SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GAACA
WARBIXIN: CEELKA GAACA EE BOOSAASO

"Gaaca" waa meel biyuhu ka dhacaan Gu' iyo Jiilaalba oo ku taal 31Km Koonfur Bari ee Bosaaso

Qore: Ciise maxamud Dhollowaa

XUSUUS: Guji Sawirada si aad u aragtid ayaga oo weyn.


GAACA, BOOSAASO: EEG SAWIRKA OO WEYN

Puntland Chamber of Commerce waa hay'ad aad u weyn hawsheeduna tahay hurumarinta iyo kobcinta arimaha baayacmushtarka ee Dawlad Goboleedka Puntland, xaruntooduna waxaa ay ku taal magaalada marsada ah ee Bosaaso.

Waxaana aad uga helay sida Gudoomiyaha Xarunta, Maxamed Curcuro iyo Xoog-hayihiisa guud, Cali Maxamed Ciise ay isugu howlayaan horumarinta hawsha ay qabtaan oo ah sidii ay Xarunta uga dhigi lahaayeen meel wax-ku-ool ah, oo u hawl-gasha sidii loogu talagaly.

Waxaa aniga iyo Cabdirisaaq Shoole oo ah diiwaan-hayaha [Registara-ga] Jaamacada Jaamacada East Africa University aanu fursad u helay in aan raacno safar at Gudoomiyaha Puntland Chamber of Commerce iyo Xoog-hayihiisa Guud ay ku kala bixinayeen "Gaaca" oo caan ku ah meel biyuhu ka dhacaan Gu' iyo Jiilaalba, iyaga oo ku soo urura meel kale oo ay gadaal ugu noqdaan dhulka gudihiisa.

Maxamed Curcuro Cali Maxamed Ciise

Gaaca waxaa ay ku taal 31Km Koonfur Bari ee magaalada Bosaaso, waxaana tagta wado aan laami ahayn. Waana afka togga loo yaqaan Baalade oo magaalada Bosaaso ka mara dhinaca galbeedka magaalada oo ah meesha u dhexaysa Airporka iyo magaalada Bosaaso.

Safarkaas oo nalaku casumey, wuxuu ku saabsanaa sidii loogu kuur geli lahaa, loona soo baari lahaa biyaha Gaaca ee had iyo jeer iska socda iyo sidii looga faa'iidaysan lahaa. Waxaan aragnay in meeshaas biyuhu had iyo jeer ka socdaan ay tahay arin u baahan in dadka dhaqalaha haysata ay ka faa'iidaysan karaan. Khaasatan kuwa biyaha ka baayac mushtara. Biyahaas waxaa lagu shubi karaa qoraaradaha amaba caagaga, waxaana filayaa in arintaasi tahay mid suurta gal ah. Biyahaas marka aan dhadhamiyey waxaa aad ugu dhow yihiin, kase yare macan yihiin, kuwa dhulka Puntland looga yaqaan "Wiyeerka" amaba biyahay ceelasha Biri Qodayga ah.

Gaaca waa meel aad iyo aad u qurux badan oo ay ka baxaan dhirta loo yaqaano Baxrsaafka amaba Dhamaska, kuwaas oo leh har qabow oo kusoo jiidanaya. Waxaad agagaarka ceelkaas ku arkaysaa Ugaar iyo xoolo baadiye oo u soo biya doontay. Gaaca waxaa ay ku taal meel labo qar ay isugu yimaadaan ee tog-ga Baalade kasoo bilowdo. Waana meel soo oodan oo sida keliya oo lagu tagaa tahay iyada oo toggaas kor loo "xulo", marka laga soo noqdana waa in togaas hoos loo "togaa". [kelmedahaan si aad u garto waa in aad Somali reer Bari ah amaba qof Af-Somaliga si fiican u yaqaan aad weydiisaa macnohooda.]

Waxaa Gaaca agagaarkeeda iyo qararka labadeeda daan saaran ku yaala geedaha Maydiga laga gurto oo runtii aad iyo aad iiga fajiciyey. Geedka Maydiga ahi waa ka duwan yahay kan geedka "Beeyada". Horay uma aanan aqoon sida, meesha iyo qaabka geedkaas Maydiga laga gurtaa u baxo. Waxaanse safarkan ku ogaadey arimo badan oo keedkaan Maydiga u gaar ah.

Geedka Maydiga ahi waxaa uu ka baxaa Buuraha Calmadow iyo Cal cad oo isugu yimaada Karin Bosaaso. Waxaana buurahaasi ka mid yihiin buuraha Golis ee ku yaala Waqooyi Bari iyo Wayi Galbeedka Somaliya. Geedka Maydiga ahi waxaa uu ka baxaa, intiisa badan, meel dhadhaab ah oo adag. Waxana cajaa'ib ah geedkaasi xidido maleh oo jiridiisu waxaa ay isku balaarisaa dhagaxa ay ka dul baxdo. Waxaana uu ugu fidaa dhadhaabtaas isaga oo u hasyta sidii calaacal kubad haysa oo kale.

Waxaa aad iiga cajabiyey sida uu biyo u helo maadaama uu dhadhaab ka baxayo. ragii aan la socdeynaa waxaa ay ii sheegeen in arinkani yahay mid Mucjiso ah una baahan in dadka dhirta ku xeel dheeri u baahan yihiin in ay baaraan. Arinkaasna waxaa aad u xisaynayey Cabdirisaaq Shoole oo ka socdey jaamacada East Africa University.

Geedkaas waxaa uu ka laad laadaa gebiyada qararkaas aan agtooda maray, waxaana cajaa'ib ah in qararkaas aan wax kale oo dhir ahi ka muuqan isaga mooyaane. waxaadna qarka salkiisa ku arkaysaa geedo Maydi ah oo qarka ka soo fuqay. Markaas ayaadna arki kartaa in aanu xidodo lahayn ee uu sidii kooladii oo kale ugu dhegsanaa qarka gebiyadiisa.

Socdaalkan ay nagu casumeen Gudoomiyaha Xarunta Ganacsiga iyo Xoog-Hayihiisu nooma suurta galeen hadii aanu na caawiyin Wasiirka Ganacsiga ee Dawlad Goboleedka Puntland, Mr. Faarax Maxamud "Dooxa-Joog" oo gaarigiisa iyo dareewalkiis khaaska ah na siiyey. Runtiina lama mari kareen hadii aanan baabuurkaas 4-Wheel Drive-ka ah aanan ka xaysan.

Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa dadka iyagu ka baayac mushatara biyaha lagu shubo caaga amaba quraaradaha in ay Gaaca ka war hayaan ogaadaan in ay tahay meel dhaqaale laga samayn karo hadii loo helo dhaqaale lagu maal hesho. Cidii danayneysa arinkaas waxaa ay la xiriiri karaan Ciise Dhollowaa.

     
Guji Sawirada si aad u aragtid iyaga oo weyn

Dhamaad

Walaalkaa
Ciise maxamud Dhollowaa

 imfarah@students.latrobe.edu.au

Faafin: www.SomaliTalk.com | June 25, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

 

LIFAAQ

Haddii loo helo dhaqaale, isla mar ahaantaana lagu sameeyo cilmi baaris, waxaa suurtagal noqon kara in biyaha magaalada Boosaaso laga cabo toos looga soo qaban karo Gaaca. Tusaale waxaa taas u ah magaalada Ufayn oo aan sidaas Boosaaso uga fogeyn biyaha laga cabo waa tuubooyin uu TALYAANIGII geliyey magaaladaas xiligii GUMEYSIGa, tuubooyinkaasna waxaa biyaha lagaga soo qabtay meel biyo kasocdaan sida Gaaca oo magaaladaas aad uga durugsan, ilaa hadda tuubooyinkaas ayaa biyahaya laga cabaa, waana biyo nadiif ah oo u dhigma kuwa qasacadaha ama caagaga ee lacagta badan adduunka kaga baxda. Sidaas oo kale ayaa Boosaaso loo gelin karaa biyaha.

Boosaaso, iyo meelo badan oo Soomaaliya ah, waxaad arkeysaa in ceelasha biyaha laga qodo guryaha, ceelka agtiisana laga qodo MUSQUL, taas oo biyaha musqusha hoos uga maaxda ay ku darsami karaan kuwa ceelka. UFIIRSO: Tusaale ahaan magaalada kutaal dhulka dhoobeyda haddii ceel laga qodo meel u dhow guriga, iyo haddii ceel laga qodo Boosaaso waxaa biyuhu ceelka hor-gaarayaan BOOSAASO, waayo boosaaso waa dhul dhagax ah oo biyuhu si fudud ayey dhagaxa iyo quruuruxa u dhex mari karaan.

Waxaa jira oraah ay reer Boosaaso ceelkaas ugu yeeraan oo ah: MAXAA GAACA BIYO JAW-LEH: Taas oo ay ku muujinayaan xadiga iyo xawliga biyaah ee ceelkaas kasoo baxaya.

KAAHFaafin: SomaliTalk.com | June 25, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Wiilkii ku Dhashay Calooshiisa oo Dibada Taal oo Qalliin Kaddib Caafimaaday
AUSTRALIA: Cumar yare waxaa waalidkiis dib loogu celindoonaa July 21, aad ayuuna u caafimaad qabaa kaddib markii lagu sameeyey qalliino kala duwan GUJI... 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


GAACA:
Biyaha had iyo jeer ka socdaan Gaaca waa laga faa'iidaysan karaan. Biyahaas waxaa lagu shubi karaa qoraaradaha amaba caagaga...


UFAYN:
Waa magaalo kutaal gobolka Bari, magaaladaas Talyaanigii ayaa biyaha uga soo qabtay meel aad uga durugsan magaalada, biyahaas oo ah kuwo kasoo dhacaya tog sida kan gaaca ah, ila ahadda UFAYN tuubooyinkii Talyaanigu u geliyey ayaa biyaha u keena oo laga cabaa.


MAYDI IYO BEEYO:
Waa laba geed oo ay kasoo baxaan xcabagta qaaliga ah ee loo dhoofiyo khaliijka, dhirtaas oo aan Soomaalidu garanay waxa xabagtaas carabta loo iibgeeyo ay ka sameeyaan ama meelaha ay usii iib geeyaan.


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD