GUULDARRADA DAWLADDA KMG AH IYO DOORKII C/QAASIM
Ismail A.Hassan (Khaliil) |
Khalka1@aol.com
Madax weynihii dawladda KMG
ah C/qaasim Salaad Xasan oo immika muddadii xilka loogu doortay ay ka
dhammaatay ayaa weli sheeganaya inuu yahay madaweyne oo uu xilka sii hayndoono
illaa inta dawlad Soomaaliyeed oo sharci ah laga soo dooranayo isagoo qiil ka
raadinaya dastuurkii 60kii ee Jamhuuriyadda Soomaaliya arintaas oo ay ku
tilmaameen kooxda ka fallaagowday C/qaasim ee ay hogaamiyaan guddoomiyha
baarlamaanka C/lle Deerow iyo ra'iisal wasaare Xasan Abshir mid aan
waafaqsanayn axdiga qarameedka dawladda KMG kaasoo dhigaya in dawladda KMG ah
aan waqtiga loo kordhin Karin
C/qaasim oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa Madax weynaha dawladda KMG ee
lagu soo dhisay shirkii Carta ayaa waxa uu ku guul daraystay inuu wax ka qabto
dhibaatada wadanka iyadoo xukuumaddisuna aanay waxba ka duwanayn hogaamiye
kooxeedyada kale ee caasimaddu u kala qoqobantahay marka laga reebo shirarka
caalamiga ah oo ay buuxiyaan kursigii Soomaliya oo muddada dheer bannaanaa iyo
deeqaha ay carabtu ku siiso magaca ummadda Soomaaliyeed ee baahan.
Dawladda KMG markii la dhisay qorshaheeda qodobada ugu horeeya ee la rabay inay
fuliso ayaa waxaa ka mid ahaa:
-sugidda nabad gelyada wadank iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta.
-Hub ka dhigista maleeshiyooyinka iyo dhaqan celintooda.
-soo celinta adeegyadii bulshada.
Hadaba qodobadaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa marka horeba u muuqday qaar
ay fulintoodu aad u adgtahay maadaama ay dhammaan kooxaha hubaysani qaadaceen
shirkii Jabuuti isla markaana aanu ahayn mid Soomaali u dhammayd.
Dawladd KMG ah oo bilowgii waxoo dhaqdhaqaaq ah ka muujisay xagga dibadda ayaaa
si buuxda uga qayb qaadanaysay kulanada ururada caalamiga ah ee Soomaaliya
xubinta ka tahay, waxaana madaxda sare ee dawladda KMG ah aad uga dhex muuqday
waqtigaas ra'iisal wasaarihii kalsoonida lagala noqday Dr. Cali Khaliif Galayr
oo xataa aad moodaysayba inuu ka magac weynaa madax weynaha dawladda KMG malaha
taas ayaana bar ka ahayd in ninkaasi jagadiisa waayo.
Itaaldaridda dawladda KMG iyo dhibaatooyinka mucaaridka ee kaga yimid gudaha
waxaa uu sii dheeraa iyadoo taageeradii caalamiga ahayd ee ay filanaysay aan
helin siiba dhanka wadamada reer galbeedka oo uu Maraykanku kow ka yahay. Waxaa
iyna jirtay turunturooyin uga imanayay dhinaca wadanka Itoobiya oo dagaal
oogayaasha abaabul iyo hubayn hor leh ku bilawday iyadoon u aabbo yeelin
qaraarkii qaramada midoobay ee cunaqabataynta xagga hubka ee Soomaaliya saaran.
Dhanka kale madax weynihii lagu soo doortay carta C/qasim Salaad Xasan oo ka
mid ahaa wasiiraddii xukuumaddii Maxamed Siyaad ee muddada dheer wadanka ka
talinaysay ma ahayn nin sumcad fiican ku leh bulsho weynta soomaliyeed
dhexdeeda,mana lahayn awood uu ku mideeyo shacabka Soomaaaliyeed ee aanooyinka
badan kala tirsanaya oo shaki weyn soo kala dhex galay dagaalada sokeeye
dartood.
Waxaa iyana jirtay dad badan oo u arkayay kooxda carta haraagii taliskii
maxamed Siyaad oo dib isu soo habeeyay.
C/qaasim markii loo doortay jagada madax weynaha talaabaddii ugu horeysay ee uu
qaaday waxay ahayd mid xad gudub ku ah axdi qarameedkii dawladdisa lagu soo
dhisay.
Sida axdigu qorayo waxay ahayd in dawladda KMG fadhigeedu noqdo magaalo madaxda
gobolka bay ee Baydhabo inta laga xasilinayo nabad gelyada caasimadda Muqdisho.
Hadaba markii uu C/qaasim xukuumaddisa la aaday Muqdisho ayaa taasi waxay
noqotay tallaabo wiiqday dawladda KMG maadaama ay sababtay in dad badan oo
markii hore taageersanaa ay kala noqdaan kalsoonidooda.
Magaalada Muqdisho oo ay ku hardamayaan dagaal oogayaal uu midba aag
xayndaabtay ayaa xaaladdeeda nabad gelyo ay aad u liidataa taasi oo ay adkayd
in dawlad dibadda lagu soo dhisay oo wax uga hareeyaa aanay jirin ay shaqadeeda
ku fulin karto
Waxay u muuqataa in C/qaasim uu si khalad ah u xisaabtamay uuna is tusay in uu
kasban karo taageerda shacabka Muqdisho ayna meel cidlo ah ku soo dhici doonaan
dagaal oogayaashu hase yeeshee taasi maanay dhicin dawladda KMG ahina waxay
noqotay koox cusub oo ku soo biirtay kooxihii Muqdisho isku haystay.
Waxaa iyana jirtay in ganacsato reer Muqdisho ah oo danahooda gaarka eeganaya
ayna xulufo ahaayeen C/qaasim ay u gacan haadiyeeen dawladda cusub iygoo u
balan qaaday kaalmo dhinaca maaliyadda ah iyo maleeshiyooyinkooda gaarka ah oo
ay sheegeen in ay la shaqayn doonaan dawladda KMG, waxaanay markiiba dawladdii
gacanta u gashay kooxdaas oo saamayn weyn ku yeeshay siyaasaddeeda. Waxaa wax
lala yaabo ahayd in lacago shilin Somali ah oo ay ganacsatadaaasi soo been
abuurteen lagu laaluushay dawladda KMG.
Shacabka Soomaliyeed oo aad ugu rajo weynaa shirkii Jabuuti iyo natiijooyinkii
ka soo baxayna mar kale ayay candhuuftoodii dib u liqeen.
Taageerayaash dawladda KMG ahi waxay ku soo koobmeen beesha C/qaasim ka dhashay
awooddeeduna ma dhaafin fariisinad ay maleeshiyaada beeshaasi hore gacanta ugu
haysay.
C/qaaasim halkii uu ka dhisi lahaa ciidamadii qaranka Soomaaliyeed waxaa uu
hubeeyay beeshiisa.
Waxaa wax lala yaabo ah in C/qaasin oo sheeganayay inuu madax weyne u yahay
Soomaliaya oo dhan xataa aanu gacan buuxda ku haynin goobaha maleeshiyooyinka
taabaacsani ka taliyaan. Waxaa dhacday marar badan in ilaaladiisu ay ka
bililiqaysteen gawaaridii ay wateen wasiiro xukuumaddiisa ka tirsan oo
gurigiisa soo booqday.
Xildhibaanada iyo wasiirada aanay beelahoodu degin Xamar waxay noqdeen la
haystayaal ay nabad gelyadoodu halis ku jirto kuwana waxaabay ku waayeen
naftoodii.
Xil dhibaano badan ayaa markii ay arkeen in aanay wax rajo ahi ka soo soconin
dawladdd C/qaasim ayna nabad gelyadoodu halis ku jirto isaga baxay dawladda.,
waxaanay ku eedeeyaan C/qaasim inuu u dhaqmo si ay ka muuqato keli talisnimo
iyo isagoo u isticmaala hantida uu ku soo helay magaca ummadda Soomaaliyeed si
shakhsi ah.
Sababaha ugu waaweyn ee ay u burburtay xukuumaddii C/qaasim waxaa lagu tilmaami
karaa shaki soo kala dhex galay madaxda sare oo ku saabsan dhinaca maaliyadda
iyo hantida soo gashay dawladda oo aan la ogeyn meel ay ku dambeysay wax xisaab
ahna aan laga haynin.
Waxaa in dhawaalaba warbaahintu aad u hadal hayeen Madax weynaha dawladda KMg
ah ee waqtigu ka dhammaaday iyo go'aankiisii uu kaga duday shirka dib u
heshiisiinta Soomalida ee haatan ka socda dalka Kenya.
Hadaba C/qaasim waxa uu intii aanu ka ambabixin Nairobi ku qabtay shir jaraa'id
oo uu kaga waramayo sababaha ku kalifay inuu shirka isaga baxom isagoo
shirkaaas oo kaena qabtay markii uu ku laabtay Muqdisho oo fariisin u ah
kooxdiisa.
Hadaba markii uu ka hadlayay shirarkaas waxa uu C/qaasim aad u dhaliilay axdiga
Fedaraalka ee lagu diyaariyay shirka Kenya oo ku tilmaamay mid lagu minja
xaabinayo qaranimada ummadda Soomaaliyeed kana soo horjeeda diinta islaamka,
waxaanu aad u canbaareeyay fara.gelinta ay shirka ku hayso dawladda Itoobiya.
Hadaba shirka Kenya oo loo fadhiyay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waxa uu
ahaa mid ay fikraddiisa lahayd dawladda KMG ahi waxaanay rabtay in lagu
heshiisiiyo iyada iyo kooxaha ka soo hor jeeda laguna soo dabaalo kooxahaasi si
ay uga mid noqdaan dawladda KMG ah. Fikraddaasi maanay noqon mid u cuntanta
dagaal oogayaasha waxaana la isla gartay in shirkani noqdo mid Soomaali lagu
heshiisiinayo dawladda KMG ahina ay ka mid noqoto kooxaha ka qayb gelaya mid ka
mid ah.
Arintaas aan kor ku xusnay ayaa ahayd mid aanu ku calool fayoobayn C/qaasim
taasoo dhalisay inuu aad uga caga jiido shakhsiyan ka qayb galka shirka.
C/qaasim oo shuruudo dhawr ah ku xiray si uu uga qayb galo shirka ayaa malaha
shuruudda ugu adagi ay tahay ka qayb gelidda shirka ee Somaliland .
C/qaasim waxa uu ku doodayaa in ka maqnaansha Somaliland ay shirka ka dhigayso
mid koonfur u gaar ah. Bal ogow shirkii Jabuuti ee lagu soo doortay C/qaasim
Somaliland kamaanay qayb gelin, C/qasim oo ka mid ahaa raggii kaalinta weyn ku
lahaa qabanqaabada shirkaaasina kuma adkeysan in Somaliland la keeno, shirkana
umaanu arkayn mid koonfur u gaar ah, farqiga u dhaxeeya labadan shirna waa C/qaasim
oo aan xilligaas madaxweyne sheeganayn.
Shirkan oo hadda maraya marxalad gabagabo ah ayaa soomaali badani ka biyo
diidsan yihiin qaabka uu u socdo iyo awoodda ay shirkaasi ku leeyihiin dagaal
oogayaashu in kastoo hadana aanay jeclayn in shirkani burburo. Waxaa kaloo
jirta in shirkan ay aad u taageersan yihiin mujtamaca caalamku aanay aqoonsan
doonaan dawladda ka soo baxda shirkan.
Tallaabada uu C/qaasim shirka kaga baxay iyo ololaha uu Xamar ka wado ayaa ah
kuwo uu isku muujinayo inuu yahay hogaamiye muhiim ah oo aan sinaba looga
maarmin dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana uu taageero kaga
raadsanayo Soamaali badan oo si aad ah u saluugsan qaabka uu shirku u socdo.
Hadaba C/qaasim oo markii ay saddex maalmood muddada xilka uga harsanayd ay
xubnaha baarlamaanka ee isaga taabacsan oo lagu soo biiriyay kuwo cusub ay
sheegeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka iyo ras'iisal
wasaarihii ayaa madaxtinimadiisu hadda u muuqataa mid aan waxba ka duwnayn ta
wiilka ay ilma'adeerka yihiin ee la dariska ah oo ay taageerayaashisu shir hal
maalin socday ugu magacaabeen jagada madax weynaha Soomaaliya.
C/qaasim oo fursadda uu shirkan Nairobi mar kale ugu doorto madax weyne ay aad
u yartahay isla markaana uu waqtigii ka dhammaaday ayna kala burburtay
xukuumaddiisii ayaa ololaha cusub iyo qaylada ka soo yeeraysaa lagu tilmaami
karaa nin daad qaaday xumbo cuskay.
Ismail A.Hassan (Khaliil) |
Khalka1@aol.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|