SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
13 SANO KADIB KOW KASOO BILAAW !!! 

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

 

Aug 13, 2002

 

Dalwadii Kumeel gaarka ahayd oo waqtigeedu dhammaaday ayadoo aan qaban wixii Loo dhisay oo hadda u durbaan tumeysa isnacaybka shacabka Soomaaliyeed

markii dhahar la waayaba

madhiqlaa badali jira

ma dhurwaa i haystaan ku badali dhurwaa kale?.

I  I  D  H  E  H

KAAH

Waxaa maalmahan la dhowraayaa in uu soo gabagaboobo sagaal bilood kadib shirkii lagaga arinsanaaya sidii dib xabaalaha looga soo saari lahaa qaranimadii iyo noloshii ummadda soomaaliyeed ee la xabaal nololiyay ee ka socday dalka Kenya.

Waxaa maanta gaba-gaboobay(dhamaaday) magacii lagu soo gaabinjiray DKMG, iyadoo aan afartaas xaraf dib loo qori doonin malaha maadaamo sadex sano oo loo qabtay ay AUGOST 12-2003 ku dhamaatay.

Taliska dekaamay nabadana diiday kaderyoo dibidhal noqoyeey.

Dawladii ku meelgaarka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada carta ee dalka jamhuuriyada Djabouti,ayaa waxaa ka mid ahaa Dardaaranka ay qabtay:

Waa marka Koobaade in aysan ahayn Dawlad Rasmi ah Balse ay tahay xukuumad kumeel gaar ah,marka xiga in ay sugto nabad galyada,marka kale in ay Soo diyaariso Dastuur Federaali ah.iyo in ay marka ay dhamaystirto hawlihii loo soo xilsaaray si toosa iyadoo aan shuruudi daba oolin xilka ugu wareejiso dawlada lasoo dhisi doono.

Waxaa maadaama xiligeedii dhamaaday ummadda soomaaliyeed ee si walba qayrkeed uga hadhay ay bilihii ugu danbeeyay is waydiinayeen oo kaliya maka dhalandoontaa shirka dhankaas iyo keenya ka socdaa dawlad Ka midha keenta baahidii ay Dabooli wayday xukuumadii CARTA.

Balse iswaydiintaas waxaa uu gabalkeedii dhacay kadib markiii uu madaxweynihii wadajirka loo soo doortay Mudane cabdiqaasim salaad xasan iyo dhamaan Beelaha soomaaliyeed ee uu ka dhashay si cad isugu raaceen in wax kasta oo ka soo baxa ay gaashaanka ku dhufanayaan,dagaalla ka xigaan.

_Muuse suudi yalaxoow oo shirka si quruxbadan uga muuqan jiray ayaa dhowaan markaliya ku dhawaaqay in shirka lamarin habaabiyay oo beelo kale kabo aysan gashanba karin loo galinaayo kana baxay.

_Xussen caydiid oo isagu horboodijiray geedi socodka shirka ayaan todobaadkii dhawayd soo xaadirin isagoo dhaliil uu caloosha ku qarsaday shirka u soojeediyay.

_hogaamiyayaal kale oo beelaha soomaaliyeed ee cabdiqaasim oo uu ka midyahay cusmaan caato ayaa iyana shirka oo haatan gabagabo ku dhaw intii horena hogaanka si habsamiya ugu soo hayay markaliya sheegay in uu ka diday,

Waxaa intabadan ay arintaasi soo baxday kadib markii uu madaxweyne cabdulqaasim salaad xasan oo shirka qaybihiisii danbe goobjoog ka ahaa uu shaaca ka qaaday in uu shirka ka baxayo islamarkaasnna aanu aqoonsanay jiritaanka shirka iyo go,aamada ka soobaxa midnna,

Mr Cabdiqaasim intaas oo kaliya kumuu ekaanine waxaa uu muujiyay in hadii la isku dayo in dawlad loo dhanyahay inta halkaa lagu soo dhiso layiraa walaaloow xilka wareeji waatii balantu ahayde uu ka bilaabi doono sheekada halkii ay 13 sano ka hor kabilaabatay magaalada muqdisho,isagoo cabdulqaasim sugay in dhamaan hogaamiyayaasha iyo ganacsatada koonfureed isagoo markaas malaha ulajeeday beesha uu ka dhashay ay diyaar ula yihiin inay ku garab siinayaan hadii ay xaaladu dagaal gaarto.

Dadka soomaaliyeed iyo wadamada dibada ee daneeya walaalaynta soomaaliyeed oo aad uga naxay in uu cabdi qaasim diyaar uyahay in uu arinka kasoobilaabo halkii ay 13 sano ka hor joogtay ee ahaa isnacaybka qabaa,ilada soomaaliyeed iyo dhiggii naxariisdarada ahaa ee ku daatay,hadii layiraa xukunka ku wareeji dawlada haatan lasoodhiso,ayaa sheegay,in ay xaqiiqada ka fogtahay sheegashada cabdulqaasim iyo eedaymaha uu soo jeediyay oo ahaa in aanu shirka keenya ka tarjumaynin danaha midnimada soomaaliyeed islamarkaanayahay mid lagu baabi,inaayo diinta islaamka,qodobadii uu carabka ku dhuftayna waxaa kamid ahaa.

-waxaa lagu dhantaalayaa midnimada dalka soomaaliya.

-waxaa lagu baa,bi inayaa ahaanshaha ummadda soomaaliyed tahay ummad islaam ah.

-waxaa lala dagaalamayaa in ummadda soomaaliyeed ku hadasho afka carabiga,

Taasoo uu dabadeed mr cabdi qaasim shirkii keenya ka soo baxay magaalada muqdishana kaga abaabulay olole xoogleh oo uu kaga hor tagayo natiijo kasta oo ka soo baxda.

Falkaas uu odaygu ku kacay oo aad uga nixiyay abaabulayaashii shirka ee beelaha caalamka ayaa waxaa ay dantu ku kaliftay in ay saxaafada aduunka ku shaaciyaan qodobada dastuurka cusub siiba intooda qeexaysa arimaha udaygu kaga shanqadhiyay,

arinka midnimada.

_farqadda 1aad ee distoorka cusub ayaa si cad u qeexaya in midnimada soomaaliyeed tahay laguma xadgudbaan,waxaanu farqada 3aad ee qodobka 2aad u cadaynayaa xuduudihiisa sidan,

A)WOQOOYI-gacanka cadmeed

B)W/GALBEED- jamhuutiyadda jabuuti

C)GALBEED-ethiopia

D)KOONFUR&KOONFURGALBEED-kenya

E)BARI-badweynta hindiya.

Dhanka Diinta ILAAMKA waxaa Qeexaya Qodboka 10aad oo dhigaya in diinta Islaamku tahay tan dawladda,isagoo waliba si cad u qeexaya in sharci dejinta Dalka ay shareecada islaamku saldhig utahay.

Akhriste Distoorka cusub ee uu Odaygu ku sheegay mid carabiga Daadka qaadsiinaaya ayaa dhigaaya in AFKA CARABIGU la dhumucyahay afka SOOMAALIGA,isagoo destuurku u qoraayo sidatan:

_AFKA RASMIGA AH EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA WAA AFKA SOOMAALIGA(maay iyo maxaad tiri) iyo AFKA CARABIGA:

waxaa hadaba is waydiinleh hadii su,aashii la iswaydiinaayay ee ahayd dawlada ka soo baxda shirka keenya wax ma qaban doontaa u egtahay mid haatan meesha ka baxday, Ragga u durbaantumaayo in ay sheekada 13 sano kadib kow ka soo bilaabaan indhaha ay yeelan karto.

Waayo waxaa horay loo soo galay 13 shir oo ay ugu wakhti dheeraayeen,kii jabuuti iyo kan keenya.hadii ay bilaabato meesha ay ku dhamaan iyo cidii dib ugu guulaysan lahayd soonoolayn danbe wixii la oran jiray is aaminaad,laba cali se dib ma u wada hadli doontaa.

Daayimoow allahayoow nin walbaa danbiga uu u durbaan tumanaayo isaga uun dib ugu celi.

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

Aug 14, 2003

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

WARBIXINTII JAAMACADDA BOOSAASO... GUJI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD