SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

  Jawaabtii afkii ilaah?!!!!

SAAHID MAXAMED YUSUF
TORONTO,CANADA
GACAMAY@HOTMAIL.COM

Anigoo ka mid ah qoraayaashii bilaabay in ay bog ku yeeshaan somalitalk uguna soo gudbiyaan bahweynta afka soomaaliga ku hadasha afkaarahooda,ayaan jecleystay
in aan ka qeyb qaado labo maqaal ooy isku hirdiyeen labo ka mid ah qorayaasha:
waa Ibraahim Yuusuf & C/Waaxid Khaliif maqaalkaas oo la magac baxay:
Luqaddii ilaahay oo uu markii hore soo bandhigay Ibraahim.

Haddii aan akhriyey labada maqaal runtii labadaba aad ayaan ugu bogay waxaanna u arkay in ay isku meel u socdaan ooy isna kabayaan,waa haddii aan ku koobnaado oo kaliyah maqaalka koowaad ee maxamed ee aanan u gudbin falsafadiisa qarsoon oo uu mar ku tilmaamay maqaalkiisii ilbaxnimada u arko in uu geel dhaqashada reer baadiyonimo u arko kaas oon maleynaayo in uu maqaal kale ka akhriyey ee uusan maqaalkan ku koobneyn.

(1) Qiimeynta maqaalka afkii ilaahay:

Maqaalka afkii ilaahay runtii ma aanan ka dhex arkin wax loo gefay Diinta Islaamka ama qoraagu in uu u gefay afka carabiga ah sida uu sheegay C/waaxid.
se waxa uu ka hadlay ibraahim oonan runtii aqoon habayaraatee aanan u laheyn, waxay ila tahay kobcinta & barashada afka soomaaliga ah ee qoran,kaas oo xataa waqtigii la qoray 1972 aan dayactir & kobcinba ka helin dawladdii kacaanka oo ku koobtay oo kaliyah wax hal mar soo baxay ama lagu badalay maamulkii xafiisyada & manhajkii dugsiyada hoose-sare oo runtiiu badnaa tarjumaad xarfi ah guddigii af Soomaaliga shaqadii weyneyd ay qabteen kadib wax kale oo dayactir ah ama turxaan bixin ah ma aysan sameynin xataa naxwaha af soomaaliga lama turxaan bixin oo buugaagtii ugu horeysay xataa lama sixin lamana cadeeynin. maraka maqaalka afkii alaah oo qoraagu ka wado afka soomaaliga sida fiican ee uu ku soo gabagabeeyey maqaalkiisa waa run oo waa af Allaah kaliya na baray oo ka mid ah kii uu nabi Aadam Allaah baray ay malaa,iktuna u qirtay.

Maqaalku wuxuu weerarayaa labo qolo oo afkii soomaaliga ku labay waa siduu yiri,e afaf qalaad sida afka carabiga ah & afka ingiriiska, wuxuuse ku darin in ay soo socdaan swedish,finish,belgum,sawaaxili,amxaaro,ruush iwm.
Labada qolo ee uu weeraray waxaa u horeeya wadaadada oo si aan geedna loo gaban uu um dhaleeceeyey sida ay afka soomaaliga ah u yisaan ama ay uga hore mariyaan
afka carabiga ah, waana meesha uu maqaalka c/waaxid xooga saaray ee uu ku dhaleeceeyey maqaalkan oo idil xataa uu ka shakiyey Diinta qoraaga.
Ibraahim waxaan oran lahaa weerarka cad haddii uu yahay cusbadii maqaalka waan garanay se si ka fudud baad wadaadada wax u dariinsiin kartaa idigoon hadalka
ku afkeynin. maxaa ka jira dooda Ibraahim ee wadaadada?

waa runtii oo cilmiga wadadadu wuxuu ku dhisan yahay diinta Islaamka oo ku soo degtay afka carabiga ah,markaas lagama weynaayo ereyo aysan wadaadada haatan tarjumaad soomaali ah aysan u heysan oo ay ku khasabto in ay ereygii inteey carabi ku sheegaan ay soomaali ku sharxaan,waa iin ay leeyihiin wadaadada badankoodu ku koray magaalooyinkii soomaaliya ee af soomaaligu saxa ah uu gabaabsiga ku ahaa ayadoon carbi & ingiriis la gaarin.

Haddaan si kale u iraahdo beyzaaniga xamar & reer magaalka wallalaha hargeysa af soomaaligii saxa ahaa ee nuxurka lahaa midna ma hayo, ereybixinna iskaba daa.
Taas waxaad ku dartaa lahjaadka reer waqooyiga ee shiikh mustafa haaruun oo cajaladihiisa soomaaliya oo idil laga jecel yahay, haddana reer xamarku intaa noo jilci
ayey leeyihiin ilaa uu shiikhu ka yiri :( Dee waan u dhashee maxaan sameeyaa)!!!
Sidoo kale shiikh BoqoLsoom Allaah ha u naxariistee oo koonfurta ku dhashay, ereybixin badan ayey uga baahan yihiin dadka ku dhaqan jigiga & jabuuti & Hargeysaba.
Marka wadaadadu afka soomaaliga ah ha bartaan oo carabiga isku rakibka ah ha yareeyaan ceeb ma ahan si uu soomaaliga caadiga ahi kuu fahmo,ama haddaan
si kale u iraahdo erey Bixinta Diinta ka qaata somalideenii hore( Xerteenii).Runtii haddii aad dhageysato Allaah ha u naxariistee Shiikh maxamed macallin oo afka soomaaliga ku hadla midka galbeedka soomaaliya & Macallinkeygii Shariif C/nuur iyo dhamaan xertii soomaaliya ee kutubta carabiga laqbeyn jirtay eryo badan oo af soomaali ah ayaad ka heleysaan ee eryo bixin raadiya.

midda kale waxaa wadaadada ku haboon in ay daliilsiga maahmaahyada soomaaliga & gabayada soomaaliya badiyaan si ay khudbadoodu u yeelato dhadhan suugaaneed,ka duwan tan haatan uu ka qeylinaayo Ibraahim oo intee badan ku saleysan afka carabiga.

Barashsda afka carabigu waa waajib oo Diinteena ayaa ku dhisan,luqadda labaad ee soomaaliyana waa afka carabiga inta ay erey na amaahisayna waa malaayiin.
Runtii waxaan halkan ammaan uga soo jeedin lahaa Dhamaan dugsiyada Islaamiga ah ee xamar ka furan iyo sida ay ardada u barayaan afka carabiga ah ooy Runtii
ajar weyn ku gurubsanayaan, markey ardey u sahlaan fahamka quraanka oo awal xifdi lee aheyd se haatan uu fahmaayo oo carabigana ku hadlaayo.
Se ayaguna waxay ku dhaliilan yihiin in ayasan ardada u dhigin afka Soomaaliga ah ee qoran xataa maado soomaaliya in aysan dhigin ayagoo u heysta in aan loo baahneyn.
sidoo kale waxaan gef ah in afka carabiga ah ay dhigaan uusan ku saleysneyn barshada dhulka & dhaqanka soomaaliya sidii ay kutubtii carabiga aheyd ee dugsiyada na loogu dhigi jiray ay ku saleysnaayeen sida( jubba culyaa & juba suflaa)!!!
Taas waxaan ka wadaa macallimiinta cusub ee afka carabiga haddii ay noo dhigayaan nahru niil se aysan dhigeynin ( nahu shabeelLe & nahru Jubba)ama ayba u arkaan qorista afka soomaaliga in ay danbi tahay, bal ka warama afka ingiriiskaba waad dhigtaane ?!!!!
ugu danbeeyn waa in maadada afka soomaaliga lagu daraa manaahijta dugsiyada islaamiga ah.

Tan labaad ee maxamed weeraray waa afka ingiriisiga ah oo waayahan dardar cusub la soo baxay markey soomaalidii ku baaheen wadamada reer galbeedka taasna waxaan ka oran lahaa ayaga run beyba ka tahay afkeyga soomaaliga ah wuu iga sii dhumayaa mudadii12sano aheyd
aan joogay waqooyiga mareykanka eryga ingiriisiga ah ayaa mararka qaarkood ii sahlan intaan raadinaayo mid soomaaliyeed,runtii habeen anigoo maqaal af soomaali
ah qoraaya ayaa waxaa ii gooyey ereyga ( shumac)ca ndle ilaa aan xaaskeyga weydiiyey.
mana aha in aan afka soomaaliga ka faanayo ee mararka qaarkood wuu kuu goynaa oo kan ingiriisiga ah ee meel kasta yaal yaal ayaa kuu soo dhawaanaaya.
Waxaa kaloo jirta ( forum)waxgarad soomaaliyeed ah oo haatan ka hor aan ku jiray qaar badan afka soomaaliga maba qori karaan,aniga & kuwo yarbaa adeegsan
jirnay, maxaaba laga faanaa maba la yaqaane( Af qalaad aqoonta miyaa )!!!!
Runtii maqaalka afkii ilaah waxaan anigu u qaatay in uu nagu boorinaayo barashada Afkeenii hooyo oo lagama maarmaan ah ileen halmar carab ma noqon karnee !!!!.

2) Qiimeynta jawaabtii C/waaxid:

Runtii c/waaxid wuxuu xoogga saaray wax kale uu ka ogyahay ibraahim yusuf,taas oo aniga iga maqan,haddaan si kale u iraahdo c/waaxid wuxuu wax ka sheegay arrin qarsoon oo uu maqaalku xanbaarsan yahay oo ah in luqadda afka carabiga ah la weeraraayo ayada oo looga jeedo Diin naceeb,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

(waa nin Islaamka ka aradan amaba aan haysan? Wuxuu u dig iyo ham leeyahay Qur’aanka oo ah Hadalkii Ilaahay. Waxaad mooddaa inuu na leeyahay, Carabigu ma Hadalkii Ilaahay baa?)

waxaan kaloo ka ku jeclaaday jawaabta c/waaxid in maqaalkii maxamed ibraahim uu ka calaameeyey eryo badan oo af carabi ah oo uu calaamad cas saaray,markaan
ereyadaas tiriyey waxay noqdeen abaarihii 157 erey hal maqaal.marka ibraahim waddadada lee u cad ee asagu iskuma jeedo oo horaa loo yiri:
( maroodigu takarta saaran ma arko ee maroodiga kale takarta saaran buu arkaa).
marka c/waaxid wuxuu leeyahay intaadan dad kale faduulin bal horta adigu isa sax, oo af soomali turxaan bixi.
Sida ay labada qoraaba sheegeen, waana meesha ay iskaga imanayaan ee aniguna aan ku sheegay in ay isla socdaan ee ereyada lee kala duwan :
[ Taas waxay tahay in luqaduhu ay ereyo is amaahiyaan oo ereygaas luqadda la amaahiyey uu ka mid noqdo luqada kale sida loo isticmaalaayo,taas waxaan ka wadaa ereyga la amaahiyey asalkiisu waa af carabi se af sooaamli ayuu isku badalay, waxaana ka mid ah 157 erey ee c/waaxid ka calaameeyey maqaalkii afkii ilaah?!!!].
Macallin suudaani ah oo afka carabiga ii dhigi jiray oo la oran jiray DR. xasan noosh ayaa dhihi jiray:

Afka soomaaliga asalkiisu waa af carabi,wuxuu daliilsan jiray ereyo badan oon ka xasuusto:
maxaa jira? waa kalmad carabi ah ( maadaa jaraa?!!!)wuxuu kaloo dhihi jiray Hooyo waa kalimad af carabi ah oo waxaa ku hadla ayuu dhihi jiray qeyb suudaanta
ka mid ah oo hooyada u taqaan (ooyo) !!!!.

Haddaba waxaan qiimeyntii maqaalkii afkii ilaah !!! ku soo gabagabeynayaa in gidigeenba aan u kacno boor ka jafidda Afka soomaaliga ,waxaana ka codsanayaa wixii ka haray guddigii afka soomaaliga & kuwa daneeya suugaanta & luqooyinkaba in ay u kacaan in ay soo nooleeyaan suugaanteenii & waliba naxwaha afka soomaaliga.
Waxaan halkan ka xusayaa abwaan weyn oo soomaaliyeed oo fartan laatiin ka ee soomaaliga ku qoran asagu fakaray se xaqiisii (copy right) uu kacaankii duudsiyey
waana Shire jaamac Qoraagii (halkankii nolosha) oo ku caan baxay qoridda farta soomaaliga lixdameeyadii oo ku soo saari jiray wargeys la oran jiray( aqoon la,aan waa iftiin la,aan)!!!!
Waxaan kaloo halkan ka xusayaa dad fara badan oo jeclaa in farta soomaaliga farta carabiga lagu qoro oo ay halheys u aheyd( latin waa laa diin) !!!
oo runtii haddii afka soomaaliga carabi lagu qori lahaa hal dhagax ayaan labo shimbirood ku dili laheyn sida farta urdida ay carabi ugu qoran tahay oo kale.


MAHADSANIDIIN


SAAHID MAXAMED YUSUF
TORONTO,CANADA
GACAMAY@HOTMAIL.COM

 QORAALADII HORE EE SAAHID

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD