SOOMAALIYEEY TOOS: MADAXDA DALKEENA
Qore: Faysal Cali Ciise |
awfaysal@hotmail.com
Waa qaybtii labaad ee maqaalkii baraaruga, waxaanan jeclahay inaan marakan
madaxda soomaaliyeed gaarsiiyo dhawr tusaale oo ku sugan taariikhda Islaamka
kuwaasoo mudan xusuus iyo in biya dahaba lagu qoro. Amthiladan waxay reebeen
taariikh lama ilaawaan ah waxaanay si toos ah u taabaanayaan nolosha umada oo
idil gaar ahaan intooda hormuudka ah ama hogaamiyayaasha. Inta aanan guda gelin
qoraalka dulucda sheekada waxaa kale oo mudan xusuus in maamulku yahay
mas’uuliyad aad u wayn ee aanay ahayn meel laga macaasho, wuxuu nabigu yiri
sallallaahu calayhi wasalam “Dhamaantiin waxaad tihiin masuulo, waxaana laydin
su’aali doonaa wixii laydin raacshay”. Qofka hadaba isu sharaxay mansabka
maamulka waa qof u bareeray in berri Eebe horti lagu su’aalo wax walba oo ku
saabsan umadiisa.
Duruufta lagu jiro maantay een u baahnayn in laysu tilmaamo ayaa waxay
idinku kalifaysaa hadii aad tihiin madaxda maantay iyo mas’uuliinta barrito
inaad la timaadaan saddex nooc oo sacrifice ah [Sacrifice waa inaad hudho wax
qaali ah adigoo eegaya wax ka qaalisan kana qiima badan] (hurid) oo mid waliba
uu taariikhdeena islaamka ku leeyahay xidid ama jirrid adag. Nooca sacrificeka
hore waxaa inoo jideeyay saxaabigi waynaa ee Khaalid ibn Waliid, kan xigana
saxaabigi isna jaliilka ahaa isla markaana ahaa wiilki nabiga sallallaahu
calayhi wasalam Xasan ibn Cali ibn Taalib, kan saddexaadna waxaa laga dhaxlay
khaliifki waynaa ee Cumar ibn C/Caziiz.
Hadaan ku horeeya mawqifka sayidnaa Khaalid ibn Waliid wuxuu ka turjumayaa
tarbiyadi sharafta lahayd ee uu nabigu sallallaahu calayhi wasalam siiyay
saxaabadiisa taasoo inaga mudan ku dayasho iyo inaan u kuurgalo. Sidaad
maqasheenba sayidnaa Khaalid wuxuu ahaa abaanduule ciidan oo khibrad dheeri ah
u leh arrimaha dagaalka, wuxuuna si dhakhsa ah uga dhex muuqday saxaabadi oo
dhan wuxuuna gaaray heer uu nabigu sallaallaahu calayhi wasalam ku magacaabo
“seeftii ilaahay”, wali taariikhda laguma hayo dagaal uu hogaamiyay oo guul
darro soo hooyay. Wuxuu waligi ahaa seef ka baxsan galkeedi oo u heegan
dagaalka wadada ilaahay. Waxaa aad u fiday tuhun ah in aalaaba ay isku lifaaqan
yihiin gargaarka Eebe, guusha dagaalka iyo hogaanka sayidnaa Khaalid.
Cumar ibn
Khataab oo ahaa kaliifki muslimiinta ayaa go’aan ku gaaray in uu baabi’iyo
tuhunkan si ay dadka ugu cadaato in garg! aarka Eebe uu ka dhar la’yahay
asbaabta aadanaha. Wuxuu go’aansaday Cumar inuu casilo Sayidnaa Khaalid
hayeeshee waxaa ka sokaysay khatar aad u xoog badan waayo waxaa lagu jiray
dagaaladi ugu adkaa taariikhda islaamka ee muslimiintu ay soo mareen, waxaa
dagaalo ba’an lagula jiray boqorradi ugu waa waynaa uguna xoog badnaa dunidi
waagaa, waa boqorradi Roomaanka. Iyadoo dagaal bartanka looga jiro, sayidnaa
Khaalidna yahay amiirka ciidanka oo dhan isla markaana dagaal galinaya ayaa
waxaa Madiina ka yimi ergay uu soo diray sayidnaa Cumar amiiril mu’miniin oo
xambaarsan risaalo ama farriin, dagaalki oo socda ayaa Khaalid loo dhiibay
waraaqdi ka socotay Madiina waxana ku qoran sidan “Anigoo ah Amiirki
mu’miniinta Cumar ibn Khataab waxaan ku amrayaa Khaalidow inaad mas’uuliyada
ciidanka iyo maamulka aagga oo idil ku wareejisid Abuu Cubayda Caamir ibn
jarraax adiguna aad ka mid noqoto ciidanka”. Markii uu dhameeyay akhrinti
waraaqda ayuu khaalid yiri “Wallaahi markaad ii dhiibtayna kuma farxin maantay
ood ig! a wareejisayna kama nixin” Yaa Allaaaaaaaah, markaad eegto xaalada
maantay iyo madaxda dalkeena saw qisadan iyo qisooyinka kalaba uma eka khayaali
iyo waxaan suuroobi karayn. Waxaan u baahannahay rag yaqaan Eebehood oo
maslaxada umadooda ka hormariya tan naftooda iyo reerkoodaba, og in
mas’uuliyadu tahay mansab lagugu aaminay, maalinka qiyaamahana ay noqon doonto
hoog iyo qoomamo sidii uu suubanahu inoo sheegay sallallaahu calayhi wasalam.
----la soco labada tusaale ee xiga-----
Faysal Cali Ciise
awfaysal@hotmail.com
QORAALADII HORE EE FAYSAL CALI
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|