SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JAWAAB: MAXAAD KU GARANKARTAA DOQONKA?


Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com


Somalida waxaa lagu tilmaami jiray bulsho aan xagga qoraalka iyo akhrinta toona ku fiicnayn oo hadal wax isku gaarsiisa.(oral society), malaha middaas ayaana sababtay in 5.30 PM ay dadku idaacadda BBC-d u wada dhegtaagaan.
Qoraal la,aantii muddada dheer af Soomaaligu ku sugnaa iyo intooda badan oo aan afafka shisheeye ku hadli karin ama qori jirin ayaan filayaa inay u sabab ahayd wax qoris la'aanta Soomaalida. Intii qoraalka af soomaaliga ka dambaysay dadka badankoodu maanay helin fursaddii iyo agabkii ay ku soo bandhigi lahaayeen qoraaladooda iyo fikraddooda.
Hadaba soo ifbixii internet-ka ayaad moodaa inuu Soomaalida kacaan xgga qorista ku dhaliyay oo ayba xarkihii goosteen.

Hadaba waxaa ayaan darro ah in akhyaar badan oo qoraaladooda lagu faafiyo shabakadda internet-ka aanay u aabbo yeelin qoraalkooda oo uusan ahayn mid macno weyn ku fadhiya una qalmin in waqti la isaga lumiyo akhrintiisa.

Ujeedada qoraalkaygu ma aha inaan ka hadlo Soomalida iyo qoraaladooda ee bal aan abaaro bartilmaameedkayga.
Waxaan aad ula yaabay qoraal lagu daabacay boggan oo hal ku dhiggiisu ahaa
doqonka maxaa lagu gartaa oo uu qorqay ninka lagu magaabay Musanaf.
Marka hore qoraalkaasi ma ahayn mid si cilmi ah uga tarjumacaya mawduuca uu qaatay , waxaana muuqata in ay waxyaabo badani iskaga khaldanyihiin oo uu kala saari la'yahay qoraagu.
Qoraagan oo maqaalkiisa ku sheegay inuu yahay daraasad uu soo bandhigayo ma aha mid si cilmi ah ama xog baaritaan ku salaysan wax uga iftiiminaya waxa uu qoraagu ku tilmaamay doqonimada

Hadaba inkastoonan ahayn dhaqtar dabeecadaha bai'aadanka , hab dhaqankooda iyo heerka garaadkooda wax ka bartay hadana qof kastoo wax garad ahi waxa uu dareemi karayaa in qoraalka ninkaasi uu gef weyn ku yahay abuurista Eebbe afeefta iyo cudur daarka uu arintaas ka bixiyayna ma aha kuwo wax ka jiraan. Fiiri sida uu hadalka u dhigay afeefta uu arintan ka bixiyay waxaanu qoray sidan:- Calaamadahan lama aran karo qofka tilmaamayaa wuxuu fara gelinayaa abuurista Alleh laba sababood awgood tan koowaad qoraalkani kaliya waa ka waramid tilmaahan sida loo arkay tan kale anigu kuma doodayo qof walba oo lagu helo inuu doqon yahay laakiin waa sida ay u badanyihiin.
Afeetaas waxa uu bixiyay qoraagu markii uu soo bandhigayay waxa uu ugu yeeray astaamaha doqonimada, qofkii astaamahaas akhriyay wuu dareemi karaa in arintu tahay jeejees iyo fara gelin abuurista Eebbe ama ka waramid keliya .

Qoraaga laftiisa oo digniino iyo su'aalo u soo jeedinaya akhristaha ayaad moodaa in aanu fahansanayn waxa uu ka hadlayo ee uu ku tilmaamay doqonimada.
Waxa uu aad uga sheekeeyay dadka xagga jirka iyo maskaxda naafada ka ah taasoo ah wax aanay dadkaasi masuul ka ahayn ee ku timid abuurista Alleh.
Hadaba dadkaas dhimanaantooda maskaxeed iyo jireed( mental and physical disability) ayaa ay keentaa cuduro ku dhaca ilmaha inta uu uurka ku jiro ama dhalashada kadib taasoo sababta in koritaanka jirka ama maskaxda ama labadooda oo is biirsaday ay gaabis noqdaan marka la barbar dhigo cunugga caafimaadka ku dhasha.
Dadkaasi naafada ah(Handikap) ee uu qoraagu ku tilmaamay doqonada ayaa ah kuwo maanta ay bulshada horumartay dadaal dheeraad ah ugu jiraan daryeelkooda halka qoraagu inagu waaniyay in aynu ka dheeraano oo aynaan waxba ku darsan!

Dadkaas naafad ah waxaa loo sameeyay dugsiyo u gaar ah iyagoo xataa jaamacadaha ka soo qalin jabiya qaarkoodna waa saynisyahano caan ah oo wax ka dhiga jaamacadaha oo aad loo qadariyo.
Anigu fikrad ahaan waxaan qabaa marka doqonimada laga hadlayo in aanay dakaas naafada ahi ee madaxu yaryahay ama weyn yahay ama sida dheeli tirla'aanta ah u socda ee qoraagu tilmaamay in aanay marka horeba meesha soo galayn maadama ay yihiin dad aan dhammayn Ilaahayna sidaas u gartay (disadvantage people).

Doqonimada waxaan ku tilmaami karaa qof uu ilaahay dhammaystiray xag jireed iyo maskaxeed hase yeeshee aan caqligiisa iyo awooddiisa jireed u adeegsan sidii haboonayd ee Ilaah faray ama bulshada uu ku dhex noolyahay raaliga kaga tahay.
Tusaale ahaan waxaan in badan maqalnaa qof lagu leeyahay waar waxan aad samaynaysaa waa doqoniimo e iska dhaaf.
Akhristow waxaan ku xasuusinayaa inay jiraan dad badan oo bulshada ay ku dhex noolyihiin ku tilmaamaan doqonno mana aha dadkaasi kuwo qalqalooca oo madax weyn, iskuna malaasan oo garbaha timo ku leh sida qoraagu tilmaamay ee waa shakhsiyaad caadi ah oo aan xag jir iyo maskax midna wax ka qabin, waxaana jirta wasiiraddii dawladda ama dagaal oogayaasha hadda wadanka ka taliya qaarkood in lagu tilmaamo doqoniimo malaha hab dhaqankooda darteed in kastoonan rabin inaan magaabo.

Qofku haddii aanu sharaftiisa, ta qoyskiisa ama ubadkiisa dhawrin maxay tahay doqonimada u dhiman?
Qofka Eebbe garasho siiyay aanse gudanin waajibaadka uu saaray isagoo og aakhiro halka uu ku danbaynayo maxay tahay doqonimada u dhiman?
Anigu ma qabo inay jirto doqoniimo ka weyn haddii garashada uu Eebbe kugu manaystay aanay kuu kala soocayn xumaanta iyo wanaaga oo aad sida duqsiga hadba meel dalaq iska tiraahdo.

Waxaa kaloo uu qoraagu soo qaatay dad shakisan oo had jeer in iyaga wax laga sheegayo moodaya taasina ma ah doqonimo ee waa xanuun xagga maskadda( paranoia) oo la daweyn karo.

Ugu dambaysii waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa in qofku marka uu wax qorayo uu aqoon u leeyahay waxa uu ka hadlayo haddii aanu aqoonteeda lahayna isku dayo inuu baaritaan sameeyo oo uu soo ururiyo macluumaadkii hore looga qoray mawduucaas haddii kale arinta waa ku galgalanayaa qoraalkiisuna wuxuu noqonayaa ku tiri ku teen iyo sheeko baray.

WA BILLAHI TAWFIIQ
Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2003 

» GUULDARRADA DKMG AH IYO DOORKII C/QAASIM [Khaliil]
 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD