SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB

NIN SOOMAALIYEED OO DILAY XAASKIISA IYO LABO CARUUR UU DHALAY

Magacyada qoyska la diley oo si rasmi ah loo faafiyey

Hooyada soomaaliyeed ee dhimmatay oo 29 jir ahayd ayaa waxaa magaceeda la yiraahdaa Asha Abdi Aden Ali, labada gabdhoodna waxaa la kala yiraahdaa Ikraan Aden Mohammed oo jirta labo sanno iyo Idil Aden Mohammed oo iyadana jirtay 8 billood.


Maalinimadii shaleey ahayd sabti tr. 11.01.03 saacadda Norwey markay ahayd waxyar kahor 12-ka duhurnimo ayaa nin soomaaliyeed ku dilay xaaskii uu qabay iyo labo caruur oo uu dhalay magaallada Oslo, xarunta dalka Norwey.

Arrintan naxdinta leh, isla mar ahaantaana si hal mar ah uga wada fajicisay dhammaan soomaalida reer Norwey iyo booliiskii arkay meydka hooyadan soomaaliyeed iyo labadeeda gabdhood ayaa lagu soo daabacay bogagga hore ee wargaysyada ka soo baxa Norwey.

Ninkan soomaaliyeed oo 28 jir ah ayaanan la ogeyn ilaa iyo hadda sababta ku kelliftay inuu dilo xaaskiisa iyo caruurta uu dhalay oo da’dooda u kala dhaxeysay 2 jir iyo 8 billood, iyadoo sida ay sheegeen wargaysyada ay qoyskan soomaaliyeed waqtiyadii ugu danbeeyay aynan isla degganayn oo ay ku kala maqnaayeen khilaaf dhexdooda yaalay.

Inkastoo aan la hubin saacadda uu dilay ninkaan soomaaliyeed xaaskiisa iyo caruurta uu dhalay, haddana waxay booliiska Norwey u badinayaan inuu dilkan dhacay subaxnimadii hore ee shaleey, iyadoo markii uu dilay qoyskiisa kadib ku soo cararay dukaan lagu magacaabo REMO 1000 kuna yaallay xaafadda ay qoyska soomaaliyeed degganaayeen ee Hauketo ee magaallada Oslo.

 

  (qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Markii shaqaalaha dukaanka ay la xiriireen booliiska, ayna booliiskii yimaadeen waxay durbadiiba qabteen ninkan, wuxuuna ku yiri booliiska “waxaan soo dilay xaaskayga, meydkeeda wuxuu yaallaa guriga”.

Booliiskii oo aanan sidaas markii hore u rumeysan hadalladii uu ninka yiri ayaa markay yimaadeen gurigii indhahooda ku arkay hooyadii soomaaliyeed iyo labadeeda gabdhood oo meydkooda kala yaaliin qolka fadhiga iyo qolka jiifka, dhaawacii kaga yimid mindidii uu ku dilayna ay si wacan uga muuqato jirkooda. Ninka soomaaliyeed ayaa dhammaantood ku dilay mindidii uu watay, sidaasna wuxuu ku waayay wixii uu ifka ku lahaa ee xaaskiisa iyo labadiisii gabdhood ee yaryaraa.

Hooyada soomaaliyeed ee dhimmatay oo 29 jir ahayd ayaa waxaa magaceeda la yiraahdaa Asha Abdi Aden Ali, labada gabdhoodna waxaa la kala yiraahdaa Ikraan Aden Mohammed oo jirta labo sanno iyo Idil Aden Mohammed oo iyadana jirtay 8 billood.

Dad deris la ahaa qoyskaan soomaaliyeed ayaa u sheegay wargayska Aftenposten in ninkan soomaaliyeed uu qabay mushkilad nafsi. Dhinaca kale, waxay intaa raaciyeen in laga maqlayay guriga qoyskan billooyinkii ugu danbeeyay xasarad iyo buuq joogto ah, iyadoo taasi tilmaan cad u ah khilaafka weyn ee qoyskaas haystay.

Weli booliiska ma ayan wareysan denbiilaha soomaaliyeed, hase ahaatee sida uu wargayska aftenposten qoray waxaa loo sameeyay qarkeen goob joog ku ahaada goobta lagu wareysanayo.

Dhacdadan oo kale ayaanan inta ka badan la soo gudboonaanin guud ahaan bulshada soomaalida. Hase ahaatee, waxaan shaki ku jirin inay shilkii ku yimid shaleey qoyskan soomaaliyeed ay horseedi karto kuwo kale oo ka sii xun, waa haddii aan loo helin xal looga hortago inay dib danbe u soo noq-noqdaan.

Soomaalida ku dhaqan dalka Norwey waxaa lagu qiyaasaa 8-9000 qof, waxayna intooda badan deggan yihiin xarunta dalka Norwey ee Oslo.
 http://www.aftenposten.no/nyheter/iriks/article.jhtml?articleID=469617

ama cinwaanka wargayska http://www.aftenposten.no 

 Tarjumadii Ibraahim Saalax, SomaliTalk.com

I  I  D  H  E  H

January 12, 2003 

Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso
MINNESOTA: Habeenimadii  Sabtida waxaa magaalada Minneaplis lagu qabtay shirweyne uu ka hadlay hormuud kasocda Jaamacada Boosaaso iyo aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed, sidii uu u dhacay  KA.AKHRI.HALKAN 

»» XAJJ: Shuruudaha Xajka [Abdulfatah Mohammed]
»» Gudashada Cibaadada Xajka [Ibraahim Saalax]
»»
AFAR XAAS AYAAN LEEYAHAY  [Sheeko Xiisa leh]
»» FAALLO: KENYA WAA TAASE SOOMAALIYA MEEDAY?
»» 24 SAACADOOD: MA'AQAAN WAXAAN KU SAMEEYO      

TABAABULSHIHII DAGAALKII UXUD
& sidii munaafiqiintu isugu dayeen kala jebinta muslimiinta

»»Taxanaha siiradii Nebi Muxammed SCW GUJI... 11/1

 

FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka faraha badan! GUJI.. 2/1/3 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD