SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Kulankii Riyaale,Siilaanyo iyo Waraabe Maxaa Ka Soo Baxay?!

Qore:

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Kulan sadex geesood ah oo ay yeesheen hogaamiyayaasha sadexda xisbi ee ka hawlgala Maamul Goboleedka Soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay qodobo badan isla soo qaadeen iskuna afgarteen badankoodii.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen madaxweynaha Maamul Gobeleedka Somaaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Udub Daahir Riyaale Kaahin, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo,iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa layskula soo qaaday qodobo ay ka mid yihiin sidii laga yeeli lahaa Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn , iyo in hore loo soo dhigo doorashooyinka golaha wakiilada.

Ilo xog-ogaal ah oo iyagu ka gaabsaday in ay magacyadooda sheegaan, ayaa waxa ay u sheegeen Redyow Laascaanood in uu kulankan sadex geesoodka ahi todobaadkan gudihiisa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulka iskii isu magacaabey ee magaalada Hargeysa.

Waxay intaasi ku dareen in kulankan laga ga hadlay afar qodob oo kala ah:-

  1. in la sameeyo guddi qaran oo ka kooban golaha Guurtida ,wakiilada, xukuumada iyo xubno ka socda labada xisbi ee mucaaradka ah oo iyagu go’aan kama danbays ah ka soo gaadha sidii laga yeeli lahaa ,Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
  2. in hore loo soo dhigo doorashooyinka golaha wakiilada oo laga dhigo xilliga laqaban doono bish lixaad ee sanadka 2004ta.
  3. in uu maamulka Soomaaliland isku magacaabey uu xisbiyada mucaaradka ah gacan ka siiyo dhinaca dhaqaalaha.

Waxa kale oo kulankan layskula soo qaaday in la martiqaadyo oday dhaqameedyada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ,hasa yeeshee waxa arintaasi loodaayey in ay go’aan ka gaadhaan guddida qaranka lagu magacaabey.

Xubnahan iyagu diiday in magacooda la sheego waxay hadalkoodii ku soo gaba-gabeeyeen in maamulka isku magacaabey Somaliland iyo xisbiyada mucaaradku ay isku afgarteen sidii loogu hawlgeli lahaa fulinta qodobadan kor ku xusan.

Maamulka Riyaale Kaahin ayaa waxaa baryahanba dhaleecayn aad ukululi kaga imanaysay xisbiyada mucaaradka ah, oo iyagu ku eedaynayey in xuduudii Maamulka Soomaaliland lamagac baxay in uu ku ekeeyey Caynaba.

waxaa soo diyaariyey
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  
Laascaanood, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | July 19, 2003
Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD