| Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen, 
    Tabliiqiina Xabsi, Tif-tif Amxaarana madaxweynanimo bay usoo taageen! 
 
 
    
    
     Cabdulwaaxid Khaliif 
 
 
    
      cabdulwaxid@hotmail.com    Asalaamu calaykum.   Akhristayaal waxaa mar soo 
    foodsaaray raashin iyo sonkor la’aan degmo ka mid ah gobolka Mudug 1980 
    iyadoo loo aanaynayo dagaalkii udhaxeeyey Itoobiya iyo xulufadeeda, SSDF iyo 
    taliskii Maxamed Siyaad. Mar kasta oo Injiyada la keeno sonkor iyo wixii la 
    mid ah ayaa waxaa habaynimo rarta oo iibsada dadka ushaqeeya injiyada iyo 
    saraakiisha degmadaas joogta. Markasta oo dadweynuhu waayaan sonkortii ayey 
    haweenku af labadii yeeraan iyagoo xattaa u dacwoonaya dadkii meesha mariyey. 
    Waxay ka soo saareen hal-ku- dhigyo ay ka mid ahaayeen: 
      
      Jawaan xalay tagay oo tub 
      dheer maray kiish u sidatooy
      Marykay waydana war-wareegtooy
      War aan loo dirin 
      wal-walaaqdooy
      Iilka kii dhigay u 
      dacwootooy. Ma garanayo in degmadaasi 
    hadaladaas iyagu lahaayeen iyo inay kasoo bowsadeen dad kale oo Soomaaliya 
    jooga. Akhristayaal waxaa i danqiyey oo aan aad uga naxay dhibtii laga 
    sheegay in doomo/doonyo dad ka qaaday gobolka Bari ay dadkii qaar ka mid ah 
    badda ku daadsheen. Waxaa kaloo murugo i gashay, indhahana ilmo ku soo 
    joojiyey mar uu aabbe, Kuuloow Cabi Abokor oo dhalay nin badda lagu tuuray 
    uu codsi u diray madaxda Puntland si ay arrintaas wax uga qabtaan. Sidaan ognahay dadka la 
    dulmiyey waxaa ka suurtoowda inay af labadi yeeraan mararka qaarkoodna meelo 
    aan munaasib ahayn xal ka raadshaan. Ilaahay aabbahaas Soomaaliyeed samir ha 
    siiyo, wiilkiisii xaq-darrada lagu dilayna ha geeyo Fardoowsa. Waa kuma 
    hogaamiyaha Puntland ee uu u cabanayaa? Yaa haysta qaybta Booliiska ee 
    gobolka Bari? Waa kuwama kuwa doomaha leh ama ganacsatada qaarkood? Hogaamiyaha Puntland waa 
    ninkii inta dad tahriib ah Gaalkacyo ku xir-xiray oo timihii ka xiiray ay 
    isaga iyo dad mutaclimiin isku sheegaya oo gobolka ka yimidi u 
    duubeen 
    cajalado video ah teleefishino uu Talyaanigu leeyahay. Wuxuu dukaamada 
    Gaalkacyo ku sheegay goobo ay argagixiso lacag siiso. Xijaabkii haweenkana 
    wuxuu ku sheegay inaysan diin ahayn ee inta tusay hablihii hobolada waaberi 
    yiri waa kuwaas waxaan dhaqan u leenahay. Anigu isaga lama yaabbani ee 
    waxaan layaabay miyuusan meesha joogin (Gaalkacyo) qof waxgarad ahi? Waxaa 
    intaas ka daran inuu waydiistay in Maraykanku B-52 iyo Stealth ku garaaco 
    goobo ka mid ah “Puntland”. Been-abuur lagu sameeyey dad musaafur ah oo 
    marti ku ah degaanka ka warrama? Yeey tahay qabiilka kale ee Soomaaliyeed oo 
    saas yeelay? Way jirtaa in Hargeysa waagii Ina Cigaal noolaa dad muslimiin 
    ah Amxaaro loo geeyey. Xamarna saasoo kale way ka dhacday dad loo afduubay 
    Amxaaro iyo Yuhuud laakiin musaafir caadi ah oo cidna dabo joogin wax sidaas 
    yeelay Gaalkacyo ayaa ka jirta. Waxaa taas ka sii daran 
    waxaa dhowr jeer Gaalkacyo lagu xir-xiray dad tabliiq ah oo u socday inay 
    diin faafiyaan. Waa kuwama tabliiqu? Adduunka ma jirto meel tabliiqa far la 
    saaro xattaa Israel iyo USA maxaa yeelay way yaqaanaan inay yihiin dad 
    badankoodu aan diinta Islaamka si fiican u aqoon. Waxay ogyihiin in aysan 
    diinta Islaamka wax badan u qaban karin bal ay dhici karto inay wax udhimaan 
    aqoon darradooda darteed iyo iyagoo dayacay waqti ay wax ku baran kareen ama 
    xaasaskoodii iyo carruurtoodii meel cidlo ah uga soo dhaqaaqay. Waa 
    sababtaas waxa keentay in tabliiqa lagu arko safaariga Afrika ee duur-joogtu 
    ku badantahay ama Brazil ama Aqalka Cad hortiisa iyadoon cidina saas u 
    fiirin. Dadka badda lagu tuuro iyo 
    dhimashada caykaas ah waxay ka mid tahay dhimashada ugu qaabka daran ee qof 
    ku dhacda. Waxaan ognahay in uu Islaamku dadka muslimiinta ah ee noocaas 
    udhinta u sheegay in ay helidoonaan naxariis gaara. Waxaa ka mid ah 
    geeridaas laga ducaysto dabka, guriga oo kugu duma, qofka oo biyo ku 
    harqisma/maanshooda, IWM. Xabbadda iyo seeftu waa arrin iska caadi ah oo 
    dadku ku faanaan Islaamka ka hor iyo ka dibba. Islaamka ka hor ceeb bay ku 
    ahayd in qofka hogaamiyaha ahi uu sariir iskaga dhinto khaasatan Carabaha oo 
    jeclaa in isagoo sharafta qabiilkiisa ilaalinaya uu dagaal ku dhinto. Tan 
    kale oo ah in qofka muslimku shahiid ku dhinto iyadu iswaydiin ma leh 
    laakiin Nabigu (SCW) wuxuu baray in muslimiintu Ilaah ka magangalaan 
    dhimashada teeda xun ee ay biyo-liqudu ka mid tahay. Marka maxaad ka 
    filaysaa qofkii qof muslim ah ku tuura bad oo uu halkaas ku dhinto? Sidoo 
    kale ka warran kuwa xukuma dadka degaankaas degen oo canshuurta ka qaata oo 
    aan wax ka qaban arrimahaas? Waxaa jirta hay’ad ay u 
    bixiyeen PIS oo aan anigu u soo gaabiyo “Puntland/Public intimidation 
    services oo ah hay’adda cabsigelinta dadweynaha. Iyagu waxay dhahaan 
    “Puntland intelligence Services” oo ay ku sheegaan hay’adda sir-doonka ee 
    Puntland! May dhahaan hay’adda baadidoonka tabliiqa/Pakistaaniyiinta. Waa 
    hay’adda rabta in tabliiq Talaviv ama Texes wareega oo aan cidna saas 
    ufiirin ay xirideed ammaan uga helaan Maraykan. Waxaa nasiib darro ah in 
    markasta oo ay dhowr beri haystaanba la sii daayo. Yaa yiraahda sii daaya? 
    Hay’addan waxay ku soo caan-baxday oo xariga looga jaray xiridii nimankii 
    Carabta ahaa ee Boosaaso laga dhoofshay laakiin waa la soo ceshay oo waxaa 
    la yiri ka fiirsada waxaad la soo shirtagteen. Nimanka madaxda u ah 
    waligoodba may arag meel ciidan sirdoon ama booliis ka shaqeeyo. Maalmo ka 
    hor waataas Boosaaso lagu xir-xiray tabliiq. Dowlado shisheeye ayaa yiraahda 
    wixii musliim ah oo aad aragtaan noo xira. Waxay ku sifoobeen gabaygii Cali 
    Dhuux kulahaa: Ceebta ugu darini waa 
    markay dad xirxiraan oo adduunku maqlo in la yiraahdo iska sii daaya kuwaasi 
    waa tabliiqe. Maxay ka dheefayaan ficilka caynkaas ah? C/hi baa madaxweyne 
    ku helaya! 
      
        |  C/Laahi Yuusuf Axmed
 |  Nin hooyadi qorrax u jiiday 
    aayadiis hoos ma hariyaa? Ma filayo in dadka doomahaas leh uu wax ka qaban 
    karo. Maahan markii ugu horaysay ee la maqlo in dad masaakiin ah badda lagu 
    daadiyo. Waxaa la sheegaa mararka qaarkood in ay bagaashka iyo alaabta 
    haystaan oo ay dadka daadiyaan marka ay doomuhu dhib lasoo kulmaan. 
    Kornaylku dadkaan waa dadkiisii. Waa doomaha lacagaha been-abuurka ah usoo 
    gasha Bari. Akhri wararka sheegaya in lacago been-abuur ah hadda Boosaaso la 
    soo gashay. Lacagaha been-abuurka ah waxaa xalaaleeya qabashada booliska 
    C/hi! Waxaad maqlaysaa bankiga ayaa lagu xareeyey! Bankigu ma xero booliis 
    baa? Yacnii dadkaas masaakiinta ah baa lagu ciyaarayaa. Waa dadka u dhoofsha 
    daroogada iyo waxyaalaha sharci darrada ah ee aan dadka kale loo ogolayn. 
    Ninka u qaabilsan Booliiskuna waa mid isaga usii adeega. Ma umalaynaysaan in diin 
    iyo dadkeed nacaybkeed cidlo dhacayso oo uu C/hi madaxweyne ku helayo? Ma 
    filayo anigu laakiin waxaan u baqsanahay dadkeyga iyagoo waxaas arka aan wax 
    ka dhihi karin. Waxaad la yaabaysaa waxaad bilo ka hor uga digtay baad arkin 
    iyagoo ka qaylinaya. Waxaa jirtay in aan maqaalo badan uga hadlay xeradii 
    daraawiishta ee la rabay in la gato. Waxaan dadka u sheegay in aan deked iyo 
    jid midna loogu dhisayne hurdada ka kacaan. Haddaad maqlaysaa nin guddiga ku 
    jiray baa yiri lacagtii meel khaldan bay aaday! Media-yihii kornaylka u 
    shaqaynayeyna waxaad maqlaysaa iyagoo haddeer kooyey/yimid. Ma qaybtoodii 
    bay heliwaayeen? Waxaa la sheegaa in xabsiga la dhigay laakiin nasiib bay 
    lahaayeen haddaan loo xiirin oo aan la oran waxay xulufo la yihiin Al-Qaacida. 
    Ilaahay haku mahadiyeen inaysan musaafir ahayn. Diin nacaybka 
    hogaamiyayaasha reer Puntland qabaan waa C/hi iyo
    Moorgane waxay usoo jiiday 1. Diin nacayb dartiis 
      dadkaasi waxaa dusha ka fuulay dad dulli ah oo damiino ah. 2. In ay isku dhaceen dad 
      ehel ah oo colaada ka aloosan Kismaayo uu Moorgan mas’uul ka ahaa oo isku 
      diray qabiilooyinkii halkaas degenaa. 3. In ay khiyaamadii 
      Moorgan kusoo noqotay. Kaddib markay nin habaar qaba madax ka dhigteen uu 
      qolo kale qab-qablayaasheed Ilaah Kismaayo u sahlay. Qolyahaas cusub oo 
      waddanka argagixiso ku sheegaya lama arag. Waxaan taleefishanka BBC-da ama 
      kuwa kale ka fiirsaday Caato oo leh Xamar wax argagixiso ah ma joogaan waa 
      markii Kornaylku lahaa Puntland bay joogaan. 4. In ay lumiyeen 
      saaxibadii Bay iyo Bakool markay lakala safteen RRA. 5. In ay lumiyeen 
      saaxiibadoodii Xamar markii C/hi diin nacayb iyo Amxaaro keenid uu 
      sheegtay. 6. In uu ku diray 
      dadweynaha “Somaliland”. 7. Labadaas nin oo inay 
      colaad dadka u soo jiidaan maahee aan waligood khayr looga baran. Hadday 
      meesha sii joogaan waxaa la arkaa in Waqooyina ay Laascaano helaan, reer 
      Koonfurka kalana Gaalkacyo. Waana abaal-marinta dadka diin dagaal usoo 
      istaaga. Dadka “Puntland” hadday 
    rabaan inay khaladkoodii hore saxaan waa inay iska dheereeyaan C/hi iyo 
    Moorgan oo aysan hor keenin meel Soomaali wax ku qaybsanayso. Kama wado 
    qab-qablayaashe kale waa fiicanyihiin laakiin ceeb ma ahan inuu qofku la 
    tasho dadkiisa. Arrintaan waa talo maxaa yeelay ma jiro qof muslim ah oo 
    muslimiin kale dhib la jecel iskaa daa dadkiisee. Waxaa la leeyahay waxaa wax 
    lagu qaybsanayaa 4.5. Yaa C/hi iyo Moorgan dooranaya? Ka soo qaad 1 saami oo 
    uu qabiilkoodu leeyahay yaa ka dooranaya? Ma Tigree iska dhigaysa ergooyinka 
    qabiilada kale ayaa meesha joogta? Waa arrintii hashu maankayga gaddee ma 
    masaar bay liqday. In akhlaaqda iyo 
    muslinimadu shaqayso waxaad ku garanaysaa wataas la qaabbilay Al-Xaaji 
    Maxamed Yaasiin-ka u tartamaya jagada madaxweynanimada oo ay qaabileen 
    isimadii shirka joogay oo dhan iyo waliba aqoonyahannadii qabiil kasta oo ay 
    yihiin. C/hi iyo Moorgan mala shiri karaan isimmada iyo aqoonyahannada dhan? 
    Waxaan shakki ku jirin inaysan la shiri karin. Marka reer “Puntland” 
    waxaan idiin ka baqayey waad is-haysaan. Waxaad diirada saarteen la 
    dagaalanka diinta Ilaah ilaa aad gaarteen in tabliiqii idin ka baxsanwaayo 
    halka Soomaalida kale ay ku jirtay ganacsi, dhul-beerood qabsasho, degaan 
    aysan lahayn degid, IWM. Kama wado dhac baa diintu ogashahay laakiin intii 
    Diinta Ilaah lala dagaali lahaa waxaa ka dhibyar dhaca iyo boobka oo ay 
    Soomaalidu aad u taqaan. Shariftii bay C/hi iyo Moorgan naga qaadeen markii 
    ay nagu lammaaniyeen Amxaaro. Yaa arkay annagoo Amxaaro ammaana. Miyuusan 
    Khaliif Shiikh Maxamuud ahayn ninkii Amxaarada oo uu marti uyahay iska 
    dheereeyey markii la yiri calalada/maryaha ayaad u dhaqdaa oo uusan oran. 
      
      Ma martiyo Amxaarada 
      waqiis Habar Majeerteene
      Hadday niman dagaal kala 
      mutaan kama macaashaane
      Maashaa Allaahuye kufrigu 
      maaro naga waaye
      Inaan gaalka (Xabashida) 
      madiidin u ahayn meelna uwada joogin
      Ee aan ka maago siduu 
      bahalku (Maxamed Siyaad) kuu maalo
      Mashaa’iikhda Eebiyo 
      Allaa ii markhaatiyahe. Inkastoo Khaliif Sh. 
    Khaliif iyo SSDF ay marti Xabashida u ahaayeen laakiin wuu iska dheereeyey 
    in uu Xabashi ammaano wuxuuna ku sheegay kufri iyo gaalo. Hadda waxaan arkay 
    dad aan diin ku ogaa oo kornaylka ku raacay fikradii ahayd Xabashidu kuwii 
    hore maahan! Waxa igu khasbay talooyinka iyo baraarujinta dadkeyga taas ayey 
    ahayd. Waxaa waagu igu beryey markaan arkay maqaalkii Shaydaanku ma 
    qubaystaa. Wuxuu qoraagu xusay in wixii C/hi kasoo horjeeda ay xabashida 
    necebyihiin. Dadka fikradaas qaba waxay la midyihiin ninkii indhaha la’aa ee 
    uu Ilaah mar araga usoo ceshay oo arkay diiq oo isla markiiba indho belay. 
    Mar kasta oo wax la waydiiyo maroodiba ha ahaadee wuxuu dhahaa intee diiq ka 
    le’eg yahay. Marka waxay caqlisadeen C/hi oo la leeyahay sidii Jeneraalkii 
    Ruushka ahaa ee Afganistan qabtay 1980 ayaa Soomaaliya qabanaya! Haddaad 
    beentay mooddeen arag mid C/Risaaq Xaaji Xuseena ku sheegaya khaa’in iyo nin 
    Soomaaliya burbiriyey, C/hina u qaba halyeey. Run ahaantii labada nin waa ii 
    simanyihiin laakiin C/Risaaq waa cir, C/hina waa carro. Marka cir iyo ciid 
    intee isku jiraan? Wuxuu u qabaa in hadda ay ugu dhowdahay madaxweynanimo 
    markuu maqlay isagoo leh ciidamo shisheeye ayaan dalka keenin. dadkaan waa 
    naceebeeyeen oo caqli-xumo aan bulshooyinkaas lagu aqoon bay na badeen.
     Talo ku socota dadka 
    “Puntland” laga soo xuli doono si ay u galaan baarlamaanka oo ay 
    madaxweynaha u doortaan. Waan ogahay inaydaan lahayn 
    aad ku diiddaan in C/hi xulo xubnahaas haddii xusulkiisu xabaal ka 
    sarreeyana isagaa xulaya marka horta wuu idin dhaarin doonaa ee haka 
    yeelinina. Ilayn isagaa kitaabadii Towxiidka Gaalkacyo ka aruursaday, isagaa 
    xijaabkii dumarka diiday marka inuu Ilaah idin ku dhaarsho dow uma laha. 
    Teeda kale waxaad samaysateen diin kale waa dastuurkee marka iyadana haddaad 
    ku dhaarataan waa shirki kale. Marka xubnuhuu doorto marka 
    ay codkooda siinayaan madaxweynihii la dooranayo waxaa u fiican inaysan C/hi 
    dooran arrimahan dartood: 1. C/hi cidna 
      madaxweynanimo udooranmayso oo 1- Saami oo qabiilkiisa ka dhaxeeya xattaa 
      kala-bar kama heli karo. 2. Meesha waxaa jooga dad 
      goob-joog ah waxaa yaal kaamarooyin taleefishinno oo maahan meel lagu 
      qarsoomayo marka qofkii is dhihi lahaa cid kuma aragtoow mar kale fekker. 3. Waxaa la idiin bixin 
      doonaa magac ah kuwii C/hi codka siiyey mana filiyo inuu madaxweyne 
      noqonayo marka faa’iido ayaa noogu jirta oo meel dambe oo arrinta 
      “Puntland” ama mid Soomaaliyeed loogu fadhiyo kama hadli doontaan marka la 
      arko karti iyo caqli darradiina. 4. Marka nin walboow 
      turubkaaga la ciyaar inta lagu dooranayo markii lagu doortana haddaad 
      tahay qof bini Aadam ah adaanba isaga dooranayan. Gabagabo: 
    “talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola”. Haddii Ilaah idmo oo aan gaarno 
    waqtigaas waxa soo bixi doona qofkii riyoonaya oo saar qaba. Marka reer 
    Puntland-noow waxaa meel noo yaal ballan. 
 
 
    
    WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com  AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
 saxiixan  Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31,
 2003  QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID 
 
    Wada-shaqayntu
    Waa Furaha Guusha.. GUJI 
 |