SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
ISFAHAMKU WAA MUHIIM SOMALIYEEY


Cabdullahi Gulled Ali
abdullahigulled@hotmail.com

Sidee Looga Baxaa Fidnada
Kulan Diineedkii Labaad ee Soomaalida Waqooyiga Ameerik oo ka dhacaya Ohio.... GUJI

Waxaa nin aanu saaxiibo nahay iiga sheekeeyey in nin sarkaal sare ka ahaa dowladii Maxamed Siyaad Barre mar dambana u soo qaxay wadanka talyaaniga laga wareystay lana weydiiyey dhibnaatada wadankeena ka jirtay, iyo xalka ummada lagu badbaadin karo maanta waxa uu yahay. Xiliga ninkan la wareysanayo oo aheyd xili dagaalo ba’ani ay ka socdaan wadankeenii hooyo, ayaa markuu hadal dhammaantii marshay wuxuu u soo jeestay xalka wadanka lagu daba qaban karo in uu tilmaamo.

Waxaa uu ninkaasi hadalkiisii ku soo gaabshay waa DIINTA ISLAAMKA. Aqristoow waxaa dhacday in ninkii misna la weydiiyey garanay in xalku ku xiraanshaha Allah uu ku jiro, balse sidee ayey kula tahay in loo hirgelin karo, maadaama uu dalku dagaal sokeeye ku jiro. Ninkii isagu su’aasha sidee loo hirgelin karaa aheyd meeshaba keenay ayaa kalifay in sarkaalkii hadalkiisu nuxur saa u weyn yeelan kari waayo, sababta oo ah waxaa ku adkaatay in uu nidaam la fahmi karo dadka ugu tilmaamo hirgelinta ku dhaqanka shareecada islaamka.

Waxaan intaa oo idil uga gol leeyahay, qoraalo badan oo aan aqriyey, ayaa waxaa igu adkaatay in aan fahmo xalka qoraagu tilmaamayo [hadiiba ay dhacdo in uu tilmaamo, waloow ay aad u yartahay], waxaad badanaaba moodaa in soomalidu u sahlan tahay tilmaamta, balse ay ku adagtahay sharaxaadeeda.

Waxaan arkay in qaabka soomaalidu u wada hadasho, uu isna yahay mid sii fogeynaya wadahadalkooda, xitaa haday isku dan ka hadlayaan. Soomaalidu hadalka iskama sugto, waxaana kuu tusaale ah hab wada sheekeysigeena oo badanaaba ay ka muuqato in aanu isweydaar iyo is gudub-ba aanu u sheekeysano innaga oo halmar wada buuqeyna.

Waxaad badanaaba arkeysaa in xitaa hab qoraalkeenu uu u’egyahay mid loogu tala galay qof ku agtaagan oo uu markaasi muran idinka dhexeeyo. Waxaa badanaaba dhacda sida caadiga ah in qoraalada soomaalidu ay yihiin kuwo aanan wadan talo iyo tusaale wax iftiimin kara, waxaana badanaaba dadka aqrinayaa dhacda in ay u aqriyaan si ay dul duleelo uga helaan, balse ay ka dhacsan yihiin fahamka guud ee uu dhambaalku xambaarsan yahay.

Waxaa sidoo kale jira dad iyagu qoraalka u aqrisanaya wehel ahaan maadaama uu ka hadlayo amaba uu ku qoran yahay luqad ay markaa daneynayaan. Dadkaasi muhiim uma aha waxa uu dhambaalku xambaarsan yahay, waxaa uga muhiimsan in uu qoraalku cabiray oo keli ah waxa ay damacsanaayeen

» Cudurdaar Ha Bixiyo: Qoraaga Soomaali-nimada maxay..." [Musanaf]

» SOOMAALI-NIMADU MAXAY LA QIIMA TAHAY MAANTA? [A.Gulleed]

Hadaba aqristoow hadaad u baahantahay in aad ogaato muhimada wax aqrintu waxa ay tahay, waxaad xooga saartaa in aad fahamto qoraalka aad aqriyeyso sidiisaba waxa uu ka hadlayo, iyo muhiimada uu koobayo, adoon u fiirin in aad la feker tahay qoraha iyo in kale. Mar walbaa waxaad xooga saartaa macnaha kalmadaha uu qoraagu adeegsanayo iyo habka uu u adeegsanayo, adigoon guud ahaan iyo gaar ahaanba u eegin. Waxaa dhacdaa in qoraagu uu generaal-gareeyo dhacdooyinka qaarkood, hase ahaatee hadaad u aqriso generaal ahaan waxaa kaa lumaya fahamka qoraalka, waxaase muhiim ah in aad muhimada ka raacdo, oo aad u fahamto dhacdo koox somaliyeed ka suuroowday, ee ayan aheyn mid koobeysa somaali oo dhan.

Waxaa badanaaba la yiraahdaa aqrinta waxaa ka muhiimsan fahamka, Wax walbaa oo aad fahamtana waxaa ay raad ku yeeshaan noloshaada dhinacyadeeda badan. Waxyaabaha laga dhaxlay nidaam xumida dalkeena ka jirta ayaa waxaa kamid ah ka hor imaansho aanan cilmi ku dhisneyn, tan oo gashay meel kasta oo nolosha kamid ah xitaa dhalinyaradii diinta barashadeeda niyada u heysay oo aad arkeyso iyaga oo culumadii ka weyneyd isku taageysa.

In aad loyality [Dhexdhexaad] ahaato ayaa waxaad ku gaareysaa faham badan oo muhiim ah, sababta oo ah sheikh aad necebtahay qudbadiisu ku anfici meyso, balse hadaadan sheekha isku mashquulin oo aad raacdo nuxurka qudbada uu wado, waxaad ogaaneysaa wanaaga ay diintu ledahay. Hadaad doontana waxaad ka soo dhexsaari kartaa boqol erey oo aad is tusi karto in uu si guracan u yiri.

Hadaba waxaan oran lahaa qoraal hadba waa sida loo qoray iyo sida loo fahmo, hadaanan ilo dhab ah oo lagama gudbaan ihi ayan ku jirin qoraalkaa. Waxaan ka codsanayaa dhammaan dadweynaha soomaaliyeed in ay wanaajiyaan qoraaladooda, ayna xooga saaraan sidii loo fahmi lahaa qoraalkooda muhiimka ah.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in soomaalidu ay aad ugu badatay qoraalka iyo ka doodidda waxyaabaha soo food saara mustaqbalka dantooda,dalkooda iyo weliba diintoodaba. Soomaalidu waxaa ay weligeed wax ka oran jirtay waxa loola yimaado oo arin ah, laguma aqoon in ay daqiiqad gudaheed xaajo ku gooyaan, waxaana marqaati u ah “taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa”.

Walaalkiin

Cabdullahi Gulled Ali
abdullahigulled@hotmail.com
Nabad iyo wadan Insha Allah

WCWW

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003 

» Soomaalidu Federaal Ma Qaadan Kartaa [A.Gulleed]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD