IS QURXINTA DUMARKA:
QARASH BEEL IYO QURUX BEEL.

W.Q.: Fahad Yasiin
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
Dec 9, 2003
Oday ay Da’diisu ay hadda tahay
97.Jir oo uu dhawaan wiil ugu dhashay Isbitaalka ku yaal Hargeysa ayey
BBC-du weydiisay waxa aduunkii hore iyo aduunkan cusub ku kala duwan
yahay, wuxuu ku jawaabay, “ Raggan hadda jooga Qaadbaa baaba’shay,
Dumarka hadda joogana is cadayn baa lumisay” Odagaas wax ka yaabshay sow
muu arag? Waxaa lagu maahmaaha “ MUGDI IYO DOQON BAA MADOW” ilbaxnimadii
waxay noqotay daawa is marin, gabadhaad ogayd shalay iyadoo midab madow,
maanta wey cadaatay, waxaan is weydiiyaa tolow Gabadhan is Madoobeysay
oo haddana cadaatay hadduu Aabaheed arko ma’aqoon karaa? Qoraaga weyn ee
R/Carbeed ( JIHAAD AL-KHAAZIN) ayaa sheegay in isqurxintu ay noqotay
shaqo aad looga macaasho, sidoo kale dhakhaatiirta ka shaqeeya
qalliinada is qurxinta ayaa sii kordhaya, Maraykanka oo kaliya baa intii
u dhaxeysay 92.ilaa 99. lagu sameeyey qalliinka is qurxinta 3.Malyan oo
qof oo Maraykan ah, halkan Ingiriska lagu sameeyey Qalliinka is qurxinta
650.Kun oo qof.
Waddamada Galbeedka waxaa aad
ugu faafay qalliinada isqurxinta heer ay dhacdo in qofku uu dhawr jeer
is qalo isaga oo qurux raadinaya, waxaa la sheegay in Gabari ay dhawr
jeer is qashay iyadoo rabtay iney ku guleysato tartan quruxeed, kolkii
ay u soo istaagtay iney muujiso quruxdeeda ayey guddigii qiimeynta
quruxda ku xukumeen kun doolaar oo ganaax ah maadaama ay nafteeda ku
cayaartay, dhakhtar R/Baraaziil ah oo ku caanbxay qalliinada isqurxinta
ayaa TV u sheegay in ay fulin karaan dhamaan codsiyada is qurxinta marka
laga reebo kordhinta dhirirka, Khaazin oo hadalkiisii sii wata ayaa
raaciyey, waxaan ku noolahay London waxaan baaray lacagta lagu baxsho
qalliinada is qurxinta, waxaan ogaaday ayuu yiri “Khaazin” qurxinta
Sanka iney ku baxdo 3200.oo Gini, Sunniyaha oo la qurxiyana waa 3000. oo
Gini, Wajiga oo la soo koobana waa 4500. Gini, Naasaha oo la weyneeyana
waa 4000.Gini, haddii la yareynayana waa 5000.Gini, Baabi’inta Hilibka
Calooshana waa 3500.Gini, Baabi’inta Hilibka Bowdyada iyo qaarka danbana
waa 2200.Gini,
Haweeney la yiraahdo “ Joosliin”
iyadoo is qurxin raadineysa ayey meel walba oo jirkeeda ah qalliin ku
samaysay, waxayse ku keentay in ninkeedii oo Fannaan ahaa uu furo,
isagoo ku nacay isqurxinta tirada badan, Fanaanadda kale “ Shiir” ayaa
iyadu qirtay iney gashay dhawr qalliin si ay qurux dheeri ah u hesho,
qalliimada ay isku samaysay waxaa kamid ahaa, weyneynta Xabadka,
baabi’inta hilibka caloosha, weyneynta qaarka danbe, intaasoo hawla
waxay u gashay qurux raadin, Haweney kale oo Faransiis ah oo lagu
magacaabo “Loolo” oo dhimatay Sanadkii 2000. ayaa la sheegay iney
17.Jeer Qalliin u gashay si Naasaha u weyneyso ilaa ay qaadi kari weyday
naaseheedii, waxaa la sheegay in naasaheeda ay noqdeen afar meelood meel
marka jirkeeda la miisaamo.
Naagtaasi quruxdii ay
raadineysay ayaa noqotay sababtii ay u dhimatay, ninkii iyada qabayna
waxaa maxkamad loo soo taagay inuu ka qayb qaatay ku dhiiri galinta
qalliinka is qurxinta, Gabadh iyaduna Kalaabyada ka dheesha oo Maraykan
ah ayaa maxkamad tagtay, waxay tiri geeri ayaan aad u jantay xanuunka
aan dareemayo awgii, iyo khasaaraha dhaqaale ee isoo gaaray, waxay
qalliin isqurxineed isaga samaysay qaarka danbe taaso u keentay xanuun
joogta ah iyo foolxumo ka muuqatay, xanuunkii qabanayey wuxuu gaarsiiyey
iney fariisan kari weydo, Qaalligii Maxkamadda wuxuu u xukumay in la
siiyo 30.Kun oo Doolar, walow ay codsatay 2.Boqol kun oo Doolar, Qoraaga
“Jihaad” wuxuu sheegay in mar laga codsaday in uu kun Doolar oo dayn ah
bixiyo si loogu galo qalliinka isqurxina, wuxuu yiri waan diiday inaan
bixiyo dayntaa anigoo ka baqanayey inaan garan waayo qofkii daynta iga
qaatay maadama uu qallin isku sameeyey.
Dumarka kolka ay quruxda
raadinayaan waxay ka tahay Ragga aragooda qanciya si aad kii ku calman
lahaa usoo jiidato, iyagoo is hilmaansiinaya in quruxda tan ugu fiican
ay tahay tii Ilaahay ku abuuray, dadkana wuxuu rabbi ku abuuray qurux
tan ugu sareysa, Dumarka Soomaalida sannadahan danbe waxa ku faafaya
cudurka is qurxinta, iyagoo is leh ku dayda haweenka R/Galbeedka, waxa
suuq fiican yeeshay daawooyinka la isku cadeeyo ee la mariyo jirka,
taasoo ay caddaatay in caafimaadka uu wax u dhimo sida ay cadeeyeen
dhakhaatiirta jirka.
Geeska Afrika magaalooyinka
aadka looga yaqaanay is cadaynta waxaa kamid ah Jabuuti oo iyadu xilli
hore ku billaabatay waxaana la sheegay in ayba jiraan Barkado lagu
mayrto si halmar loo wada cadaado, waxaa ku soo xiga Hargeysa oo iyadana
dhaqankaas uu ku sii kordhayo, waxaan ka sii daran magaaladan Nairobi oo
aad si xoogan uga dareemeyso is-cadaynta dumarka, Gabdhaha Soomaalida ee
deggan xaafadda islii ayaa waayadan laga dareemayaa iney suuq u yeeleen
daawooyinka is cadaynta, arrintaas oo ah mid aad looga naxo, waxaan
oganahay in Gabdha Soomaalidu aysan wali gaarin isku samayn qalliinada
is qurxinta, taasoo la is dhihi karo sababaheeda waxaaba kamid ah
dhaqaalahaas oo aan la heli karin.
Quruxdu waa qofwalba iyo
aragtisiida, waxaana hubaal ah in ruux kasta ay quruxdiisa ku dhan tahay
sida Eebbe u abuuray, wax adiga kula fool xun ayaa qof kale la qurxanaan
karaa, Sh.Camar Faaruuq ayey kol sii horeysay isagoo Muxaadaro ka
bixinaya Yurub Su’aalo laga weydiiyey quruxda Dumarka, wuxuu yiri (
Haweenka hada la yiraahdo Adduunkey ugu qurux badan yihiin Ceesaan Caano
iiga soo lis ma dheheen) waa sidaasoo Naag hebla ayaa dunida ugu qurux
badan waa un macna darro dadka lagu daalinayo, haddaba haddii aad tahay
kuwa isku mashquuliya arimahaas waxaa kula haboon inaad aad uga fiirsato.
W.Q.: Fahad Yasiin
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
Dec 9, 2003
QORAALKII HORE EE FAHAD.... GUJI
|