SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Senatorka cusub ee Minnesota Norm Coleman oo la dhaariyay laguna daray gudiga
Senator Norm Coleman
odayaasha ee arrimaha dibadda! 

wardheere Mahamoud N. Wardere 

  mwardere@oakwood.com  

 Musharaxii hore ee duqa Minnesota

 Faafin: SomaliTalk Minnesota, USA
 Jan 8, 2003

Maanta oo ay bisha January toddobo tahay waxaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka ka bilawday congresskii 108aad ayadoo ay ka dhex muuqdaan xubno badan oo cusub oo ku soo baxay doorashadii u danbaysay ee dhacday bishii November ee sanadkii tegay ee 2002. Congresskan cusub labada aqal ee sharci dejinta iyo aqalka cad ba sanadkan waxaa maamulka u haya xisbiga Jamhuuriga (GOP). Madaxda cusub reer Minnesota waxay ku lahaayeen labo nin oo kala ah: Senator Norm Coleman iyo US Rep John Kline : labaduba waxay ka socdaan xisbiga Jamhuuriga. 
(warka oo dhamaystitan
Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Rep. John KlineJohn Kline oo ah nin ka soo jeeda gobola Texes waa nin kornayl marines ah oo ka soo shaqeeyay Soomaaliya xiligii “Operation Restore Hope” oo isu bedelay Siyaasi waxayna isku dheer yihiin Reer Bush. John Kline wuxuu jecel yahay inuu ku biiro gudiga ciidamada asagoo sheegay inuu dhinacaas qibrad u leeyahay wadankuna dagaal ku jiro difaacna loo baahan yahay.

Dhanka kale waxaa asagana maanta la caleemo saaray Senator Norm Coleman oo hore u ahaan jiray duqa magaalada St. Paul Minnesota. Coleman wuxuu la wareegay kursigii senatorkii dhintay ee Paul Wellston ninkaas oo ay diyaarad la dhacday 10 beri ka hor maalintii doorashada halkaas oo ay ku dhinteen asaga iyo xaaskiisa iyo gabadhiisa iyo labo qof oo ololihiisa doorashada ka shaqaynayay iyo weliba labo pilot.

Coleman oo ahaan jiray xubin ka tirsan xisbiga dimoqraadiga oo Minnesota looga yaqaanno (DFL) wuxuu u wareegay xisbiga jamhuuriga (GOP) 1996, fikradda ah inuu u cararo (ama u ordo) kursiga Senatornimada waxaa iska lahaa madaxwayne Bush iyo ninkii hogaaminayay istratiijiyadda doorashada ee xisbiga jamhuuriga ee 2002 Bill Frist kaasoo hadda asagana loo magacaabay senate majority leader iyo nin kale oo ah la taliyaha madax waynaha ee xagga siyaasadda.

  . Kulankii 19kii Oct 2002 ee Soomaalida iyo labadii musharax ee markaas ..... GUJI 

 . shantii su'aalood ee labada musharax la weydiiyey in ay kaga jawaabaan HAA ama MAYA

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo jooga Minnesota ayaa aad u danaynayay Senatorka cusub Norm Coleman iyo gudiyada uu ku biiri karo( Minnesota waa meesha ay Soomaalida American ugu badan yihiin siyaasaddana firfircooni ka muujiyaan) Soomalida waxaa saamayn ku yeeshay 9/11 iyo filinkii “Black Hawk Down” kaasoo keenay inuu sawirka Soomaalida yahay dad wuxuush ah oo dhiig cab ah oo laaya dadkii u soo gurmada.

Coleman wuxuu ku biiri doonaa gudiga senateka ee xagga beeraha iyo xagga arrimaha wada shaqaynta dawladaha (federal, States, iyo local governments) iyo weliba u kuurgelidda habsami u socodka arrimaha hawlaha dawladda. Waxaase intaba ka sii yaab badnayd shalay markii si lama filaan ah loogu dhawaaqay in Bill Frist uu Coleman ku daray gudiga senateka ee arrimaha dibadda waayo gudiyada qaarkood sida kan arrimaha dibadda waxaa la isugu daraa sidii loo soo kala horeeyay iyo sababo kale. Dadkii ogaa in madaxwayne Bush, Bill Frist, iyo mayorkii hore ee New York Rudy Juliani inay u ololeeyeen Coleman la yaab kuma noqon Coleman oo cusub in lagu daro gudiga odayaasha ee arrimaha dibadda.

Coleman 100 ka beri oo u horeeya wuxuu sheegay inuu la qabsan doono nidaamka iyo nolosha gurigiisa cusub ee Washington DC saaxiibo badanna ka kasban doono congresska. Hadda waxaa la siiyay qol yar oo ku yaal dhulka hoostiisa (basement) xafiis ku meel gaar ahaan ilaa dadka ka soo horeeyay ay qaybsanayaan xafiisyada fiicfiican markaas ayuu qayb ka heli doonaa wixii soo hara. Aqalka Senateka waa meel wax walba lagu qiimeeyo sidii loo soo kala horeeyay (asiyaanenimo) Colemanna waa ninka 98aad: ogow senatka waa 100 xubnood oo wada cadaan ah. [halkan ka eeg liiska senators-ka]  

Senator Norm Coleman waxaa Minnesota mar-labaad lagu caleemo saari doonaa January 24, 2003. Wuxuu balan qaaday inuu bulshada Soomaalida ee Minnesota la kulmi doona saddexda bilood ee u horeysa gudaheeda haddii uu doorashada ku guulaysto si uu u ogaado waxyaabaha ay tabanayaan! [ eeg kulankii Oct 19, 2002 oo ahaa kii uu hadalkaas ku ballan qaaday

I  I  D  H  E  H

Mahamoud N. Wardere

mwardere@oakwood.com 

 

January 8, 2003 

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12


 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD