiris Ducaale ayaa sheegay
in xakuumadiisu ay dib u celisay diblomaasi Talyaani u dhashay oo ka yimid
dhinaca Nairobi oo uusan magaciisu sheegin oo shalay ka soo degay Gegida
Diyaaradaha ee Hargeysa isagoo doonayay inuu booqdo dhulkaasi lana kulmo
Madaxda Somaliland.
Afhayeenkaasi ayaa carabaabay in aysan doonayn
in wada hadal la yeeshaan diblomaasigaasi oo ay marar badan u sheegeen inaysan
kala hadlayn wax ku saabsan shirka dib u heshisiinta Eldoret oo kooxaha K/Soomaaaliya
ugu socda halkaasi, wuxuuna sheegay inuusan Diblomaasigaasi kala aqoon Somalia
iyo Somaliland waa sida u hadalka u dhigaye wuxuuna caddeeyay in mowqifka
Somaliland ee arrimaha Soomaaliya inteeda kale u cad yahay ayna hore ugu
hadleen, wuxu intaasi ku daray in Diblomaasigaasi uusan wadanin Dal ku gal
(Visa) oo uu sharcidarro ku soo galay dhulka Somaliland.
Jamhuuriyadda isku magacowday Somaliland ayaa
ka go'day Soomaaliya inteeda kale bishii May sanadkii 1991-kii inkastoo aysan
helin aqoonsi Caalami ah waxaana lagu amaanaa inay soo celiyeen Nabadii iyo
kala danbeyntii marka loo fiiriyo K/Soomaaliya oo weli xal Siyaasasdeed loo
la'yahay walow uu haatan shir dib u heshiisiin ugu socdo Magaalada Eldoret ee
carigaasi Kenya.
<><><>
CIIDAMADA BOOLISKA DKMG OO FASHILIYAY DAD
AFDUUB LAGU HAYSTAY
Howlagal baahsan oo ay qaadeen Ciidamada DKMG
ee Gobolka Banadir ayaa shalay galab abaarihii 3:10 galabnimo koox afduub dad
ugu haysatay xaafada Yaaqshiid ee G. Banadir waxaa uu suuragashay inay
fashiliyaan afduubkaas oo muddo dhan Toddobaad loogu haystay Hooyo lagu
magacaabo Madiino Xasan Jimcaale iyo ilmaheeeda oo 3 gaaraya oo uu ku jiro wiil
4-bilood jir ah kuwaasoo laga soo afduubtay Degmada Balcad iyagoo markii la soo
furtay la geeyay Xarunta C I D Muqdisho, kooxda afduubka gaysatay oo gaarayay 3
Nin oo sitay teleefano ay isticmaalayeen iyo waliba Record ay doonayeen inay ku
duubaan codka la haystayaasha.
Taliyaha Ciidamada Booliska DKMG ee Gobolka
banadir G/Sare Cabdi Xasan Cawaale "Qaybdiid" oo arrintaasi ka
hadlayay ayaa sheegay in dadweynaha hadii ay la shaqeeyaaan ay wax badan qaban
karaan isagoo carabaabay inuusan howlgalkaasi fuleen gacanta dadweynaha
la'aantood sidaa darteed ayuu sheegay inay u baahan yahiin taakulaynta
dadweynaha isagoo sii balanqaaday inay sii wadi doonaan howlgaladooda ay ku
sifaynayaan sifaynta burcada iyo kooxaha afduubka wada oo qalqal galiyay
xasiloonida magaalada Muqdisho.
<><><>
Dawladda KMG ah oo wali ka biyo diidsan wax ku
qaybsiga qaab qabiileedka
Shir jaraa'id oo 10:00 kii subaxnimo oo ay
qadka telefoonka ku qabteen Ra'iisul Wasaaraha DKMG Md. Xasan Abshir Faarax iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Cabdalla Deerow Isaaq iyagoo ku sugan Eldoret
ayaa waxay labaduba ay sheegeen inay yihiin Dowlad KMG ah marna aysan aqbalayn
is qaab beeleed wax ku qaybsadaan "annagu TNG ayaa nala yiraahdaa waxaana
wax ku qaybsanay 4 iyo bar beelood" ayay yiraahdeen labadaasi mas'uul,
iyagoo sheegay in qaabka qabiilku u wax fashilinayo.
Inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in
Cabdalla Deerow Isaaq oo ah Guddoomiyaha Barlamaanka uu
qaab beeleed wax kula qaybsaday Madaxda Bay iyo Bakool oo ay ku jiraan Ragga
isku haya awoodda iyo Maamulka Gobaladda Bay iyo Bakool oo ka wada tirsan
Jabhadda wax iska caabinta Raxanweyn "RRA" isagoo dhinaca kale maanta
shirkii jaraa'id uu isticmaalayay Jagadiisa G.Baarlaamaanka oo uu ku mowqif
yahay DKMG.
<><><>
Md.C/laahi A. Caddow oo Beeniyay in Caasimada
loo wareejiyo Gaalkacyo.
Nin La taliye u ah C/laahi A.Cadow oo lagu
magacabo Cabdi Axmed Xaaji "Dhabanacad" ayaa caddeeyay inuu C/laahi
A.Caddow uu yahay Musharaxa Madaxweyninamada ee Jamhuuryadda Soomaliya ee
Shirka Eldoret isagoo beeninay inuu doonayo in Md. Caddow noqdo Ra'iisal
Wasaaraha ayna War aan jirin uu yahay in wax ugu yeeray "Walaalaha Mudug"
ay labada jago oo sare ay qaybsadaan Caasimada Muqdishi-na loo wareejiyo
Gaalkacyo oo ah Caasimada Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
QAABKII DOORASHADA MADAXWEYNAHA EE SHIRKII
CARTA, JABUUTI August 2000
WAREEGGII SADDEXAAD
- CABDIQAASIM SALAAD XASAN ...[145]
- CABDILAAHI AXMAD CADDOW ....[092]
WAREEGGII LABAAD
- CABDIQAASIM SALAAD XASAN ....[124]
- CABDILAAHI AXMAD CADDOW .....[110]
- CALI KHALIIF GALAYDH ...............[002]
CALI MAHDI MAXAMAD waxa uu ka tanaasuley doorashada
intii u dhexeysay wareega 1aad & 2aad
WAREEGGII KOOWAAD
- AXMAD IBRAAHIM MAXAMAD ..........[02]
- CABDI CUSMAAN FAARAX
...............[02]
- CABDICASIIS SH. CUSMAAN CABDI.[00]
- CABDILAAHI AXMAD CADDOW ........[83]
- CABDIQAASIM SALAAD XASAN .......[78]
- CALI KHALIIF GALAYDH
..................[35]
- CALI MAHDI MAXAMAD .................
.[12]
- CUSMAAN MAXAMAD JEELE
.............[03]
- IBRAAHIM XASAN CALI JIMCAALE ...[00]
- MAXAMAD ISAAQ IDOW
.................[00]
- MAXAMAD MAXAMUUD GUULEED .....[03]
- MAXAMAD SHEEKH GABYOW ...........[02]
- MAXAMUUD CABDI GAAB
...............[03]
- MAXAMUUD MAXAMAD GUULEED .....[08]
- WARSAME CABDI SHIRWAC ...........[00]
- XUSEEN CEELAABE FAAHIYE
...........[04]
ISHA:
SOMALITALK.COM [August
26, 2000] |
Md. Caddow oo kal hore August sanadkii 2000
isu soo taagay Doorashada Madaxtinimada oo looga guulaystay shirkii Carta ee
Jabuuti lagu qabtay, waa ninkii labaad oo ka tirsanaan jiray Wasiiradii
Dowladdii hore ee Siyaad Barre oo isku soo taagay jagadaas isagoo mar ahaan
jirey Diblomaasi, wuxuuna muddooyinkan danbe u ololaynayay inuu noqdo Madaxweynaha
Soomaliya.
iyadoo weli uusan bilaabmin wejiga labaad ee
Shirka Eldoret ee Kenya oo looga wada hadli doono Nabadeynta iyo Dowladnimada
Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya inay jiraan Musaharaxiin doonaya inay isu soo
taagaan jagadasi Madaxweynimamada.
Musharaxiinta ilaa hadda caddaystay
mowqifkooda waxaa ka mid ah Col. C/laahi Yusuf Axmed oo imminka hogaamiya
Ismaamulka Puntland oo Toddobaadkii la soo dhaafay sheegay inuu doonayo inuu
noqdo Madxweyanaha mustaqbalka ee Soomaaliya uuna dalka iyo dadkaba nabad iyo
xasilooni ku soo dabaali doono isagoo sheegay inuu u soo halgmay oo haddii la
dorto oo loo baahdo uu xoog isticmaali doono si uu kala danbayntii u soo celiyo
isagoo meesha ka saarin inuu xoogag dibadda ah u yeeran doono balse ma
carabaabin cidda ay yihiin xoogagaasi .
Waxaana la rajaynayaa inay kuwo kalena ay
wadada ku soo jiraan oo ay doonayaan inay noqdaan Musharaxiinta Madaxtinamada
Soomaaliya.
DOODFURAN: Xagee
u dooran lahayd amaku haboon Caasimada Soomaaliya
<><><>
Wararka
Muqdisho ee Nov 25
»» Caruurta Muqdisho Oo La
Ildaran Cudurka Shubanka
»» DKMG Oo Dhaleecayn Dusha Uga
Tuurtay Hay’adda FAO
»» Qanyare
oo Dhaliilay Doorka IGAD ee Shirka
Eldoret
»» Dagaalo mar kale ka dhacay
degmada Madiina
»» Sooyaalkii Taariikheed Ee marxuum Maxamed Raajis
Dhammaan
ka akhri Mogadishu Weekly
SOMALITALK.COM
Mogadishu Weekly Reporter A. D
weekly@somalitalk.com
Nov 26, 2002 | Update: Nov 27, 2002
Baaq
Kuwajahan Shirka ELdoret
Baaqaas oo kasoo baxay Ururka waxgaradka
Dhalinyarada Waamo waxa uu ku bilaabmay.. GUJI.. 25/11
Liisas
Iska Soo Horjeeda oo ay Beeluhu Gudbinayaan
Qabiilooyinka Soomaalida Eldoret ku shirsan ee
laga sugayey inay soo gudbiyaan liisaskii gudiyadii lixda ahaa ayaa.. Ibraahim
Maxameddeeq 25/11
KAYDKA
WARARKA MUQDISHO
WEEKLY
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|