SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Been Abuurka Boorama ee Qoraalkii Diridhaba

(Wariyahay meel fog jooga ee meel for war u doontay ee waxaan la hubin weel ka buuxsaday)

ABDIRASHIID DAHIR AYE
PAKISTAN , KARACHI
aye93@hotmail.com


Magalada Borama ayaa waxaa laga soo sheegay warar been abuur ah oo sal iyo raad toona lahayan ,markii laga soo sheegay in magalada aroosyadii loo badalay galinka hore amaba lagu qabto meel aan ahayan magalada Borama sida Hargaysa iyo Gabilay iyada oo loo aanaynayo dhalinyaro aroosyada habeenkii la qabto dhagaxaysa ama boobta.

Wararkaasi oo aan soo xaqiijiyay mar aan la xidhiidhay duqa magalada Borama c/raxman sh. cumar iyo xubno ka tirsana golaha deeganka gobolka Awdal wax ay ii cadeeyeen in warakaasi ayasan waxaba ka jirin ee ay tahay dacayada lagu dacayadynayo dhalinta reer borama , wax ay ii sheegeen in magalada aanay ka jirin wax amaan xuma ah oo ay ku kacaan dhalanta reer Borama ee wakhtigan la taaganyahay ay ku mashquulan yihiiin waxbarashada iyo siday heer u gadhi lahayeeeen , waxaa kuu cadaynaya imtaxanadkii lagu qabtay jamhuuriyada somaliland ee sananka ka dhacay ee dugsiyada sare /dhex ay ka soo hooyeen guul iyaga oo ka  galay kaalinta koowaad aradayda reer Boorama taasi waxaa kuu dheer dhalintii ka qalin jabisay jamacada camuud ee jamahuuriyada somaliland ugu horeey heerka ay ka gaadheen taasoo gudoomiyuhu hanbalyo uu soo jeediayay dhalinyarada ku dhaqan gobolka awdal sida ay u dadaalayaan.

Waxaan nasiib daro ah in dhalinta sidaa u dadaalaysa warar been abuur ah laga soo sheego ,taaso uu soo galayay wariyaha u fadhiya wargayska haatuf gobalaka awadal isaga oo mar horena gobalka war been abuur ah ka sheegay oo aan saliyo raatoona lahay.

Gudoomiyaha gobalka awdal iyo golaha deeganka borama kulankoodii igu danbeeyaay ee ay kaga hadlaan dhalinta reer awdal ayaa waxa ku soo sheegeen in ninka lagu arko wax ashanxuma ah ama wax amaan daro samaynaya lala beegsan doono xabsiga ayada oo aysan ka jirin wax amaan daro ah magalada borama xiligana la taganyahay oo dhalintu ku mashquulantahay qalin iyo buuga halka dhalinta gobalada kale ku mashquulan yihii majinta jaada ka ah , waxaan ku soo koobayaa , in wariyha haatuf u fadhiya borama in aad soo qortid warar la hubo oo aadan waxaan la hubin u haama buuxsanin ........

Mida kale waxaan uga digayaa wariyahan meesha dheer jooga ee meel fog war aan la hubin weel ka buuxsanaya wax hubso ha u haamo buuxsane war aan la hunin....

HEESE WANAAG GEELA ,MA WAXBAAD KU LEEDAHAYE

WAXAA SOO DIYAARIYAYA :ABDIRASHIID DAHIR AYE
PAKISTAN , KARACHI
aye93@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD